SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL


Garoowe: Qalab ay haayadda UNESCO ugu deeqday Wasaarada Waxbarashada Puntland oo Lagu Arkay Suuqa Madow.

Haayada UNESCO ayaa 30 January 2007 waxay buugaag iyo qalab ugu deeqday wasaarada waxbarashada ee DGPL kuwaasi oo ay haayadu ugu tala gashay in ay ka faa iidaystaan ardayda Dugsiyada sare ee deegaanada Puntland.

Buugaagtaan iyo qalabkan kale oo ay Hayaddu Gudoonsiisay wasiirka waxbarashada ayaa maalmihii ugu danbaysey lagu arkayay suuqyada magalada Garowe iyaga oo iib ah ayna ka muuqato shaabado kale duwan oo muujinaya in aysan buugaagtaani ahayn iib sida (Not for Sale).

Sikastaba  ha ahaate suuqa madow ee deegaanada Puntland ayaa mar walba waxaa lagu kala gataa waxyaabaha aan munaasibka ahayn in laga macaasho kuwaasi oo u baahan xanaanayn gaara ah iyo ka faa'iidaysi haday ahaan lahayd buugaag iyo qalabka kale ee ay haayaduhu ku deeqaan sida Computerrada, qalbaadka xafiisyada iyo kuwo kale.

Wasiirka oo isagu gudoomay qalabkan la gudoonsiiyay wasaaradiisa waxbarashada ayaan ilaa iyo hada ka hadlin sababta keenatay in la gato qalab deeq ahaan loogu deeqaya shacbawaynaha puntland, in kasta oo ay tanina qayb ka tahay musuqmaasuqa waynaaday ee ragaadiyay puntland hadana waa waxyaabo aysan samayn karin dad damiir leh una damqanaya sharaftooda iyo karaamadooda in ay gataan qalab deeq ahaan loogu talagalay ubadka Soomaaliyeed in ay wax ku bartaan.

Wasaarada waxbarashada oo iyadu ka mas'uul ah hawlaha waxbarasho ee baaxada waynleh ee ka socda Deegaanada puntland ayaa iyadu ka mas'uul ah ragaadinta waxbarashada yar ee ay haystaan kumaa kun oo reer Puntland ah maadaama aysan marna wasaraadaasi u raadin ardayda sanad walba ka qalin jabinaya dugsiyada sare ee puntland deeq waxbarasho oo lacag la'aan ah iyada oo u heli karta si fudud waliba isla markaana aan ku tala galin in ay xataa gudaha puntland ka hirgaliso jaamacd tayo sare leh oo xamili karta ardayda dugsiyada ka soo qalin jebinaya ama ay dhanka kale u raadiso ardayda shaqo ay kaga gabadaan baagamuuntada iyo shaqo la'aanta ka jirta dhulka puntland, intaas badalkeeda ayay wasaraadu ugu badashay ardayda in ay ragaadiso oo ay ka musuqmaasuqdo wixii ay baranayeen iyo qalabkii loo keenay iyada oo sanad walbana ay ardaydu ku jiraan muran iyo dagaal kagadaal marka la keeno sixitaanka imtixaanada puntland xiligaasoo ay wasaaraadu u baahato in ay hesho lacag si ay ardayduna u helaan natiijada imtixaanada iyada oo dhaafsiisanaysa shilimaan musuqmaasuq jira awgii.

Manajirto ilaa iyo hada cid ka hadashay qalabka waxbarashada ee deeqda loo bixiyey ee lagu kala gadanayo suuqa madow ee sida dadka reer Garoowe aaminsan yihiin ay wado wasaarada waxbarashadu maadaama ay iyadu ka mas'uulka ahayd ama ay ba lahayd gudoominta alaabtaasi.

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 6, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD