SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL
Daabaco Boggan | Print

»Digniin ku socota madaxda PL oo ka soobaxday Agaasimaha Tamarta



SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
Waxaa SomaliTalk.com u suurta gashay in ay waraysi dhinacyo badan taabanaya la yeelato Mudane Faarax Macallin Dawaara oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya... Halkan ka dhegeyso...




    بسم الله الرحمن الرحيم

    BAYAAN JAALIYADDA DENMARK OO KU WAJAHAN PUNTLAND

    24.11.2006

Bayaan lagu taageerayo rabitaanka shacabka Puntland ee ku dhaqanka shareecada islaamka, oo ay soo saareen culimaa’uddiinka, aqoon yahanka iyo waxgaradka jaaliyadda Puntland ee ku nool waddanka Denmark.

Annagoo ka kooban Culimaa’uddiin, Aqoonyahan, iyo waxgardka reer Puntland ee ku nool Waddanka Denmark, Waxay noola muuqatay inaan talooyin ka bixino arrimaha xasaasiga ah ee haatan ka taagan deegaanka Puntland, iyo guud ahaan Soomaaliya, bayaanna ka soo saarno.

Annagoo ka xun hadallada iska soo horjeeda ee is burinaya iyo kala dambeyn la’aanta ka jirta maamulka dowlad goboleedkaPuntland.

Annagoo ka xun is fahan la’aanta  iyo kalsooni darrada baaxadda weyn leh ee ka dhex jirta shacabka iyo hoggaanka Puntlnad.

Annagoo taageersan isku deygii ay sameeyeen Culimaa’uddiinka Puntland, si xal waara loogu helo jahawareerka ka jira degaannada Puntland, waxaan soo jeedineynaa baaqan hoos ku xusan:-.

  • Waxaan bogaadineynaa una hambalyeyneynaa baaqyadii is daba joogga ahaa ee badi ahaan beelaha dega Puntland ay ku qaateen hirgelinta isku maamulidda shareecada Islaamka, Annagoo ugu baaqeyna inay yeeshaan wada shaqeyn dhexdooda ah iyo guddi mideysan oo ay taladoodu hoos timaado. Waxaan beelaha kale ee harsanna ugu baaqeynaa inay qaadaan tallaabo la mid ah taas ay qaadeen walaalahood, lana midoobaan si ay uga qeyb-galaan is bedelka iyo najixinta isku maamulka shareeda Islaamka.
     
  • Waxaan ugu baaqeynaa waxgaradka iyo Culimaa’uddiinka Puntland inay isu kaashadaan ka gudbidda caqabadaha jira. Culimaa’uddiinka maadaama ay yihiin dadkii dhaxlay aqoontii nabiyada C.S., waxaan si gaar ah ugu adkeyneynaa in ay ka soo dhalaalaan waajibka Ilaahay ka saaray caddeynta xaqa iyo dowrka kaga aaddan badbaadinta ummadda iyo u hagidda bulshada dhinaca ay ka jirto maslaxaddeeda adduun iyo teeda aakhiro, aysanna waxgaradka iyo culimadu sugin in cid kale u dirto una wakiilato xilka gaarka ah ee Ilaahay ka saaray bulshada.
     
  • Waxaan si adag uga soo horjeednaa joogitaanka cadowga soomaaliyeed ee Tigreega gobollada Puntland. Dadka reer Puntland oo leh taariikh soo jireen ah, lana xasuun yahay kaalinta lixaadka leh ee ay ka qaateen halgankii gobanimoddoonka soomaaliyeed, meel ka dhac ayey ku tahay Diintooda, sharaftooda iyo taariikhdoodaba in ay gobolladooda joogaan cadowga Soomaaliyeed. Shacbiga Puntland ee samaha jecelna waxaan ugu baaqeynaa sidii looga bartayba inay arrintaa ka dhiidhiyaan, dadaal dheerna u galaan sidii shisheeyaha heysta dhulkooda ay uga saari lahaayeen xeel iyo xoog midey u  isticmaalaanba.
     
  • Waxaan u aragnaa sumcad xumo iyo meel ka dhac aad u weyn inay ku tahay Puntland in ciidamadooda ay ka garab dagaallamaan maleeshiyada Cabdi Qaybdiid oo taariikh mugdi ah ku leh shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba. Waana ayaan darro in ciidamada Puntland oo la filayay inay difaacaan sharafta ummadda iay dhufeys la galaan qabqable Cabdi Qaybdiid oo ah dambiile dagaal oo horaan xasuuq ugu geystay shacabka Soomaaliyeed, danta uu hadda u socdana ay tahay in uu huriyo colaad hor leh oo wax kallifayaa aysan jirin, iyo in uu daadiyo dhiig dad maata ah oo maanta fiyow, aananna muteysanin in loo geysto wax dhibaato ah. Waxaan sidoo kale ayaan darro iyo wax lama maleystaan ah u aragnaa, in dambiilahaas lagu maalgeliyay, hub iyo saanadna loogu iibiyay lacagtii canshuurta aheyd ee laga qaaday ganacsatada iyo danyarta reer Puntland.
     
  • Waxaan ugu baaqeynaa maamulka iyo guud ahaan shacabka Puntland, in walaalahooda Soomaaliyeed ee ay ood wadaagta yihiin inay kula dhaqmaan derisnimo wanaag ku saleysan Islaamnimo iyo soomaalinimo.
     
  • Waxaan ugu baaqeynaa shacabka reer Puntland inay ilaashadaan midnimadooda iyo nabad ku wada noolaanshahooda, taasoo lagu gaari karo oo kaliya inay fartoomaan wixii Ilaahay faray, kana reebtoomaan wixii uu Alle ka reebay, taasoo ay ku jirto maslaxadooda adduun iyo tooda aakhiro.
     
  • Waxaan ugu dambeyntii ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah meel ay joogaanba inay u midoobaan sidii ciidammada hororka ee Tigreega ee gardarrada ku jooga dalkooda iyo kuwa kale ee ku soo socdaba ay uga daafacan lahaayeen diintooda, dalkooda iyo sharafkooda, annagoo rajeyneyna in gargaarka Alle la heli doono haddii lala yimaado shuruudaha ku xiran.

    Nabad gelyo iyo ammaan nabigeenni Muxammad ahaa, eheladiisii, asxaabtiisii iyo intii wanaag ku raacda teeriyo qiyaamaha dushooda ha ahaato.

Magacyada saxiixayaasha bayaankan. 

  1. Sh.C/qani Qorane Maxamed
  2. Garaad Ciise Garaad Soofe Durraan
  3. Sh. C/raxmaan Axmed Cilmi (Abyad)
  4. Inj. C/maalik Maxamed Faarax (Gaas)
  5. Sh. C/risaaq C/raxmaan Macallin (Sanweyne)
  6. Faarax Axmed Cabdulle Shuuriye
  7. Shucayb Sh. Mursal M. Maxamuud
  8. C/laahi Ciise Oog
  9. Sh. C/qani Cali Jaamac (Bari-adag) (Muslim Aadam Turaab)
  10. C/jabaar Sh. Cumar Sh. C/raxmaan (Afguriye)
  11. Cali Cabdi Maxamed
  12. Cali Maxamed Xirsi
  13. C/Wahaab Salaad Xasan
  14. Maxamed Xuseen Baaruud
  15. Yaasiin Yuusuf (Dhicis)
  16. Xariir Ibraahin Aadan
  17. Maxamed Muuse Cilmi
  18. Maxamed Axmed Dhimbil
  19. C/raxmaan Samatar
  20. Xasan Maxamed
  21. C/kariim Xirsi Maxamed
  22. Maxamed Ismaciil Cabdi (Faatax)
  23. C/raxmaan Cali Faarax ( Matooto)
  24. Maxamed Xasan Warsame Kubyar (Soomaali)
  25. Xuseen Axmed Guuleed
  26. Xaaji Ismaaciil Maxamed Shire
  27. Maxamed Axmed Sh. Saalax (Head tuulo)
  28. Sh. Xasan Barre Diiriye
  29. Sh. Sahal Maxamed Faarax
  30. Saleebaan Maxamed Xirsi (Dhaqe)
  31. C/nuur Faarax Jaamac Dirir
  32. Maxamed-aar Yaasiin Cali-barre
  33. C/raxmaan Muxummad Cumar
  34. Mahad C/laahi Axmed (Xaaji)
  35. Sh. Siciid Maxamed Ismaaciil (Goodir)
  36. C/khaaliq Warsame Sayax (Goobe)
  37. C/naasir Axmed Khaliif
  38. Bashiir C/Casiis Maxamed
  39. Cali Maxamed Cilmi (Dheel)
  40. Cali Maxamed Cabdi (Dheere)
  41. Col. Axmed Maxamed Maxamed Kaarshe
  42. C/risaaq Nuura Aadan (Bakistaan)
  43. Maxamuud Cabdi Gallaydh
  44. Abdulqaadir Cabdi Huseen (Sanweyne)
  45. Faarax Cali Biixi (Kiyaamo)
  46. Ismaaciil Axmed Faahiye
  47. C/risaaq Nuur Budeeye
  48. Cali Cismaan Yuusuf
  49. Yaasiin Axmed Nuur
  50. Xasan C/wali Sh. Mursal
  51. Inj. Axmed Jibriil Cabdi
  52. C/Nuur C/laahi Falaash
  53. C/raxmaan Xirsi Nuur (Shiino)
  54. Jaamac Cumar Warsame (Dheere)
  55. Liibaan Maxamed Garboole
  56. Saadaq Aadan Maxamed (Suujino)
  57. C/laahi Warsame Xasan
  58. Maxamed Warsame Hiraabe
  59. Jaamac Maxamed Maxamuud
  60. Liibaan Jaamac Xasan (Garabey)
  61. Xasan Aadan geelle
  62. Axmed Ducaale Cabdi
  63. Maxamuud Aadan Cabdi
  64. Jaamac Muuse Ciise
  65. Xuseen Muuse Maxamuud
  66. Ibraahin Maxamuud Shire (Timojilic)
  67. C/Raxmaan Cawad Cismaan

Wixii faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan baaqan waxaad kala xiriirtaa:- 
Sh. C/qani Qorane Maxamed  Tel.0045-5130-8306
abdiqanim@hotmail.com
&
Sh. C/Risaaq C/Raxmaan Macallin (Sanweyne) Tel: 0045-2165-0458

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25, 2006

»Beesha Gumasoor  oo go'aansatay ku dhaqanka shareecada Islaamka
»Sool/Sanaag: Baaq ku saabsan Qaadashada Shareecada Islaamka
»
BAAQ KA SOO BAXAY BEEL WAYNTA CALI SALEEBAN EE W/AMERICA
»Baaq ay soo saareen waxgaradka beesha c/raxman harti (kaskiqabe)
»
Baaq Ay Sanaag ka Soo Saareen Beelaha Warsangeli
»Norway: Bayaan ay soo saareen indheergaradka reer Puntland...
»Beesha Ismaaciil Saleebaan oo ku baaqday ku dhaqanka shareecada
»
Baaq ay soo saareen Beelaha Cali Saleebaan...
»Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda reer PL ee Yurub iyo W/America..
»Baaq ay soo saareen Culimada iyo Waxgaradka beelaha dega Sanaag
»Baaqa Culumada iyo waxgaradka Ahlusunnah Waljamaacah
»Beesha Ugaar-saleeban oo ku Dhawaaqdey Maxkamad Islaami ah..
»Baaq ay wada jir usoo Saareen Waxgaradka Puntland ee Minnesota
»Beesha Leekase oo Bayaano ka soo saaray Galkacyo & Minneapolis
»Beesha Bah-Ararsame oo Maamul Islaami kaga dhawaaqday  Lascano
»Reer Khalaf oo Taageertay Maxkamaddii Laga Furay W/ Gaalkacyo
»Sheikh Jaamac Cabdisalaam  oo Xaqiijiyey Baaqii Culumada..
»Khudbadii Cadde Muuse ka jeediyey Gaalkacyo  
»Digniin ku socota madaxda PL oo ka soobaxday Agaasimaha Tamarta
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD