Shaafici Xassan Maxamed
E-mail:
mi99mosh@chl.chalmers.se
Sad libaax
Nin soomaali ah oo magaciisa la yiraahdo Cabdirashiid Faarax
Xassan-Cadde ayaa wuxuu muddo dheer igu saluugsanaa in aanan wax gabay ah
curin. Saluugmadaasi waxay taagneyd xilli dheer oo dheer, oo aanan wax
halcelin ah ka bixin, waxaase eegga 01-07-2004 (kowda bisha toddobaad labada
kun iyo afarta) qoran gabay
magaciisa la yiraahdo "Sad libaax", oo aan isaga xayuubiyey dhalliishii iyo
saluugmadii dushayda ku xasilay.
Ulajeeddada iyo hadafka "Sad libaax" waxaa fasirkooda leh ummadda, waxaanse
anigu samaynayaa hawl yar oo aan ku fududaynayo ereyo aan moodey in ay dadka
qaarkood ku adkaan karaan. Waxaan ereyada u soo hormariyey in uu akhristuhu
inta uusan gabayga bilaabin kalmadaha isha mariyo si uu uga badbaado in uu
erey maansada ku jiraa dareenkiisa geli waayo, waxaana kalmadaha ku
tusaalaysan miro gabay ah oo ay ereyadaasi ku jiraan.
Si ay hawshu u fududaato ayaan kalmadaha waxaan isugu xijiyey sida higaadda
qaamuusku isugu xigto, oo qofkii adeegsan jirey qaamuus wuxuu dhaqso u heli
doonaa ereygii uu inta uu gabayga akhrinayo ka qaloodo. Sidaas awgeed
lamahuraan ma aha in hortii ereyada la eego, oo waxaa loo boodi karaa
gabayga, dabadeedna waxaa gadaal loo soo eegi karaa ereyada fasiran.
Saabaan = alaabada guriga sida miisaska, kuraasta, sariiraha iyo wax kasta
oo lagu dhaqmo. (Saabaanta niman baan guryaha, sadaf ku reebayne).
Saabbir = cayr, dad aan wax xoolo ah lahayn. (Siraad baa u baxay duulashii,
saabbirka ahaaye).
Saajac = geesi. (Salamadlaha diyaaradahayaga, saajac baa wadine).
Saan = harag. (Sitaac duug ah iyo lagama tegin, saanta xoolaha’e).
Saancaddo = ayaan darro, nasiib la’aan aad u xun. (Saancaddiyo halaag baa ku
dhacay, saracii beernaaye).
Saari = guntiino iyo garbosaar isku maro ah, oo qurux badan. (Niman baa
santuuqyada dhaciyo, saaridii dumare).
Saaruq = mirif, saxarro ama qashin biyaha dulsabbeeya. (Sarqaankaba waxaa
inagu ridey, saaruq daallin ahe).
Saawir = bir afbeeshay, sida mindi aan waxba goyn karin. (Sallaaddiyo waxaa
la isku diley, toorrey saawir ahe).
Saayibid = udbo ama qoryo madaxa saraf ku leh oo gaadiidka badda oo yaryar
lagu wado. (Udbahaan ku saayibi lahayn, sarafta loo qaabye).
Yaayir = turriinsho iyo dhaqaalayn. (Sallaxnaan dadnimo iyo la waa, saayir
nololeede).
Sabbakh = rinji ama wax kale oo midab beddeli kara. (Sabbakhii haweenkaa la
dhigay, gudaha Siinaye).
Sabbuux = bil magaceed. (Sabbuuxii gugaa wuxuu la yimid, sagallo waaweyne).
Sabeen = lax dhallin yar. (Rag sabeen ku noolaan jiraa, sooryo weyn heline).
Sabo = agaggaar. Waxaa badanaaba loo adeegdasaa fagaagga guryaha iyo
kaalinnada ceelasha. (Salwo iyo farxadi waa in ay, sabada yaallaane).
Sacaf = timir lafaha laga guray oo inta la isku rafaaqey subag lagu daray.
(Sacaf timir ah iyo way yar tahay, sahay la qaataaye).
Sacsac = dhaandhaan. (Sacsaceenna iyo way bateen, sagagarkeeniiye).
Sactar = geed ugdoon oo cuntada lagu carfiyo. (Sactarkii la boob iyo
gabdhaha, silisyadoodiiye).
Sadaaddo = jiirago’, daal ay oogada iyo muruqyadu aad u xanuunaan. (Sadaaddiyo
waxaa inagu badan, sahasho dhiillo ahe).
Sadaf = dhagsan ay baddu soo tufto oo gudo iyo qalbacyo leh. (Saabaanta
niman baan guryaha, sadaf ku reebayne).
Sadaq = ulo dhuudhuuban, oo inta xargo la iskula sameeyo la goglado. (Sadaq
lagu fariistiyo ma jiro, geed sanoobbir ahe).
Sadax = oogada guryaha ama gurada doomaha iyo maraakiibta. (Sadcaal bay u
bixin doonyihii, sadaxa weynaaye).
Saddexanyo = hub iswata oo ka kooban labo waran oo kala yar iyo gaashaan.
(Saddexanyada warmaha waa la dhigin, samayohoodiiye).
Safiih = maangaab. (Safiih iyo waxaa inaga mid ah, soonge doqoneede).
Safrad = kharaar ama gaajo hamuun subax ah. (Safraddiyo dadkii lagu dibridey,
haybta saransoorka).
Sagagar = qof ay maskaxdiisu dhimman tahay. (Sacsaceenna iyo way bateen,
sagagarkeenniiye).
Sagal = daliigo aroortii cirka kaga yaal dhanka ay qorraxdu ka soo baxayso,
oo lagu saadaaliyo in uu dhawaan roob da’i doono. (Sabbuuxii gugaa wuxuu la
yimid, sagallo waaweyne).
Sahasho = sal la’aan aan meel lagu xasilin, oo dhaqdhaqaaqa jirka la badiyo.
(Sadaaddiyo waxaa inagu badan, sahasho dhiillo ahe).
Sajarasho = galaafasho, in uu qof denbiile ahi dad aan eed gelin u soo jiido
wax aysan galabsan. (Kuwii ina sajarey waxaa ka roon, gaal saliib xirane).
Sakaarwaran = wax sidii la doono laga yeeli karo, oo diyaar ah. (Hayeeshee
dantaan uga socdaa, ii sakaarwarane).
Sakati = baqdin lala fiigo, oo mar kasta wadnofug iyo wiswis lagu jiro.
(Sakatigii la naxay bay dadkii, saaqday waalliduye).
Sakiiro = lugo sidii ay u abuurnaayeen uu cudur ka beddeley, oo uu qaabkoodu
xumaaday. (Sunbay baa waddada taagan iyo, tuug sakiiro lehe).
Salaaf = khaafsanaan uu fudayd weliyo oo uusan qofku hadalkiisa ka fiirsan
karin, ee uu waxii maskaxdiisa ku soo dhacaba la soo boodo. (Waatay
salsaliyeen wax badan, duul salaaf lihiye).
Salab = hub. (Salabka iyo qoryaha dawlad baa, loo sallimayaaye).
Salamadle = shinbir weyn oo sida diyaaradaha aad hawada ugu fogaata.
(Salamadlaha diyaaradahayaga, saajac baa wadine).
Salbuuko = digir uu midabkeedu cagaar yahay, oo yaryar. (Sabuul iyo galley
iyo la waa, digir salbuuko ahe).
Sallaaddo = waran yar. (Sallaaddiyo waxaa la isku diley, toorrey saawir ahe).
Sallaan = jaranjar. (Sallaankeeda lama koro haddaan, waagu saamixine).
Saloogan = wax dheer oo muruxsan oo soo turmaagan. (Salow iyo colaad baa wax
badan, nagu saloognaaye).
Saloolasho = in cagaha fooggooda inta la isku taago addimada hore meel sare
lagu soo haabto. (Saraar horumareed waa in ay, kor u salooshaane).
Salow = qaylada nooc ka mid ah, oo ku timaadda qalalaaso. (Salow iyo colaad
baa wax badan, nagu saloognaaye).
Salwo = cayaaraha nooc ka mid ah. (Salwo iyo farxadi waa in ay, sabada
yaallaane).
Samayo = usha waranka lagu daabo. (Saddexanyada warmaha waa la dhigin,
samayohoodiiye).
Samoolad = guga marka ay barwaaqadiisu ugu badan tahay. (Way wada samooladin
dadkii, sooganta ahaaye).
Sangaalle = dixiri geela sankiisa ku abuurma, oo markii uu geela ku kaco
wareeriya. (Sidii geel sangaalloobey baa, saynta loo ruxine).
Sanoobbir = geed alwaaxda laga sameeyo, oo miro bixiya, oo aysan abaartu
caleemaha ka qaadin. (Sadaq lagu fariistiyo ma jiro, geed sanoobbir ahe).
Saqle = orod fardood oo gaabin ah, oo qofka aan fuulidda aad u aqooni uu
badanaaba faraska ku wado. (Saqle iyo fardaa lagaga iman, Saaxil iyo Shiikhe).
Saraar = meel sare dusheed. (Saraar horumareed waa in ay, kor u salooshaane).
Sarab = rammaali, ulo wax lagu dhiso. (Sarabka iyo albaabada rag baa, sida
habeenkiiye).
Saransoor = isgale, meel ay labo wax iska galaan, sida labo maro oo isku
tolan. (Safraddiyo dadkii lagu dibridey, haybta saransoorka).
Sarco = qallal, jirro loo suuxo. (Sarco loo qallalay baad, naftii socotay
mooddaaye).
Sardhayn = hurdo dhaqso loo gamo’. (Saqda dhimashadii aakhiraa, lagu
sardheeyaye).
Sareedo = barwaaqo. (Sareediyo wanaag baa, qalbiga laga saraadshaaye).
Sarriig = xishood. (Salfudaydka maansadu adeer, waa sarriig xumo’e).
Sarriijin = in timo ama dhogor la rifo, oo aan xanuunka laga nixin, ama dun
iyo wax la mid si xun loo tifo. (Soddomeeye iyo dhawr gu bay, ina
sarriijeene).
Sarwaan = ul dheer oo aan dhuubnayn, oo sida badan aan toosnayn. (Sarwaan
iyo ul baan qorannay iyo, siiqe xoog badane).
Sarwacan = si khaas ah loo argo ama gooni loo eegayo. (Soojeedka iyo qalinka
waa, loo sarwacayaaye).
Saryan = biciid lab ah, oo aad weyn. (Saryankii biciidkiyo dhammaa, kuman
sagaaro ahe).
Sati = shay sida qufad ama dhiil u tolan oo alaabta yaryar lagu gurto, oo
caw ka samaysan. (Sati booliyaa lagu gorgorin, sicir belaayo ahe).
Sawaxan = qaylo sida libaax cartay oo kale ah. (Afartaas sawaxan horudhacoy,
salashey haaddii dheh).
Saxal = xiddig ay dadka xiddigiyaa sheegaan in markii ay asaga iyo xiddigga
mariiqu u tagaan xiddigaha naabka ay abaari xumi dhacdo. (Sayaariinta
naabkaa hardiyey, saxal abaareede).
Sayaariin = xiddigo. (Sayaariinta naabkaa hardiyey, saxal abaareede).
Sayax = dhul uu roob ku da’ay oo qoyan. (Sayax lagu negaadoo ma jiro,
saxansaxoodaaye).
Saylaan = madaxa ama garabka ay daruurta da’aysaa kor u bixiso. (Saylaan
galbeed iyo diraac, saymo laga waaye).
Seenyoon = aan geeso lahayn. (Afartaas sarbeeb duugan iyo, hadallo seenyoon
dheh).
Seeraarin = dulmarin tuuryo ah, sida in geed shishadiis dhagax lagu tuuro oo
aan geedka la taabsiin. (Dadkii tixaha seeraarin jirey, samir ha qaateene).
Sees = shay qodxo leh oo dhasha xoolaha gafuurka loogu xiro si ay hooyadood
uga cararto markii ay qodxuhu mudaan, dabadeebna ay u gurto. (Sac ballaaran
oo wuu yar yahay, sees ku gurayaaye).
Seeto = dabar, xarig xoolaha labadooda jeeni lagaga la iskula xiro si aysan
meel fog u aadin. (Haddaan caawa seetada ka furay, waa si gooni ahe).
Seexaw = warjeef, in wax badan isku mar la baaba’sho. (Seexawda waxa laga
dhigaa, siiqdii geedaha’e).
Senge = farax dhufaan ah, oo weyn. (Weligay sengaha waxaan koraa, saaka oo
kale’e).
Sibir = shamiito. (Soosaar warshadaliyo shaqaa, sibirka loo qoyne).
Sibraar = xab, harag xoolaha si farsamaysan looga bixiyo ama la tolay oo
caanaha ama biyaha lagu shubto. (Sibraarraa waxaa loogu shubin, suluxa
dhayda
ahe).
Sidig = labo ama saddex neef oo hal ilmo ahi wada nuugo oo kuwa aan dhalin
loo maqaarsaaray ama lagu tolay, amaba caano ama xab loo mariyey. (Waxaa
sidigta gaawaha u culay, soobil iyo liide).
Sidix = murjuc, ilmo dad oo dhawaan dhashay. (Sandullaa waxaa inagu waday,
sidixyo shaydaane).
Sifaar = nooc caws ah. (Sifaar baa ka bixin meeluhuu, suudigii gubaye).
Siibad = xero ood dheer oo shamcan leh, oo uusan dugaaggu u soo dhici karin,
xooluhuna aysan marna ka boodi karin. (Waxaa saani loo gelahayaa, siibaddii
hora’e).
Siig = ugaar waaweyn oo dheerdheer. (Siig baa u qalan duulashii, soomanaan
jiraye).
Siilaanyo = bahallada guud oo sixirta la isku yiraahdo nooc ka mid ah. Waa
bahal yar. (Siilaanyo lama dhaafo iyo, soongurtoo kala’e).
Siiq = geed webiyada ka baxa. (Seexawda waxa laga dhigaa, siiqdii geedaha’e).
Siiqe = ul weyn oo sida badan aan qurxoonayn, oo aan si fiican kurtumada
looga jarin. (Sarwaan iyo ul baan qorannay iyo, siiqe xoog badane).
Sikhlaysan = bir lagu afeeyey soofe ilko yaryar (sikhle) si ay xiirexiire u
noqoto. (Warankii sikhlaysnaa dadkii, seeduhuu jaraye).
Silqo = kalluun. (Silaqadii kalluun lama hayiyo, sugufyadeediiye).
Sindiiq = qof niyadda gaal ka ah. (Sindiiq iyo waxaa ina xukuma, saani
beenlow ahe).
Sinjaar = rafiiq, in meel loo wada safro, siiba in uu gaadiidka baddu
isweheshado. (Sinjaar iyo wanaag bay habluhu, suuqadda u ruxine).
Sinjidhaan = qof dadkiisa ceeb u soo jiida. (Sinjidhaannadii waxaa beddelin,
saalax loo boga’e).
Sirir = ceego, in cunaha wax nool lagu dhego oo la rafaadiyo. (Sirir baa
dhacaye waa in aan, saatan loo noqone).
Sirsir = dhul adag sida dhagax subaan ah ama digdig gawaan ah. (Sirsir baa
wuxuu inagu helay, dibir sabbaaxa ahe.
Sisin = geed saliid laga sameeyo. (Sisin laguma oga meelihii, siinadda
lahaaye).
Sitaac = suuman feeran oo fardaha surka looga lulo. (Sitaac duug ah iyo
lagama tegin, saantii xoolaha’e).
Soddonguuro = in ay abaar ama doog ama wax kale soddonkii sanaba mar dhacaan,
sida abaarihii 1974 iyo 2004 Soomaaliya ka dhacay. (Soddonguuro baas bay
indhuhu, nala sarcaadeene).
Sogob = orgi dhufaanan. (Sogob buuran lama iibiyiyo, sumallo waaweyne).
Solansiin = hanuunin, in qof arrin la waafajiyo. (Sikashada ilaah lagu
durkaan, la ina solansiine).
Soocanti = xul, dadka intooda arrin gaar ah in ay fuliyaan ku habboon.
(Soocantiyi jirrada waa in ay, sixirfuryeeyaane).
Soof = xoolo. (Soof caano badiyaa ma jiro, soorihii guga’e).
Soogan = wax kala jiidan oo aan dhumuc lahayn, oo soo taagan. (Way wada
samooladin dadkii, sooganta ahaaye).
Soohnaan = xarig ama wax kale oo qaab gaar ah loo sameeyey. (Sinjisooca
waxaa lagu beddelan, qarankii soohnaaye).
Soohdin = xudduud ama seere. (Waa laga sokeeyoobayaa, soohdin gaal dhigaye).
Sool = dhul aan biyo laga helin. (Suti dhiig leh iyo weerar baa, soolka loo
xulaye).
Soolan = gooni ah, aan la wehelin. (Siijeedka ceebeed midnimo, soolan baa
xigine).
Soomaggale = geed uu cubbay ama cudbi ka baxo oo cad. (Sugul iyo madow baa
beddeley, soomaagalihiiye).
Soongur = bahal dabaggaale la moodo, kase duwan. (Siilaanyo lama dhaafo iyo,
soongurtoo kala’e).
Soormaweydo = Waa marka uu gugu xoogaysto. (Gugu wuxuu samaadaa, waqtiga
soormaweydada’e).
Sooyaan = qaylo badan oo sarraysa. (Surweellada waxaa loo gashaday, col iyo
sooyaane).
Subeeciyad = dhar xariir ah oo faraq leh. (Subeeciyad qurxoon lama arkoo,
lagu sudeefaaye).
Subxaanyo = halaq aan sun lahayn. (Subxaanyadiyo dabaggaallahaan, sahal u
laynaaye).
Sudeefid = socod dalxiis ah. (Subeeciyad qurxoon lama arkoo, lagu sudeefaaye).
Sugiye = kawaanle, hilible. (Waxaa suunka loo xiranayaa, sugiye hawleede).
Sullan = oday ay dad ka soo farcameen. (Sullanka iyo abtiriskeennu waa,
sanabbadeenniiye).
Sumal = wan qoor ah. (Sogob buuran lama iibiyiyo, sumallo waaweyne).
Sumuc = baalooto, xabbadda inteeda baxda oo aan gumuca, baaruudda iyo fuuqa
ahayn. (Sumuca iyo baaruudda waa, lagu suxuurtaaye).
Sunbaax = sanuun ama udug wax dufan leh oo la shiilayo ka soo baxday. (Waa
laga sunbaax raacayaa, buurta suurad ahe).
Sunbay = gooryaanka caloosha gala qaar ka mid ah. (Sunbay baa waddada taagan
iyo, tuug sakiiro lehe).
Suqayar = dadka doomaha ka shaqeeya intooda ay hawluhu ku cusub yihiin.
(Sayidkeenna iyo waysu iman, suqayarteenniiye).
Suqul = gooryaan xoolaha iyo dadkaba caloosha la gala. (Sabbaax iyo
malaayiin ka badan, suqulladeenniiye).
Sur = malabka nooc ka mid ah, oo uu durde sameeyo, oo ka kooban gaws iyo
miid. (Sannifaadda buugtaa sidii, sur u macaanaane).
Sursuur = meel ciriiri ah, oo aan la mari karin. (Hawdkii sursuuraha lahaa,
saxare weeyaane).
Suti = difaac nafta loo huro, oo jilibka loo laabto. (Suti dhiig leh iyo
weerar baa, soolka loo xulaye).
Suudi = kulaylka qorraxda. (Sifaar baa ka bixin meeluhuu, suudigii gubaye).
Suuqad = siyaakhadda ay dumarku isku qurxiyaan, sida dahabka. (Sinjaar iyo
wanaag bay habluhu, suuqadda u ruxine).
Suuradin = siyaalaha wax loo tiriyo nooc ka mid. (Sifsifka iyo tiradeenna
waa, la ina suuradine).
Suurid = hurdo aad u daran. (Way sabatabbaxayaan dadkii, suursanaan jiraye).
Suxubbi = waxyaalo uusan qashin ku jirin oo hufan. (Inaan suxubbidii dayey
baad, igu saluugteene).
Cabdiyow sansaan gabay muddaad, iga sugayseene
Inaan suxubbidii daayey baad, igu saluugteene
Anna samanku ima farin inaan, tiriyo siinleye
Saadaasha roobkuba xilliga, way la socotaaye
Saylaan galbeed iyo diraac, saymo laga waaye
Gugu wuxuu samaadaa waqtiga, soormaweydada’e
Sideedana Rashiidow murtiyi, seeflabbood ma lahe
Salfudaydka maansadu adeer, waa sarriig xumo’e
Sallaankeeda lama koro haddaan, waagu xaamixine
Hadday niman sabbeeyeen anigu, tayda waan sugaye
Sahankeedu jeer uu i diro, waan silloonahaye
Dharaartuu sidkeedii go’aan, sax u iraahdaaye
Haddaan maanta seetada ka furay, waa si gooni ahe
Weligay sengaha waxaan koraa, saaka oo kale’e
Waa subaxyadaydii hadduu, sawdku ii baxaye
Salaaddii xiddigahaba iftiin, suuliyaa jira’e
Aniguna haddaan sawlaxoo, seeriga afuufo
Nin walboo surtaag lagu yaqiin, suuxdin baan geline
Sanac iyo buruud uunku way, kala sarreeyaane
Sawaariikhda gabay maalintii, la isku saxariirsho
Dadkii tixaha seeraarin jirey, samir ha qaateene
Niman baa sarqami jirey kolkaan, saahidka ahaaye
Sarmaseegtadoodii badnayd, lagu saliilyooye
Waxay saanaddoodii ahayd, seero iyo beene
Surinkeeda lama marin tixdii, suubbanta ahayde
Waxaa sidigta gaawaha u culay, soobil iyo liide
Saxariirtay maansadu kolkay, silicdilyeeye
Sulufkeeda goortaan ka haray, saaqid la i moodye
Waatay salsaliyeen wax badan, duul salaaf lihiye
Cawaan sidii suufle aar, micida soofayne
Afartaas sawaxan horudhacoy, salashey haaddii dheh
Sad libaax la tegey iyo biciid, sararo waaweyn dheh
Hayeeshee dantaan uga socdaa, ii sakaarwarane
Nimanyohow siyaasadu mar bay, kaa sirgaxantaaye
Marna way samaataa sidii, caano saafi ahe
Soomaalinimadii hadduu, suureheed yimide
Safxadeenna khayr baa ku dhigan, samanka maanta ahe
Siraad baa u baxay duulashii, saabbirka ahaaye
Sabbuuxii gugaa wuxuu la yimid, sagallo waaweyne
Sargaal iyo wadaad haatan waan, sacabbin doonnaaye
Sirqaddii Allay bariday iyo, sebiyadeenniiye
Sareediyo wanaag baa qalbiga, laga saraadshaaye
Ummaddii la kala sooci jirey, saab quray geline
Waa laga sookeeyoobayaa, soohdin gaal dhigaye
Soomaalilaan iyo ma jiro, seere gooni ahe
Safar baa ka iman inamadii, sugayey Maandeeqe
Sallaxley raggii joogey way, soo sunsumayaane
Saamaha Hargeysiyo Burcaa, siigo weyn kicine
Silil waxaa laga imaan, Saylacdii kora’e
Waa laga sunbaax raacayaa, buurta Suurad ahe
Socotada Berbera waxay ku iman, saacad gudeheede
Saqle iyo fardaa laga iman, Saaxil iyo Shiikhe
Siijeedka ceebeed midnimo, soolan baa xigine
Waxaa saani loo gelahayaa, siibaddii hore’e
Silsiladaha qabiilkaa la jarin, sida xaqiiqdaahe
Saxarrada shakiga nimanku way, sayrinahayaane
Ilaah baa subxaanee niyadu, saaxi bay noqone
Sumuqsumuqda iyo dhiilladiyo, saarku way bixine
Sinjisooca waxa lagu beddelan, qarankii soohnaaye
Sarrifaadda nimankii la tegey, saami bay geline
Sakaraadka goortii dawada, lagu salaameeyo
Way wada subkanayaan dadkii, siifadda lahaaye
Safiiriyo waxay helahayaan, saajiniin badane
Goortii saldana fiican iyo, sadaqo loo dhiibo
Salli iyo waxay badaniyaan, suurad Faataxo’e
Waxaa suufi lagu noqon wardiga, saalixiinka ahe
Salaad iyo waxay baranayaan, subaca diineede
Safka waxay u gelayaan, inay wada sujuudaane
Surkuna wuxuu aqbalayaa, tusbaxa surashadiisiiye
Sigaar gaajo lagu nuugayaa, waa saboolnimo’e
Sanbuuqadiyo way guban yihiin, saabka feeruhuye
Sanbabada waxaa laga daweyn, sun iyo tiibiiye
Saha maanta yimid waa rajada, sababeheediiye
Rag sabeen ku noolaan jiraa, sooryo weyn heline
Sayladdii fakhriga waxaa beddelin, khayr samaawi ahe
Siig baa u qalan duulashii, soommanaan jiraye
Way wada samooladin dadkii, sooganta ahaaye
Sibraarada waxaa loogu shubin, suluxa dhaydaahe
Afartaas sarbeeb duugan iyo, hadallo seenyoon dheh
Weligay ma saafee murtida, sogordahaygii dheh
Sumad kalena meel waa inaan, sarin u yeelaaye
Safiih iyo waxaa inaga mid ah, soonge doqoneede
Sacsaceenna iyo way bateen, sagagarkeeniiye
Subaaca iyo mooryaanta waa, lagu sanbooraaye
Sabbaax iyo malaayiin ka badan, suqulladeeniiye
Sunbay baa waddada taagan iyo, tuug sakiiro lehe
Sarqaankaba waxaa inagu ridey, saaruq daallin ahe
Salow iyo colaad baa wax badan, nagu saloognaaye
Sallaadiyo waxaa la isku diley, toorrey saawir ahe
Sarwaan iyo ul baan qorannay iyo, siiqe xoog badane
Surweellada waxaa loo gashaday, col iyo sooyaane
Suti dhiig leh iyo weerar baa, soolka loo xulaye
Warankii sikhlaysnaa dadkii, seeduhuu jaraye
Sigsigtii madfaca loo malee, suurkii aakhiro’e
Sonkoroowga loo wada bukaa, waa saskii dhacaye
Sakatigii la naxay bay dadkii, saaqday waalliduye
Silaaxiyo hubkii waxay noqdeen, suuqa caanaha’e
Aakaha siddada dheeri waa, suusucoo kale’e
Sumuca iyo baaruudda waa, lagu suxuurtaaye
Saljuglaa waxaa loola dhacay, seexdin geeri ahe
Saqda dhimashadii aakhiraa, lagu sardheeyaaye
Sarco loo qallalay baad naftii, socotay mooddaaye
Nin sagaashan gaariyo la dirir, kii siddeed jiraye
Sixirkii qabiilkaa niyada, laga siyaartaaye
Sullanka iyo abtiriskeennu waa, sanabbadeeniiye
Soddog iyo waxaan toogannaa, seedigeen run ahe
Sindiiq iyo waxaa ina xukuma, saani beenlow ahe
Saqajaan daroogada cunaa, suudka noo xirane
Sandullaa waxaa inagu waday, sidixyo shaydaane
Kuwii ina sajarey waxaa ka roon, gaal saliib xirane
Soddomeeye iyo dhawr gu bay, ina sarriijeene
Sadaaddiyo waxaa inagu badan, sahasho dhiillo ahe
Sahwi iyo waxaan wada qabnaa, sibiq illowsho ahe
Sidii geel sangaalloobey baa, saynta loo ruxine
Subxaayadiyo dabaggaalahaan, sahal u laynaaye
Siilaanyo lama dhaafo iyo, soongurtoo kale’e
Saryankii biciidkiyo dhammaa, kuman sagaaro ahe
Niman baa santuuqyada dhaciyo, saaridii dumare
Sabaad iyo rag baa xaday hablaha, saqafohoodiiye
Saabbuunta lama dhaafin iyo, dhalo saliideede
Sactarkii la boob iyo gabdhaha, silisyadoodiiye
Sacfaraanka iyo uunsigaan, loo saldhigahayne
Sabbakhii haweenkaa la dhigay, gudaha Siinaye
Sanuud baa waxaa laga dayaa, saxanno ceebeede
Salliyaa la kala boobay iyo, kuman sariiroode
Sitaac duug ah iyo lagama tegin, saantii xoolaha’e
Sati booliyaa lagu gorgorin, sicir belaayo ahe
Saabaanta niman baan guryaha, sadaf ku reebayne
Sarraxa iyo tunkaa lagu guraa, saqafyo reeroode
Salool baa waxaa lagu xadaa, sacabbo waaweyne
Sarabka iyo albaabada rag baa, sida habeenkiiye
Saakada habraha meel xillaa, lagaga siibaaye
Saancaddiyo halaag baa ku dhacay, saracii beernaaye
Seexawda waxa laga dhigaa, siiqdii geedaha’e
Saytuunka miraha leh bir baa, lagu sakuumaaye
Hawdkii sursuuraha lahaa, saxare weeyaane
Sisin laguma oga meelihii, siinadda lahaaye
Sabiib iyo ayaantaan ma jirin, geed sarmaan ahiye
Sarreenkii waxaa gubey rag aan, samafal yeelayne
Sabuul iyo galley iyo la waa, digir salbuuko ahe
Sugul iyo madow baa beddeley, soomagalihiiye
Sogob buuran lama iibiyiyo, sumallo waaweyne
Sac ballaaran oo wuu yar yahay, sees ku gurayaaye
Awr sabarro weyn oo ma jiro, suulmadoobe ahe
Sixin iyo garoor iyo ma jiro, solay la dheefaaye
Soof caano badiyaa ma jiro, soorihii guga’e
Martida soodhaweyn looma huro, salagleheediiye
Sacaf timir ah iyo way yar tahay, sahay la qaataaye
Saagooti iyo wuu yar yahay, sikhi wax dhiibaaye
Serbi lagu hirtoo wuu yar yahay, lagu samaadaaye
Sawaabtii xaqiyo way yar tahay, siiradii nebiye
Sifo khayr leh iyo way yar tahay, salaf la raacaaye
Sikashada ilaah lagu durkaan, la ina solansiine
Sinbayr baa waxaa laga maraa, Sabiyo Yaasiine
Saamayn Quraan iyo ma jiro, sadar ilaahaye
Sabbaxooyin iyo Baqara waa, laga saqaafaaye
Sallaxnaan dadnimo iyo la waa, saayir nololeede
Sukulnaan haruur lama hayiyo, oon sabaayad ahe
Sidataal barwaaqiyo la waa, soonfur dheregeede
Sankuneefle uriyaa ma jiro, caraf sanuuneede
Sayax lagu negaadoo ma jiro, saxansaxoodaaye
Sadaq lagu fariistiyo ma jiro, geed sanoobbir ahe
Silqadii kalluun lama hayiyo, sudufyadeediiye
Sarihii dhisnaa lama arkiyo, sabaraddoodiiye
Sancadii shaqada lama hayiyo, hawlo saayida’e
Subeeciyad qurxoon lama arkoo, lagu sudeefaaye
Sanjibiilihii oo dhan buu, suus ka buuxsamaye
Suyuc baa bilowdoo dadkii, sulub ahaan waaye
Sayaariinta naabkaa hardiyey, saxal abaareede
Soddonguuro baas bay indhuhu, nala sarcaadeene
Sirsir baa wuxuu inagu helay, dibir sabbaaxo ahe
Hayeeshee godkii lagu sidbaday, soobax baa xigine
Waan sarakacaynaa muddaan, si xun u noolayne
Sulux iyo heshiis haatanay, suurtagelayaane
Sayidkeenna iyo waysu iman, suqayar teenniiye
Sinjaar iyo wanaag bay habluhu, suuqadda u ruxine
Su’aalihii xumaa waxaa beddelin, nabad saxiixeede
Saddexanyada warmaha waa la digin, samayahoodiiye
Salabka iyo qoryaha dawlad baa, loo sallimayaaye
Siriq baa la gelin tuugadii, suxulka dheerayde
Soocantiyi jirrada waa in ay, sixirfuryeeyaane
Sinjidhaannadii waxaa beddelin, saalax loo boga’e
Wuu sabatobaxayaa dadkii, suursanaan jiraye
Udbahaan ku saayibi lahayn, sarafta loo qaabye
soosaar warshadaliiyo shaqaa, sibirka loo qoyne
Waxaa suunka loo xiranayaa, sugiye hawleede
Samsam iyo xareed baa la darin, siiladdaan marane
Sifaar baa ka bixin meeluhuu, suudigii gubaye
Salamadlaha diyaaradahayaga, saajac baa wadine
Sadcaal bay u bixin doonyihii, sadaxa weynaaye
Sifsifka iyo tiradeenna waa, la ina suuradine
Soojeedka iyo qalinka waa, loo sarwacayaaye
Sannifaadda buugtaa sidii, sur u macaanaane
Safradda iyo dadkii lagu dibridey, haybta saransoorka
Saraar horumareed waa in ay, kor u salooshaane
Sabti iyo jumcaba waa in ay, nolol salaaxaane
Salwo iyo farxadi waa in ay, sabada yaallaane
Sirir baa dhacaye waa in aan, saatan loo noqone
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail:
mi99mosh@chl.chalmers.se
Afeef: Aragtida gabaygan waxaa leh qoraaga ku saxiixan