SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - YEMEN
Daabaco Boggan | Print


Yemen: Filan waa iyo Rajo Xumo Soo Wajahdey Macalimiinta Soomaaliyeed:
Yemen oo la jaar ah Dalka Soomaaliyeed kana dhexeeya xiriir soo jireen ah mid Ganacsi, Dhaqan iyo Dhaqaale. Ayaa ku dhowaad shan iyo labaatan sanno waxaa ka shaqeyn jiray macalimiin Soomaaliyeed, oo leh Takhasusyada kala duwan ee waxbarashada Dugsiyada Dhexe iyo Sarre. Macalimiintaasi oo aan ahayn shaqaale joogto ah, waxay ahaayeen kuwa ku shaqeeya heshiis Sannadeed, Sannad waliba horaantiisa ayaa heshiiska loo cusbooneysiyaa (caqdi).

Mushaharadoodi Sannadadii ugu danbeeyey waxay ahayd bishii us$335, taasoo marka laga jaro canshuuraha ay saafi noqoneysay us$275. Mushaharada Macalimiinta waxaa loo qaataa Afarbiloodle(simister), taasoo noqoneysay us$1100.

 
Wadamo badan oo adduunka ka mid ah , ayaan isaga filnaan dhinaca Macalimiinta; xitaa ay ku jiraan kuwo ka mid ah wadamada hormarey, sababo la xiriira baahida waxbarasho oo sii badaneysa iyo Fahamka oo sii kordhaaya.
 
Yemen waxay ka mid tahay wadamada kor ku xusan , waxay sannad waliba u baahan tahay kumunaan kun oo macalimiin ah, oo ay ka keensato wadamada Carbeed.  Soomaaliya ayey ka mid ahayd wadamadii ay Macalimiinta ka dalbadeen ,sannadadii sideetameeyadii walow dawladii markaasi jirtay ka diiday inay Macalimiinteeda Dibadaha u dirto, Ayadoo baahi  macalimiin wadanka  ka jirto.
 
Macalimiinta ugu badan waxay ka heli jireen wadamada :Masar,Suudaan, Ciraaq, Suuriya, Falastiin iyo kuwa Soomaali iskood iskaga yimid. Halka macalimiinta heshiis sannadeedka lagu magacaabo(mutacaaqut) la geli jireen macalimiinta shaqa doonka iskood iskaga yimid, Kuwa dowladahooda lagala soo heshiyana lagu magacaabo(mucaar), waxayna ka mushaharad iyo tasiilaad badan yihiin kuwa heshiis sannadeedka.

Macalimiinta marka dowladaha laga dalbado ,ayey ka heshiiyaan mushaharada macalinka iyo mudada mucaarka soconaayo dufcadii kasta iyo weliba maadooyinka iyo mudada heshiiskaasi soconayo.

Walow mushaharada ay ka sinaayeen wadamada Carabta macalimiinta laga keeno oo dhan, Afartii biloodba waxay qaataan us$1360+ 27000y/r, oo ay doolar ahaan isku noqoneyso us$1510. Taasoo muujineysa in kuwa kor ku xusan ee iskood iskaga soo shaqo tagey, bishiiba laga mushaharad badan yahay us$100.

Hadaba sannadkaan ayaa DKS, waxay albaabada u furtey heshiis cusub oo dhexmarey labada wasaaradood oo ku saabsan is dhaafsasho labada wasaaradood takhasuusaad ay u kala baahan yihiin.

Heshiiskaasi labada wasaaradood ay wada gaareen ayaa waxaa tixraac ku sameeyey Safiirka Soomaaliyeed ee Dalka Yemen, tasoo ka dhalatey in wasiirka waxbarashada Yemen, shir uula yeeshay safiirka ay kaga wada hadleen sii xoojinta xiriirka labada Dal iyo taaba gelinta heshiisyadii jiray, tariikhda markey ahayd 12/6/04, taasoo ay isla gaareen heshiiskii hor dhaciisa ah in laga dhigo ,macalimiinta hadda dalka yemen ka shaqeeysa, dufcadii ugu horeeysa ee mucaarka. kaasoo numbarkiisa tixraaca ahaa:727. kuna saabsanaa sidii loo dhiira gelin lahaa heshiisyada labada wasaaradood u dhexeeya.

Macalimiinta mucaarka loo qaadanayo oo leysla gartay inay ahaadaan kuwa ugu yaraan dalka Yemen lix sannadood kasoo shaqeeyey, lagana keeno magacyadooda Wasaarada waxbarashada Soomaaliya iyadoo lasoo marinaayo wasaarada Arimaha Dibada Yemen, si loogu aqoonsado mucaar khaariji ah.

Markaa codsiga wasiirka baahidooda macalimiin waxay ahayd madooyinka soo socda: English, Physicis,Math, Religion. taasoo cadad keeda dhamaa 300 macalin.
Waxaa shuruudihii asaaska ahaa soo buuxiyey macalimiin gaareysa 150 macalin oo kaliya.
Ayadoo ilaa iminka ay shaqo tageen keliya 128 macalin oo luqada English, maadooyinkii kale heshiiska ku jirayna aan  qaadan.

Iminka oo lasoo gaarey goortii lacagta la qaadan lahaa ee simisterkii dhammaadey ayaa waxay iska soo daba baxeen liisas kala duwan ,mid ku qoran lacagtii ay mucaarka xaqa ugu lahaayeen iyo mid kale oo la leeyahay waa macaar daakhili ah waxaana lala mid dhigay waxay uga yeeraan(ixlaal) oo yemeniyiinta khaas ku ah.Kasoo mushaharadii ay xaqa ulahaayeen ay waxbadan oo la qiyaasi karin ama Aqliga aan qaadan karin u dhexeeya kuna saleysan riyaal yemeni.

Ayadoo bangiyadii mushaharada laga qaadan lahaa la wada geeyey kii riyaalka ku qornaa , ee xaqdafariska ahaa. taasoo weliba ay u dheer tahay inaan mushaharada lagu sineyn loona eegay qof waliba meesha uu ka shaqeeyo miyi iyo magaalo.

Waxaa ugu mushaharad yar macalimiinta magaalooyinka ka shaqeeya, oo mushahar ahaan ugu qoran:87000y/r oo u dhiganta bishii us$110.

Tuulooyinka fog fog oo aan tasiilaad laheyn:173400y/r, tasoo u dhiganta bishii US$220.
Markaa halkaan waxaa laga garan karaa iney waxay sameeyeen u dheer tahay dulan xitaa labada macalin ee wada BA, ah. laga kala gelaayo waayo labadoodiba wadanka uma dhalan.waxaa intaasi dheer ma jirto macalin dalabkiisa lagu geeyey meel uu doortay.

Waxay ku lifaaqeen nidaam mudooyinkaan danbe ku kaceen , oo lagu dhiira gelinaayo macalimiinta jadiidka ah ee iminka kuliyaadkooda ka qalin jabiyey, si loogu bedelo(ixlaal) kuwii dibada laga keeni jiray. waxay xisaabta ka saareen macalinka yemeniga ah ee dalkiisa iyo gurigiisa joogo iyo qof dib jir ah oo wax uu shaqeysto mooyee aan cid u maqaneyn. sidoo kale macalinka yeminiga ah wuxuu ka shaqeysan karaa meel allaale meesha kale ee waqtigiisa faraaqada ah ee uu shqo ka helo balse ajnabiga kama shaqeyn karo meel kale , heshiiskiisa ayaa waxaa ku qoran lacag iyo lacag la'aanba inuusan meel kale ka shaqeyn karin.

ISku soo duub maadooyinka aan la qaadan oo heshiiska ku qornaa iyo wax allaale wixii xaquuq ahaa ee macalinka lahaa ee la dayacay ayey dhashey arintaan , waxaana ka danbeeyey u qebsanaha safaarada Soomaaliyeed ee waxbarashada oo ka seexday hawshiisa (mulxaq saqaafi) waxaa loogu baahnaa sidii tanfiidka ugu sameeyey safiirka heshiisyada ,inuu isagana maaliyada , muddada mucaarka iyo tikidhada macalinka iyo xaskiisa iyo weliba ilmaha uu dhaley. waxaan jirin wax uu ka qabtay arimahaan, aydoo aan cadeyn ayuuna macalimiinta shaqada u diray.

Haddaba macalimiinta soomaaliyeed waxay ku baaqeen inaan mushaharada la qaadan, ilaa inta xaquuqda saxa ah laga helo. mana aha mid isaga la isku xaleyn karo inuu wax ka qabto, waxaan codsi qoraalkaan ugu soo jeedinayaa hay'adaha waxbarashada ee DFKS, inay xiriir toos ah kala soo sameeyaan cida khuseeyso ayagoo kala kaashanaayo safiirka soomaaliyeed ee dalka Yemen. Waxaan qormada kusoo afjarayaa haddii arintaan mushaharada macalimiinta aan wax laga qaban iney wax u dhimi karto heshiiska soo jireenka ah ee labada dal iyo weliba Heshiiska goboleed waayo macalinka maanta waa mas'uulka Berrito ama mustaqbalka.

       

waxaa qorey: cabdi cali siidow.
sidowfarm@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2005

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

RAADIN

 



HTML CD