Cudurka Qaadka oo ku Dhacay xataa Xoolaha
Soomaliyeed ee magaalo jooga ah
Minneapolis (SomaliTalk.com): Kulan si heer sare ah loo soo qaban qaabiyey
oo habeenimadii Sabtida (Jan 8) lagu qabtay Minneapolis ayaa Soomaalidii halkaas isugu timid ay
isku raaceen in la bilaabo barnaamij gebi ahaanba Qaadka looga cirib tirayo
Soomaalida meel kasta oo ay dunida kaga nool yihiin.
Shirkaas oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka midowga ardada Soomaaliyeed ee
Minnesota (MSSU) iyo Maxamuud Nuur Wardheere waxaa yimid wufuud Soomaaliyeed oo ka kala yimid
Gobolka Utah oo uu hogaaminayey Shiikh Prof. Axmed Warfa oo macallin ah, iyo
Wafti kale oo kayimid Gobolka Georgia oo uu
hogaaminayey Cabdilahi Nuur Maxamed [kolombo] oo ku caan baxay
barnaamijkii Ciyaaraha ee Raadiyo Muqdisho ka bixijery 1da Duhurnimo iyo 7da
Fiidnimo xilligii beri samaadkii.
Waxaa
kulankaas ka hadlay culimada, waaya araga iyo aqoonyahanka
Soomaaliyeed, waxaana si weyn goobta loogu faaleeyey dhibaatooyinak uu Qaadku
u geystey bulshada Soomaaliyeed gebi ahaan, gaar ahaan waxaa si xeel dheer looga hadlay Soomaalida Minnesota dhibaatooyinka uu qaadku u geystey, sida dil,
qoys-burbur, dhac, xarig, shaqo beel, guryo beel, hanti beel, dan garasho
la’aan, sharci beel iyo dhibaatooyin badan oo aan la koobi karin.
Shirka oo Lagu Furay Aayado Qur'aan ah:
Ugu horeyn shirka waxaa lagu furay aayadaha Quraanka Kariimka. Kaddib
waxaa hadal kooban oo ku saabsan ururka Ardayda soo jeediyey madaxweynaha
hadda ee Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee dhigta jaamacada Minnesota, C/Raxmaan Mukhtaar.
Shiikh Xasan Jaamici:
Kaddib madasha waxaa ka hadlay Shiikh Xasan Jaamici oo
ah Qareen Soomaaliyeed, ugu
horayntiina waxa uu sheegay in ay jiraan shan qodob oo Diinta Islaamku ay ilaaliso oo
Qaadku uu saamayn ku leeyahay kuwaas oo kala ah: Qofka in laga ilaaliyo
wixii dhibaya, caqliga Insaanka in wixii dhibaya laga ilaaliyo, ilaalinta
sharafta qofka bini'aadamka, ilaalinta Diinta Islaamka, iyo ilaalinta qofku
wuxuu leeyahay. Shantaas oo Islaamku ilaaliyo Qaadku wuu dhibayaa.
Qofka Qaadka lacagta ku bixiyaana wuxuu soo geliayaa Mubadir, kaas oo saaxiib
la ah Sheydaanka ayuu yiri Sh. Xasan, waxaana uu intaas ku daray in culimada Islaamka
badidoodu isku raaceen in Qaadku uu yahay Xaaraam, taasna lagu sheegay Fatwo
laga soo saaray Yemen.
Qaadku qofka wuxuu ka dhigaa sidii wax soo jeeda, oo
debecsan oo hadal badan, oo aan cunto u baahnay. Halistiisana waxa
kamid ah in qofku dareemo in uusan la'aanta Qaadka waxba qabsan
karin, in uu afka dhib u geysto oo xataa uu sababi karo Cancerka
afka, Waxa kale oo uu keeni karaa wadne xanuun. Dadka mudada dheer
cuna Qaadka waxay u dhow yihiin waalli iyo in jeel majnuunka la
geeyo, sidaas waxaa qortay jariirad ka soo baxda Ingiriiska oo
halista Qaadka u uga digeysey dadkeeda.
ISHA:
www.connexionsinsheffield.org.uk |
Xasan Jaamici oo ka hadlaya dhibaatooyinka uu Qaadku soo gaarsiiyey
Soomaalida Minnesota, waxa uu sheegay dhawr qiso oo la xiriirta Qaadka,
waxana uu yir:
Boorso kamida boorsooyin dibada ka yimid ayaa laga helay Qaad,
boorsadii markii ay booliskii qabteen inta ay Qaadkii ka wareejiyeen ayey
kartoono ku gureen si ay boorsadu sideedii ugu ekaysiiyaan, waxayna ku
reebeen xoogaa yar oo qaad ah, kaddibna nin booliskii ah ayaa inta uu soo gashtay
dharka dadka boostada qaada, boorsadii soo qaaday, waxana uu keenay gurigii uu
cinwaankiisu ku qornaa boorsada, waxaa guriga joogey nin Soomaali ah, ninkii
ayaa la yiri saxiix warqadan in aan boorsada kuu keenay, wuu saxiixay,
markaas ayaa booliiskii qabteen, waxaana uu sidaas ku noqday dembiile lagu
qabtay asagoo Qaad faraha ku haya. Waxa kale oo Sh. Xasan uu xusay nin inta uu
xaafad yimid yiri ii ogolaada aan telefoon dirsadee, markii loo
ogolaaday intii uu telefoonka dirsanayey ayaa xaafadii la hareereeyey waayo
guriga ayaa Qaad lagu gadayey, ninkii telefoonka dirsanayeyna waxaa lagu
daray dembiilayaashii. Qaadka waxa uu Maraykanka ka yahay Mamnuuc, waana
dembi qofkii lagu qabto. Waxana uu Sh. Xasan Sheegay in qaadku aad dhib weyn
ugu hayo Soomaalida Minnesota ayna tahay in qaadka laga dheeraado.
Dr. Cusaam Axmed (Xaraare)
Kaddib waxaa cod tebiyaha lagu soo dhoweeyey Dr. Cusaam Axmed (Xaraare)
oo sheegay in Qaadku yahay cudurka ugu weyn ee sida ba'an ugu faafay
Soomaalida. Waxaana uu si xeeldheer uga waramay xaaladaha uu maro
qofka Qaadka cunaa, kuwaas oo uu u kala qaybiyeyeafar
xaaladood oo kala ah:
- XAALADDA XARAARADDA: Waa xaalada koowaad ee qofka qaadka cuna
uu marayo, waa marka uu qaadku ku jiro qofka dhiigiisa, oo uu cirkaas
marayo, oo wax kasta la fudud yihiin, adigana wuxuu kuu arkaa wax si
kale ah.
- XAALADDA MARQAANKA: Waa marka uu Qaadkii uu dhiiga qofka uu
yarehe ka baxay oo uu qofkii Qaadkii aad ugu baahan yahay, waana marka
ay dadka ku dilaan oo aysan fariisanayn ilaa Qaad ay helaan. Waxa jirta
mar qof Soomaali ah uu 7 qof ku diley Qaad dartiis, dhawr iyo toban
kalena ku dhaawacay.
- XAALADDA QAADIRADA: Waa qaadiraysan yahay, qofkaasi wuxuu
qaban karo ma jiro, iskool ma aadayo, shaqo ma aadayo, cibaado warkeeda
iskaba dhaaf, halkaas ayuu iska tiirsanyahay ama iska jiifaa.
- XAALADDA DUBAABKA: Waa marka ay daroogadu kabadatay oo inta uu
waashay uu leeeyahay bahalaa i goo-goosanaya , mukulaal ayaa dabada iga
geleysa, belaayo...
Maxamuud Nuur Wardheere iyo
Cabdilahi Nuur Maxamed [kolombo]
Cabdilahi Nuur Maxamed [kolombo]
- STN & Zakariye Adan - SomaliTV |
Taasi waxay ku tuseysaa dhibaatooyinka xiriirsan ee Qaadka, oo uu ugu
horeeyo dhibaatada Caafimaad. Meelaha uu Qaadku markiiba jirka ka saameeyo
waxaa kamid ah Ilkaha, ayuu yiri Dr. Cusmaan.
Dr. Cusaam oo ka waramaya dhibaatooyinka kale ee Qaadka, waxa uu soo qaatay Qiso uu 1995 bishii May ku soo arkay magaalada
Jigjiga, waxa uu yiri: Maalin anigoo guriga u socda ayaa waxaa iga hor yimid dadkii
magaalada deganaa oo dhammaantood
socod ah, rag iyo dumar, waxaadna arkeysaa in dumarku ay
ulo sitaan, waxaana qof kasta oo dumar ah daba socda labo ama saddex neef oo
ari ah, qof qofka kale la hadlayaa ma jiro. Waan yaabay, meel makhaayad ah
ayaan ku leexday, qofkii shaaha ii keenay ayaan weydiiyey "war heedhe dadku
xaggee u socdaan", waxaa qofkii iigu jawaabey "Waa saacadii", anigu ma
garanayn waxa ay saacadu tahay, waana ka xishooday in aan sii weydiiyo.
Cabbaar ka dib waxaa soo noqday dadkii oo bulxamaya, oo raggiina ay Qaad
gacmaha ku wataan, qaybna cunayaan Qaadka, dumarkuna ay jawaano Qaad ah dhabarka ku
wataan, oo ulihii iskaga dhicinayaan arigii oo raba in ay Jaadka dumarka ka
qaadaan. Waxaa taas ka yaab badnaa in xilligu uu barwaaqo ahaa oo xooluhu
aysan naq waayin, aysana jirin wax xoolaha kukallifaya caleenta Qaadka. Halkaas
waxaad ka garan kartaa, ayuu yiri, in cudurka Qaadku uusan ku dhicin dadka oo keliya ee
xaataa uu ku dhacay duunyadii.
Waxa
kale oo Dr. Cusmaan uu sheegay in Hargeysa mar loogu
keenay canug xanuunsan, oo la garan waayey waxa ku dhacay, markii aan
weydiiyey, ayuu yiri, su'aalo waxa canuga ku dhacay waxay sheegeen in la siin jirey
caano laga liso ariga magaalada ee loo yaqaan Ari-Carbeed, oo neefkii loo
lisijirey ay caanihii ka gureen. Waa ariga cuna qaadka, sidaas ayaa Qaadkii
usoo raacay Caanaha ariga oo saamayn caafimaad ugu yeeshay canuga.
Markale magaalada Luuq waxaa ka dillaacay shuban, ayuu yiri Dr. Cusmaan, waxaa naloo keenay wiil
dhallin yaro ah oo kaadidu ku dhegan tahay, waxaana xilligaas ku beegnaa mar
Qaadka magaaladaas laga mamnuucay, wiilkii si kasta inta la sameeyey
ayaa la waayey wax kaadida ka keena, ilaa ay rag kale yiraahdeen "war anagaa
naqaan wiilkan waxa kaadida ka kenaya waa Qaad ee hala qaniinsiiyo".
Dr. Cusmaan waxa kale oo uu si xeel dheer uga hadlay Sigaarka, waxana uu
tusay sawiro muujinaya xubnaha jirka ee uu sigaarku aafeeyo, xubnahaas oo ay
ka mid yihiin: wadnaha , beerka, caloosha, kaadi haysta, sambabada, iwm.
Xubnahaas oo dhan waxaa aafeeya sigaarka. Waxana uu sheegay sabab sigaarka loo cabo
in ay san jirin oo aan kahayn in qofka cabaa uu isu arko in uu dadka ka reer
magaalsan yahay oo uu isla weyn yahay - balse qofkaasi uu gacatiisa ku
haysto cudur. Waxana uu xusay in ay jiraan aabayaal
badan oo carruurtooda sigaarka ku ag caba, sidaasna uu cudurkii
u saamaynayo carruurta.
Dhallinyada Soomaaliyeed waxaa hor yalaa in ay ka hortagaan saddex cudur
oo kala ah: Qadka, TB-da iyo HIV/AIDS oo hadda hor leh. Waxana uu xusay Dr.
Cusmaan in tirokoob la sameeyeye 2003 la ogaadey in cudurka HIV/AIDS ay
qabaan 43,000 oo Soomaali ah. Waddamada ugu badan ee qaba cudurada HIV/AIDS
labo kamid ah waa ku Qaxnay oo waa ku nool nahay, marka waxaa dhici karta in
cudurku intaas ka badan yahay. Wadama ka hooseeya badda Meditarianka (ee
muslimka ah) waxaa
lagu qiyaasay in Soomaaliya ay tahay waddanka Saddexaad, marka laga reebo
Suudaan iyo Pakistan.
Dr. Cusmaan Xaraare waxa uu dhammaadkii 2003 shaaca ka qaaday in
18 Soomaali ah oo deggan Minnesota ay Qabaan Cudurka
AIDS-ka.
Hooyo Soomaaliyeed
Waxa kale oo madasha ka hadlay hooyo soomaaliyeed oo magaceeda la yiraahdo
Xaliimo, ahna macallimad wax ka dhigta dugsiyada Minnesota, kuna xijaaban
qaabka ugu wanaagsan ee dumarka Muslimiintu ugu xijaabtaan Jalbaabka
muslimku jideeyey. Waxay sheegtay in Qaadku uu sabab u noqday in qoysas
badan ay burbureen, waxayna sheegtay in gabdho badani ay ragooda ku
haaraamaan in ay intii yarayd ee carruurta habta loogu gadi lahaa ay qaad ku iibsadeen. Waxa ay xustay in qaadku keenay xishood darro, kala dambayn la'aan iyo anshax xumo. Waxaana dhumay ayey tiri qab weynidii
Soomaalida - waxaad arkeysaa qof weyn oo gacanta u soo taaganaya Qaad oo leh
II-DHIIB QAADKA, waa dhaxal wareeg ayey tiri.
Waxay hooyada Soomaaliyeed ardayda xusuusisay in haddii ay cunaan geedka yar ee caagaaran uu
keeni karo xarig, taas oo ay ka qoomamayn doonaan, waa dhallinta ku dhaqan
meelaha Qaadku mamnuuca ka yahay, kuwa kalena uu u keeni doono mustaqbal
xumo iyo dulli. Waxayna xustay in dhallintu ay Qaadka ku
bartaan hab shaxaad ah, hadhowna ay la qabsadaan, kaddibna ay noqdaan dulli
wax ma barte ah ilaa uu ka noqdo ma shaqayste, ilaa uu marka uu jaad waayo, shaqona mahaysto'e, uu dadka ku laayo
si uu marduuf u helo.
Waxay xustay in dad badan oo Jooga Soomaaliya ay u dhintaan sabab Qaad,
sida kuwo ka cararaya Isbaaro oo lagu toogto oo hadhow marka la isweydiiyo
la yiraahdo Qaad ayey la cararayeen iwm. Waxayna Allah u bariday in uu dawo
cudurkaan Qaadka ah u soo dejiyo Ummada Soomaaliyeed.
Shiikh
Cabdrixamaan Shiikh Cumar
Shiikh
Cabdrixamaan Shiikh Cumar oo ah iimaamka Masjidka Shaafici ee Magaalada
Minneapolis ayaa asaguna ka hadlay madasha, waxana uu si xeel dheer uga
hadlay waxa ay Diinta Islaamku ka qabto Qaadka. Mahadnaq Allah ka dib, waxa
uu Sh. C/raxmaan waxa uu si qoto dheer uga hadlay ubadka iyo duriyada iyo
sida ay u haboon tahay in la ilaaliyo riximka iyo taranka qofka.
Sh. C/Raxmaan waxa uu madasha xusuusiyey in Allah uu bini'aadamka ka
reebay wax kasta oo xun,oo Allah xalaaleeyey waxa wanaagsan. Sidaas
darteed, ayuu yiri, dawadeenu waxay ka bilaabaneysaa in waxa laga tegayano
looga tago hor Allah, wixii Allah inaka reebay in aan ka tagno, sida
khamrada, khamaarka iyo Asnaamta oo Allah inaka xarimay oo ina faray in aan
ka dheeraano, wixii wanaag ah ee la raacayona loo qaato Allah dartiis.. Waxa uu xusay Muslimiintii markii Khamriga laga
xarimay in reer Madiina ay markiiba Khamrigii daadiyeen oo Allah dartiis
markiiba uga tageen.
Wax kasta oo bedela qofka bini'aadamka
caqligiisa waa xaaraam. ayuu yiri Sh. C/raxmaan, qaadkuna xukunkaas ayuu
hoos imanayaa.
Sh. C/Raxmaan waxa uu yiri waxaa la isku raacay in Qaadka wax faa'iido ah
oo uu leeyahay aysan jirin, oo xataa majaalista la isugu yimaado oo lagu
cuno Qaadka wixii lagaga hadlo waa hawo been ah iyo dhalanteed oo wax
faa'iiodo ah aysan kasoo baxayn, waxana uu soo xigtay aqoonyahanada Yemen
nin ka mid oo maciisa la yiraahdo Axmed Jaabir oo sheegay in xataa
majaalista ama goobaha la fariisto ee Jaadka lagu cuno ay qayb ka mid ah
yihiin kuwo ka qayb qaata isku dirka mujtamaca iyo isku dirka dadka.
Sh. C/Raxmaan waxa uu yiri culimada Islaamku waxa ay ka eegeen Qaadka in
uu yahay laba midkooda: ma shey wanaagsan baa mise shey xun. Khabiith (wax
xun) ma
yahay mase khabiith ma ahan. Waxana uu soo daliilsadey kitaabka: "Aallah
wuxuu idiin xalaaleeyey waxa wanaagsan (dayibaadka ah), waxa xun (khabiith-ka) waa idinka
xaaraantinimeeyey". Marka waxaa cad ayuu yiri in Qaadku gelayo dhanka
Khabiith-ka ah, waayo waxaa cad in qaadku uu yahay Daroogo, oo xataa
gaaladii ay mujtamacoodii ka ilaalinayaan oo ku bixinayaan kharash badan
si ay dadkooda uga ilaaliyaan, waxana uu xusay joornaal in uu ka akhriyey
in xataa dadka loo sheego in ay jiraan daroogo cusub oo katimid Afrikada
Bari, oo ay tahay in laga digtoonaado, waxaana loo sheegay dadka daroogada la
dagaalama sida lagu garto qofka cuna qaadka oo ay ka mid tahay in qofku uu indhaha
warwareejinayo oo wax tufayo.
Sh. C/Raxmaan & Prof. Axmed Warfaa
|
Sh. C/Raxmaan waxa uu sheegay in Qaadku uu mujtamaca baabi'yey, qoysas
badaan uu halakeeyey. Malaayiin lacag ah ayaa dalka bannaanka looga saaraa,
wax uu ku fiican yahayna majiraan. Waxana uu xusay mar dhoweyd oo uu Xamar
tegey in uu arkay nin Ajnabi ah oo gaal ah oo makhaayad fadhiya oo Qaad cunaya, oo uu la
yaabay in Soomaalidii ay xataa ajnabigii bareen Qaad cunka.
Sh. C/Raxmaan waxa uu sheegay in geedkani uusan ka duwanayn geedaha kale
ee daroogada ah, sida kuwa laga keeno kolombiya ee xashiishka loo yaqaan,
waxba kama duwana ayuu ku hadalka ku adkeeyey, waana SHAJRATUL KHABIITHA, waxaana uu sheegay in
mar Soomaalidu gebi ahaanba isku raacday in geedkani yahay Suntii cagaaray
sidaasna mar Soomaliya looga mamunnucay. Cida
difaacaysaa geedkan ma haystaan wax qiil ah ee difaacoodu yahay difaac
liita, geedkani waa daroogo ayuu yiri, culamada Islaamkuna waa reebeen,
caqiiqdo ahaan in la isaga daayo ayaa haboon ayuu yiri.
Waxa uu Sh. C/Raxmaan sheegay in geedkan ay culimada Islaamku
xaaraantinimeeyeen ayna tahay in laga tago. Daawada geedkan waa in Allah la
rumeeyo, oo laga tago wixii Allah xaraantinimeeyey ayuu ku adkeeyey. Qaadku
waa Xaaraan, ee uga tag cabsida Allah. Allah wuxuu markaas kaa badbaadinayaa
caradiisa, Adigu waad badbaadeysaa, qoyskaagu waa kuu badbaadayaa. Qofkii
iska dhaafayaa ha isaga dhaafo Allah dartiis. Caqiido ahaan ha uga tago,
ayuu yiri.
Waxaa kale oo wax looga qaban karaa in dhallinta Diinta la baro, oo
Masaajida lagu soo xiro, laguna barbaariyo diinta oo Allah lagu xiro, wanaaga
la baro, xalaasha iyo xaraamta la baro.
Ugu dambayntii waxa uu Sh. C/Raxmaan sheegay in xataa geedkaan haddii loo
kala garan waayo xaaraam iyo xalaal uu soo gelayo Shubuhaad, oo
shubuhaadkana ay tahay in laga tago. Waase cadahay, ayuu yiri, in Qaadku
Xaaraam yahay, ee halaga dheeraado, yaan la cunin, yaan la iibin, yaan laga
ganacsan, yaan loo
guurin qof Qaad cuna, gabadhaada ha u guurin nin Qaad cuna, maxaa yeelay
biilkii Qaad ayuu ku cunayaa, berina Ilamihii ayaa biil la'aan ku soo dhic
doontaa. Allah ha inaka caafiyo cudurka Qaadka ayuu kusoo xiray.
Prof. Axmed Warfaa
Waxaa
kale madasha ka hadlay Shiikh Prof. Axmed Warfaa PhD oo hadda wax ka
dhiga Salt Lake City Community College, Utah ee dalka Maraykanka, kana dhiga
maadada biology/botany, ahna nin dhirta aad u yaqaan, horena wax uga
dhigi jirey Jamacaddii Soomaaliya, waxana uu baaritaan ku
sameeyey Qaadka kana qorey buugaag. Prof. Warfaa oo diintana yaqaan xataa
qaadka waxa uu ku beeray magaalada Janaale ee Sh/Hoose ee Soomaaliya si uu u derso.
Cathinone: (C9H11NO), waa nooc aalkolo ah
(alkaloid) oo laga soo dhex saari karo qaadka, taas oo meelaha
qaarkood looga yaqaan Catha edulis Forsk.
Cilmi baaris
Qaadka ku saasban.. GUJI
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE
QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo
qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba,
taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku
dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
BOSASO: Kasoo horjeedka
Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay
kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay
$US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda
iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
ABC
Australia...
|
Ugu horayn waxa uu Prof. Axmed Warfaa dadkii kula kaftamay in waagii
Qaxootiga in la weydiiyey inta sano ee iskuul soo dhigtay oo qofkii
su'aalaha weydiinayey uu yiri ma 8 sano ayaa dhigatay mase 12, markaan ku yiri 27 sano
oo uu qofkii su'aalaha weydiinayey uu u qaadan waayey ilaa qof
kale oo meesha fadhiyey uu yiri war ninkani wuxuu ku leeyhaay waxaan
haysataa Ph.D.
Prof. Axmed Warfaa waxa uu ka xog waramay meeshii uu magaca Qaadku uu ka
bilowday oo uu ku tilmaamay in magacan uu bixiyey nin muddo aad u horeysey
booqday dalka Yemen, ninkaas oo ahaa reer Finland oo arkay geedkan ay arigu
inta ay cunaan ku marqaamayaan. Ninkaas oo geedkii u geeyey boqortooyadii
waagaas ee dalka Finland.
Kaddib Prof. Axmed waxa uu ka waramay maadooyinka sunta ah ee kujira
Qaadka. Waxana uu sheegay in ay kujiraan saddex maado oo loo yaqaan
Alkaloid
[Aalkolo] oo u xiriirsan sidii awr cadaysimo ah kuwaas oo dhiiga qofka qaadka cuna soo gelaya,
waxaana ka sii daran in Qaadka lagu qaato waxyaabo ay kamid yihiin Kooke,
shaah, kafee iyo biyo oo maadooyinkii uu qaadku ka samaysnaa ku milaya
dhiigga.
Waxaa
taas ka daran oo uu Prof. Axmed sheegay in la ogyahay meelaha Qaadka laga
keeno oo ah dhulka la tilmaamay in Cudurka HIV/AIDS uu halakeeyey, waxana uu
xusay in ay dhici karto in dadka Qaadka guraya oo adeegsada qalab ay kamid
yihiin mishaaro (ama godimo
iyo faasas) ay dhici karto in ay birahaasi saraan oo dhiig ka yimid uu gaaro
ama ku daato caleentii Qaadka, mar haddii dhiiga qofka HIV/AIDS qabaana uu caleenta
gaaro intii Qaadkaas cuntana uu cudurkaasi ku dhici karo. Arintan oo ah
halista ugu weyn ee Qaadku hadda u leeyahay Mujtaamaca Soomaaliyeed, marka
laga soo tago xaggii dhaqaalaha, qoyska oo uu burburinayo, waxaa ka daran in
uu qayb weyn ka yahay faafida cudurka HIV/AIDS.
Prof. Axmed Warfaa waxa uu aad ugu adkeeyey in ay dhici karto in dadka ka
ganacsada Qaadka, iyo dadka soo gura ay qabaan cuduro halis ah, sida Qaaxada
iyo HIV/AIDS iwm, oo qaadkiina uu sidaas ku noqday waxa uu weyn ee ka qayb
qaata faafinta cudurada halista ku ah mujtamaca Soomaaliyeed. Waxana uu
Soomaalida xusuusiyey in wadamada ugu badan ee Qaadka laga keeno ay yihiin
Kenya iyo Itoobiya. Waxa uu xusay gabaygii Abshir Bacadle ee
Qaadow Adigaa Leh.
Prof. Axmed Warfaa waxa uu yiri caawa waxaan idiin wadaa codsi walaaltino,
mid Islaamnimo---- inta aanaan codsigayga soo bandhigin, ayuu yir, qofkii og inaba in uu
qaadka wanaag ku sheegi karo gacanta ha taago.. waa la waayey wax gacata
taaga.. sidaas waxaa ku cad intii madasha fadhidey oo lagu qiyaasay 265 qof
ay isku raaceen in qaadku uusan wax faa'iido ah lahayn. Haddii aan taas isku
raacnay, ayuu yir, Qofkii ogol in uu caawa bilaabo Olole ciribtir Qaadka ah qaadno
gacata ha taago.
Dhammaan gacanta ayaa la taagey.. Waxaa halkaas ka soo baxay in Allah
hortiis iyo intaas oo Musliiiin ah hotood in ay ballan ku qaadeen in ay bilaabaan
Olole lagu cirib tirayo Qaadka. Intaas markii la isku raacay ayaa Prof. Axmed waxa kale oo uu weydiiyey in ay gacata taagaan qofkii diyaar u ah ilaa
saddex qof uu sabab ugu noqdo in ay Qaadka Joojiyaan ... gacata ha taageen..
dhammaan gacata ayey taageen.. Sidaas
ayaa waxaa la isku raacay intii madasha fadhidey in ay noqdaan kooxdii
Soomaaliyeed ee ugu horeysey ee u istaagtey cirib-tirka Qaadka iyo in qof
kastaa uu muddo hal sano gudeheed ah ku keeno saddex qof oo sabatiis isaga
daayey Qaadka - saddexda qof ee la keenayo waa isku day, hanuunkaan Allah
ayaa leh ayuu yiri. {Waxana uu Prof. Axmed madasha xusuusiyey Qowlka Allah ee "Naftiina
iyo Ehelkiina uga diga Naar".}.
Maxamuud Nuur Wardheer oo la dalaya
C/Raxmaan Mukhtaar oo ah madaxweynaha Ururuka Ardayda Jaamada
Minnesota |
Gabar sheegtay inaysan weligeed Jaad cunin, laakiin ninkeedu cunijirey
laakiin uu hadda iska daayey ayaa xustay in dadka madashan jooga ayasan
ahayn kuwii Jaadka cunijirey ee ay tahay in warkaan la gaarsiiyo kuwa Jaadka
cuna ee jooga daafaha dunida. Prof. Axmed Warfaa oo gabadha u jawaabayey ayaa codsaday in warkaan la
gaarsiiyo dhammaan mujtamaca Soomaaliyeed, waxana uu sheegay in uu asago
bilaabayo in uu tegi doono meelaha ay Soomaalidu ku kulmaan kana sheegi
doono arintan.
Su'aal la weydiiyey ayaa ahayd in Qaadka uu Prof. Axmed Warfaa ku
sheegay in ay ku jiraan maadooyin, laakiin in Qaadka wax ma u dhimaa rag nimada iyo dumar nimada. Taas asagoo ka jawaabaya waxa uu yiri
maadaama Qaadka lagu cuno cabitaan badan oo sida shaah, kooke, Qaadkuna uu
kicinayo dareenkii, marka qofku musqusha galo ayaa ugu dambaysa rag
nimadii iyo dumar nimadii ayuu yiri.
Su'aal
kale ayaa ahayd ma la jaajuusi karaa dadka Qaadka gada ee jooga dhulka
Qaadku mamnuuca ka yahay si loo qabqabto. Waxaa Prof. Axmed Warfaa ku
jawaabey in aysan banaanayn in qof la jaajuuso, waxanuu yiri shakhsiga bini
aadamka ugu hooseeya waa jaajuusnimo, Allahana waa mamnuucay in la is
jaajuuso, marka taasi ma bannaana, waxana uu yiri waxaan ajnabi uga
baahan ma jiraan, uma baahnin cid kale anaga ayaa isku filan ee anagu aan la
dagaalano sidii aan u suulin lahayn Qaadka, maadaama aan inteenaan 265 qof ah iska
weyneyn qof sheega in qaadku faa'iido leeyahay, aan anagu u hawl galo.
Jajuub majiro, ee si saraaxo ah ayaan dadkeena ula hadleynaa, waxaan
leenahay kuwa qurbaha noogu keenaya fadlan naga joojiya, hanagu keenina,
ayuu yiri.
Halkaas ayaa waxaa ka soo baxay go'aankii intii madasha isugu timid oo
ahin la cirib tiro Qaadka.
Gabagabo:::
Hadaba aniga oo ah qoraaga qoraalkan, maadaama aan ka mid ahaa dadkii
madasha joogey, oo Allah dartiid ballanta ugalay ka qayb qaadashada
ciribtirka qaadka, waxaan akhristayaasha ka codsanayaa in saddexdii qof ee la
igu qaybiyey ay noqdaan kuwa u horeeya ee ballan qaada in Allah hortiis ay
isaga Daayeen Cunida ama ka ganacsiga Qaadka. Waxa kale oo siyaado ah oo aan
codsanayaa, anigoo raba in aan ajarka siyaadsado, in aan helo saddex qof oo
kale oo ah kuwo aan Qaadka cunin oo ii ballan Qaada Allah hortiis in ay isku
deyayaan in midkiiba uu sannad gudihiis sabab u noqonayo saddex qof oo
joojiya cunida ama ka ganacsiga Qaadka - waa isku day in aad keentaan saddex
qof, hanuunka Allah ayaan u deyneynaa, jajuubna ma jiro ee waa saraaxo wax
ugu sheegid qof walaalkaa ah ama ehel kaaga ah ama saaxiibka ah.
Saddexda
Qof ee iga ballan qaada in Allah dartiis ay u joojiyeen Qaadka iyo saddexda
uu midkiiba keenayo saddex qof oo kale, waxaan codsanayaa in ay magacooda
iyo wadanka ay joogaan iigu soo diraan emailka ah: webmaster@somalitalk.com [Akhristaasha ayaan u sheegi doona marka aan helo
saddexdii qof ee la igu qabiyey, insha Allah.]. Waxa kale oo aan codsanayaa
in qoraalkan la sii daabaco oo la gaarsiiyo qof kasta oo Soomaali ah intii
la awoodo.
Barnaamijka Ciribtirka Qaadku waa in Allah la isku dhaarsado oo qof kasta
oo Qaadka cuna ama ka ganacsada uu ka tago cunida/ganacsiga Qaadka, Allah
hortiis, qofkasta oo Soomaali ahna uu ballan qaado in uu halano gudeheed uu
saddex qof ku dhiiri gelinayo in ay Qaadka iska daayaan.
Sidaas ayaa lagu helay dawadii cudurka mudada dheer halakeeyey Soomaalida,
waana bilowgii ciribtika cunida iyo ka ganacsiga Qaadka. Insha Allah.
Qore: Maxamed Cali
Minneapolis, MN, USA
Email: webmaster@somalitalk.com
Web: www.somalitalk.com/qaad