SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - COSSOB

Hay’adda Samafalka Cossob iyo wax qabadkeeda

Baaq ku wajahan Jaaliyada Beesha Shiikhaal ee ku nool caalamka

Hay’adda Samafalka Cossob waxaa la aas-aasay sanadkii 1997-kii, waxaana horey loo oran jirey Al-Nasar, waxayna qayb ka qaadataa tayaynta waxbarashada iyo sidii ay u kaalmeyn lahayd carruurta yar-yar ee agoonta ah ee aan heysan waxbarasho.

Tan iyo intii ay dhisneyd waxa ay dhistay laba Iskuul, mid wuxuu ku yaallaa Magaallada Muqdisho, midna Gobolka Mudug, haddii aan  soo qaadanno midka ku yaalla Muqdisho waxaa la yiraahdaa SPC (Somali Peninsula School), waxaa dhigta 81-carruur ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho, 25-ka mid ah waxa ay yihiin agoon, inta kalena waa caadi, waxaana carruurta iskuulka dhigata ay ku agoontoobeen ama aabayaashood ay ku waayeen dagaalladii sokeeye, Iskuulka waxaa wax ka dhiga 5-Macallin iyo hal maamul, waxaana iskuulka furay dad is xilqaamay 25 ta agoonta ah ayaa waxa ay u baahan yihiin mar kasta taakuleyn joogta ah si ay u dhamaystaan waxbarashadooda si ayan uga kala go’in, wuxuunna arday kasta oo agoon ah u baahan yahay sanad kasta 120 Doolar.

Iskuulka kale waxay hay’addu ka furtay tuulada loo yaqaano DhENOODA oo ka tirsan  Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxaana dhigta 178 Ardey  oo 81 ay yihiin  yar yar  97da kalena ay yihiin dad waaweyn ah, waxaa halkaas ka jira baahi Macalinimo, waxaana Iskuulka dhiga Hal Macalin oo qura, sidoo kale lIskuulka waa Kiro, waxaana uu u baahan yahay isaguna mar kasta tabarucaad joogta ah, wuxuuna Maamulku ugu baaqayaa Hay’adaha Samafalka, Ganacsatada iyo Jaaliyadda Beesha Shiikhaal (Looboge) In mar kasta taakuleyn siiyaan ardeydaas.

Magacyada Ardeyda Agoonta ah ee dhigata Dugsiga SPS Primary School waxay kala yihiin:

  • 1-Cabdalla Yaasiin Cabdiraxmaan
  • 2-Axmed Cabdiraxmaan Tiixiiye
  • 3-Xafso Cumar Yuusuf
  • 4-Kifaax Maxamuud Aadan
  • 5-Yaasimiin Cabdirisaaq Maxamuud
  • 6-Aamino Xasan Cilmi (Gurey)
  • 7-Cabdishakuur Xasan Cilmi (Gurey
  • 8-Cabdiraxmaan Xasan Cilmi (Gurey)
  • 9-Muxyiddiin AbuukarXasan
  • 10-Cabdulqaadir Abuukar Xasan
  • 11-Felis AbuukarXasan
  • 12-Cabdullaahi Cumar Yuusuf (Jubbad)
  • 13-Maxamed Maxmauud Aadan
  • 14 –Cali Abuukar Xasan
  • 15- Axmed CumarYuusuf (Jubbad)
  • 16-Axmed Maxamuud Aadan
  • 17-Xamddi Cumar Yuusuf (Jubbad)
  • 18-Amaal Axmed Faree
  • 19-Raaxo Cabdi Cabdullaahi
  • 20-Cabdulqaadir Shiikh Xasan Ismaaciil
  • 21-Axmed Daahir Maxamuud Maxamed
  • 22-Asad Khaliif Cabdi
  • 23-Cabdulqaadir Cilmi Maxamed
  • 24-Ismaaciil Xuseen Macalin Cilmi
  • 25-Deeqo Geelle Macalin Cilmi.

Guddiga  waxbarashada  Hayadda Samafalka Cosob waxa ay u mahadcelinayaan Jaaliyadda  Beesha  Shiikhaal, gaar ahaan kuwa deggan Dalka Kanada oo iyagu gacanta ka geystay taakuleynta Ardeyda Agoonta ah, waxayna u soo jeedinayaan kuwa kale in iyaguna ay ku deydaan. 

Guddiga  Waxbarashada Hay’adda Samafalka ‘COSSOB’ oo iyagu soo jeediyay baaqan ayaa waxa ay kala yihiin. 

  • 1-  Cabdullaahi Yaasiin Shiikh Cali.
  • 2-  Cabdiweli Shiikh Cali Rooraaye
  • 3-  Cabdiraxmaan Galaambi
  • 4- Yaasiin Maxauum Cabdi
  • 5   Xasan Xuseen Axmed (Dacar

Waxaa laga soo wici karaa taleefoonada kala ah

W/D AmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |April 22, 2005


DENMARK: Si maamuusid Leh ayaa Loogu Gurmaday Soomaalidii Lagu Dhibaateeyay Langeskow
"Dooni mayno cunsuriyad, joojiya cunsuriyadda,..."  hadalladaan waxay ahaayeen kuwii ay.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD