SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL


Boosaaso: Madaxwaynaha Puntland oo ku soo laabtay dalka kadib safar bil qaatay....

Madaxwaynaha DGPL Gen. Cadde Muuse ayaa Jimcadii (Feb 9, 2007) dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari halkaasi oo uu ka duulay xiligii uu u anbabaxayay dalka dibadiisa safar dheer oo uu ku tagay wadamo dhawr ah oo ay ugu horayso Emaratka carabta, halkaasi oo uu kula kulmay qaar ka mid ah shirkadaha macdanta ka baaraya deegaanada Puntland kadibna uu uga sii gudbay dalka Germany halkaasi oo la sheegay in uu u tagay safarkiisa gaarka ah ee la xirira baaritaan caafimaad.

Imaanshada ka sokow madaxwaynaha Puntland ayaa waxaa la filayaa in uu sida ugu dhakhsaha badan u guda galo hawlo badan oo ku xirnaan imaanshaha madaxwaynaha kuwaasi oo gaabiska dhigay habsami u socodka shaqo ee dawlad Goboleedka Puntland.

Madaxwaynaha DGPL iyo wafdigiisa ayaa waxaa magaalada Boosaaso ku soo dhaweeyey qaar ka mid ah madaxda dawlada oo ay ku jiraan wasiiro/ wasiiro kuxigeeno iyo qaar ka mid ah laamaha kala duwan eee shaqaalaha dawaldaha iyo dadwayne aan sidaasi u siibadnayn.Waxana uu markaas u gudbay madaxtoyada Bosaso halkaasi oo uu kula kulmay wafti maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada bosaso oo ka yimid dalkaasi Jabuuti kuwaasi oo si gaar ah u qaabilsan hawlaha Badaha.

Wafdiga ka yimid Jabuuti ayaa markii danbe u anbabaxay dalkooda jabuuti iyaga oo sheegay in ay mudo bil gudahood ah ku soo laaban doonaan islamarkaana ay wajihi doonaan hawlaha dekeda Bosaso oo ay sheegeen in ay ku samayn doonaan dayactir wayn.

Si kastaba ha ahaatee, madaxwaynaha puntland ayaa dalka dibadiisa ku maqnaa mudo halkaasi oo markii hore safarkiisu ahaa mid la xiriira caafimaadkiisa gaarka ah hase ahaatee markii danbe isku badalay mid la shira qaar ka mid ah shirkadaha macdanta ka baaraya puntland, shirkaasina uu ka dhacay Dubai iyaga oo ilo xog ogaal ah laga soo xigtey in shirkada Range ay sheegtay in Puntland looga baahan yahay in ay meel ku cadayso kharashaadkii ay shirkadaasi ku bixisay arimaha bulshada iyo sidoo kale dayactirka garoonka Garowe iyada oo shiradu sheegtay in hadii xal loo helo meelaha ay ku kala baxeen kharshkii ay shirkadaasi bixisay ay bixin doono balan qaadkeedii inta ka dhiman walow madaxdii puntland ee shirka fadhidayna ay markaas waxcadayn ah u waayeen sida kharshkaasi u baxay, waa sida laga soo xigtey ilo xog ogaal ah'e.

Cade Muuse ayaa ku soo laabtay Boosaaso iyaga oo ay dhacday hamigii loo qabay xukuumadiisa, waxaana arrintaas dadweynuhu  u aanaynayn in  Cadde Muuse markii loo magacaabay xilka madaxwaynenimo uu ballan qaaday in uu wax badan ka qaban doono arimaha bulshada isaga oo sheegay in uusan cidna xaqeeda duudsiinayn, taas oo shacabka reer Puntland ay sheegeen in balan qaadkaas Cadde Muuse laga waayay. Qaar shacabka ayaa tilmaamay in madaxweynaha oo mudadii xilka loo doortay ay ka harsan tahay sanad ayaysan jirin wax horumar ah oo la sheegi karo oo uu cade muuse soo hooyay intii uu xilka hayay, taariikhda ayaa is guraysa nin walbana waxaa lagu soo xasustaa wixii laga dhaxlo oo uu bulshada guud ahaan u qabto.

A/rizak koronto
Garowe Puntland

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 9, 2007

Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD