SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL
Daabaco Boggan | Print

»Digniin ku socota madaxda PL oo ka soobaxday Agaasimaha Tamarta


Silsiladdii Taariikhda Islaamka:
TAARIIKH
Casharadii Taariikhda Islaamka oo markale dib u bilowday,
Guji..

Qore:  Sh. C/risaq Macallim [12aad]

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah daawo: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir



  •  Garowe: Roob lixaad leh oo si wayn uga da'ay Garowe iyo Nawaaxigeeda.
  • Roob lagu  Qaboobey oo Xalay ilaa Haatan Ka Da'aya Magaalada Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari.
  • Garowe: Duqa Degmada Garowe oo furay dugsiga hose/dhexe eeMagaalada Garowe.

Garowe: Roob lixaad leh oo si wayn uga da'ay Garowe iyo Nawaaxigeeda.

Waxaa tan iyo xalay si wayn uga curtay roobab lixaad leh Magaalada caasimada u ah Puntland ee Garowe roobab lixaad leh kuwaasoo si wayn uga da'ay magaalada iyo hareeraheeda.

Roobabkaan tan iyo xalay sida wayn uga da'ayay magaalada ayaan ilaa iyo hada gaysan wax khasaraaro ah waxaana si wayn ugu diirsaday roobabkan dadwaynaha magaalada oo iyagu ku qabowsaday roobabkan sida isdaba jooga uga da'aya magaalada ilaa xalay ilaa maanta  kuwaasoo ah roobab waawayn cirkuna uu yahay mid ay ka muuqato daruuro waawayn oo biyaysan.

Jawiga magaalada ayaa ah tan iyo maanta Daruuro cugcugan ama biyaysan waxaana la oran karaaa waxaa ka jira magaalada roob lixaad leh kaasoo la fili karo caawana in uu si wayn uga curto magaalada maadaama cirku wali yahay mid biyaysan islamarkaana uu roobku jiro dhan walba oo magaalada ah.

Roobkan ka curtay magaalada Garowe ayaa sidoo kale waxaa laga soo sheegayaa miyiga   ilaa iyo hadana ma jirto wax dhib ah oo laga soo sheegayo meelaha uu sida wayn uga da'ayo roobkani waxaana la oran karaa waa roob si wayn loogu diirsaday xili la filayo in uu jiilaal bilowdo ayaa roobkani iskeenay in kastoo uu dhulku awalba ahaa mid barwaaqaysan oo roobsan ayaa hada robkani si wayn mar kale uga curtay degaano badan oo ku hareeraysan gobalka Nugaal ilaa deegaanka Qardho.

 Toga wayn ee Magaalada Garowe ayay soo buuxdhaafiyeen biyo siwayn uga yimid dhanka miyiga kuwaasoo mar walba oo uu roob qabto ku soo biyo shuba Toga  kaasi oo ay biyihiisu u sii gudbaan dhanka bariga sida la xaqiijiyana ay galaan Bada Eyl oo ay ku darmadaan biyaha togo biyaha Badda xeebta  Degmada Eyl e isla Gobalka Nugaal.

Si kastaba Roobkan aya sid wayn loogu qabowsaday iyada oo la shegayo in ay cimilada Garowe ay tahay mid ka sii hoosaysa halkii ay ahaanjirtay waxaana caawa Garowe ka jira qabow siyaado ah. 

A/rizak koronto
Garowe Puntland

Roob lagu  Qaboobey oo Xalay ilaa Haatan Ka Da'aya Magaalada Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari.
 
Roobkan oo ahaa mid aad loogu diirsaday ayaa habeenkii xalay ilaa haadan  ka da'ay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka bari iyadoo saaka lasoo toosey iyadoo wadooyinka waa weyn ee magaalada ay biyo aad u fara badan ceegaagan.
 
Waxaa xirmey Maanta Goobihii Ganacsiga iyo waliba goobihiiwaxbarashada sida dugsiyada quraanka, iyo iskuuladii ayaa waxaa maanta macalimiintu u sheegeen ardaydii in roobka awgiisa ay fasax yihiin aradaydu.

Roobkii xalay ka da'ay magaalada Bosaso oo ilaa iyo haadan da'aya ayaa lama filaan ku noqday dadweynaha iyadoo ay dad badan ay la yaabeen roobkan ku da'ay bososo iyadoo aysan in badan uusan roob ku di'in magaalada boosaaso ee xarunta gobolka bari

Isku soo wada duuboo roobkan oo ilaa iyo haantan da'aya ayaa dadweynuhu fikrado kala duwan ka bixinayaan, waxaase xusid mudan in mudooyin sanado laga joogo uusan magaalada boosaaso ee xarunta gobolka bari uusan wax roob ahi ka di'in
 
Weriye Yusuf Gaduudow.
E-mail yusufgaduudow@hotmail.com
Bososo,Somalia

Garowe: Duqa Degmada Garowe oo furay dugsiga hose/dhexe eeMagaalada Garowe.

Duqa Degmada Garowe ahna gudoomiyaha golaha deegaanka  ayaa xariga ka jaray Dugsi cusub oo ah Hoose/Dhexe kaasi oo laga furay xaafad cusub oo ku soo biidhay xaafadaha magaalada Garowe oo sii siqaya.

Dugsigan cusub  oo kuyaala xaafad koonaha ah ayaa waxaa ka faaiidaysan doona ardayada xaafadaaas cusub oo ay   si caadi ah uga barandoonaan aqoontii laga helijiray dugsiyada Hoose/dhexe oo ay isla socondoonaana kuwa hore ee horay looga baran jiray aqoonta Hoose/dhexe islamarkaana ay isku manaahij yihiin oo aysan kala duwanayn manaahijda dugsiyadaasi.

Sikastaba waxaa ku soo badanaya magaalada Garowe Dugsiyada cusub oo xariga laga jarayo iyada oo ay dhismaha dugsiyadaasi ay iska kaashanayaan dadka deegaanka, aqoonyahanada, jaaliyadaha dibeda, iyo qaar ka mid ah Hayadaha caalamiga ah.

Dugsigan cusub ayaa waxaa loo dhamaystiray agabkii dugsinimo waxaana uu leeyahay dhamaanba agab xafiiseedkii, buugaag ardayda wax looga dhigi doono, iyo musqulo ay ardayda iyo macalimiinta ay isticmaalidonaan, iyo biyo joogta ah, sidoo kalena waxaa qol walba yaala kuraas iyo miisaska loogu talagalay in ay ardaydu ku fariistaan,  Dugsiga ayaa leh daarad wayn  oo ay ardaydu ku nasankaraan marka la siiyo biririf.

A/rizak koronto

Garowe puntland 

 


 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD