SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QISO

Tarjumadii: Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com


NINKAN XAQIISA SII HADII KALE AADAN AYAAN KUDHUFANAYA” 

Nin miskiin ah ayaa wuxuu kulahaan jirey nin madax ah lacag farabadan. Ninkan wuxuu ahaa qof dulmi badan. Dhowr jeer ayuu uraadsadey, wuxuu bilaabey inuu meer-meeriyey. Ugu danbeyntii wuu udiidey inuu siiyo xaqiisa! Mar Allah iyo marka uu uraadsadana, inta soo garaaca ayuu soo ceyriya. Wuxuu amar kusiiya shaqaalihii inaay garaacan haddii uu soo istaago markale guriga.  

Wuxuu udacwoodey ninka ugu sareeya ciidamada; hase ahaate wax natiijo ah kama keenin.Balse markii uu ogaadey inuu dacwoodey ayuu ugu sii darey.  

Wuxuu yiri miskiinkii isagoo kahadlaya arintaas: 

Markaan arintaas arkey,ayaan kaquustey lacagtii, waxaana isasoo xirey dhamaan wadooyinkii aan kuraadsanlahaa.

 Goor ay arinteyda halkaas mareyso oo aan kuwareersanahay cidii kale ee aan udacwoonlahaa madama uu ninkii ugu sareeyey ciidamada uusan waxba kamaqlin, ayaa wuxuu igu yiri nin arinteyda lasocdey “Oo kaaley, maad hebel utagtid(nin dawaarla ah) ee masaajidka hortiisa dharka kutosha!”

 “Dawaarle muxuu kaqaban kara daalimkan? Dadkii dowlada ugu sareeyey ayaa waxba kaqaadiwayey!” Ayaan ugu jawaabey anigoo iila muuqatey inuusan soo jeedin talo wax ku ool ah.

 Ninkii ba wuxuu yiri: “War dawaarlaha ayuu kaga cabsi badanyahey dhamaan inta aad udacwootey oo dhan! Orod oo usheeg dulmiga uu kugu sameeyey!” 

Ninkii la’iisheegey ayaan utagey anigoo sidaas ula sii dhacsaneyn wax uu ka qabankaro. Waxaan ugu sheekeyey dhamaan waxa uu ninkaan igu sameeyey oo dhan.

Inta istaagey oo soo xirey dukaankii  ayuu isoo raacey ilaa aan albaabka gurigiisa hor istaagney. Albaabkii ayaan gar-garaacney. Ninkii laftiisa oo xanaaqsan ayaa albaabka furey! Markii uu indhaha kudhuftey dhar-tolihii ayuu arga-gaxey… markaas ayuu nasoo dhaweeyey oo nakaraameeyey.  

“Miskiinkan xaqiisa sii” Ayuu ku amrey. Wuxuu iskudayey inuu inkiro. “Wax uu igu leeyahey majiran” Ayuu damcey inuu isku difaaco. Dawaarlihii ayaa inta xanaaqey buu kuyiri: “Sii ninkan xaqiisa haddii kale Aadan ayaan kudhufanaya afka” Ayuu ugu caga jugleeyey.

Ninkii wajigiisa ayaa isbadelley, kadibna wuxuu farta iga saarey xaqeygii oo aan irbad kamaqneyn. Waan soo noqoney anigii oo yaaban… ninkii xooga badna sida uu ugu baqaya ninkaan dawaarlaha ah! Dawaarlaha rafaadka kamuuqda waad yaabeysa! Daraja ahaan dadweynaha dabaqada ugu hooseysa ayuu katirsanyahey,wamaca- daalik, daalimkii  sanka ayuu kagaliyey waxii uu diidana. 

Maalkii uu ii soo dhiciyey ayaan damcey inaan qaar kasiiyo hase ahaatee waa iga diidey wuxuuna yiri: “Haddii aan doonaya inaan shaqadan lacag kuqaato, waxaan noqonlaha malyin-dheere aan lacagtiisa laxisaabinkarin” 

Ninkii: Maxaad ugu cabsiisey Aadanka Salaada?

Dawarle: Haddii aan xaqaada kuu soo dhiciyey, orod oo iska tag. Maxaa kugaliyey su’aalahaas.

Ninkii: Laabud, magaca Allah ayaan kudhaarteye, waa inaad ii sheegta sababta!

Dawarle: Arintaan sababteeda waxa weeye, waxaa jirey labo sano kahor, nink Amiir ahaa oo turki ah oo waliba kamid ah raga dowlada kahaya jago sare. Wuxuu ahaa nin dhalanyaro ah oo aad uqurux badan. Waxaa soo martey, habeyn habeynada kamid ah, islaan aad uqurux badan oo markaas kasoo baxdey musqusha. Waxay xirneyd dhar khafiif ah oo indhaha soo jeeta. 

Gabadhii ayuu  soo aadey oo iska laad-laadiyey isagoo cabsan. Wuxuu raba inuu lagalo gurigiisa oo uu kusameeyo faaxisho, Ayana waay diidey oo afka ayey qayli furatey ayadoo leh:

 “Waxaan ahey qof laqabo… ninkan wuxuu raba inuu gurigiisa igashado… ninkeygana horey ayuu ugu dhaartey inuu ifurayo haddii aan meel kale habeyn saaxdo… haddii aan saaxdana waan kafurmaya… waxaa igu dhaceyso ceeb iyo fool-xumo aan waligey kasoo kabsandoonin 

 Inta aan istaagey ayaan ladoodey oo aan damcey inaan kasoo rido gabadha. Midi uu gacanta kuwatey ayuu igaga dhuftey madaxa ilaa uu dhiig kadaadshey. Gabardhii inta isku jabiyey ayuu qasab kugaliyey gurigiisa. 

Intaan dib usoo noqdey, dhiiga iska soo dhaqey, madaxa soo xirtey ayaan dadkii uyeerey anigoo leh: “ War dadow waad ujeedan ninkan waxa uu sameeyey ee nakeena ila soo rida gabadha”

Dadkii ayaa soo aruurey, gurigiisa ayaan weerar kuqaadney. Wuxuu nagu soo kiciyey dhalayaradiisa oo kuhubeysan midiyo iyo ulo. Isagii aniga ayuu sigooni ah iisoo abaarey, sixuna wuxuu ii gaarsiiyey dhaawacyo! Gurigiisii ayuu laad iyo haraanti nagaga saarey. 

Gurigeyga ayaan kulaabtey anigoo kala garan la’a wadooyinka xanuunka iyo dhiiga iga daadanaya awgeed. 

 Sariirta ayaan isku tuurey; hurdo ayaa iga imanweydey… waxaa kuwareersanahey sidii aan kaga soo bad-baadinlahaa gabadhaas oo aaney caawa usaaxan gurigiisa, iyo inaay kafurmin ninkeeda. 


Qaybtii 2aad 

 Waxaa laygu ilhaamiyey inaan aadaamo salaada subax kahor si’uu umooda(ninka badha afduubey) in lagaarey saladii subaxa oo usoo aado masjidka;  iyana iyana gurigeeda u’aado! (Waxaa cad inaay dadka xun-xun xitaa aaney saalada kadib marijirin waayadii hore. Waxaay aamisanayeen qofkii salaada katago inuu gaal yahey).

Waxaan fuuley Minarada masjidka, waxaana kudhuftey Aadaan(Allahu Akbar, Allahu Akbar…)! Waxaan isha laraacaya gurigii ninka bal inuu soo daayo naagtii iyo inkale – hasheegin- ilaa aan Aadankii dhameeyey oo aan soo dagey.  

Waxaan go’aansadey haddii uu soo deyn waayo inaan aqimo si’aan ugu xaqiijiyo inuu waagii baryey.

Goor aan sugaya inaay naagtii soo baxdo , mise waxaa soo habqamaya rag-fardooley ah oo leh: “Meeyey qofkii adimey saacadaan?” Waxay indhaha kutaagayan xagaas iyo minaaradii masjidka.  “Waa aniga ninka adimay! Waxaan ugu danlahaa inaan helo dad igu caawiyo nin daalim ah oo gabar meeshan xoog kuhaysta” Ayaan ugu warbixiyey. 

Waxay yirahdeen: Amiirka hadalkiisa maqal! Waa laguu yeeraya! 

Waan argagaxey.Raggii aaan umoodayey inaay uyimaadeen inaay gacan isiiyaan ayaa iigu cago jugleynaya Amiirka ayaa kurabo. Waxaan kacodsadey inaay iga maqlaan qisada haseyeshe waay iga diideen.

Dabada ayey iga mareen ilaa ay ii geeyeen Amiirka. Markaan arkey isagoo kufadhiyo korsiga uu wax kukala xukuma ayaan isla jareeyey cabsi awgeed.

Amiirkii: Soo dhawow.

Waan soo dhawaadey anigoo nafta iga sii socota.

Amiirkii:  Is daji, waxba ha baqin. Niyada kheyr usheeg.

Wuxuu isku dayey inuu ka saaro qalbigeyga cabsida- ilaa aan caadi ka noqdey.

Amiirkii: Adiguu ahaa sow ma’ah qofkii adimey saacadan?

Ninkii: Haa yaa Amiirul-Mu’minin.

Amiirkii: Maxaa kugu kalifey inaad adinta saacadan? Habeynka inta hartey ayaa kabadan inta tagtey. Dadka sooman(maalinta soomaya), musaafiriinta iyo kuwa tukanaya(salatu layl) ayaa ku kadsoomaya Aadankaada. Waxaad salada kaburisay dumarka.

Ninkii: Amiirka ma’ inabad galinaya inta aan  ugu sheekeynaya waxa igu qasbey?

Amiirkii: Nacam, Aamin baad tahey.

Waxaan usheegey qisadii nadhexmartey aniga iyo ninka… aad buuna ucaroodey. Wuxuu amar kubixiyey in lakeeno ninkii iyo naagtaba… islamarkiibana waa yimaadeen.

Nagtii ayuu gurigeeda ucaliyey, isagoo kudarey dumar kale oo lagu kalsoonyahey. Wuxuu kusoo jeestey ninkii; wuxuuna kuyiri:

Intee hanti ah ayaad leedahey? Inteed dumar(xaas) iyo adooma kuu jooga? Wuxuu xasuusiyey waxyaabo badan oo uu leeyahey, wuxuuna yiri:

Hooge miyey kugu filnaanwaayeen waxa uu Allah kugu nimceeyey oo ay kaa reebiweydey inaad kuxad gudubtid xurmadii Allah? Waad xad dhaaftey ilaa aad usoo dhigitey suldaankii(Ninkii lagu dacweeyey ee hore)?  Kuma aadan reebtoomin ee ninkii wanaaga ku amrey ee xumaanta kaa reebeyna waad garaacdey ilaa aad dhiigiisa daadisey?

Wuxuu kujawaabo ayuu waayey. Afkii baa juuqda gabey. 

Amiirkii ayaa amar kubixiyey oo lugaha iyo qoorta ayaa laysku xirey, kadibna waxaa lagu dhexridey jawaanisagoo qaylinaya oo in layska cafiyo codsanaya. Wuxuu ku celcelinaya “katowbadkeeney” Amiirkiina sidaas uma eegayo.

Kadib waxaa la’amrey in qoorta midi looga jaro ilaa uu aamusay, kadibna waxaa la amrey in lagu tuuro wabiga weyn ee Dajla(Ciraq), waxay aheyd daqiiqadii ugu danbeysay ee noolashiisa! 

Kadibna Amiirkii ayaa amar kusiiyey taliyaha booliska(police commissioner) inuu soo aruuriyey waxa hanti ah ee gurigiisa yeela ee uu kaqaatey Beytul-Maalka. Kadibna wuxuu igu yiri:

Mar Alle iyo marka aad aragtid Munkar, haa yaraado ama haweynaado, walow kanba Allaha kadhigee( wuxuu farta kutaagey taliyihii booliska) ila soo socodsii! Haddii aan kula kulmo waa kheyr haddii kale calaamada aan isku ognahey waa inoo Aadaan… adin waqti kasta oo ay noqoto… xita waqtigan oo kale.

 Waxaan ku iri: Jazaakallahu kheyr kadibna waan soo baxay. 

Arintaas daraadeed, midkii aan wax amro(ee kamid ah kuwa dadka dhibo) horey ayey kafulinayaan amarkeyga, waxaan kareebana islamarkiiba way ka istaagayaan cabsi ay kaqabaan Amiirka. Ilaa iyo iminkana wali uma baahan inaan aadaan kugaarsiiyo Amiirka… Al-Xamdulillahi. 

Isha sheekadan: Ibnu Kathiir, kitaabkiisa Taakhda.

Waxaa soo wariyey: Dr. Muxamad Bin C/Rahman Al-Cariifi.

Turjumid: Adan Abuzuhri, Al-Hassani.

Salaamulahi aleykum?

........

July 3, 2004

» Inaad isoo booqatan Rabaa: 3aad
» Caruurtan Hooyadood Waa Faranji!

»
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah
. “Warhoy Dadow aniga Madilin Ninkan Laakiinse Waxaan Dilay Nafkale!”
. Sideed u seexataa anagoo xaaladan kujirna

. Sawirkan Lama Ogala, Waxan Rabna Sawir Midab ah

. Cajalad Video ah ayaa burburisey noolasheyda
. QISADII NEBI MUUSE:

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD