Col. QADAAFI
WAA KUMA?
Qore: Liban Afrah
libanafrah@hotmail.com
March 28, 2002
Waxa
uu ka dhashay qoys daga baadiyaha kana tirsan qabiilka Badawin 1942 Gobolka
Sirte, yaraantiisii aad ayuu uga duwnaa caruurta faciis ah waxa uu ku
barbaaray Nacaybka reer Galbeedka. Taariikh dheer ayuu ka bartay Gumaystihii
Talyaaniga sida ay ula dhaqmeen Dadkiisa, xus gaar ah waxaa ku noqatay
sanadkii 1911 goortaa oo ay dileen owowgiis. Waxa uu waxbarashadiisa ka ku
bilaabay Dugsi quraan. Col. Qadafi yaraantiisii waxa uu maskaxdiisa u
hibeeyey sidii uu Gumeysta Talyaani dalkiisa uga saari lahaa.
Waxbarashadiisa ah intii uu ku jiray 1956-1961 waxa uu abuur dhalinyaro hal
adag oo firfircoon noqdana siyaasiyiin. Waxa uu jeclaa inuu fikirkiisa raaco
Jamaal C/nasir oo hal hayskiisu ahaa midaynta Carabta iyo fogaynta Reer
Galbeedka, si uu dariiqaas u raaco waxa uu go'aansaday inuu ku biiro
Kuliyadaha Ciidanka 1963 isagoo tusaale u soo qaata Jamaal C/nasir sida uu
gu guulaysat hamigiisa. 1964-tii ayuu ka qalanjabiyay Kulayadii ciidan
waxaan loo diray Britain koorso aqoon kororsi ah, sanad kadib ayuuna soo
laabatay. Abaalmarintiisu waxay noqotay in la siiyo jago sare oo Ciidanka.
Da'diisa yar kama hor istaagin inuu abuuro dhalinyaro ku fikrad ah oo aad u
nabcaystay Borortooyada ka amar qaadata Gumaystaha, Musuqmaasuq, Cadaaalad
daro iyo horumar la'aan waxa ay saldhig u noqotay nacaybka uu u qabo
Boqortooyada uu madaxka yahay boqor Idiris.
Markii ugu horeysay la maqlay magaciisa, col. da'da yar Mucamar al Qadafi,
waxay ahayd Sep. 1 1969 kolkaas oo da'diisu ahayd 27-jir kadib markii
afganbi aan dhiiga ku daadan xukunka kaga tuureen boqor Idiris. islamrkiiba
waxaa xizbigiisu la magac baxay "islamic socialism" Hanti-wadaaga Islaamiga.
Qadafi waxa uu qaaday talaabooyin badan oo uu ku abuurayo sidii uu carab
halwadan ka dhigi lahaa asgoo ka bilaabay sadex Dal: Libiya Masar iyo
Siiriya. Sida qorshihiisu ahaaba, Qadafi waxa uu laf dhuun qashay ku noqday
danaha reer galbeedka waxa uu bilaabay inuu danaha guracan ee Maraykanka hor
istaago waa danaha ay ka leeyhihiin Carabta. Si kacaankiisu u noqdo mid loo
diirsado waxa taageero hagar la'aan ah siiyay dhaqadhaqaaqyo badan oo ka
jiray aduunka: waxaa lagu yaqaan tageeradii uu siiyay halgamaagii Nelson
Mondela xiligii uu la dagaalamayay Midab-takoorka, Muslimiinta Moros ee
Filipines, IRA (Irash Rebablican Army), Gooni ugoosadka Busque ee Spain,
Kurdiyiinta iyo Falastiin. Xiriirka wanaagsanaa ee Masar madmadow ayaaa soo
galay aad ayuuna uga xumaaday ka dib markii ay heshiiska la galaan Yuhuudda
1979.
Qadafi waxa uu u beyray, maadaama aduunku u qeybsay Bari iyo Galbeed,
inuu xiriir wanaagsay la yeesho Ruushka. Waa sida uu yiri Siyaad Barre
markii la weydiiyay hadba dhan isku tuurka iyo dhex orodka labada Quwadood
ee aduunka waxa uu yiri "ama buur ahow ama buur ku tiirsanow". Si Qadafi
taas dhab ugu noqoto waxa Ruushanku ku abaalmariyay inuu siiyo diyaaradahii
ugu casrisanaa ee Dal uu ruushku siiyo MIG-25, taas oo ka yaabisay Reer
Galbeedka uu u midiyo tumanayo.
Maadaama Qadafi la soo kacay firfircoonaan iyo dhiiri galin wadamo kale
taasi waxay u cuntami wayday Maraykanka oo Carabta ka lahaa dano aad u
muhiimsan, si aan mardanbe Qadafi u murjin waxa Maraykanku go'aan ku gaaray
inuu ka taqluso Conel-ka. Roland Reagan oo xilagaa ahaa Madaxweynaha
maraykana ayaa 1986 amray in weerar cirka lagu dilo Qadaafi isagoo ku
eedeeyay inuu argagixisada nambar kow ka yahay, nasiib wanaag waxba ma
gaarsiin Qadafi ee halkaa waxaa ku qurbaxay Gabadhiisa iyo 25-qofood. Col.
Qadafi sirta Reer Galbeedku meel dheer kama jarin maadaama uu saaxiib la
ahaa ruushanka oo dagaal qabow kala dhaxeeyay reer galbeedka. Korneelku waxa
uu u tafa-xaytay sidii uu cadowgiisa qorsheeyay inay dilaan uu uga aarsan
lahaa, 2-sano kadib wareerkii lagu qaaday Qadafi diyaarad Marayanku leeyahay
ayaa ku burburtay Scotland 270 qof oo saarnaydna waxba kama badbaadin.
Qadafi waxa uu yiri " waan burburin karnaa Amerika sanka ayaana jabin karnaa".
Waxa kale uu yiri mar falastiniinta lagu eedeeyay inay Argogixiso yihiin "haddii
Abu Nadal argogixiso yahay George Washington waa Argagixiso". Co. Qadafi
waxa uu noqday geesi tolwaayay markii cunoqabataynta lagu soo ragay taas oo
sabab looga dhigay inuu ka danbeeyay qaraxii diyaaradda rakaabka ee ku
burburtay Locarbi, Scotland 1988.
Hab u dhaqanka Qadafi Carab waa saluugtay waxayna u arkeen in uu yahay
Nin da' yar oo guuxiisa ka dheereeya taasna waxa ay kaliftay in midnimada uu
waday meesha ka baxday daalna meel la fadhiistay. Dhamaan Boqorada iyo
Madaxda ka jira carabta waa kaligi taliyaal aaminsan in kursiga ay ku
fadhiyaan uu badbaado u yahay Maraykan, haddiii uu ka caroodana kama
sokaynayaan Sadam Xuseen, Fidal Castaro iyo Xasan Al-Bashir. Madaxdii aan
raaligalin Maraykan iyo asxaabtiisa waxay halis u noqonayaan faquuqid
(political isolation), waa dhibaatooyinka ka taagan Zimbabwe.
Si dharbaaxadaas ku dhacday uga xogxogta waxa uu u xusulduubay sidii uu
Afrika uga dhaadhicin lahaa inay midowdo. Afrika oo la mideeyaa waxayn tahay
calacal timo ka soo baxeen maadaama kaligi taliyaal xukunka ku fadhiyaan
cimrigooda markii ay ku dhameeyaan caruurtooda u diyaarinaya dhaqaalaha
dalkana ku shubanaya bangiyo shisheeye. tusaale, Mabutu Zezeko oo 30 sano
xukumayay Zaire waxa uu ahaa qofka ugu hanti badan qaarada Afrika dalkiisuna
waxa uu k u jiray dalalka aduunka ugu faqrisan, Beer kasta iyo Warshadkasta
asaga ayaa lahaa. Mar la wareystay waxa uu sheegay in Dalkiisa uu shaqsi
ahaan uga baxin karo qaanta lagu leeyahay.
Fikradda aan cilmiga ku dhisnayn ee Qadafi waxay ka qoslisay dad badan oo
ka dhaadhacsiiyay inuu marka hore isi saxo oo dalkiisa laga helo
Dimoqaraadiyad iyo xornimo inta uusan u gudbin Qaaradda madow ee faceed ka
hartay. faqriga iyo dagaalada sokeeye ee dunida ka socda waxa ay ka jireen
Afrika, waxaa u sii dheer Cuduro iyo aqoon dari. Danaha shaqsiyadeed ee
madaxda afrika waxa uu sababaa inay dagaal iskaga horkeenaan labo dal
halkaas ku baaba'an maal iyo mood.
Col. Qadafi waa madaxweynayaasha ugu xukun dheer aduunka, waxaa lagu
sheegaa inuu yahay nin kaligi taliye ah hal adag jecelne i nuu ka dhabeeyo
hamigiisa. Mar wax laga weydiiyay Muslimiinta mintidka ah waxa uu sheegay
inay asalraacnimadu aysan xumeyn laakiin kuwa bamamka qarxinaya ilmaha
gowracaya inaysan Islaamka waxba ka ahayn oo yihiin ku burburinaya islaamka.
Ciidanka wardiyeeye waa dumar, waxa uu difaacay kaalinta ay dumarku ku
leeyihiin bulshada isagoo sheegay inaysan jirin wax Dumarka ka reebaya inay
ciidan noqdaan.
Libiya shacabkeedu waa 4-malyan dhulkeeduna waa dhulalka ugu weyn
qaaaradda Afrika, dhaqaalaha Libyia waxa uu ku tiirsanyahay Shidaalka,
dadyow badan oo ka kala yimid Afrika dacaladeeda ayaa u soo shaqo tagay
waxayna ka helaan soo dhaweyn maadaama uu Qadafi danaynayo afrika in mid
noqoto xuduudna u dhaxeyn. Qadafi waxaa lagu cambaareeya sidii uu ula
dhaqmay Falastiniyiin gaaraysa 30-kun oo ka xoogsanjirtay Libya kadib markii
uu dhoobay xuduuda ay la leeyihiin Masar isagoo ku amray inay aadaan hadii
ay dal xor ah leeyhiin. Waxa uu ku xumaynayay Yasir Carafat oo sheegay in
Falistin dhulkooda xor yahay markii uu heshiiska la galay Isra'il.
Dhacdooyinkii (BIOGRAPHY)
1942: ku dhashay saxaraha Libyiya'
1963: waxa uu ka qalanjabiyay Jaamacadda Libiya kuna baasay Digriiga ugu
sareeya.
1965: kuliyadda Ciidanka ayuu ka qalinjabiyay, guulo badan ayuu ku
tilaabsaday.
1969: September 1: Xukunka ayuu ku qabsaday afganbi aan dhiig ku daadan.
1970: Saldhigyadii Ciidan ee Maraykanka & British ayuu xiray.
* : waxa uu masaafuriyay Talyaanigii dalka daganaa iyo Yuhuudii ku noolayba.
1973: shirkadihii Petorl-ka shisheeyaha ayuu qarameeyay.
*: Waqooyiga Chad ayuu weeraray muran dhul owgii.
1976: Buug la magacbaxay 'Green Book' ayuu qoray.
1977: Waxa uu soo bandhigay 'jamahiriyya'.
1979: Dowladiisa ayuu kala diray isagoo casilay dhamaan howlwadeenadii.
1986: April 15: Maraykanka ayaa weerar ku qaaday.
1990: Qabsashadii Kuweyt waa ka gaabsaday.
1993: October: 2,000 oo ciidan ayaa isku dayday inay majaxaabiyaan.
1994: May: Chad ayay ciidankiisu ka soo baxeen dibna ugu soo laabteen
xuduudda.
1995: August: in la afganbiyo ayaa lagu guulaysanwaayay.
*: September:Falastiiniyiinta ayuu dalka eryay isagoo ku xumeynaya heshiiska
Yuhuudda.
1996: July: Rabshado ayaa ka dilaacay kubad cag iyadoo lagu diidanaa Qadafi.
1999: February 13: Waxa uu ogolaaday in maxkamad la saaro labo nin oo loo
haystay qarax diyaaradeed.
2000: Mundela ayaa codsaday in Cuna qabateynta laga qaado.
2002: Balan ayuu Qadafi ku qaaday inuu Soomaalia hiil iyo hooba la garab
taaganyahay.
Qore: Liban Afrah
libanafrah@hotmail.com
WA BILLAAHI TOWFIIQ
TAARIIKHDII YASSER
ARAFAAT
TAARIIKHDA MANDELA - GUJI
HALKAN