SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAANSO

Salaadda

Curiye:- Xasan Bulxan Cali
bulxan105@hotmail.com


MAANSADA DOODWANAAG... GUJI

Gabaygan la magacbaxay Salaadda Waxaa curiyay Abwaan Xasan Cali Bulxan, oo ku nool magaalada Caabud-Waaq ee waddanka Soomaaliya, taariikhdu markay ahayd  28/07/04. 

Abwaanku wuxuu aad uga warramay faa'idad Salaadda. Wuxuu sidoo  faahfaahsan u sheegay  khasaaraha  adduun iyo midka aakhiro lala kulmayo haddii la dayaco Salaadda.  

Wuxuna gabaygiisii ku bilaabay:  

  • 1-Siinleydi gabay waayahaan suurshay oo nacaye
  • 2-Samaan iyo xumaan waxay lahayd saa umaan dhugane
  • 3-Mana rabo inaan soo ceshoo nacay siyaaxeede
  • 4-Haddii uu sarrayn leeyihiyo siifad iyo luuli
  • 5-Cabdi galayax buu saarilaa samada guudkaahe
  • 6-Isna seyri goortii udayay siira xumadiise
  • 7-Samiciina iifura run waa laga salgaaraaye
  •  
  • 8-Suuradda quraankiyo siduu sheegay Nabigeennu (scw)
  • 9-Ama uu siraajkuba dhigoo saaka lay mariyay
  • 10-Ruux salaad dayacay sida uu rabo uma samaadaane
  • 11-Inta uu sag-saaguu ka mudan saamigii duniye
  • 12-Qof sujuudda diidoo nacoo kibir santagleeya
  • 13-Mar kaluu jawaab saxa ka heli Saatirkii faraye
  • 14-Saqariyo kulayl baa la gelin suudi holac weyne
  • 15-Samhariira naariyo dabbaa lagu solaayaaye
  • 16-Sakaraadka waa lagu dhibaa kii sahlada Diine
  • 17-Duul ibliis sakaansaday darxumo seegi mahayaane
  • 18-Su’aalaha qabriga kama fakado saaqid caasiyehe
  • 19-Jawaabtii markuu seego oo salal la fiigtaamo
  • 20-Sarwaan naarabaa lala dhacaa siiqe xoog badane
  • 21-Qof ka samatabixiyaa majiro silica maantaase
  • 22-Saaxiibnimo mataalliyo tolnimo la isku sooryayne
  • 23-Camal suubban hadduu fali lahaa lama surquunsheene
  • 24-Siyaaxii adduunkaa la tagay sahal ciyaarkiiye
  • 25-Siigee qiyaamiyo halkii saxada fiicnayde 
  •  
  • 26-Sidbashada Iblays goorti uu siriqda kuu qoolo
  • 27-Sibibixasho meel daran markuu siibad kugu xooro
  • 28-Markuu silicdilyada malag amrani soorre kaa badiyo
  • 29-Markii aad sur-suur adag gashoo sigato ood yaabto
  • 30-Surrucaad daraaddii markaad damacdo soo laabad
  • 31-Siigiyo Allow ciidda yaa saaka iga yeela
  • 32-Shallaytada sawaxankaa adoo kor u sannaarayso
  • 33-Saboolnimo dhab ahi waa adoo taga sal-naareede
  • 34-Ha ku gadan sareedada jannada sagan cadaabeede
  •  
  • 35-Mu’minkiise saahidoo an gelin seerki laga ooday
  • 36-Sunnihiyo maktuubaadka dhigan kii sax ugu toosa
  • 37-Saqda dhexe alleylkii midkaan seexan ee kacaya
  • 38-Qofkii saamax Eebbihiis warsadee sacabadow taagta
  • 39-Sina uma hungooboo Rabbaa siin wuxuu rabaye
  • 40-Samiic iyo basiir wuxuu ogyahay saabka waxa yaalle
  • 41-Kuwa samaha fala waw diyaar soo dhoweyn wacane
  • 42-Waxaan dheguhu sowdkooda maqal aragna suuraynin
  • 43-Qalbi aadanana soo gelayn saban hadduu joogo
  • 44-Ayuu Waaxid sidig kaaga dhigi siin an noqodlayne
  • 45-Webiyada sun-sumibaa ag mara seerka gogoshaa e
  • 46-Kuwaa malab la soociyo la mida caana saafiyehe
  • 47-Simaartiyo khudaartii haddaad damacdo Saytuunka
  • 48-Salka kama kacayside adoon soconin waa yaalle
  • 49-Sacaadada halkaas Eebbe dhigay sawd ku koob ma lehe
  • 50-Kii nasiibki siiyaa hantiyay guul saddano weyne
  • 51-Dadkuna uma sinnoo aadanuhu kala tag saadkiiye
  • 52-Kuwo sacab an wadanbaa jiroo naari sidataaye
  • 53-Sahay fiican ruuxaan lahayn suudi waw halise
  • 54-Marka uunku wada sooganyee silicu uu yaallo
  • 55-Toddoba saxarka laga dhawraybaa saa u daawada e
  • 56-Sitaacaas waxaa loogu dhigay sida ay yeeleene
  • 57-Subax iyo habeenkeed is xiga saaca tiradiisa
  • 58-Wax sujuud lagaa doonayaa sulus ma gaaraane
  •  
  • 59-Camalkaad samaysoo dhammaan suubban oo sharafle
  • 60-Haddii ay salaaddii xuntahay waa sallaan marane
  • 61-Waana sadar maktuubohoo ku dhigan saanta oogada e
  • 62-Munkaraadka way suulisaa faaxish saaruqehe
  • 63-Ficillada jannada sababa way ugu sarraysaaye
  • 64-Xaddiis sugan sidii uu ahaa waad lasocotaane
  • 65-Kala sooca gaal iyo islaam waa salad qurehe
  • 66-Qofkii sayra oo naca kufribay sidig wadaagaane
  • 67-Ha dayicin siraad weeye baxa oo ku saacide e
  • 68-Sabaan aakhirbaa lagu jiraa laisa seegaaye
  • 69-Ruuxba maalinbuu soconayaa malag surgooyaaye
  • 70-Sandareerto weeyaan falkaad sado u mooddeene
  • 71-Ka subxaanalaah dhaha waxaad xuma samayseene
  • 72-Sikhi lama cadaabiyo ninkii daralla siistaaye
  • 73-Sadaqada la baxa aakhiray siinad kuu noqone
  • 74-Soonkiyo salaaddiyo xajkoo saran helistaada
  • 75-Sugitaan la aamino wixii Saatir kugu beego
  • 76-Sunnaha iyo faralkiyo dhammaan soohdimaha Eebbe
  • 77-Markii aad sirqowdiyo ilaa sabi ahaantaada
  • 78-Haka suulin weligaa inaad samo u dooddaaye
  • 79-Shaqi iyo siciid waa horay kala sugnaadeene
  • 80-Inta adan sadaadiyo dhib mudan sababta ruuxaaga
  • 81-Salligii rasuulkiyo badsada subuca yaasiinka.

--------------------------------------------------------

                Dhammaad 

Curiye:- Xasan Bulxan Cali
bulxan105@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 23, 2005


HTML ku baro AfSoomaali... GUJI....

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD