QAADKA OO DHIBAATO BA'AN KU HAYO JAALIYADA
SOMAALIYEED OO AUSTRALIA.
Qofka
ama ruuxa dhaqanka uu leeyahay marnaba kama tago oo dhaxal oo kale ayuu
uyahay. Taas waxa ay lamid tahay in cunista qaadka uu noqday dhaqan lagu
yaqaano in badan oo Soomaalida ah oo meel walba ay joogaan ayna ka maarmin
in ay helaan caleentaas. Wadanka Australia oo nasiib wanaag ama nasiib
darro kay rabto ha ahaatee uu kabaxo qaadka ayaa waxaa u sahlanaatay intii
kabixin jiraty lacag una huri jiray shilinkooda qaad ay heleen mid bilaash
ah inkasta oo uunan qaadku kabixin wadanka oo dhan ee uu kabaxo meelo gaar
ah oo kamid ah wadanka.
Jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool wadanka Australia ayaa waxaa baryahan ku
soo badanayay dhibaatooyin kadhax abuurmay qoysas badan oo soomaali ah
dhibatooyinkaas oo salka ku hayo cunida qaadka. Waxaa dumay guryo badan oo
is haystan dhib kana uu keenay qaadka hadaba sabata keentay in ay dumaan
guryahaas iyo gunta ama salka arinta ayaa waxaa aan raadiyay baadi goob iyo
in aan wax ka ogaado sida arinta ay wax uga jiraan.
Ruugidda Qaadka iyo Soomaalida London, UK
Gabaygii:
Qaadaw
Adigaa leh
"Abshir Bacadle"
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE
QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo
qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba,
taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Qiyaas akhristow
inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal
Soomaaliya..
Guji..
BOSASO: Kasoo horjeedka
Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay
kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay
$US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda
iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
ABC
Australia...
"waxaa dalka England si joogto u
yimaada qaadka ka yimaada dalka Kenya. Waxaa dhacda iyadoo uu qofka
shaqeenaya oo xagga hoose ku sito laamo qaad ah. Tusaale ahaan mar
aan booqday daarta Bush House ee ku taalla idaacadda BBC-da laanta
qabyta af soomaaliga ayaa waxaan ku arkay qaar ka mid ah shaqaalihii
BBC-da ee soomaalida oo laamo qaad ah ku cunayay xafiiska. Waxaan is
iri, warku maba sheegaan haddaan la ruugin bahalkaas laayay kumanaan
kun oo soomaaliyeed.
Ibraahim Saalax [August 4, 2001]
Soomaaliyeey Qaadku Waa Daroogo Halkan
- Ameerika
Qaadka vs Suugaanta |
Waxaa baaritaankii ii soo baxay sidatan:
Qaadka waxaa cadaatay in uu dhibaato u keenay guryo badan oo soomaali ah
ayada oo aan markii aan baaritaanka kujiray ay ii sheegeen dadbadan ama
qooysas badan oo soomaali ah oo ii sheegeen in ay maalinba maalinta
kadanbeeysa arkayaan reer burburaya.
Reer ama hooyo soomaaliyeed ayaa tilmaantay waxa ugu wacan ama mushkilada
ayada oo hadalkeeda kubiloowday sidatan " Qaadka ninka Soomaaliyeed ha cuno
laakiin reerkiisa waa inuu dhaqdaa oo uu kawarqabaa, Qaadka wuxuu kanoqday
halkan ama Australia sidii Soomaaliya oo kale waxaa dhacday in rag badan ay
u soo jeesteen shilinkii yaraa ee reerka lasiinayay in ay wax ku iibsadaan
qaadka taas oo aan ahayn mid la aqbali karo, waa sida ay hooyadaas
tilmaantay ayada oo hadalkeedii sii wadata ayaa waxa ay tiri" Wadankeenii
lama shaqayn jirin oo shaqo majirin oo ninku meelahaas ayuu wax karaadsan
jiray oo shaxaad iyo qaraabsi ayaa lagu noolaa caleentana waa lacuni jiray,
Halkan way kaduwan tahay waxaan nimid wadan kaduwan iyo nolol kale marka ma
ah in qoyska ama reerka soomaaliyeed uu marwalba noqdo mid khilaaf iyo
mashaakil kunool."
" Saad lasocotid qaadka wuxuu kabaxaa meelo kamid ah wadanka marka intii ay
rag kasoo guraan meelahaas ayay ka i ibinayaan inta kale marka kii aan lacag
haysanin ama shaqaysanin hadee reerkii ayuu dib ugu soo laabanayaa oo uu
leeyahay naa bal keen wax aan baabuurka ku soo hagaajisto asaga oo been u
sheegayo reerkii laakiin ku soo iibsanayo qaad." " Marka bur bur ayaa
halkaas kayimid waa sida ay tilmaantay hooyadaas.
Aniga oo dhagta ku hayo hadalka hooyadaa ayaa waxaan waraystay qayb kamid
rag dhallin yaro ayaga oo ii sheegay in uu qaadka uu baryahan noqday qaali
oo ay ii sheegeen qaadka waxaa laga soo guraa gobolo kale marka soomaalida
kale ee dagan gobolada kale ayaa loo sii diraa oo baacyac muushtar ayuu
noqday marka hadee waa saas ayaya igu yiraaheen. Anoo su'aal way diiyay
ayaan waxaan iri " Soo ma wanaagsana in aan iska daayno bahalkaas oo aan
usoo jeedsano korinta ilamheena iyo noolasheena? jawaab aan ku qanco kama
helin dhalin yaradii .
Dhibaatada intaas kawayn oo ii soo baxday markii aan u kuur galay wax ay
ahayd midan
"Waxaa soo baxday in ay qoysas badan oo soomaali ah ay dumaan kabacdi markii
ay yaraatay xiriirka qoyskii ama aabihii iyo reerkiisii ayada oo ay ragu
ubadan yihiin in shaqaysa ayaa waxaa shaqadii ay noqotay wadida tagsiga
ayada oo uu habeenkii oo dhan wado tagsigaa malintiina uu hurdo inta
habeenkii uu wadana uu saacado kabixiyo oo uu qayilaad u aado meel kale.
Hooyadii ayaa reerkii kaligeed kunoqotay, hooyo soomaaliyeed oo codsatay in
aan magaceeda labaahin ayaa ii sheegtay sidatan "Ilaahay ayaa nagu og waan
rafaadsanahay aniga ayaa ilmama iskuulka geeyo, aniga ayaa iskuulka kasoo
qaado, anigaa dhakhtarka geeyo, aniga ayaa kawarqabo marka aabihiis kama
warqabo marka mas'uul maladhihi karaa qofka saas oo kale ah ayaay tiri
hooyadaas."
"Salaada subax marka aan u kaco ayaan toosiyaa ilmihii, Quraac ayaan
udiyaariyaa , Iskuulka ayaan usiiqaadaa, waan soo noqdaa, suuqa ayaan wax
kasoo gataa, waan soo noqdaa ilmihii ayaa marlabaad iskuulkii kasoo qaadaa,
intaas aabihii waa iska hurdaa oo xalay oo dhan ayuu qaad iyo tagsi
raacdeennayay" ayey tiri. "Waxaa looga baahan yahay raga soomaaliyeed in ay
noqdaan mas'uul oo ayna marwalba u dhaqmin sidii wadankeenii looga dhaqmi
jiray. noolasha wadamadan waa mid dhibaato badan oo reerkii dumaa way adag
tahay in ay markale dhismaan marka waxaan aniga eeda dusha kasaarayaa raga
soomaaliyeed" ayay kusoo gaba gabeeysay hadalkeedii hooyadaa oo ii
waramaysay.
Gaba gabadii waxaa intii aan kujiray baaritaankii raadka uu qaadku ku
leeyahay Soomaalida Australia ii soo baxaday oo aan ogaaday in burbur iyo
dhibaato badan uu ukeenay qaadka qoysas badan oo Soomaali ah laakiin mida
meesha kujirta ay tahay goorma ayuu kawaansami doonaa qofka soomaaliyeed ee
meherad kadhigtay cunida caleentaas? Ma masuul baa ninka inuu burburo
reerkiisii kadoortay caleentaas, si walbaba ha haatee arinta waxaa cad in
uuna qaadku dhibaato kaliya ku haynin soomaalida gudaha wadankii kunool oo
kaliye ee uu qaadku saameeyay meelwalba dhibaato iyo mashaakil uu ku dhax
abuuray guryo badan oo soomaaliyeed.
Mohamed wali (xiish)
xiish3@hotmail.com
Australia.
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 8, 2005
Cathinone: (C9H11NO), waa nooc aalkolo ah
(alkaloid) oo laga soo dhex saari karo qaadka, taas oo meelaha
qaarkood looga yaqaan Catha edulis Forsk.
Cilmi baaris
Qaadka ku saasban.. GUJI
Qaadku qofka wuxuu ka dhigaa sidii wax soo jeeda, oo
debecsan oo hadal badan, oo aan cunto u baahnay. Halistiisana waxa
kamid ah in qofku dareemo in uusan la'aanta Qaadka waxba qabsan
karin, in uu afka dhib u geysto oo xataa uu sababi karo Cancerka
afka, Waxa kale oo uu keeni karaa wadne xanuun. Dadka mudada dheer
cuna Qaadka waxay u dhow yihiin waalli iyo in jeel majnuunka la
geeyo, sidaas waxaa qortay jariirad ka soo baxda Ingiriiska oo
halista Qaadka u uga digeysey dadkeeda.
ISHA:
www.connexionsinsheffield.org.uk