Mohamed zeki
Bs (software engineering)
Karachi pakistan
mohamed_zeki@hotmail.com
Aayado qur'aan ah, Axaadis iyo Oraah ku saabsan guurka
Arar
Qoysku waa asaaska mujtamaca banii-aadamka
, taasoo ah arrin ay isku raacsanyihiin diimaha iyo bulshooyinka kala duwani.
Diinta Islaamku waxay arrinta guurka siisay tix gelin gaar ah, iyadoo u
arkaysa in guurku uu yahaay dhabbe lagu gaari karo xasillooni, gacalo iyo
naxariis dhex marta labada qof ee is guursadey, asturaad arrimohooda qarsoon,
xoojin diinta qofka iyo baaqi yeelid isirka banii-aadamka.
Aayadaha iyo xadiiska hoos ku xusani waxay
tilmaamayaan faa’iidooyinka guurku suuro gelin karo:
“Aayadihiisa waxaa
ka mid ah inuu naftiinna idiinka abuuray xaasas, si aad ugu xasishaan,
wuxuuna dhexdiinna yeelay gacalo iyo naxariis; arrintaas waxaa tusaale ugu
suganyahay ciddii fakaraysa”, (Suurat Ar-ruum, aayad 21).
”Waxaa laydiin
xalaaleeyey habeenka soonka inaad haweenkiinna ka dan gudataan; iyagu waxay
idiin yihiin asturaad, idinkuna waxaad u tihiin asturaad………”. (Suratul
Baqarah, aayad 187)
Nebigeennii
suubbanaa waxa laga weriyey inuu yiri: “Qofkii guursadaa wuxuu kaamil yeelay
diintiisa nuskeed ee nuska haray ilaalintiisa Ilaahay ha kaga cabsado”.
Waxaa mahad gaar ah loo celinayaa Shiikh
Maxamed Carte oo gacan fiican ka geystey qeexidda iyo fasiiraadda aayadaha
iyo axaadiista qoraalka ku soo arooray.
1). DANAHA GUURKA
- Gudasho baahi jinsi
- Dhal
- Dhismo qoys
Waxaa halka ku xusan oraaho iyo axaadiis ku
soo arooray dhiirro gelinta guurka.
“Wax lagu talo baxo guur baa ugu
wanaagsan”
“Gaari inta la raadinayaa goombaar
wiilkeed tabar galaa”
“Raggu waa wiilki dhale, walaalki
dhale iyo wadki dhale”
Wiilki dhale waa ninkii guursada isagoo
gaarey da’dii caadi ahaan lagu guursan jirey oo markaas wiil dhala.
Walaalkii dhale waa kii guursada isagoo aad u da’ yar oo markaas la moodo in
isaga iyo wiilkiisu isku da’ yihiin. Wadki dhale waa ninkii wax dhala isagoo
duqoobey oo markass inta cimrigiisa ka hartay oo dhan ku dhammeeya korinta
wiilka yar oo uu dhalay, isagoo aan calfan doonin wiilkaas waxtarkiisa.
Haddaba, waa in ninku guursado waqti hore oo uu ku noqon karo wiilki dhale
ama walaalki dhale.
Xagga diintana bal aan eegno axaadiista
soo socota oo ku soo aroortay dhiirrogelinta guurka:
“Dhallinyaroy midkii idinka mid ah oo guur awoodaa ha guursado, maxaa yeelay
taasaa isha u laabid badan ibtana u dhawrid badan; kii guurka awoodi
waayaana ha soomo maxaa yeelay wuxuu u noqonayaa dhufaan”
“Guursada midda
dhasha badan oo gacalada badan, maxaa yeelay tiradiinna ayaan ummadaha kula
tartami doonaa maalinta qiyaamaha”.
Haddaba, su’aashu waxaa weeye sidee baa
lagu ogaan karaa midda dhasha badan dhali doonta, inta aan la guursan?. Taas
waxaa looga qiyaas qaadanayaa haweenka qaraabadeeda ah.
Sida muuqata xaddiiskaan dambe wuxuu ka
hor jeedaa fikradda yaraynta dhasha oo ay gaaladu hadda aadka u faafinayso
2). XULASHADA
GABADHA
“Wiilkaagu wuxuu hiilo kaaga
baahanyahay marka aad hooyadiis guursanaysid”
Oraahdaas waxaa loola jeedaa in ninka guursanayaa uu si fiican uga fiirsado
gabadha uu guursanayo iyo cidda uu ka guursanayo.
Xaddiiska soo socdaa wuxuu tusaalaynayaa
tilmaamaha lagu xusho haweeneyda la guursanayo, isagoo xoogga saaraya
doorashada midda diinta leh, sababtoo ah inay tahay tan garanaysa
waajibaadka saaran iyo xuquuqda ay leedahay.
“Haweeneyda waxaa lagu guursadaa afar
waxyaalood: quruxdeeda, maalkeeda, dhaladnimadeeda iyo diinteeda, ee ku
guuleyso midda diinta leh; haddii aadan sidaas yeelinna waqay gacantaadu
ciidda ku dhacdaa!”. Xadiiska soo socdaa wuxuu isna tilmaamayaa in xubinta
ugu muhimsan ee nolosha ninku ay tahay naagta wanaagsan.
“Adduunku waa nafci waqti gaaban, nafcigaas kan ugu wanaagsanina waa
haweeneyda suubban”.
3). TILMAAMAHA HABBOON EE
HAWEENKA
Dal waliba wuxuu iska leeyahay hab uu u
qiimeeyo hadba wixii uu jecelyahay, taasoo ku xiran hiddihiisa. Haddaba,
halkaan waxaa ku xusan oraaho ragga Somaaliyeed uga faalloodeen tilmaamaha
habboon oo ay jecelyihiin inay ka helaan haweenka, kuwaaso ay ka mid yihiin:
xishoodka, ciryarida, eray yarida, gaarinnimada, iwl . Oraahihiina waa
kuwaan:
”Geel waa xoox
farasna waa xawlli, rag waa xaajo dumarna waa xishood”
“Naa saw taan ku
iri maahooy codkiyo caanaha yaraysoo, riyaha ceesaan ka maaley.”
“Haddaad inan (wiil)
tahay orohdaadaa la caddaystaa , haddaad inan (gabar) tahaynaa ilkahaagaa la
caddaystaa”
“Geel ways dhaafi
doonaa wada dhalo sidiisii ways dhaafi doonaa; faras ways dhaafi doonaa
dhididsado sidiisii ways dhaafi doonaa; rag ways dhaafi doonaa dhiidhiyo
sidiisii ways dhaafi doonaa; dumar ways dhaafi doonaa dhiga galo sidiisii
(la guursado) ways dhaafi doonaa”
“Saddex baa quruxi
ku cashiday: hal cad oo candhoole ah, faras cad oo cur laga gubey iyo naag
cad oo aan ragga cayilin”
“Naagtii basiliyaan
Ilaah barin wax xoogaana , baalidu sidii habas hadday boor ka kici weydo
marnabana inayan bilic yeelanayn ba’a e yaw sheega” (Sayid Maxamed)
“Saddex waa gollo
castahay: golcas gaban ugaareed, guri dayr xun laga degey iyo gol ma xirato
naagood”
“Ragga magici lama
helin, maareeye loo oran; geela magici lama helin, manqo koriye loo oran;
dumar magici lama helin, miska weyne loo oran”
“Rag calooshi la
cayaar iyo ciil kama baxaw daran, dumarna cirkeed bogato iyo casar seexataw
daran”
4). NOOCYADA RAGGA KA MIDKA AH OO
AAN HAWEENKU JECLAYN
Ilaa hadda waxaan ka soo faalloonnay aragtida ragga ee
xagga haweenka, haatanna bal aan aragno tan haweenka ee xagga ragga. Afarta
nooc oo soo socda oo ragga ka midka ahi waa kuwa haweenku dhaliileen:
a)
Ninka dheer iyo kan gaaban
“Ninka dheer ha guursan oo
haddii gaajo timaaddo guriguu is bilqaa, ninka gaabanna ha guursan oo haddii
geelu cadhoobo gonduhuu ka dhayaa oo garbasaarta ma gaaro”
b) Xilogubaha (ninka naagaha ku kulul, af iyo
addinba)
“Xilogube lama aqoon waayo
oo waa xoogag dheer yahay oo indhahaa xammeeti ah”.
t)
Qorqodaha (fuuqdhabiilka)
“Naa hoy qorqode wuu
qalaxtamaa oo qaboonadii buu qayliyaa; naa rida qal oo qari buu i yiri naa
qaacu yuu bixin buu i yiri”.
j)
Godadlaha (ninka naagaha badan)
Haweeney baa waxay tiri:
“Gabagabo colaadeed, gablan
wiil la’aaned, gabadanada dayreed iyo godadlaa la kala dhigay”.
Mid kale ayaa soo
booddey oo waxay tiri :
“Gabagabo rag loo bixi,
gablan laga Ilaah bari, gabadano dab laga shidey ee godadle see ka yeellaa”?!
Sida haweeneyda hadalkeeda ka cad haweenka
belaayo uga weyni ma jirto in lala guursado.
5). XANNAANADA
HAWEENKA
Haweenku waxay ka dhexeeyaan saddex gacmood
oo xannaano, kuwaasoo ah :
- Gacanta waalidkooda, inta aan la guursan
- Gacanta nimankooda, marka la guursado
- Gacanta ilmohooda, marka ay weynaadaan
Oraahda soo socotaa waxay tilmaamaysaa waxyaalaha dumarka
u daran oo la rabo in fiiro gaar ah loo yeesho:
“Saddex dumarka waw
belo: ummulnimada jiilaal, ubad lagu uleeyaa iyo arradku dumarka waw belo”
Axaadiista soo socotaa waxay
si xeel dheer u tilmaamayaan dhaqanka habboon oo la rabo in haweenka lagula
dhaqmo:
“Khayr iskula dardaarma
daryeelka haweenka”
“Haweenka ma maamuuso nin
wanaagsan mooye, mana xumeeyo mid xun mooyee”
“Kuwiinna idiinku
ikhyaarsani waa kuwa haweenkooda ugu ikhyaarnimada badan”
6). HADDII KHILAAF DHACO
In khilaaf dhex maro labada qof oo is qaba waa arrin in
badan dhacda. Marka bal aan eegno waxa Soomaalidu arrintaas ka tiri:
“Labo seeddi oo murantay
suugaan rag baan moodey; soddoggii hadday gaarto saxariir rag baan moodey;
soddohdii hadday gaartana ha la kala socdaan moodey”
Oraahda waxaa loola jeedaa inay habboon tahay
in khilaafka qoyska la xalliyo inta uu joogo heerka ugu horreeya ee labada
seeddi ee aan la sii jiidin ilaa uu soddogga iyo soddohda ka gaarayo, taasoo
ah arrin ciribxumo u leh jiritaanka reerka.
“Inta ayan waxba dhalin
keligaa baa jiidi kara, marka ay ilmo aan badnayn dhashana tolkaa kula jiidi
kara, markii ay ilmo badan dhashana cidina ma jiidi karto”
Oraahda waxaa loola jeedaa in inta aan
naagto waxba dhalin ama ay ilmo aan badnayn dhasho uu furriinkeedu suuroobi
karo, marbase haddii ay ilmo badan dhasho uu furriinkeedu yahay arrin aad u
culus oo la rabo in aad looga fogaado. Erayga jiididda waxaa halkaan loogu
isticmaalay waa in naagta la furay lagu matilayo sidii baqti guriga laga
fogeynayo oo kale.
.
Waxay kale oo Soomaalidu tiraahdaa :
“Ninku hal fallaar buu haystaa,
naagtuna labo iyo toban fallaarood, halka fallaar buuna ku dilaa”.
Arrintu ma aha fallaaro run ah ee waxay
tilmaamaysaa heerka dulqaadka ee labada qof. Sida dhacda, markii khilaaf
dhacoba waxaa suurowda in haweeneydu tiraahdo “ha lay furo”, taasoo ka
imanaysa laab-lakaca haweenka ku badan. Markii ay sidaas tiraahdaba waxay la
mid tahay iyadoo fallaareheedii mid ka mid ah gantay. Ninku fallaarta keli
ah oo uu haystaa waa dalaaqda, taasoo markii ay is khilaafaanba ay dhici
karto inuu furriin ugu cago jugleeyo , hase ahaatee uusan marna ka
dhabaynnin. Wax arrintu sidaas ku socotoba waxaa aakhirka la gaaraa waqti ay
haweeneydu, markii ay duqowdo oo ay ogaato in haddii la furo ayan jirin cid
kale oo wax ku falaysaa, ay wax kasta oo ay ninkeeda ka dhaliisho isaga
dulqaadato. Taasi waxay la mid tahay iyadoo ay fallaarihii
badnaa oo ay haysatey ka dhammaadeen, isagoo uusan ninku weli tiisii
isticmaalin. Sababtaasna weeye midda Ilaahay ragga ugu dhiibey hoggaaminta
qoyska.
Bal aan eegno aayadaha iyo xaddiiska hoos ku xusan
oo arrintaan ku saabsan:
“Raggu hoggaamin bay
haweenka ku leeyihiin, taasoo ka imanaysa waxa Ilaahay qaarkood qaarka kale
kaga fadli yeelay iyo waxa ay bixiyeen oo maalkooda ka mid ah………” (Suuratu
An-nisaa’, aayad 34).
Sida aayaddu caddaynayso
hoggaaminta ragga la siiyey waxaa saldhig u ah sababaha soo socda oo kala ah
cilmiga iyo xilqaadka dheeriga ah oo Ilaahay ragga siiyey oo keenaya dulqaad
ka badan kan haweenka, markii khilaaf dhaco, xoogga jirka oo ragga u suuro
gelinaya difaaca qoyska haddii khatari timaaddo iyo kharajka ay ku bixiyaan
reerka dhismihiisa hore iyo daboolidda baahidiisa joogtada ah.
“Haddii aad ka baqdaan
khilaaf labadooda dhex mara soo dira ergo ehelkiisa ah iyo ergo ehelkeeda
ah; haddii ay maslaxo doonayaan Ilaahay wuu waafajinayaa; dhab ahaan Ilaahay
waa kii cilmi iyo xog ogaalnimoba badan” ( Suuratu An-nisaa’, aayad 35)
“Haddii ay
haweeney ninkeeda uga baqdo madaxtaag ama ka jeesasho, danbi korkooda ma
ahaannin haddii ay dhexdooda ka heshiiyaan, heshiiskaana khayr badan……..” (Suuratu
An-nisaa, aayad 128)
Xaddiiska soo socda oo waafaqsan micnaha
aayadahaas, waxaa laga faa’iidaysanayaa in furriinku uu yahay xalliga ugu
xun oo khilaafka qoyska lagu xallin karo, sidaas awgeedna loo baahanyahay in
aad looga fogaado, intii laga fogaan karo.
“Xalaal tan Ilaahay ugu
necebyahay waa furriinka”
7). QALLOOCA HAWEENKA
Bal aan eegno oraahaha soo socda oo qallooca haweenka ku saabsan
“Haween ama ka samir ama
u samir”
Oraahda micneheedu wuu iska cadyahay oo waxaa
weeye in haweenka loo dulqaato maadaama aan laga maarmi karin, inkastoo ay
qallooc badanyihiin.
“Inta ayan waxba kuu dhalin waa
naagtaada, marka ay dhawr carruur ah kuu dhashana waa ilmahaaga hooyadood,
marka ay ilmo waaweyn yeelatana waa shaydaan naagtiis”.
Qaybta dambe ee oraahda waxaa loola jeedaa in
markii ay naagta ilmeheedu koraan oo ay baahideeda daboolaan uusan ninku wax
qiimo ah ugu fadhin oo ay markaas dhici karto inay xannaanadiisa isku laddo.
Waana markaas marka uu ninku ku fekero inuu naag kale guursado.
“Waxaad yeelaysaan
diidney dhaha”
Kaasi waa dardaarankii Arraweelo haweenka
kula dardaarantay oo ahaa inay marka hore maya yiraahdaan waxa hadhow ay
yeeli doonaan, taasoo siinaysa awood gorgortan oo dheeri ah, keenaysana in
la baryo, saa illaa lagama maarmi karee.
Bal aan eegno axaadiista soo socota oo arrintaan
la xiriira:
“Haweeneyda waxaa laga
abuuray feer qalloocan, feertana waxaa ugu qallooc badan qaybta kore, haddii
aad isku daydid inaad toosisana waad jebineysaa haddii aad iska deysidna waa
qalloocnaanaysaa” Riwaayad kale waxaa ku soo arooray:
“ Haweeneydu waa feer oo
kale, haddii aad toosi is tiraahdana waad jebineysaa, haddii aad sideeda
kula dhaqantidna waxaad la dhaqmaysaa iyadoo qallooc ku jiro”
8). DAGAAL LOO GALO
HAWEENKA
Sida la weriyo qisada soo
socotaa waxay ka dhex dhacday Cali Duullane iyo Afxakame oo madax u kala
ahaa labada lafood ee Dhulbahante ee Barkad iyo Bah Ararsame.
Waxaa la sheegaa in labadaas nin midkood, oo aanan hadda
sugi karin midka uu ahaa, uu abtigi gabar soo siiyey. Markaas buu isagoo u
socda meeshii uu reerkiisu degganaa gabadhii la soo dhex maray meeshii ay
degganaayeen ninka kale iyo ciddiisu. Arrintii waxay noqotay in ninkii
reerkiisu meesha degganaa uu kii kale gabadhii ka xoogey oo guursadey. Kii
gabadha laga xoogey markii uu ciddiisii soo gaarey ayuu gabayga guubaabada
ah oo soo socda tiriyey:
“Geel waa la kala
xoogsadaa xubin rag weeyaane”,
“Wax xiniinyo go’an ninkii xilo laga xereeyaaye”.
Sida la sheego labadii lafood ee Barkad iyo Bah Ararsame waxaa arrintaas ku
dhex maray dagaal ay huf qaraban isugu noqdeen.
9). RAAGE UGAAS IYO
JECAYLKA HAWEENKA
Sida la weriyo Raage Ugaas, oo loo
aqoonsanyahay inuu yahay aabbaha gabayga Soomaaliga, wuxuu gabayga bilaabay
markii uu nasiibdarro xun kala kulmay guurkiisii ugu horreeyey. Sida la
sheego, abtigiis ayaa gabar soo siiyey markaas buu ula soo ambabaxay meeshii
ciddiisu degganayd oo habeen loo sii dhaxayey. Iyagoo hurda ayaa goor saq
dhexe ah gabadhii libaax qaaday oo diley. Gabayga catawga ah oo soo socda oo
la sheego inuu yahay kii ugu horreeyey oo uu tiriyey ayuu markaas afka
saaray:
“Aboodigu ma lalo garab
hadduu iin ku leeyahaye”,
“Ma abraari karo adamihii araxda beelaaye”,
“Usha ma uu qaadan karo sheybihii arag darreeyaaye”,
“Lafta araxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye”,
“Meeshaan ka aa’ iri Ilaah keliya uun baa og”.
Waxaa la sheegaa in markii ay
nasiibdarradaasi ku dhacday kaddib uu abtigiis gabar kale siiyey oo iyadiina
uu nin walaalkiis ahaa oo suldaan ahaa is damacsiiyey. Markaas buu weeraha
soo socda oo iyaguna catawga ah u jeediyey ninkii walaalkiis ahaa oo damcay
inuu gabadha ka qaado. Raage wuxuu hadalkiisii ku bilaabay:
“Hangaraarac iyo good
sidood hor iyo dabo laabka”,
“Indheheer hoggoodii ka yimid iyo hoorka iga qubanaaya,
“Hanqal la’aanta waxaa iigu wacan ina-odow heedhe”.
Intaasi markii ay afkiisa ka soo baxday ayaa
walaalkiis gartay hadalka uu soo wado culayskiisa. Markaas buu yiri walaalow
intaas waxba ha ku darin gabadhii waan kuu
daayeye
Mohamed zeki
Bs (software engineering)
Karachi pakistan
mohamed_zeki@hotmail.com
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com