- AWOODA BAARLAMAANKA OO LA
DHIMAY...
- WAFDIGII DOWLADA OO SOO CAGA
DHIGTAY XARUNTOODI NAIROBI.
- DOWLADU MA WAXAY DAGTAY
BAYDHABO...
- Dowladda Mareynka oo Mar kale
Ka hadashay Arrimaha Somaliya.
Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi
| Maarso 4, 2005
Email: cmmumtaz@somalitalk.com ama
canabmumtaz@yahoo.com
AWOODA
BAARLAMAANKA OO LA DHIMAY.
Faallo:: Mumtaz
Baarlamaanka waa awooda ugu sareysa ee
dal ka hirgasha waxaana hoos yimaada hay'addaha sharci fulinta (Dowlada)
iyo tan garsoorka(Maxkamadaha) waana Hay'adda ka qaadi karta awoodda
dowladda gudoomiyaha iyo Madaxweynaha, ahana sharci dajiye.
Waxii ka dambeeyay kala diristii
Dowladii ra'iisul wasaare Cali Maxmad Geddi markii baarlamaanku codka
uga qaaday bishii disember bilowgeed ee sanadkii tagay waxaa soo baxay
qorshe cusub oo ay dowladdu ku dhimayso awoodda baarlamaanka FKMG ah ee
Somaliya si dowladdu mar walba u hesho codad dheeraad ah oo ay kaga
guulaysato awooda baarlamaanka.
Qorshahan cusub ee dowladu la timid
xiligaas waxii ka dambeeyay ayaa ah in ay dowladu diyaarisay 57 xubnood
oo baarlamaanka ka mid ah una taagan mar walba in ay dowladda ku garab
istaagaan mowshinkii ay la timaado golaha baarlamaanka FKMG ah si aan
looga guulaysanina waxay xubanahan u diyaarisay gunno gaar ah oo ka
baxsan mushaarka la siinayo baarlamaanka iyo balanqaadyo kale.
Dowladda oo tijaabadeedii ugu horeysay
bilowday markii Cali Maxamad Geddi dib loo magacaabay lana geeyay
baarlamaanka ayaa ku guulaysatay waxa uu helay aqlibayad ka badan intii
uu filayay in ay siiyaan kalsoonida ee ka mid ahaa baarlamaanka.
Isla xiligaas waxa uu Wasiirka koowaad
baarlamaanka soo hor dhigay qorshahiisa ku aadan dhismaha dowladda sida
uu kala siinayo qabaa'ilada gollaha wasiiradda iyo tiradoodaba waxaana
keenay in ka badan intii lala diray ee tirada gollaha wasiiradda iyo ku
xigeenadooda markii loo qaadayna codka 14-1-05 waxaa cod ku ansaxiyay
220 ka mid ah baarlamaanka in ay aqbaleen sida wasiirka u doortay
dhismaha xukuumadda FKMG ah ee soomaaliya.
Xubnihii baarlamaanka ee horay u riday
Dowladii cali maxamd gedi 11-12-04 ayaa badankood ku eedeeyay in uu xad
dhaaf ka dhigay tiradda wasiiradiisa dowladda waxayna qayb ka ahayd
asbaabihii lagu riday dowladii xiligaas ee majaraha u hayay Cali maxamad
geddi balse xiligaas ma jirin ma jirin cid ku diiday kuwii ka badnaa ee
uu la yimid markii dambe.
Xubno badan oo ka mid ah baarlamaanka
ayaa aad ugu walwalsan in dowladdu ku shubato keenista ciidamo ka socda
wadamada IGAD oo ay ku jiraan kuwa safka hore oo ay horay shir ka dhacay
Addis ababa lagu go'aamiyay in ciidamo ka socda wadamada IGAD loo diro
Dalka soomaaliya si ay uga qayb qaataan hub ka aruurinta maliishiyaadka
iska soo horjeeda si dowladdu u hesho amaan ay ku shaqayso.
Bishii aan ka soo gudubnay ee febraayo
ayay dowladdu ku ansaxisay cod dhan 63 xubnood oo ka mid gollaha
wasiiiradda in la keeno ciidamo ka socda wadamada IGAD oo ay ka mid
yihiin kuwa safka hore waxaana ka soo horjeestay ciidamada safka hore 9
wasiir halka mid kaliyana uu ka aamusay.
Arrintan ayaa keentay in dowladda
xubnaheeda ku jira dowladda iyo qaar ka mid ah gollaha baarlamaanka ee
qaba in dalka la keeno ciidamo IGAD oo ay ku jiraan kuwa safka hore
heleen niyad wanaag ay ku qancin karaan dalka itoobiya oo si wayn u
raadinaya sidii ay soomaaliya cagaha mar uun u galin lahaayeen.
Ra'iisul wasaare Cali Maxamad Geddi oo
ku sugan magaaladda jowhar oo wareysi uu la yeeshay TIFAFTIRAHA laanta
Af soomaaliga ee BBC da Yuusuf Garaad Cumar ayaa wax ka waydiiyay waxa
iska badalay diidmadii ay diideen qaar ka mid ah gollaha wasiiradda iyo
shacabkaba ciidamada Safka hore ayaa ku jawaabay "Ciidamada SAFka hore
waxay ka mid yihiin ciidamada aan ka dalbanay ururka midnimda Afrika
Itoobiyana ay ka mid tahay wadamada ay ka rabaan ciidamada" sidaas si la
mid ah ayuu Madaxweynaha uga hadlay meelihii uu ku marayay booqashada ee
Soomaaliya in ciidamda safka hore aysan wax ka dhibaynin ee ilaalin
doonaan oo kaliya meelaha ay dowladdu dagayso aana loo arkin dhibaato ku
soo fool leh.
Dowladda oo ku guulaysatay qorshahaas
in la keeno ah ciidamo ka socda wadamada IGAD markii cod ay uga heshay
gollaha wasiiradda ayaa lagu wadaa in marka baarlamaanka guda galo ka
doodista ciidamada ay dowladdu ku qancin karto in ay ka dalbadeen
midwaga afirka dowlad ahaana aqbaleen baarlamaankana uu sidaas ku siiyo
codka kalsoonida.
Hadalhaynta ciidamo ka socda wadamada
safka hore oo aad usoo badatay waxii ka dambeeyay markii Gollaha amniga
ee AU u ogolaaday IGAD in ay geeyaan ciidamo soomaaliya ayaa hoos u
dhigtay rajadi rajadii laga qabay in ciidamo ka socda itoobiya gaar
ahaan ay somaliya tagaan,balse dowlada itoobiya ma ahan wali mid ka
quusatay in ay soomaaliya faraha kala baxdo waayo waxa ay ku leedahay
saaxiibo labada golle oo hadii aysan tagin xitaa iyaga u adeegsan karta
in ay khilaaf iyo dagaal ka dhex sameeyaan soomaaliya hadii loo diido
sida ay itoobiyo ka rabto soomaaliya.
Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in
maalmaha soo socda uu cod u qaado keenista ciidamo ka socda wadamada
IGAD gaar ahaan kuwa safka hore oo la geeyo soomaaliya,si ay dowladda
ugu caawiyaan dhinacyadda amaanka iyo hubka ka aruurinta maliishiyaadka
iskaga soo horjeeday soomaaliya oo ay kala hogaaminayeen siyasiyiinta
hadda noqday madaxda dalka kuna jira labada golle.
Inkasta oo aan la saadaalin karin
rajada cod qaadista dhinaca ay u badan doonto ayaa hadal haynta ugu
badani waxa ay tahay in la ansaxin doono ciidamada IGAD ka socda waxaana
kaabeyaal u noqon doona dowaladda xubnahan aan kor ku soo sheegnay oo
dowladdu ay u dooratay in ay codadka siiyaan si aysan ugu dhicin
qorshaha ay wadato marka ay baarlamaanka la hortagto.
WAFDIGII
DOWLADA OO SOO CAGA DHIGTAY XARUNTOODI NAIROBI.
Warbixin:: Mumtaz
Wafdiga Dowlada oo maanta ka soo
duulay garoonka magaalada Baydhabo waxaa hogaaminayay madaxweynaha
iyo Ra'iisul wasaaraha iyagoo ka soo kala dagay garoonka jommo
kenyata iyo wilson Airport ee magaalada Nairobi.
Wafdigan madaxweynaha iyo ra'iisul
wasaaraha waxaa garoonka ku soo dhaweeyay xubno ka kala socday
labada gole ee baarlamaanka iyo dowladda, wafdiga ayaa waxa ay kor u
dhaafayeen in ka badan sideetan xubnood oo iskugu jira labada golle.
Wafdiga Madaxweynaha iyo Ra'iisul
wasaraha waxa ay soo mareen gobolo ka ka mid ah soomaaliya iyagoo
safarkoodi ugu horeyeeyay ka bilaabay magaalada jowhar ee gobolka
shabeelada dhexe halkaas oo lagu soo dhaweeyay qudbadona ay ka
jeediyeen bishii tagtay 24-keedi.
Wafdigan waxaa kale oo ay tageen
goboladda Hiiraan, Garoowe, Boosaaso, Gaalkacyo ugu dambayna ku soo
afjaray safarkooda magaalada Baydhabo oo maanta ka soo duuleen kadib
markii ay halkaasi kulan ku yeesheen xubanaha gollaha SRRC ee ku
jira labada Golle [warbixin dheeraad ee shirka SRRC ka eeg dhanka
hoose ee boggan].
Wafdiga Madaxweynaha iyo Ra'iisul
wasaaraha waxa ay sheegeen in ay tagayaan Caasimada Soomaaliya ee
Mogadisho, laakiin ma dhicin in ay halkaasi cag dhigaan.
Wafdigan ayaa markii ay tageen
Magaalada Gaalacyo la kulmay laba beelood oo isku dagaalay meelo ku
dhaw gaalkacyo waxa ayna sheegeen in ay heshiis soo dhex dhigeen
labada beelood talaabadan ayaa ah mid ay dowladdu ku guulaysan karto
hadii ay sii waddo dhexdhexaadinta beelaha is dagaalaya.
Dowladda ayaa la filayaa in maalmaha
soo socda in ay baarlamanka hor dhigto waxyaabihii ka soo baxay
safarkii ay ku soo kala bixisay magaalooyinkaas,qaabka ciidan iyo
meelaha laga kala keenayo.
DOWLADU MA WAXAY DAGTAY BAYDHABO.
Xubnaha labada Gole ee SRRC-da oo ku
shiraya Magaaladda Baydhabo.
Dhisitaankii Labada gole ee
baarlamaanka iyo dowladdu ma noqon kuwo hakiyay jiritaankii ururadii
siyaasadeed ee soomaaliya ka jiray iskuna hayay siyaasada dalka waxaana
soo baxaya hadda in ay sii xoogaysanayaan lagana cabsi qabo in kuwo
cusubi abuurmaan.
Wararka ka imaanaya magaaladda Baydhabo
ayaa sheegaya in ay xalay shir ay iskugu yimaadeen mas'uuliyiinta
dowladda ee ku sugan halkaasi iyagoo ka wadahadlayay ciidamada la
gaynayo soomaaliya iyo diidmada aduunku ka muujiyay iyo halka ay si KMG
ahaan ah dowladdu caga dhigan doonto waxaana lagu waramayaa in ay
baydhabo isku afgarteen inta siyaasiyiinta xamar ku haysta hubka ay kaga
saarayaan meel u jirta magaaladda 30km si ay dowladdu u dagto caasimadda.
Dad badan ayaa qaba in dowladdu ayba
dagtay Magaaladda Baydhabo iyadoo horay loo hadal hayay in dowladdu
fariisin ka samaysan doonto Baydhabo ama baladweyne labadaas magaalo oo
loo arkayay in ay ka amaan badan yihiin meelo badan sida magaaladda
caasimadda dalka ah ee Muqdisho balse maahan illaa iyo hadda mid cad
hadal haynta ku aadan in dowladdu in ay u dagtay si KMG ahaan magaaladda
Baydhabo.
Waxaana la filayaa in wafdi ay
hogaaminayaan ra'iisul wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha gudaha in ay
mogadisho aadaan si ay Dowladda ugu sii gogol xaaraan goobihii ay dagi
lahayd,halka madaxweynuhuna uu ku soo laaban doono isla maanta
magaaladda Nairobi.
Madaxweynah Dowlada FKMG ah Coll C/llaahi
Yuusuf Axmad oo asalkiisa ka soo jeeda ururka SRRC hadda noqday
madaxweynaha dalka soomaaliya ayaa waxa uu baryahan isaga & wasiirka
koowaad safar ku bixinayeen magaalooyin ku yaala dalka soomaaliya oo
aysan caasimadu ku jirin waxaana ay shalay soo caga dhigteen magaalada
Baydhabo halkaas oo ay horey usii joogeen guruub ururkan ka mid ah ayna
ka mid yihiin:
Wasiirka W/beeraha Maxamad Nuur Shaati
gaduud, Wasiirka W/Garsoorka Aadan madoobe, halka saakayna ay halkaasi
tageen Wasiirka Arrimaha Gudaha xuseen maxmad caydiid, Gudoomiyaha
Maamulka jowhar Maxamad Cumar Xabeeb "maxamrd dheere" iyo wafdi ay
hogaaminayso wasiirada Arrimaha qoyska iyo haweenka Fowsiya Maxmad Xasan.
Kulanka SRRC wali ma cadda waxa ay ka
hadlayaaan laakiin waxa ay dad badan rumaysan yihiin in Ururkan iyo dalka
itoobiya ay leeyihiin cilaaqaad iyo saaxibtinimo siyaasadeed dheer ayna
dhici karto in ay ka hadlayaan sidii ciidamo itoobiyaan ah lagu gayn
lahaa dalka soomaaliya.
Wasiirka W/Arimaha Gudaha Xuseen
Caydiid waxa uu horay dhowr jeer ugu celceliyay in uu ka soo horjeedo
ciidamo la keeno dalka soomaaliya laakiin waxa uu sheegay in awoodeeda
uu iska leeyahay baarlamaanka isagoo shalay looga yeeray magaaladaas
safar aan la sii qorshaynina uga baxay magaalada Nairobi shalay galinkii
hore.
Madaxweynaha Dowladda FKMG ah ee
Somaliya C/llaahi yuusuf Axmad waxa uu mar kale ku celiyay isaga jooga
Magaalada baydhabo in ciidamo IGAD ka socda ay imaanayaan soomaaliya si
ay dowladda uga caawiyaan dhinacyada wax ka qabashadda Amaanka iyo
aruurinta Hubka yaalla dalka soomaaliya guud ahaan ciidan la'aantiisna
uusan shaqayn karin.
Dowladda Mareynka oo Mar kale Ka
hadashay Arrimaha Somaliya.
Warbixin:: Mumtaz
Dowladda Mareykanka ayaa mar kale
qoraal ka soo saartay arrimaha soomaaliya kuna wajahan ciidanka la gaynayo
iyo qaabka ay dowlada FKMG ahi uga hirgali karto dalka. Qoraalkan
waxaa lagu sheegay in dowladda mareykanku la wadaagto dunida kale
walaaca ay ka qabaan xaaladda amaan xumo ee ka jirta halkaasi iyo
sidii loogu soo celin lahaa amaan buuxa dalka soomaaliya.
Dowladda Mareykanku waxa ay arrimaha
soomaaliya u daysay midawga afrika oo si wayn ula socday shirkii
lagu dhisay dowladda FKMG ah,markii dowladaas la dhisayna waxaa ay
dalbatay ciidamo ka socda midawga afrika,dalabkaas dowladda ayaa
keenay buuq iyo jahawareer saameeyay dadka soomaaliyeed iyo dunida
kaleba.
Go'aankeena aan ka qabno dowlad ahaan
waa inaan soomaaliya la gaynin ciidamo ka socda wadamada IGAD gaar
ahaan safka hore xaaladda oo sii xumaan karta awgeed ayay ku
sheegtay Dowlada Mareykanka qoraalkeedaas.
Dowladdani waxa ay ka walwal ka
muujisay ciidamada la hadal hayo in la geeyo soomaaliya ee ka socda
IGAD gaar ahaan wadamada safka hore ee soomaaliya la leh xuduudka oo
hadii ay halkaasi tagaan sii xumayn karta xaaladda siyaasadeed iyo
amaan ee dalka soomaaliya iyadoo Sabab uga dhigtay in ay jiraan
dhitaabo u dhaxaysa labada dal ee soomaaliya iyo itoobiya.
Waxaa qoraalkani uu kula talinayaa in
ay dowladda FKMG ahi furto wadahadal iyo dib u heshiisiin si looga
maarmo ciidamdaas ay dalbatay,maliishiyaadkana siiso tabarbaro si ay
u noqdaan kuwo ay leedahay dowladda si ay uga caawiyaan dhinaca
amaanka baahida ciidamada loo qabona u daboolaan sidoo kale ay
wadahadalo la yeelato Hogaamiyayaasha diinta wax ku xukuma.
Dunida in ay walwal ka qabto Argagaxisada
ayaa lagu sheegay qoraalkan mareykankana ugu horeeyo si aysan u
dhicin arrimahaas argagixasada looga cabsi qabo waa in la hirgaliyo
isfaham iyo xaalad daganaansho oo soomaaliya guud ahaan lagu soo
dabaalo.
Dowladda maraykanku waxa ay diidmada
ciidamada la qaybsanaysaa shacabka soomaaliyeed ee diidan in ciidamo
la geeyo soomaaliya iyagoo ka cabsi qaba in isku dhac yimaado
dowladuna burburto.
Ugu dambayn waxa ay xuseen in ka qayb
qaadanayaan dadaalka nabad raadineed ee soomaaliya laga wado
dowladdana ay ka gacan siin doonaan dhinacyada dhaqaale iyo taageero
hadii ay kasbato kalsoonida shacabka wadahadalona ka dhex furto
qaybaha soomaaliyeed si loo sameeyo dib u heshiisiin buuxda.
Akhri warbixintii hore ee
Dowladda Mareykanka oo Qoraal ka soo Saartay Ciidamada
Soomaaliya la Gaynayo
Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi
| Maarso 4, 2005
Email: cmmumtaz@somalitalk.com ama
canabmumtaz@yahoo.com