SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL


Bosaaso: Gen. Cadde Muuse oo sheegay in Saddex bilood Gudahood lagu Bilaabayo Hawlaha Macdan Baarista Puntland..

"Hadalkii oo ahaa in Puntland ay ka baxeen hawlihii macdan baarista, waxaa loo fasiray si khaldan ee (Puntland) kama bixin hawshaas"... Hadal sidaas u dhigma waxaa laga soo xigtey Madaxweynaha DGPL......

  • SomaliTalk.com | Feb 12, 2007

Madaxwaynaha Puntland Gen. Cadde Muuse ayaa (Axad Feb 11, 2007) sheegay in ay mudo saddex (3) bilood gudahood ah ay ku imaan doonaan shirkadaha macdanta ka baaraya Puntland si loo guda galo halwaha baaritaan ee macdanta Puntland.

Iyada oo mar sii horaysayna madaxda Puntland laga maqlay in ay sheegeen imaanshaha shirkadaha macdan baarista u imaanaya Puntland ay mudo bil gudaheed ah ku soo gaba gabayn doonaan qorshohooda imaatinka Puntland si ay macdan baaris u sameeyaan. Maalintii Jimcadii Feb 9, 2007 markii ay garoonka ka soo degeen waftiga madaxweynaha ayaa waxaa laga soo xigtey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka, Xasan Cismaan Maxamuud in uu yiri shirkadaha batroolku waxay ku imanayaan bil gudeheed. Taasi oo sida hadda muuqatana uu madaxwayne Cadde Muuse dhankiisa ka dhawaajiyay in ay qaadan doonto mudadaasi 3 bilood taas oo qaar dadweynaha ka mid ah ay u fasireen in aysan war buuxa iska hayn madaxda dawlada maadaama ay markii hore ay sheegeen bil gudaheed hadana Cadde Muuse uu sheegay 3 bilood.

cadde muuseMadaxwayne Cadde Muuse waxa uu sheegay xiligii uu imaanayay magaalada Boosaaso in hadal uu yiri si khaldan loo fasirtay hadalkaasi oo ahaa in ay ka baxeen hawlihii macdan baarista, Cadde Muuse waxa uu sheegay in aysan ka bixin oo ay wadayaan.

Gen. Cadde Muuse waxa uu sheegay in wajiga hore ay bilaabayaan baaritaanka 4 ceel oo ku kala yaala deegaanada Nugaal, Sool, iyo Sanaag kuwaasi oo ay si wada jir ah u sahamiyeen Puntland iyo shirkada Range Resources waa sida uu hadalka u dhigaye Gen Cade Muuse.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu Magaalada Dubai ee Emaaraadka Carabta kula soo kulmay qaar ka mid ah shirkadaha hawlaha macdan baaris kawada puntland, halkaasi oo uu sheegay madaxwaynuhu in ay kala soo saxiixdeen heshiisyo wax ku ool ah oo horumar u keeni kara Puntland. Waxaase jiro ilo wargal ah oo sheegay in xiligii uu madaxwaynuhu ku sugnaan Dubai ayay ahayd markii shirkadaha macdanta ka baaraya puntland ay u soo bandhigeen Gen: Cadde Muuse in uu ifafaalo fiican ka bixiyo halka ay ku baxday deeqihii loogu tala galay horumarka bulshada puntland, kuwaasi oo sida dad badani tilmaamayaan ku baxay musuqmaasuq, Cadde Muuse ayaan ka bixin jawaab muuqata waafi ah hadalakaasi.

Gen: Cadde Muuse ayaa qiray in ay jiraan dhaliilo badan oo waxqabad la'aan ah oo laga tabanayo Xukuumadiisa, sidoo kale madaxweynuhu waxa laga soo xigtey in uu qirray in ay jiraan hanti lalunsaday intii uu ku maqnaan dalka Dibadiisa. Cadde Muuse hadana cidna farta kuma taagin in ay lunsatay hantidaas uu sheegay iyo sidoo kale waxqabad la'aanta jirta balse waxa uu ku daray in ay jiraan waxbadan oo dhinaca kalena laqabtay in kasta oo uusan waxqabadkaas carrabaabin.

Waxaa jira guud ahaan Puntland Dib u dhacwayn oo tan iyo intii ay hana qaaday DGPL aan la qaban ama aan la taaban. Waxaa jira sharciyo badan oo ilaa iyo hada aan meel marin ama aan la hirgalin, mar walbana waxaa dhibta jirta farta loosaaraa Xukuumada puntland lakiin dhibta qaybaheeda ugu wayni waa baarlamaanka oo isagu wax walba oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland si hubanti la'aan u ansixiya taasi oo mustaqbalka dhaw iyo kan fogba dhalisa muran iyo isjiid jiid aan xal laga gaarin.

Reer Puntland waxay hadda u hanqal taagayaan in saddex bilood gudohood ay Puntland ka bilaabato baaritaanka shidaalka.

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 12, 2007
 

gaariSomaliTalk: Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo buugaag, laakiin..
Akhri...
 

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD