







Amiin Yuusuf oo waraysanaya Safiyo
Xiirey |
Dugsiga Primier Education School oo
caruurta wax lagu barayo Technology-yada casriga ah..
Safiyo "Manhajkeenu wuxuu ku xiran
yahay kan Canada...."
Waxaa dhawaan dugsiga Primier Education
School ee ku yaala degmda Hodan ee magaalada Muqdisho ayna dhigtaan
carruur da’ a yar lagu soo kordhiyay Barnaamij carruurta wax lagu barayo
kaasoo ah Technology-yada casriga ah ee dhinaca Computer-ka iyo iyadoo
ardayda dhinaca waxbarashda ay wax ka daalacan karaan maktabad iyana
lagu soo kordhiyay dugsigaasi.
Dugsigaan
oo furan muddo sannad iyo saddex bilood ah ayaa noqday dugsigii ugu
horeeyay ee carruur wax lagu baro aaladda Computer-ka waxayna noo
sheegtay mar aanu wareysanay maamulaha dugsigaasi Safiyo Xiirey Qaasim
in sababaha ay ugu soo kodhisay dugsiga Technology-yada casriga ah in ay
tahay in ardayda la jaan qaadaan ardada kale ee caalamka ee iyana wax ku
barta aaladda Computer-ka. "Waxaa ii farxad ah in Carruur da’doodu
gaarayso 5 ilaa 6 sano oo wax ka fahmaya aaladda Computer-ka, waxaan
filayaa in marka ay carruurtu gaarto 12 sano ilaa 15 sano i in ay fursad
u helaan xirfad ay ku shaqeysan karaan ama ay wax kala soo bixi karaan
Computerka" ayay tiri Safiyo Xiirey Qaasim oo sheegtay in dugsiga uu ku
lamaansan yahay dugisi kale oo isna ku yaala dalka Canada oo lagu
magacaabo Rose Thorn Junior (Etobicoke-Torronto-On tario) waxayna
sheegtay in dhawaan ardayda dhigata dugsiga Primier Education School iyo
kan ku yaala dalka Canada inay is weydaarsadaan wixii macluumaad ah ee
dhinaca waxbarashada ah iyagoo adeegsanaya aaladda Internet-ka.
Safiyo Xiirey Qaasim waxay sheegtay in
carruurta soomaaliyeed ay yihiin kuwo caqli badan waxbarashdana aad u
jecel sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in horomar kasta ay la jaan
qaadaan gaar ahaan Technology-yada casriga ah si waxbarashadoodu ay u
noqoto mid dhameystiran. "Haddii la helo nabadgelyo buuxda Carruurta
soomaaliyeed waxay heli doonaa fursado badan oo waxbarashadoodu ku
hormarin karaan ayay tiri" Safiyo Xiirey Qaasim oo sheegtay in dugsiga
ku bilaabeen ardey aad u yar maantanna ay maryaan ilaa boqol arday oo
isugu jirta gabdho iyo wiilal waxay kalloo Safiyo sheegtay in dugsiga
dhigtaan arday laga keenay dalka dibadadiisa kuwaasoo Iskuulkaan ka
helay mid la mid ah waxbarashadii ay ka helayeen dalka dibadiisa.
"Ardayda waxaan ka qaadnaa 13 doola
bishii r marka la fiiriyo lacagtaan waa mid aad u yar waayo ardayga waxa
uu helayaa tasiilaad fara badan oo dhinaca Computer-ka" ah ayay tiri
Safiyo Xiirey Qaasim oo intaa raacisay "markii aan Iskuulka fureynay aad
baan ugu dhibtoonay hase yeeshee waayo aragnimada aan u leeyahay dhinaca
waxbarashada ayaa keentay in wax badan ii hagaagaan".
Safiyo waxay sheegtay in Iskuulkoodu uu
ku Manhaj yahay Manhajka wadanka Canada waxaa kalloo oo ay sheegtay in
iskuulka carruurta wax lagu baro luuqadda Ingiriiska Hase yeeshee waxaa
kalloo ay sheegtay in Carruurta ay baraan maadooyin fara badan oo ay ku
jirto barashada diinta Islaamka, waxaa kalloo intaa ku dartay in dugsiga
ay wax ka dhigaan macallimiin laga keenay wadanka Kenya gaar ahaan
Goboladda Woqooyi Bari. Safiyo waxay ugu baaqday dadka soomaaliyeed ee
ku nool dibadaha in dalkoodu ay dib ugu soo laabtaan isla markaana
maalgashadaan si dalka u gaaro horomar iyo barwaaqo.
"Dad ku nool dibadaha ayaa waxay igula
taliyeen in aan ku laaban dalka hase yeeshee markaan imid oo aan wax
badan ogaaday ayaa waxaa ii soo baxday in dadka qaarkood laga dhaadhicay
fikrado qaladan oo ku saabsan imaanshaha dalka " ayay tiri Maamulaha
Iskuulka Safiyo Xiirey Qaasim.
Waxay kalloo oo ay sheegtay in Iskuulka
uu haatan ku eg yahay heerka shanaad balse waxay sheegtay in mustaqbalka
dhow heerarka waxbarasho ee dugsiga la kordhin doono waxyaabo badan oo
ku saabsan waxbarashadda ay ku soo kordhin doonaan.
Mar aanu ku soo wareeganay Iskuulka
qaybihiisa kala duwan ardayda waxaa ka muuqatay farax iyo raynrayn iyaga
oo ku qanacsan waxabarashada qaarkood waxay ku mashquulsanaayeen
Computer-ka kuwo kale waxay ka mashquulsanaayeen maktabada oo ay ay
helaan Buugaag ay kala rog rogayeen iyagoo ka baaranayeen cilmi
farabadan ,, qaarkoodna waxay ku jireen fasalo, sidaa darteed waa dugsi
markaa aad fiiriso uu dhameystiran yihiin dhamaan waxyaalihii looga
baahnaa dhinaca waxbarashada.
Safiyo oo iyadu wax ku soo baratay
wadanka Canada ayaa waxaa iyana ka muuqatay farxad ku aadan howsheeda
dhinaca waxbarashada ah ,
W/D
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Faafin:
SomaliTalk.com | May 15, 2005
MUQDISHO:::: Qisadii Madhoodhow::::
Hay’adda Samafalka
Cossob iyo wax qabadkeeda
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka
iyo isticmaalka Daroogadu
Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee
Soomaaliya..
Guji...

Siminaar kusaabsan xallinta
khilaafaadka oo uu qabtay Machadka SPI...
Guji...

Muqdisho: Hay’adda Samafalka Cossob iyo
wax qabadkeeda Guji