SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback |Allah Is Great  
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

GABAY JACBUR CAJIIB AH

Gabaygaan jacburka ah waxaa tiriyay
Abuukar salad diiriye’fareey’
asfarey@hotmail.com

muqdisho Somalia

  • Jabhaduhu inteey noo kaceen,waa abaar baxaye
  • Weligeey anoon beer laheyn,iyo saran jiifto
  • Baabuurna anigoon korin,BL mooyaane
  • Jabhaduhu sow xaqii maqnaa ,sow ma soo dhicin
  • Anna sow barwaqiyo,nimcadaa kuma dhex daanshoonin
  • Daarahan ijaartaa ka badan dhowr iyo toban guriye
  • Qaar kale anigaa degoo,waan ku noolahaye
  • Baabuurtaan xoreystana,waa intoo kale`e
  • Foorwiil dareyf,iyo hadaan xaajiyaba heysto
  • Oo aan midkaan doonaba kori,maalin iyo leylba
  • Maxaa iiga jira kii lahaa ,sow kamaan ceyrsan
  •  
  • Afartaas sidii jiib la riday,mow karaarsiiyay
  • Hoobiye sidiisii,samada mowga soo daadshay
  • Adigoon digtooneyn,durbaba liif ma kugu gaaday
  • Geesinnimada waa leygu dhalee,durbaba boor ma kaa kiciyey
  • Afar kalana saad baan kaaga dhigi, iyo rasaastiisiiye
  • Beel hubeysan nimaan ka dhalan waa qiyaarkiise
  • Kol hadaanu zuu heleyn,iyo qori kalaashkofa
  • Beero muusa inuu sii tacbadaa wow dabaalnima `e
  • Waa inuu ka guuraa ,illeyn looga xoog badane
  •  
  •  
  • Waxse iiga yaab badan,adduun beriba waa ceyne
  • Kuwa dowladnimo raadin,ee nabadda doondooni
  • Ee raba iney qaran dhisaan iyo waxa aan diidnay
  • I yagaa is daalin mindhaa libin ma gaaraane
  • Dowladi middaan soo marniyo,dulligii sow maahan
  • Sow kala danbeeyntiyo,sharciga tii laheyd maahan
  • Ruux aad ka xoog badantahoo,xoolo badan heysta
  • Sow taad ka baqeysay,eed taaban Karin maaha
  •  
  • Dowladi haddi ay wax tari,waa la soo maraye
  • Dagaal laguma ceeyrsheen,haddii ay dux leedahaye
  • Xabsigeedii iyo boliskiyo,dowladihii hoose
  • Taraafikadii yaaceysiyo ciidamadii sirdoonka
  • Ilaaheey hadduu naga dul weday,guulna aan gaarnay
  • Ninka haatan soocelin rabaa ,leeysku heystaaye
  • Inta aan xabaal lagu ‘juq’siin,muu iska joogo 

Gabaygaan jacburka ah waxaa tiriyay
Abuukar salad diiriye’fareey’
asfarey@hotmail.com

muqdisho Somalia


Afeef: Aragtida gabaygan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 25, 2005

GABAY: GABDHAHEENNA WACANOW [Kawnayn]
GABAY: GUUBAABO: Gabay Taariikhi ah [Cali-Qeyr]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
 



HTML CD