SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAYGII KEENADIID

Waa isku soo dubaridey
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se


Sansaan Xornimo

Markii soomaalida loo ballanqaaday daakhiliyada waxay ahayd 1949, waxaana dadkii madaxbannaanidaas hoose oo toban sannadood ahayd iyo madaxbannaanidii buuxdey ka dib la filanayey ku farxay ka mid ahaa Cismaan Keenadiid. Waxay farxaddaasi Cismaan ka keentay in uu tiriyo gabaygaan “Sansaan xornimo”.

Samow Maxamedow xalay war bay, nagu salaameene
Siyaadiyo khabaar lagu farxaa, saabay beledkiiye
Sidii aan jeclaa iyo waxaan, sugayey weeyaane

Gu sidkiis dhammaadiyo hadduu, samanku dheeraado
Waxaad sare u eegtaba kolkuu, saymo di’in doono
Asba saadda wuu muujin jirey, sagal aroortiiye

Adduunkaan salaax iyo kharaab, subaxba waa cayne
Samaan iyo xumaan labadu waa, suu ahaan jiraye
Saacado isdhaafiyo ammuur, socota weeyaane

Dadku way saluugaan ninkii, sigan ayaantaase
Wax badan buu nabsigu nagu sugnaa, ama na saarnaaye
Sansaankii xornimo haatanuu, suurihiis yimide

Siyaasadaha Leegadu waddiyo, waxay samaynayso
Sifaalaha dadkeennii anfacay, ama siyaadaaya
Soojada axwaalkeedakani, waa saraad culuse

Saha maanta joogaa narsiga, sahanki weeyaane
Sucduu noogu daahiray burjigii, saaqidka ahaaye
Wuxuu Eebbahay sahal ka dhigin, sabab ma waayaane

Soomaali Eebbawga turay, seerihii hora’e
Hadday sax u ogaadeen waxay, seegayeen beriye
Samir lagama rooniyo ninkii, suga ilaahaye

Saac baa u soo degey mudday, si xun u noolayde
Suxullada birtii kaga jirtiyo, seetadii jara’e
Surka qool haddii lagaga wadey, siibe xariggiiye

Saxariir addoon laga dhigtiyo, silic ma qaataane
Sarajoogga ceebeed kufriga, kuma salaamaane
”Siyooroow” intay ku celceshaan, ”Siida” ma hayaane

Si baa loo tixgeliyaa intay, salabka qaateene
Soofkooda iyo ruuxa way, sadaqadaystaane
Surweellada waxay ugu jiraan, sahasho duullaane

Rabbi baa ku saacidey xaqay, sabanno waayeene
Niman soori ku cayaartayoy, sixirtay mooyaane
Sifnahooda kale maanta waa, wada salaaddiine

Salsalkiyo kuwii kagu dhexwadey, siraha ceebaalka
Kolkay calanka noo suran arkeen, ama saxiix yaalla
Ama qaar la sababay malaha, wada sukuudeene

Niman baa silsilayoo arlada, saa’id ku ahaaye
Goortii la kala soocmay buu, suulay amarkoode
Sadkay hor u cunaayeen sidii, sun u kharaaraaye

Sinji la isu sheegtiyo qabiil, seero laga yeelye
Sabuubooyinkii iyo dhacii, waa la saamaxaye
Sulux iyo heshiis baa beddeley, kala safnaantiiye

Saymihii colaadeed la daa, salowgii taagnaaye
Wixii siigadii hore ku lumay, laga sokeeyowye
Waakaa siqiir iyo kabiir, siman makhluuqiiye

Safka Meheri sayxuun inta leh, amase reer Suurka
Mukulliga sawaacigu galiyo, suuqa Cadan weyn ah
Sanco iyo intaa laga xukumo, saraha iimaamka

Suldaamada Ciraaq iyo raggaa, suuriyada haysta
Sucuudiga bilaadkiisa iyo, siinadii xaramka
Arlada suubban samihii Xijaas, sabarradii Daa’if

Saldanada Bengaas iyo Tabruuk, saajacyada jooga
Sanuusi iyo Liibiya kurteed, saadada u qiiman
Kuwa bidixda kaga saafsan iyo, siibadaha Tuunis

Bur Saciid Suweys iyo Masriga, socotadii Niilka
Singaad iyo sariiraha Kharduum, nimanka Suudaan ah
Sawaaki iyo siinkii Casmara, soohdintii Xabashta

Soke iyo Danaakilada taal, saaxillada xeebta
Safka Adari saaqii Shawiyo, Sabada guudkeeda
Amxaaruhu intuu saaran yahay, tan iyo Siidaamo

Suud Afrika suuqii Kilwiyo, sabada Nayroobi
Simawalaanga daaraha Salaam, iyo sinaadkooda
Sinjibaar sawaaxili kurtiis, sararihii Keenya

Jahaduu sakibo reer Hindigu, saraha Raanguunle
Bumbey soohdinttediyo intuu, Siikhu ku hoyaado
Saracii Karaaj iyo Bengaal, seliyadii Kaabbul

Meeshuu ku sugan yahay Jabbaan, surimaduu yaallo
Singabuurka Sayloon dhulka leh, Siino iyo Jaawo
Suryada Ustaraalliya xirfaha, lagu samaynaayo

Siyaadada badroolkiyo Kuweyd, sabaha loo dhiibey
Salaaddiinta Iiraan fadhida, sulubyadii Faaris
Arlada samaqaddiyo reer Bukhaar, sahannadii Baabul

Saaxiibbadii Hollanda iyo, siirka Filibiin leh
Serbiyada Isbaanyiyo Madrid, samaha loo qaabay
Saamaha ka haray reer Ondolos, sabannadii Daariq

Sekadahakan Mooskiyo halkuu, sal u lahaa Ruushku
Faransuhu halkuu seexdo iyo, sadaxyadii Baaris
Sijiil iyo Talyaanniga fadhiya, sabadka Miilaano

Suldaannada Turkiga iyo Giriig, reer Suweysarada
Iglan sarabyadeediyo Barliin, saabka lagu meershey
Sinbayr iyo Maraykaniga yaal, badaha saynkooda

Sankuneefle meel uu jiraba, saabyey khabarkiiye
Telegaraamka seeraariyaa, bixiyey sawkiiye
Subax yoonba joornaalladaa, sugaya xaalkiiye

Naloo sayngaree qarantinnimo, sabanka maanta ahe
Saraakiisha iyo dawladuhu, saare feermada’e
Salaamihii naloo soo dirana, siimankaa wada’e

Niyada noo sifowdiyo himmada, socota laabteenna
Iyo waxa ka sii suubanoon, weli sugaalayno
Alle ha noo sakhiro waa adduun, sanac u laabnaaye


Waa isku soo dubaridey
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail:
mi99mosh@chl.chalmers.se


Afeef: Aragtida gabaygan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 5, 2004

 

SHAAFICI

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD