SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Daabaco Boggan | Print

MACHADKA SOMALI PEACE INSTITUTE OO QABTAY SIMINNAAR KU SAABSAN XALLINTA KHILAAFAADKA

(Mustaqbalka dhow waxaan furi doonnaa Machad lagu barto Nabadda)

Waxaa Maalintii khamiista ahayd hoolka shirarka ee SSWC lagu qabtay siminaar uu soo qabanqaabiyay Machadka Nabadda Soomaaliya (Somali Peace Institute) (SPI), waxaana ka qaybgalay arday ka kala socotay jaamacadaha, dugsiyada sare ee gobolka Banaadir, waxaana ugu horreyn halkaas ka hadlay guddoomiyaha machadka nabadda Soomaaliyeed C/llaahi Maxamed Xasan (Black) oo isagu si weyn ugu nuuxnuuxsaday sababha loo aasaasay machadka uu yahay sidii shacabka Soomaaliyeed nabad loogu soo dabbaali lahaa, isla markaana qaybaha kala duwan ee bulshada loogu baraarujin lahaa faa’iidada nabadda. Waxa kale oo uu Black sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay aad ugu baahan yihiin nabadda isagoo sheegay in siminnaarka maanta uu ku saabsan yahay xallinta khilaafaadka oo ah arrimaha ugu muhimsan oo lagu gaari karo nabad iyo dib u heshiisiin dhab ah, wuxuuna sheegay in siminnaarkaan uusan ahayn kii ugu horreeyay oo uu qabto oo uu sheegay inuu ka horryeeyay dhowr siminnaar oo uu sheegay in loo qabtay qaybaha kala duwan ee Bulshada, sida: Dhallinyarada, Haweenka, Odayaasha Dhaqanka, Culummada, Aqoon-yahnnada si loogu jiheeyo waxa la yiraahdo nabadda oo ah mid lagu gaari karo horumar iyo barwaaqo.

C/llaahi Black waxa uu sheegay in machadka la aasaasay 25/7/2004, waxaana aasaaskiisa ka dambeeyay Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ku sugan dalka Sweden oo uu ugu horreeyo C/risaaq Aadan, waxaana machadka uu ku lammaansan yahay machad kale oo ka furan dalka Sweden laguna magacaabo Swedish Peace Institute (SPI), wuxuuna C/llaahi Black sheegay in mustaqbalka dhow uu machadka ku tallaabsan doono baraarujin fara badan oo la xiriira dhanka nabadda, wuxuuna sheegay in la furi doono machad weyn oo lagu barto nabadda

Siminnaarkii waxaa casharro ka bixinayay macallimiin ay ka mid ahaayeen Muuse Cusmaan Dhuulle iyo Shariif Cali Shire oo iyagu si aad ah u faahfaahiyay qaabka loo xallin karo khilaafaadka, waxayna sheegeen in marka hore khilaafyadu ay ku yimaadaan dhowr nooc oo uu ugu horreeyo mid shaqsiyan kugu dhaca debadeed aad marka dambe xal Ka gaartid , khllaafyada ugu badan ee ka dhaca dalkeenna waa mid ku yimaada Deegaan la isku qabsado , ha noqoto mid daaqsin ah iyo mid biyood , waxaa kaloo khilaafyada ay ku yimaadaan mid siyaasadeed oo ku la maansan dano gaar ahaaneed

Siminnaarkan oo sidoo kale ay ka qaybgalayaashu fikradahooda ku dhiibteen ayaa waxay sheegeen in khilaafyadu lagu xallin karo wada hadal iyo is faham haddii taas la waayana waxay sheegeen in loo baahan yahay in la helo dad dhexdhexaad ah oo arrinta xal ka gaara.

Siminnaarkaan ayaa ka qaybgalyaashu waxay soo jeediyeen in machadka uu si qoto dheer u dhexgalo nabadda oo ah mid si weyn ay ugu baahan yihiin shacabka Soomaaliyeed, waxayna u mahadceliyeen intii gacanta ka geysatay siminnaarkaasi, waxayna codsadeen in siminnaarkaas la joogteeyo lana gaarsiiyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaa dhawaan magaalada Muqdisho yimid mid ka mid ah aasaasayaashii Machadkaasi oo lagu magacaabo Cabdi Abshir Dhoorre, oo isagu sheegay mar uu u warramayay saxaafadda in ujeeddooyinka loo aasaasay machadka uu yahay si bulshada loo fahamsiiyo waxtarka nabadda, wuxuuna sheegay in machadka uu wax weyn ka baddalay fikradihii argagaxisada laga qabay, isagoo sheegay inuu qayb ka qaatay sii dayntii qaar ka mid ah aasaasayaashii Machadka oo uu ka mid ahaa C/risaaq Aadan kuwaasoo u shaqeynayay shirkaddii Barakaat.

Guddoomiyaha Midowga Ardayda Soomaaliyeed C/llaahi C/raxmaan Sheekh Aadan ayaa isagu hambalyo iyo bogaadin u diray aasaasayaashii Machadka Somali Peace Institute wuxuuna sheegay in ardayda Soomaaliyeed machadka looga baahan yahay inuu siiyo tababarro iyo siminnaarro la xiriira dhanka nabadda, wuxuuna soo dhaweeyay hadalkii guddoomiyaha ee ahaa in mustaqbalka dhow la furi doono machad lagu barto dhanka nabadda. Waxaa kaloo uu sheegay in uu ku soo xiri doono machadka ardeyda soomaaliyeed si ay u bartaan nabadda oo uu sheegay in ay muhimad gaar ah ugu fadhido ummadda soomaaliyeed maadaama ay muddo 15 sanno ku soo jireen dhibaato iyo darxumo wuxuuna u soo jeediyey dhalinyarada soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan nabadda

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | May 8, 2005

MUQDISHO:::: Qisadii Madhoodhow::::

Hay’adda Samafalka Cossob iyo wax qabadkeeda

Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


::HAY'ADA COSSOB::

Muqdisho: Hay’adda Samafalka Cossob iyo wax qabadkeeda Guji

»»DR. IBRAHIM: SU'AALIHII & JAWAABIHII CAAFIMAADKA [2001]
»»Dr. Osman: Saliidda [Batroolka] ku jira Soomaaliya
»»HTML Ku Baro Af-Soomaali

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD