Siminaar
looga hadlaayey dhibaatooynka qaadka oo ka dhacay Magaalada Bosaso.
Siminaar loo
agaasimey si sare ayaa lagu qabtey hoolka shirrarka ee Hotel Panarama ee
Magaalada bosaso maanta oo taariikhdu tahay 16.05.2006, siminaarkan ayaa
waxaa soo agaasimey NGO-ga Somali Khat Awareness Organization kaas oo
dhawaan ka hawlbilaabey deegaanada Puntland ahna kii ugu horeeyay ee
noociisa oo kale ah ee looga dhawaaqo deegaanada Puntland.
Siminaarkan
aya waxaa ka soo qaybgaley xubno ka socda Dawlad Goboleedka Puntland,
Mas'uuliyiinta Gobolka Bari, Qaybta Amniga Gobolka Bari, inta badan
hay'adaha Caalaamiga ah iyo NGO--yada maxaliga ah sida UNICEF, Save The
Children, Care International, shabakada WAWA, Tadamun Socail Socaity.
Ugu horeyntii
ayaa waxaa ku furey aayado qur'aan ah iyo wacdi Shiikh C/rizaq Xaydarig
intaas kadib waxaa mikrofoonka lagu soo dhaweeyay Gudoomiyaha ururka ka
wacyi gelinta qaadka (Somali Khat Awareness Organisation) Sharma'arke
Maxamed Faarax.
Gudoomiyaha
ayaa ka hadley sababaha loo sameeyay ururka SKAO iyo muhimada uu lee yahay.
Mudane Sharmarke M Farax ayaa ka haldey dhibaatooyinka qaadku uu lee yahay
iyo bur burka uu ku hayo umada dhinaca caafimaadka, dhaqaalaha, iyo
akhlaaqiyaadkaba sidoo kale Mr.Sharmarke ayaa sheegey in qaadku yahay dhibta
keliya ee maanta haysata mujtamaca Soomaalida.
Gudoomiyaha
ururka SKAO ayaa soo bandhigay diraasad ka hadleysa qiimaha maalintii ku
baxa qaadka la keeno magaalada Bosaso taas oo u muuqata bur bur dhaqaale,
maalintii waxa magaalada Bosaso oo keliya ku qayishaa $52,000 maalinkasta,
taas oo gaaraysa sanadkii $19,000,000 (sagaal iyo toban milyan oo Doolarka
maraykanka ah). diraasadan ayaa waxaa sameeyay ardey ka qalin jebiyey
jaamacadda Bariga Africa ee Bosaso laguna magacaabo Axmed Weli Nux Cismaan.
Mar uu ka
hadlaayey dhanka caafimaadka ayuu sheegey in caafimaad daradda ugu badan ay
ka timaado qaadka iyada oo laga qaado cuurada kansarka, dhiig karka,
baawasiirka, waalida , wadne xanuunka iyo cuduro kale oo faro badan.
Intaas ka dib
waxaa goobta ka hadley Maxamed Yusuf oo ka socdey jaamacadda Bariga Africa,
Maxamed Yusuf ayaa sheegey in baaritaan ay sameysey jaamacaddu lagu ogaadey
in dhibta ugu weyn ee haysata bulshada uu yahay qaadka haddii aan si deg deg
ah wax looga qabana ay umaddu jiritaan beelayso.
Sidoo kale
waxaa siminaarkan ka haldey Drs. Xaawo Cali Jaamac oo ka socotey shabakada
WAWA ( We Are Women Activist) Xaawo ayaa sheegtey in uu ku hayo haweenka
dhib aan la soo koobi karin dhinac akhlaaq iyo mid dhaqaaleba ayna quman
tahay in laga hortago gebi ahaantiisba.
Dhanka
culimada waxaa ka haldey Sh. Fuaad Xaaji Nuur, Shiikhu waxa uu soo bandhigey
muxaadaro aad loogu bogay isaga oo horey u sameeyay baaritaano ku saabsan
qaadka kana jeediyey muxaadaraad tiro beelay, sidoo kale waxa uu shiikhu
meesha ka akhriyey sugaan horey loogu ceebeeyay qaadka.
Intaas kadib
waxaa hadal qiimi badan ka jeediyey goobta siminaarka Wasiir-ku xigeenka
Wasaarada Dekadaha prof.Cabdiweli Cabdiraxmaan geyre waxa uu sheegey in
dhibta uu ku hayo bulshada qaadku ay tahay mid aan indhaha laga qarsan karin,
sidoo kale maamulka puntland naf'aahaantiisa uu aafeeyay qaadku loona baahan
yahay mustaqbalka dhaw in maamulka ay wadaan dad ka fog cunidda qaadka,
waxana uu sheegey sida ay uga go'an tahay in uu ula shaqeeyo ururkan isla
markaana uu u soo dhaweynaayo maamulkiisu.
Dr.Ismaaciil
Ciise rooble oo ah madaxa dhakhaatiirta gobolka Bari (BARMA) ayaa soo
bandhigey diraasad ka hadleysa dhinaca caafimaadka dhakhtarka ayaa uga
hadley si cilmiyeysan oo aad u qoto dheer aadna u qancisey ka soo
qaybgalayaashii shirka.
Dhanka Gobolka
ayaa waxaa u hadley Ku xigeenka barasaabka Yusuf Muumin Bidde, barasaabka
ayaa sheegey in aysan ahayn wax hadda la isu sheegayo in qaadku uu yahay
daroogo balse ay u baahan tahay in magaca laga bedelo looguna yeero daroogo
waxa uu sheegey in gobol ahaan ay aad u taageerayaan ururkan cusub ee SKAO.
Sidoo kale
waxaa kamid ahaa dadkii halkaas ka hadley Dr.Abdirashiid Maxamed Yusuf oo ka
socdey hay'adda Save The Children, Raage maxamed oo ka socdey UNICEF waxayna
ku nuux nuuxsadeen sida weyn ee ay ula shaqeynayaan ururkan isla markaasna
uu yimi waqti ku haboon.
Ugu danbeyntii
waxaa ka hadley halkaas Taliyaha Qaybta Gobolka Bari Col. Maxamed Rashiid,
Taliyaha ayaa sheegey in qaadku uu yahay midka keena nabadgelyo xumida ugu
daran midka ku haya gobolka, inta badan shilalka dhaca waxa ay ku yimadaan
sabab qaadku keenay, sidoo kale dhalinta fawadada ka wada Bosaso ee Fay Cali
dhamaantood waxa ay isticmaalaan qaadka ayuu yiri taliyaha oo sheegey in ay
haboon tahay inaan maamul loo dhiibin qof qaad cuna ama daaqa.
Taliyaha ayaa
sheegey in uu aad u necebyahay qaadka isla markaasna uu la dagaalamaayo isla
markaasna uu la shaqeynaayo SKOA.
Ugu danbeyntii
ayaa waxa la qabtey shaqo kooxeed ( Work Group) waxaana laga niqaashey sadex
su'aalood.
1. Waa maxay
Qaadku?
2. Waa maxay
raadka uu ku reebaa bulshadda
3. Sidee wax
looga qaban karaa.
Jawaabaha ka
soo baxay doodan ayaa ahaa kuwo dhaxal gal ah isla markaasna ay ka
qaybqaateen dhamaan qaybaha bulshadu, waxaana ka soo baxay halku dhiga ah in
qaadka loo ictiraafo DAROOGO.
Eng Ismail
Said Aw musse
G/kuxigeenka Somali Khat Awareness Organisation
www.skao.info
contact@skao.info
khat_awareness@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2005
Qaranka aan Dawladda
lahayn, Dumarka waxbartay waxa ay door weyn ka qaataan iibinta Geedka
Daroogada ee sida fooqal-xadka ah loo Isticmaalo
Ciribtirka
Cunitaanka iyo Ka Ganacsiga Qaadka
Soomaalida Minnesota oo isku ballansaday In ay Cunitaanka
Qaadka ka Cirib Tiraan Gebi Ahaanba Meel ay Soomaali Kaga Nooshahay Dunida
Guud Keeda...
Guji...
2002: Qaadka
oo Kusoo Qulqulaya Ameerika
2002: Soomaalida U.K. oo Ku Baaqay In La Mamnuuco
Qaadka
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE
QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo
qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba,
taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Qiyaas akhristow
inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal
Soomaaliya..
Guji..
BOSASO: Kasoo horjeedka
Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay
kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay
$US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda
iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
ABC
Australia...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|