SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL


London: Shirwaynaha Jaaliyadaha Puntland iyo Jubaland ee London

Shir ay shalay soo qaban-qabiyeen xubno dhallinyaro ah oo aad u fir-fircoon kana tirsan Jaaliyada Puntland iyo Jubaland ee reer UK ayaa lagu qabtay magaalada London, shrkaas oo gogol xaar u ahaa mid weyn oo lagu ballan san yahay in lagu qabto isla London, UK, 27ka May 2007 oo dhalliyaradu qaban-qaabadeedii diyaariyeen.

Shirka shalay ka dhacay London waxay qaar ka mid ah gudiyada Beelaha dega Puntland iyo Jubaland isla soo qaadeen islana garteen:

· Arrimo dhowr ah oo ku saabsan danaha mustaqbakla fog iyo kuwa dhowba ee labadaas degaan iyo dadka ku nool.
· In lasoo dhammaystiro guddiyada Jaaliyadda.
· In dadka imaanaya shirweynaha warbixin laga siiyo marka hore xaaladaha labadaas degaan, gaar ahaan midda Jubaland oo xasaasi ah xillaga lagu jiro, kadibna laysla garto wixii dan loo wada arko oo wadajir looga qaban karo.
· Waxaa kaloo in badan waxgaradka shirka kasoo qaybgalay intii ka hadashay badankood ku nuux-nuuxsadeen, ayagoo tusaaleyn iyo sixitaan ula jeedana carrabka ku dhufteen, dhibaatooyinka iyo cabashada Maamul-Goboleedka Punltand ka soo yeera in wax laga qabto, Jaaliyadduna doorkeeda ku yeelato. Waxaa arrimaha la carrabaabay ka mid ah:
· Sidii loo heli laha Amni iyo Caddaalad dadka degaanka Puntland dhammaan wada raali gelisa intii la kari karo.
· Sidii Dawlad-Goboleedka Puntland loogu gudbin lahaa hadba talada loo garto inay dan u tahay wadajirka, horumarka iyo caddaaladda ummadda reer Puntland, wixii khaldanna loo sixi lahaa.
· Sidii jaaliyaddu ay uga qaadan lahayd doorka ay ku leedahay degaannada ay ka soo jeedu iyo waddanka lajoogo sidii wax looga qabsan lahaa loolana saan qaadilahaa arrimaha ka soconaya oo saamayn ku yeelan kara jaaliyadda nafahaanteeda iyo gobolada ay ka soo jeedo intaba.


Dadka qaban qaabinaya kulankan ayaa waxaa ka mid ah:-

1. Dr Maxamed Cabdiraxmaan Xaaji – (Shir-guddoomiye)
2. Axmed Siciid Geele Garoon– (Shir-guddoomiye kuxigeen)
3. Maxamuud Cisman Dicin- Xaynwade
4. Xasan Maxamed Salax - Xasan Soomaali
5. Dr Maxamed Xassan Barre
6. Aadan Guureeye Kaarshe
7. Gudi Ciise Nuur
8. C/risaaq Khaliif Salxaan
9. Ugaas Burhaan Cilmi Xirsi
10. Prof Xuseen Xasan Faarax
11. Inj Maxamed Salaad Weyrax
12. Xuseen Axmed Xasan Fiqi
13. Dr Maxamed Cismaan Cabdule
14. Cabdilaahi Axmed Aadan
15. Xirsi Xaaji Jaamac
16. Cali Abshir Ciise
17. Axmed Maxamuud Sardheeye
18. Axmed Geele Xuseen
19. Ibraahim Abtiile
20. Col Qamaan Axmed Gamuute
21. Col Abdiqani Ashkir Ali
22. Cismaan Jaamac Yuusuf
23. Xasan Nuur Jibriil
24. Ciise Xaashi Xasan
25. Inj Maxamed Xaaji Xaashi
26. Ciise Cabdule Cali
27. C/raxmaan Maxamed
28. Faarax Dalmar
29. Axmed Faarax
30. C/salaam Maxamed Xaaji
31. Maxamed Jaamac Qodax
32. Xuseen Saleebaan
33. Maxamed W Boss
34. Yuusuf Cali Fanax
35. Maxamed Xasan
36. Axmed Maxamuud Cabdale (Kudar)
37. Maxamed Faarax Naakhuute
38. Suldaan Gacamey
39. Saleebaan Cabdisalan Ibraahim Cali

Shirka weyn ee kadhacaya Magaalada London

Kulankaasu wuxuu dhici doonaa 27/05/2007 oo ah maalin Axadda ah Saacadu marka ay tahay 1 Duhirnimo wuxuuna ka dhici doonaa magaalada London, UK. Ciwaanku waa: 20 Merrick Road Southall UB2 4AU, wuxuuna u dhow yahay Station-ka “Southall Train Station”, waxaad kaloo soo raaci kartaa Basaska kala ah: 195,H32,120; waxaad kaloo soo raaci kartaa Khadka Treinka British Rail-ka ka soo baxa Paddington soona mara Ealing Broadway.
Wixii intaas dheer kala xiriir
Ibraahim Jamac Farah [Abtiile] 07960580485
Ahmed Siciid Gelle Shoodhe 07949951057








Diyaariye:Maxamuud Maxamed Xasan Shire

Soo gudbiye: A/rizak koronto

Faafin: SomaliTalk.com | May 22, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD