Xildhibaan ka soo jeeda gobolada
bay iyo bakool laguna magacaabo C/llaahi Black ayaa shir uu ku
qabtay hotelka Chaster house maanta waxa uu ku sheegay in
dagaaladda ka dhacaya baydhabo uu si gaar ah mas’uul uga yahay
Ra’iisul wasaaraha dowlada FKMG ah ee soomaaliya Cali Maxamad
geddi.
Xidhibanka oo
warsaxaafadeed uu soo saaray kaga waramay arrintan ayaa intaas
ku daray in wasiirka koowaad uu keenay ajande dhan ka ah
caasimada ku saabsanaa in dowlada la dajiyo baydhabo iyo jowhar
khilaafkii ka dhashar arrintana uu sababay in dagaaladaasi ay
dhacaan dad badana ku naf waayaan.
Shacabka
soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool aaga Baydhabo waa kuwo ka
soo daalay dagaalo sokeeye mana ahan inaan ku fiirsano ayuu
xildhinaanku intaasi ku daray,waxa uuna ugu baaqay beesha
caalamka in ay arrintan soo dhex galaan qaladka dowlada shacabka
ku haysana meel laga saaro iyadoo sharciga la marinayo.
Dowlada
waxaan ka sugaynay in noqoto mid wax heshiisiisa laakiin waxa ay
isku taagtay ayuu yiri xildhibaan black in ay shacabka iska
horkeento iskuna daydo in ay wax walba xoog ku meel mariso waana
sababta keentay in ay ku xadgudbaan dastuurka u yaala u yaala
baarlamaanka iyo dowladda.
Waxa uu
xildhibaanku eed kulul u soo jeediyay si gaar ah Ra’iisul
wasaaraha iyo dowladdda uu madaxda ka yahay waxa uuna ku
tilmaamay cadawtooyo wayn mid shacabka kala dhex galisay
walaalaha ah,dowlada waxa uu ku sheegay in ay tahay mid dib u
heshiiseeneed ee aysan ahayn mid dagaal waana in ay dowladdu
sidaas u garataa kana soo baxdaa waajibaadka saran.
Warsaxaafadeedkan
oo aad u dheeraa waxa uu guud ahaan ka hadlayay eed uu
xildhibaankan usoo jeediyay dowladda si gaar ahna ugu xusay Cali
maxmad geedi wasiirka koowaad in uu keenay dagaaladan ka dhacay
soomaaliya.
Sheikh Xasan Dahir Aweys oo ka soo horjeestay Ciidamo la geeyo
soomaaliya.
Shiikha ayaa
diidmo qayaxan kaga horyimid gabi ahaanba ciidamo shisheeye oo
dalka soomaaliya cag dhiga,waxa uuna shiiq aways ku tilmaamay
ciidamadaas hadii ay dalka yimaadaan in ay sababayaan dhibaato
ka xun tan hadda ka jirta dalka soomaaliya ee xalkeeda la isku
afgaran la'yahay.
Shiiq daahir
xasan aweys oo ka mid ah culumadda soomaaliya gaar ahaan kuwa
mogadisho maxaakimta ka jira gacanta ku haya waxa uu digniintan
diidmada ciidamada ah jeediyay kadib markii ay wasiiradda IGAD
go;aamiyeen in somaliya loo diro ciidamo ka socda wadamada sudan
iyo uganda oo wajigooda koowaad kaga howl galaya soomaaliya ay
uga qayb qaataan ciidamada nabad ilaalinta ka caawin doona
dowladda inta ay ka helayaan ciidamo ay iyagu leeyihiin oo sugga
amigooda iyo goobaha ay maamulaanba.
Horay waxaa
ciidamada safka hore khilaaf gacmaha la iskula tagay ku
ansaxiyay in aan la keenin dalka soomaaliya xildhibaanada
baarlamaanka intooda ugu badan,ujeedadooduna ma ahayn in ciidamo
guud ahaan laga maarmo ee waxa ay qabeen una codeeyeen in aan
safka hore la keenin soomaaliya,sidaas ayaana lagu ansaxiyay.
Waxaa la
filayaa in bisha April ee nagu soo aadan dalka loo diro
ciidamada wajiga hore oo ka imaanaya dalka ugandha kadiba dalka
suudaan,waxaana ay hadda howshooda qalab iyo sahayba iskugu
jirta u diyaarinaya guddi loo saaray oo ka mid ah wadamada
IGAD,ciidamada lama sheegin halka ay soomaaliya ka dhigayaan
lugtooda ugu horeysa laakiin waxaa la filayaa in ay la dagayaan
magaaloyinka ay dowladu go;aansatay una codaysay in ay kala
howlgalaan oo ah baydhabo iyo jowhar,laakiin waxaa la rumasan
yahay in sida ay ciidamadi ku yimaadaan ay adag tahay.
Shiiq xasan
daahir awayn oo xiliga uu bixinayay warkan uu kaga soo horjeedo
ciidamada ka soo laabtay safaro dalka soomaliya gudahiisa ah
soona hirgaliyay maxkamad islaami ah oo ku taala gobolada dhexe
ayaa aad ugu canaantay dadka soomaaliyeed in aysan aqbalin
ciidamp ajnabi la keeno soomaaliya.
Sh.Aways waxa
uu intaas ku daray in ay la dagaalamayaan hadii dalka la keeno
ciidamo ajnabi ah meeshii la doono halaga keenee,waxa uuna
sheeqa soo qaatay waxii ay ciidamadii maraykanku gaysteen iyo
dhibkii dhacay xiligas oo ay ciidamo ajnabi ahi abuureen,sidoo
kale waxa uu wadaadku wax lala yaabo ku tilmaamay warkii ay
sheegeen guddigii xaqiiqa raadinta ahaa oo yiri soomalidu waxa
ay rabaan ciidamo ajnabi ah meel walba oo ay ka yimaadaan.
Ka sokow
diidmada wadaaadka ciidamo la geeyo soomaaliya waxa horay u
taageeray shacabka soomaaliyeed ee ku nool mogadisho iyo meelo
kale oo sheegay in ciidamo ajabi ah aysan rabin.