Nelson Mandela oo lagu Sharfayo Dhalashada Canada
SomaliTalk | 20/10/2001
Madaxweynihii
hore Koonfur Afrika, Nelson Rolihlahla Mandela, ayaa noqday
qofkii labaad ee taariikhda dalka Canada lagu sharfo dhalashada
dalka Canada [Honorary Canadian Citizenship].
Sida ay soo werisey warbaahinta Canada [Canadian
Press] waxaa Mandela lagu sharfay dalka Canada bartamaha
bisha November ee sannadkan 2001 si uu u aqbalo sharfida dhalashada
Canada iyo weliba derejada doctor ee sharciga [doctor of laws
degree] iyo si uu u arko dugsi kuyaal Toronto oo loogu magacdari
doono "Nelson Mandela".
Derejadaas doctorate-ka ah waxaa 17ka November 2001
kusharfay Jaamacada Ryerson
University oo kutaal magaalada Toronto. Sidookale waxaa
islajaamacadaasi derejada Doctorate kusharfidoontaa xaaska Mandela,
Graça Machel, oo kuwehelin doonta safarkiisa.
War jaraa'id oo jaamacadu qabatay ayey kusheegtay
sida ay ugu faraxsanyihiin in Mr. Mandela iyo Mrs. Machel ay
yimaadaan xarunta Jaamacadda.
Inta uusan aqbalin derejadaas doctorate-ka ah, waxaa
mandela kaqayb galay xaflad laguqabtay dugsiga hadda lagumagcaabo "Park
Public School"
Sawirkani waa
kii uu Mandela kaga qaybgalay doorashadii madaxtinimada K/A
ee uu ku guulaystay, waana sawir katarjumaya
kaladuwanaanshaha midabka dadka kunool K/Afrika iyo sida uu
Mandela u doonayey in uu mideeyo. |
|
kaas oo loo bixindoono "Nelson Mandela Park Public School".
Carruur kujira fasalada 5aad iyo 6aad oo dhigta
dugsigaas oo kaqaybgalay shirka jaraa'id ayaa muujiyey sida ay ugu
faraxsanyihiin go'aanka hogganka iskoolkoodu uu qaatay ee ah in ay
arintaan shaaca ka qaadeen, waa magcaabida dugsiga'e.
Mandela oo hadda 83 jir ah ayaa lafilayaa in uu 18ka
November 2001 tago caasimada dalka Canada ee Ottawa si uu u guddoomo
sharfida dhalashada Canada [Honorary Canadian Citizenship],
xafladan oo laguqabanayo aqalka "House
of Common".
Sharfidaan ay Canada kusharaftay Mandela ayaa ah tii
labaad ee ay Canada weligeed bixiso. Waxay ahayd sannadkii 1985
markii ay Canada kusharaftay [honorary Canadian citizen]
dublamaasi Swedish ah oo lagu magcaabo Raoul Wallenberg, taas oo uu
ku mutaystay sida lasheegay badbaadintii uu badbaadiyey 100,000 Jews
ah waqtigii Holocaust.
Safarka uu Mandela ku imanayo Canada ayaa ah kii
saddexaad ee uu kuyimaado.
Sannaadkii 1998 ayay ahayd markii Mandela uu
kaqaybgalay 40,000 oo ciyaal iskuul ah ay isugu soo baxeen garoonka
weyn ee SkyDome [Canada] si loo asaaso hay'adda mucaawanida Caruurta
ee lagu magcaabo "Nelson Mandela Children's Fund" qaybteeda
Canada.
Waxase taas kahoreeyey socdaalkii uu Mandela kuyimid
Canada sannadkii 1993, waxa uu markaas booqday magaalooyinka
Toronto, Montreal iyo Iqaluit (Arctic town).
Graca Machel
waxay ku caanbaxday gargaarka caruurta dhibban. |
|
Waqtigaas oo uu booqasho kumarayey Woqooyiga Ameerika waxa ay ahayd
kaddib markii laga soo daayey xabsigii K/Afrika ee uu ku xiraa
mudada 27ka sano ahay isaga oo kasoo horjeedey xukunkii
midabtakoorka Koonfur Afrika [apartheid].
Xaaska Mandela, Graca Machel, oo u dhalatay dalka
Mozambique, waxay siweyn ugu caanbaxday gargaarka carruurta, iyadoo
siweyn ugu ololaysa sidii loo maqlilahaa
codka carruurta tabaalaysan. Gaar ahaan Carruurta goobaha
colaadaha ama dagaalada ee Afrika.
Graca ninkeedii hore oo lagu magcaabijirey Samora
Machel wuxuu ahaanjirey madaxweynihii Mozambique, waxaana uu
kudhintay diyaarad ku qaraxday hawada Koonfur Afrika sannadkii 1986,
Mandela iyo
Graca
|
|
markaas oo uu madaxweyne ahaa. Waxaa lagu tilmaamay in Samora uu
ahaa mid xiriir la isu harag-baxo lalahaa dhaqdhaqaaqii
kasoohorjeedey xukunka midab takoorka.
Guurka cusub ee Mandela iyo Graca wuxuu kubeegnaa
July 18, 1998. Taas oo uu shaaca ka qaaday Thabo Mbeki oo waqtigaas
ahaa madaxweyne ku xigeenkii Koonfur Afrika, Mandelana uu weli ahaa
madaxweyne. Xafladaas guurka waxaa lagu qabtay guriga gaarka ah ee
mandela oo kuyaal Johannesburg. Waqtigaas mandela da'diisu waxay
ahayd 80 jir, Graca waxay ahayd 52 jir.