SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Daabaco Boggan | Print

Dufcadii 25-Aad Ee Saxaafad Ah Oo Ka Qalin Jabisay Machadka Al-Cimra

(warshada soo saarta saxafiyiinta soomaliyeed )











Tan iyo markii uu burburku ku yimid Jaamacadiihii dalka oo ay ka soo bixi jireen Dhaqaatiir, Ingineero, Dhaqaalayahan, Sharciyaqaano iyo Joornaaliisti ayaa waxaa soo baxay Jaamacadu Machadyo iyo Dugsiyo sanad walba ay ka soo qalin jabiyaan xubnaha aan kor ku sheeganay, haddaba Machadka Al-Cimra Branch One Laba dhagax waxa ka soo baxa Joornaalistalayaal kuwaasoo u shaqeeya qaybaha warbaahinta ee dalka oo maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordhayaan warbaahinta dalka, gaar ahaan dhinaca Idaacadaha, taleefishinada iyo wargeysyada, sidaa darteed dhawaan ayaa waxaa Machadka Al-cimra Branch One Laba Dhagax ka soo qalinjabiyay koox Joornaaliistayaal ah waxayna xaflada qalin jabinta ka dhacday Xarunta Maxkamada sare ee dalka waxaana ka qaybgalay Macallimiin, arday, Waalidiin iyo marti sharaf kale, waxaan ugu horeyntii halkaasi warbixin ka soo jeediyay maamulaha Machadkaasi Max’ed Cusmaan Xuseen (New York) wuxuuna sheegay in dufcadaani ay tahay dufcadii 25-aad ee ka qalinjabisa machadka wuxuuna sheegay in ardayda la baray shuruucda saxaafadda, qaabka wararka loo soo tabiyo, qaabka wararka loo qoro iyo mas’uuliyadda looga baahan yahay qofka saxafiga ah isagoo sheegay in saxaafaddu ay tahay Midi labo afle ah dhinaca wanaaga iyo dhinaca xumanta loo isticmaali karo ah, isagoo ardayda kula dardaarmay in ay mihnadooda u adeegsadaan dhinaca samaha, isagoo sheegay in mar kasta saxafiga looga baahan yahay in uu tixgeliyo diintiisa, dhaqankiisa iyo waddaniyada oo ah midda ugu muhiimsan ee looga baahan yahay ninka saxafiga ah.

Wuxuu sheegay maamulaha in sababaha ay fureen machadkaani ay tahay in ay buuxiyaan booskii ay ka soo bixi jireen Warbaahinta isagoo sheegay in arday fara badan ay ka qalin jabiyeen machadkaani kuwaasoo uu sheegay in ay u shaqeeyaan qaybaha kala duwan ee warbaahinta ee dalka iyo dibadiisa wuxuuna kula dardaarmay kooxdii ardayda ahayd ee qalinjabinaysay in xirfada Joornaalliisimo ah ee ay barteen ay ugu shaqeystaan si daacadnimo oo aaminnimo ku dheehan tahay, wuxuu sheegay in saxafiga looga baahan in waxa uu qorayo ama uu baahinayo ay noqdaan kuwo run ah si uu u helo shacbiyad fara badan waayo ninka saxafiga ah waxaa warkiisa aqrisanaya ama dhagaysanaya ama daawanaya dad kala duwan kalana heer ah kuwaas oo uu sheegay in ay qiimeyn ku sameynayaan.

Machadka oo ku yaal jidka sodonka gaar ahaan xaafadda laba dhagax ayaa waxa ardayda ka qalinjabinaysa dhinaca Joornaaliisimka ay helaan wixii talsiilaad ah oo ay u baahnaayeen ama baraatiko ah, mar aan booqday Machadka ayaan waxaan ku arkay arday markaasi ku dhex jirta meel Studio ah oo u sameysan qaab Idaacadeed kuwaasoo halkaasi ka aqrinaayay warar kala duwan marbaase is iri meesha ma idaacadbaa ku taala, markaasuu maamulihii waxa uu i yiri "waxaa ku taala Idaacad la yiraahdo ICA" (Idaacada Codka Al-cimra) markaas ayaan diba dhigay su’aal ahayd halkee ayaa laga dhagaystaa idaacadaan, markaasuu waxa uu i yiri maamulaha "waxaa laga dhagaystaa Machadka gudihiisa" ardayda waxaa ka muuqatay farxad iyo rayrayn iyagoo ku qanacsanaa qaabka uu machadku wax u barayo, sidoo kale waxaan arkay kuwo iyagu soo saaraya Joornaal aad is leedahay waxa ku qoran waxaa qoray dad ay xirfadoodu sarrayso ayana ku qoran yihiin wax dadka soo jiidanaya oo aad u qiimo badan.

Ardayda waxay u sameysan yihiin ama iskula socdaan koox koox , koox waxaa la yiraahdaa Rauter, koox kale ayaa waxaa la yiraahdaa Al-Jasiira, kuwo kale Al-mustaqbal kuwana waxaa loogu magacdaray Xamaas iyo Xisbulaah, markaas ayaan waxaan weydiiyay ardaydii qaar ka mid ah sababta ay u doorteen magacyada Xamaas iyo Xisbulaah waxayna iigu jawaabeen "Ururadaasi waa ururo firfircoon anaguna sidaa ayaan u firfircoonahay" waxayna ardaydaan isugu jireen gabdho iyo wiilal.

Waxaa uu sheegay maamuluhu oo isagu u haqeya idaacadda Hornfrik in ardayda dhigata machadka mar mar loo diro deeganada ku dhow dhow magaalada Muqdisho si halkaasi uga soo diyaariyaan warbixino ama ay soo tabiyaan warar ku saabsan nolosha deegaanda ay booqdeen ha noqoto dhinaca caafimaadka, waxbarashad, nabadgelyada, Iwm oo ku saabsan dhinaca adeegyada bulshada.

Xafladdii qalinjabinta ahayd oo aan ka qaybgalay ayaan waxaa ka mid ahaa dadkii lagu sharfay in aan shahaadoonyinka gudoonsiiyo ardayda qalinjabinaysa, mar aan gudoonsiinayay gabar ka mid ah gabdhihii aan gudoonsiinayay oo maalinkaa na tustay wacadaro ku saabsan waxbarashadeeda oo lagu magacaabo Nicmo Max’ed Xasan ayaan waxaan weydiiyay siday u aragto xafladaan ay maanta ku qalinjabinayso waxayna tiri "Aad baan ugu faraxsanahay in maanta uu shahaadu I gudoonsiiyo Machadkan" waxayna sheegtay in aysan waxbarashada ka hari doonin oo ay wadi doonto ilaa iyo heer jaamacadeed.

Ardaydii ka qalinjabisay machadkaasi ayaa halkaasi ku soo bandhigay Ruwaayad loogu magacdaray aqoon la’aan waa iftiin la’aan, waxaan ardayda dhiirigelinaayay fanaaniin ay ka mid ahayeen C/llaahi Ilka case iyo Axmed Haybe Caraale, waxayna Ruwaayadaasi ahayd mid ay si aad ah ugu qushuuceen dadkii daawanayay.

Boqolaal arday ah ayaa ka qalinjabisay machadkaani kuwaasoo haatan xirfadooda ku xamaasha una shaqeeya qaybaha kala duwan ee warbaahinta waxayna kuwooda ugu caansan ka mid ah:-

  • Faarax Maxamed Cali (Blue) (Ayaamaha, Gool sports iyo cayaaraha.com
  • Maxamed Maxamuud Dhoore "MMDoore" (HornAfrik),
  • Fardowso Maxamed C/lle (HornAfrik)
  • Maahir Jaamac Aadan (HornAfrik)
  • Deeqa Yuusuf Shire (HornAfrik)
  • C/xakiin Yuusuf Macallin (HornAfrik)
  • Shaadiyo Muxumed Cabdi (HornAfrik)
  • shukri Yuusuf Macallin (HornAfrik)
  • Mahad Xasan Diini (HornAfrik)
  • C/llaahi Maxamed Xuseen "Taajirow" (Shabelle)
  • C/llaahi Macallin Faarax (VOD Radio)
  • Siyaad Maxamed Rooble (Codka Shacabka)
  • C/fitaax Gentleman (Shabelle/ South Africa)
  • Ayaan Nuur Guutaale (Codka Shacabka
  • Cumar Cusmaan Xuseen "Faaruuq" (Wargeyka Caawiyaha Nolosha)
  • Caadil Maxmed Axmed (Wargeyka Caawiyaha Nolosha)
  • C/risaaq Maxamed Aanaa (Wargeyka Caawiyaha Nolosha)
  • C/wahaab Macallin (Wargeyka Caawiyaha Nolosha)
  • C/risaaqa Indho-Jaceyl (Wargeyka Caawiyaha Nolosha)
  • Haashim Cadde (Wargeyka Caawiyaha Nolosha)
  • Cismaaciil Taxte (Afrikada bari Radio)
  • C/llaahi Cartan dhoore (STN)
  • C/weli Ibraahim Garyare (STN)
  • Maran Ruun (Codka Jamhuuriyadda)
  • Fartuun Milano (Codka Jamhuuriyadda)
  • Ubax C/nuur Sagal (Codka Shacabka)

iyo Saxafiyiin aad u fara badan, waxaana Machadka taageera Ururka Somali Journalism Training Organization (SOJTO), waxaana Ururukan uu bixiyaa Siminaaro la xiriira dhinaca saxaafadda, iyadoo ururku ugu tala galay in saxafiyiinta aqoontooda ku aadan saxaafadda kor loo qaado, waxaana casharada qaar bixiya macalimiin aqoon sare u leh saxaafadda oo ka soo qalin jabiyay kulyadii Saxaafadda iyo macalimiin wax ku soo bartay dibadda.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | May 30, 2005

MUQDISHO:::: Qisadii Madhoodhow::::

Hay’adda Samafalka Cossob iyo wax qabadkeeda

Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



Waa dugsi caruurta lagu barayo Technology-yada casriga ah Guji


Siminaar kusaabsan xallinta khilaafaadka oo uu qabtay Machadka SPI...
Guji...


Muqdisho: Hay’adda Samafalka Cossob iyo wax qabadkeeda Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD