SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAANSO

 Dib u dood
         Curiye: C/nuur Aadan faarax, Sweden

 Dib u dood:  


MAANSADA DOODWANAAG... GUJI

Maansadan la magac baxday Dib u dood, waxaa  curiyey Cabdinuur Aadan Faarax oo deggan dalka Sweden, 25kii Maajo sannadka  2004. 

Dib u dood, waxaa curinteeda saldhig u ahaa kacdoon dhallinyaro abwaanno ah oo ka dhiidhiyey dhibaatada iyo dulliga dal iyo dibedba ku haysta ummaddeenna Soomaaliyeed. Gaar ahaan maansadii Dawo ee ugu horreysay silsiladdan deelleyda ah oo uu curiyay walaalkeen Maxamed Cibaar.  Waxaa kale oo saameyn wayn ku leh maansadan Dib u dood, qoraalkii Afqalaad aqoontu miyaa? Ee lagu difaacayay afka iyo hiddaha suubban ee Rabbi nagu mannaystay. 

Dib u dood waxay tixgelin weyn siinaysaa afka iyo hiddaha soojireenka ah iyo anshaxa iyo aadaabta diinteenna Islaamka ah. Waxay ka digaysaa in ay jiraan dad doonaya in ay cayn wareejiyaan, si khaldanna uga turjumaan dhaxalka iyo ilayska yar ee la helay xornimadii ka dib. Maasadu waxay gaar ahaan u qaadaa - dhigaysaa qaabkii xukuumaddii Kacaanka ahayd ay waddanka ugu horseedday burburka iyo sida loo dayacay fursadii lagu badbaadin lahaa, taas oo eedda dusha looga tuurayo jabhadihii qabiiliga ahaa ee nidaamkaas minjo-xaabiyey oo arrintoodu noqotay, ka dar oo dibi dhal iyo kud ka guur oo qanjo u guur!.

  • Dadyahow hadalkayga maqal

  • Dacwaa goobtaan ka furan

  • Rag baa deelleeydan galay

  • Inaan Dib u Dood hor dhigo

  • Inaan dulucdeeda qodo

  • Dul iyo dooxaba ka dego

  • Inaan Kaakiciyo danab

  • Inaan dubbayaal culculus

  • Daabgudin iyo faas la dhaco

  • Ka duul-duuliyo dhimbilo

  • Dubaaqada hoose tago

  • Boogtiyo doogteeda helo

  • Dabiibo kolkaas nabraha

  • Ayay iga doonayaan

  • Raggii daakhilay warkaan

  • Akhyaartii doodwanaag

  • Daraaddood waxan igmaday

  • Si aan doc-wareen u dhicin

  • Inaan doojiyo murtida

  • Sidii dalawada halaad

  • Dannood iyo ciid ka yimid

  • Ducaysanayaal wadaan

  • Ku doobbiyey ina Dawaar

  • Nirguhu daba luudayaan

  • Buudaan iyo koor dawana

  • La suray hala dayr-rimmaa

  • Dhulkuna doog iyo naq yahay

  • Ba’naantii daranyo iyo

  • Bardoodan u dibad-baxeen

  • Dooxada xero looga dhigay

  • Dhanaan iyo daranba helay

  • Yarkii dooyada la maray

  • Intuu Debac soo godladay

  • Intuu doobkaha u culay

  • Maraqa derida uga lulay

  • Dabeed haaneediyee

  • Ka dhamay gaaxdii dihnayd

  • Markaan dacwadiinna helay

  • Dabuubtiinnii akhriyey

  • Sideedaan soo dardhaday

  • Dunuunacay farax dartiis

  •  

  • Halkaa dooddaa ku xiray

  • Haddaan dib u dood qabbiro

  • Hadaan dabarka u gigtiro

  • Dibnaha lama daaliyee

  • Murtida qeybtaan dan biday

  • Bal aan daaheeda rogo: 

  •  

  • Darbane hiddeheenna wacan

  • Afkiyo naxweheenna dihin

  • Diin iyo dhaqan waxan lahayn

  • Si loo daafaco dhammaan

  • Diyaargarow bay rabtaa

  • Dedaal iyo maal la huro

  • Dagaal culus bay rabtaa

  • Xorriyo waa duukhsan tahay

  • Waxaa helay daba-ka-ruub

  • Qabyana waa doojin-roor

  • Racaan quruumaha u diday

  • Barkood ducufada noqdeen

  • Sidii duddumadii dibbiray

  • Afkiyo dhaqankii dafiray

  • Dawaaddu u xiiran tahay

  • Guntigu daba-gibinta yaal

  • Ku jira badi maan-dayoow

  • Intaas oon kuu dulmaray

  • Digniin iyo waano iyo

  • Dibuu celin bay rabaan

  •  

  • Waxaa jira hadal da’weyn

  • Dullaalnimo waa sirgaxan

  • Midbaa ahmi dayr ku jira

  • Docdiyo macashaba ku dhega

  • Dabeed beec iyo gorgorin

  • Intuu isha baal ka dabo

  • Deyn iyo gacan-saar midkood

  • U kala dira laba dacood

  • Dullaal xoolaan nidhaah!

  •  

  • Midbaa duddo wada nabdoon

  • Beelaha deriskee is jecel

  • Dir iyo xidid wada ahee

  • Diintoodu furqaani tahay

  • Intuu dulmi soo dhexdhigo

  • Dekeno qoortooda sura

  • Midkaasina waa dillaal

  • Siyaasi dad bow yaqaan!

  •  

  • Waxaa kaa igala daran

  • Dambina iga raacahayn

  • Midkeer dibedaha u tegey

  • Inuu dersi soo akhriyo

  • Wuxuun darajo ah hantiyo

  • Dibloom iyo magac ku helo

  • Daf yiri bulsho caadadood

  • Barkood isku diimayaan

  • Midkoodba mid uu ka dudi

  • Haddaba is dalloocintii

  • Duqeyntii labada dhaqan

  • Ayuu kiisii dafiray

  • Dabeed dayriyoo uf yiri

  •  

  • Darkaasina waxay dhahaan

  • Afsoomaaligu dux maleh

  • Waxaa daliil looga dhigay

  • Inuu keennu yahay dufaar

  • Inuu duul hore ka haray

  • Inuu doqon hadalki yahay

  • Aqoon lagu daabi karin

  • Cilmiga daadihin karayn

  • Haddaan dal shisheeye iyo

  • Luuqado dowlado qalaad

  • La baran dano reer galbeed

  • Inaan nahay wada damiin

  • Inuu caqligeennu dumay

  • Inaan doonnaani iyo

  • Daanyeerro la liido nahay

  • Abwaan deelqaafka garo

  • Midkaasina waa dillaal

  • Dadkuu dhaqan dooriyaa

  • Kuwaa dublamaasi dhaha!

  • Dubkiisa madow ku haray

  • Asii maankii dawakhay

  • Dabeecadihii beddelay

  • Diintiyo sunnihii dayacay

  • Dunjiga kufrinnimo ka jecel

  • Dushana Soomaali ka ah

  • Dookhiisu shisheeye yahay

  • Damiirkiisaan billayn

  • Dadnimadiisaan culnayn

  • Quluubtaan daahirnayn

  • Daxali ay saaran tahay

  • Daciifnimadaa ku badan
    Jahlina waa sii derderay

  • Intaas oon kuu dulmaray

  • Digniin iyo waano iyo

  • Dib u sixid bay rabaan

  •  

  • Halkaa dooddaa ku xiray

  • Haddaan dib u dood qabbiro

  • Hadaan dabarka u gigtiro

  • Dibnaha lama daaliyee

  • Murtida qeybtaan dan biday

  • Bal aan daaheeda rogo:

  •  

  • Dulliba dulli nooga daran

  • Kolkaan qanje doorbidnee

  • Kudkii dawo noo noqdee

  • Dambaaru qiiq kacdee

  • Dadkii quustoo shib yiri

  • Waa tii digorogashadii

  • Ka kacay dulin iyo qaniin

  • Waa tii duqii ina Siyaad

  • Barkeen Daaquud dhahaan

  • Wuxuun dooc dhaama iyo

  • Dad fiicani noo beddelin

  • Ixsaankii uu dib jiray

  • Fitnada dacaygeedi go’ay

  • Haddana dabo qabasho jirin

  • Dig iyo dooh joojin karin

  • Waa tay dowladnimo luntee

  • Midnimo deelqaaf ku dahacay

  • Lixdanki dabarradii la xiray

  • Guntimihii debacsameen

  • labadii daraf kala furteen

  • Waa tii dagaal ooge jaan

  • Barkood daba-dhilif yihiin

  • Mooryaantaan dulaca fagi

  • Markoodii daabaxdeen

  • Wakaa duuf laalladii

  • Dalkii loo wada dhashiyo

  • Dallaallimadii xornimo

  • Duqoowdii soo halgamay

  • Darkii leegadu hor kacay

  • Kuwaan geyin deeqo-waris

  • Duuggeedii ay heleen

  • Dumaal ugu soo hareen

  • Waxay dambiyaal dhigeen

  • Diirana deero u hardiyin

  •  

  • Wakaa diiqii ka ciyey

  • Ciyoowgii uu dalqamay

  • Wataa degelladii gubteen

  • Dagaal ahliyuna ka dhacay

  • Walaalo is dooxayaan

  • Dabaaqtan dhexdooda yaal

  • Wataa hooyo laga durkee

  • Absaxankeedii la duray

  • Wakaa dalag beeradkii

  • Daroogada lagu beddelay

  • Wataa xeebihii dihnaa

  • Wadaamaha lagu daldalay

  • Waa kuwa dawadii dhacdaba

  • Dadkiyo xoolaha ku dura

  • Wataa sunta dowlis dheer

  • Dahaarka nalooga rogay

  • Wixii qashin dunida yiil

  • Duliyo hoos noogu qubay

  • Dhulkuna waa lama degaan

  • Wixii dugsi noqon lahaa

  • Dareemada Cawska iyo

  • Duur iyo hawd toomo badan

  • Gabaahiir iyo digdigo

  • Boor iyo dambas ay noqdeen

  • Duufaan hunri iyo kulayl

  • Dabayl iyo suur ka kacay

  • Saac iyo hawo daahirnaa

  • Daaf iyo duray lagu salladay

  • Dardaaranku waa balee

  • La eeday daryaankii baas!

  •  

  • Halkaa dooddaa ku xiray

  • Haddaan dib u dood qabbiro

  • Haddaan dabarka u gigtiro

  • Dibnaha lama daaliyee

  • Murtida qeybtaan dan biday

  • Bal aan daaheeda rogo:

  •  

  • Ilaa iyo delendelkay

  • Haddoon duud xoodmayoo

  • Curuuq iyo daqayba go’ay

  • Murqihii ay wada dabceen

  • Calooshu i duluqsan tahay

  • Timuhu deeb ama cirroow

  • Waxay doonaan yihiin

  • Khiyaaniyo daba maryayn

  • Danyare xoolihi la dhacay

  • La duudsiyey oo la dagay

  • Darxumo iyo debin kujira

  • Kuwaas baan deris u xigay

  •  

  • Haddaba aan doocinnee

  • Walaaloow daacadoow

  • Dantaad ka lahayd murtidu

  • Daryeel badan bay rabtaa

  • Dagaal loo huro naftiyo

  • Deeq iyo lacag bay rabtaa

  • Wixii dawo loo arkoo

  • Xaq iyo sharci diidahayn

  • Dastuurka Rabbaaniga ah

  • Dadaal iyo niyad-samaan

  • Middaas bay daarran tahay

  • Inaan tuug soo dibjiray

  • Labada daan iyo qalkiyo

  • Dalqada caqligiisu jiro

  • Intuu dowladnimo hantiyo

  • Duub iyo taash loogu xirin

  • La’oran waa Shiikh Dardaar

  • Middaas bay daarran tahay

  • Halkaas dib u dood ku xiran.

Cabdinuur Aadan Faarax
Borås, Sweden 25/may 2004

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 23, 2005


HTML ku baro AfSoomaali... GUJI....

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD