SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ

Inj. Cumar C/nuur Nuux (Nabaddoon)
Omarabdinur@hotmail.com 



Inj. Cumar C/nur Nuux (Nabaddoon)

BAAQ (Gabay)
 

Maansadaan BAAQ waxaa tiriyey Inj Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon. Waxay maansadu soo baxday 18/07/2005. Inj. Nabaddoon oo ka maansooda xaaladda dalka gaar ahaan dhanka nabadgelyada iyo jiritaanka qarannimo ayaa gabaygiisii ugu danbeeyey wuxuu ahaa gabaygii Dhallaanruug ee soo baxay bishii Jan 2004. Intaas wixii ka danbeeyey abwaanku waa ka gaabsaday (marka laga reebo gabay kaftan-dhable ahaa oo dhexmaray Geeddi iyo Qanyare), isagoo eegayey bal in dhallaanruugyadii dhaqankooda wax ka baddalaan, maaddaama maamulkii oo dhan iyagu qaybsadeen. Gabaygaan oo tusaaleyn, baaq iyo bayaan isugu jira wuxuu leeyahay:
 

  1. Haddaan baahi qurgooyo
  2. Laga baaqsan karaynin
  3. Baqtigu wayska xalaaloo
  4. Naftu way ku badbaadi
  5. Waxa taa u banneeyana
  6. Rabbi baariya weeye!!
     
  7. Beryaan aammusanaayoo
  8. Dagaal ooge bahoobiyo
  9. Dawladdii Em-bagaati (Mbagathi)
  10. Aan ka qaaday bannaanka
     
  11. Mar haddii baddankoodi
  12. Maamulkii laga buuxshay
  13. Bog cad bay furayaan iyo
  14. Beryaan taas islahaaye
  15. Bal aan maanta u baaqoo
  16. Bayaankaan u hibeeyo.
     
  17. Ilmaheenna bacaadka
  18. Iyo boodhka dhex jiifa
  19. Ka basaasay tacliinta
  20. Madaxdii barritoole
  21. Haddii aan la barbaarin
  22. Burburkii ina gaaray
  23. Saw kasii badan maayo?
     
  24. Ruux bukaan la il liita
  25. Misna beerka u yaalla
  26. Dhakhtar baaniya haysan
  27. Haddaad baacugga laaddo
  28. Saw bestiis noqon maayo?
     
  29. Haddii Beebbe xalkeeno
  30. Ama Baalcas ka rayso
  31. Dhaaxaa laysku basbeelay
  32. Hargeysaba burburkeedi
  33. Barre saw ma tijaabin
  34. Janankii barbarriiqday
  35. Halkee Baydhabo geeyey?
     
  36. Kan haddeer bururaaya
  37. Balcad saw gubimaayo
  38. Nin balaaya hurshaaba
  39. Kolley waa ku baxaaye
  40. Boqolaal kun dadkeenna
  41. Oo badbaado sugeysay
  42. Baylah saw noqon mayso?
     
  43. Intaad boobe cabbeys iyo
  44. Buntukh aad la ordeysid
  45. Baladweyn u fariiso
  46. Bari koox uga yeero
  47. Kooxda Baydhabo joogtiyo
  48. Bakool hayska horkeenin
  49. Baladxaawiyo Luuqna
  50. Barre Hiire ha keeno
     
  51. Beeraleyda Afgooyiyo
  52. Reer Baraawe xusuuso
  53. Boholyow qaran bay
  54. Dhammaantood la bukaane
  55. Dadkaas waa birlabtiiye
  56. Ka badbaadi wax yeelloo
  57. Hal barkiis ha ku sheegine
  58. U bannee dhinacooda.
     
  59. Ha go’doomin Banaadir
  60. Waa bu’dii waddankeenna
  61. Balaayaa habsatoo
  62. Muddo soo barkaneyde
  63. U bidhaami jaceylkoo
  64. Ugu baaq nabad buuxda
     
  65. Hadal bootiyo faan iyo
  66. Badda baan ku shab siinin
  67. Waxba soo badin mayso
  68. Haysku baabi’in reerkee
  69. U bidhaami jacaylkoo
  70. Ugu baaq nabad buuxda
     
  71. Dadku waa u bislaaday
  72. Dawlad bay u bukaane
  73. Colaad baase dilootay
  74. Burcadna waw talisaaye
  75. Ha ku biirinnin hooge
  76. Ugu baaq nabad buuxda.
     
  77. Ninna Beebbe dushiisa
  78. Balad soo halakoobay
  79. Dadku uu bahaloobay
  80. Kuma baanan karaayee
  81. U bayaani dastuurka
  82. Barnaamij dawlo horkeen
  83. Inta joogta baxnaani
  84. Waxna baadi ku doon.
     
  85. Kaligaa ha la boodin
  86. Xogta waa la badshaaye
  87. Isku biiri aqoonta
  88. Baarlamaanka u yeero
  89. Dhanka loo bato fiiri
  90. Hana boobin codeynta
  91. Sumcadday bi’iyaane
  92. Baqshiish eex ha dulsaarin
     
  93. Baladkii Xamarweyne
  94. Iyo suuqa Bakaaro
  95. Barbarkaad ka istaagto
  96. Burcad baa miraneysa
  97. Cidna aan bixineynin
  98. Buulo-xuubey dhexdeeda
  99. Iyagoon baqaneynin
  100. Waa kuwii u bareeroo
  101. Yaxye beerka ka toogtay
     
  102. Isbaaraa iska buuxda
  103. Baabuurtaan soconeynin
  104. Dadku waa u Buskeeti
  105. Barqadii la cunaayo
  106. Waxba yaan la biqlayne
  107. Qorshe baahsan u keena
  108. Baarlamaan ha heshiiyo
  109. Dalku maahan Bakaaree
  110. Buqco maamul ka doonta
  111. U bareera go’aankaas
  112. Berri aad aflaxdeene.
     
  113. Intaas wayga bayaan iyo
  114. Baaqii aan u diraayey
  115. Kuwa beebbaha saaran iyo
  116. Kuwa baadda ku haysta
  117. Xaruntii baladkeenna
     
  118. Bulshoy wayga xasuusin
  119. Waxa baabu’u haysto
  120. Ubadkeenna basbeelay
  121. Bukaan aan cidi eegin
  122. Qaran baylah ku raagay
  123. Birta loo tumanaayo
  124. Waxa laysku baduugay
  125. Burburee kala yaacay
  126. Ba’ee saw adi maaha?
     
  127. Badgariirkiyo roobka
  128. Waxa aan ka badbaadin
  129. Birmad aan cidi siinin
  130. Badda loogu xabaalo
  131. Suntii Boon iyo Rooma
  132. Cidna looga baqaynin
  133. Burburtee kala yaacday
  134. Ba’ee saw adi maaha?
     
  135. Aqoon loo baxsadaa iyo
  136. Cilmi baa dad badbaadshee
  137. Saraakiil billanayd iyo
  138. Duqii beesha hagaayey
  139. Waxa booca jaraaya
  140. Ba’ee saw adi maaha?
     
  141. Dib u baadh ficilkaaga
  142. Bil dhacdaad u egtee
  143. Iska baacso qabyaalad
  144. Waad barooran hadhow’e
  145. Ama boodhka ka qaado
  146. Baluugleey calankaaga
  147. Dulli aad ka baxdoo
  148. Aad badhaadhe heshee
  149. Bulshoy taas kala dooro.
     

===Dhammaad====

W. T. Inj. Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon
omarabdinur@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 20, 2005

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
::XAMAR IYO ISBAARADA::
Ma suurtagalbaa mise dhici doontaa in Hogaamiye-kooxeedyada Xamar ay Isbaarada qaadaan: W/D: Ing. Nabadoon
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD