SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BARAARUG

Cabdulqaadir F. Bootaan
afna50@hotmail.com



BUUGGA MA HURAAN...
B A R A A R U G
BAAQ BULSHO
Curiye: Cabdulqaadir F. Bootaan
May, 2004
Nairobi, Kenya

Waa maanso cabbiraysa sawir buuxana ka bixinaysa xaaladda guud ee Soomaaliya, tay burburkii mudatay iyo tan ay hadda ku jirto. Waxay maansadu soo bandhigaysaa shirka Nabadaynta Soomaalida loo baxshey cidda isugu timid, damaca ergooyinka dhex yaalla, hadafka uu mid waliba ama kooxiba ay ka leedahay, iyo danaysiga dan qaran laga soka mariyey.

Dhibtii dhacday kuwii dhigay iyo nabad la’aanta taagan kuwa ku wacan baa si dadban maansada uga dhex muuqda. Mid kastoo awood tala ummadeed hantiyaa siduu caddaaladda uga fog yahay eexdana ugu dhaqmo, iyo siday kuwa aan waxtarka ahayn uga soo dhaweystaan qaarka dadnimo ahaan iyo aqoon ahaamba bulshada waxqabadkeeda ku habboonaan lahaa bay misana maansadu sharax shaafiya ka bixinaysaa.

BARAARUG
Waxay tiri:

Haddaad Bari joogto
Amaad bugux aaddo
Waqooyi u bayrto
Bariidiso Koofur
Buseelka naftaadu
Waxay berya maagto
Inaad boholyowga
Haleesho bartiiba
Naftaa boqontaas leh,

Waxaase u baahan
In buug laga eego
Aqoon lugu buuxsho
Garaad lala beegto
Belaayada taagan
Barraahsatey ciidda
Bulshada kala geysey
Colaadda ku beertay
Kuwii basambaaska
Waxyeellada beegay
Inay barqa noolba
Buruud li’ideenna
Taladu barbartaallo,

Illeen baraqnuguli
Hadday buuxdhaafto
Bisayl ma abuurto
Baxnaana ma keento,

Danayste bir-jeex ah
Billaahida dhaarta
Inuu cidda baanto
Baxnaansho dadkeenna
Dhulkeenna barwaaqo
Baraare horseedo
Agaasinka buuxsho
Muxuu ballanqaaday
Markii loo badiyey
Muxuu bahdi gaara
Muxuu boqolkiisa
Siddeed eber buuxdo (80%)
U boojey mataanta,

Hadduu budo qoosho
Buleendo walaaqo
Carruurta bakhtiiye,

Hadduu badar miiso
Hadduu sonkor beego
Kafado barbar dheere,
Garsoor baandheeye
Markuu boolaysto
Waqiis biig hoorshe,

Bulshada arrinteeda
Adeegyada beesha
Dhan kale uga bayre,

Muxuu mid bilaasha
Bilaasha galoofa
Xil buuxin karaynin
Burcada sare geeyey,
Aqoon yaa bi’iyey
Siduu bal u joogo
Kuwaan barax dhaamin
Bulshada u ciqaabay
Bahdilid ugu loogey,

Intee nin baxnaana
Bannaannada taagan?
Maxaa baqal jooga
Bahdiis u horreeya?
Maxaa biqil roori
An biidna taraynin?

Maxaa oday buuran
Maxaa mid bagaaxay
Maxaa mid bastiisa
Dharkii ku basaasay
Hoteellada buuxa
Bagaati ku oodan?

Cuquulaha baacsan
Damaca barbar yaalla
Midaan geyin biidna
Daaxuur bulbul yeeshay
Kanaw fiqi booddo
Anaa booraanta
Bohosha qodqodkeeda
Biixida ciddideyda
Buruqda salka taalla
Butuda ku xabaalan
Badroolkiyo maarta
Ka soo bixin doona
Muxuu been sheegay?

Beel baan ahay guuna
Baaruud ololeysa
Waxaan hormo boorka
Xabaasha ka buuxshey,
Waxaan ubad baadka
Beynaadda ku laayey
Baacugga ka dillaacshey,
Waxaan cido boobay
Waxaan beel dumiyey
Waxaan batal gooyey
Waxaan budul qaaday
Carruur ku baqooshay,
Waxaan birta saaray
Waayeel barxad dhooban,
Waxaan habro buurtay
Waxaan birimageydo
Billaawe ku daabay,

Waxaan barfasoorro
Madfaca ku barraahshey,
Waxaan bililiqada
Bakaarta ku aastay,

Waxaan burbur geystey
Bogaadin ka qaaday
Jirrida Bari joogta
Mooryaanta Banaadir
Burciyo shishadeeda
Bal Daydayga eega,

Ninkaan Boosh wadannin
Ninkaan Buntukh haysan
Bumbada qarxinaynin
Burseynta rideynin
Butaacada dhiigga
Bareeraha laynta
Barwaaqa ka qaadin
Muxuu ban ka qooqay?
Muxuu boos dooni?

Neefkii la bireeyo
Beerkaa xubintay ah
Shafkiyo Legga buuran
Baruurta ku taalla
Sararta balaqeeda
Dheegagga barbarkooda
Barida anigaa leh,

Waaxdii la bisleeyo
Jeeraan bismilleeyo
An baanto naftayda
Amaan tafo baarka
Cidayna ha boolyin,
Jagooy bi’i waaye
Bal yaad kala gaari?

Caraa ila booddey
Afkii ba’ay yiriba
Tubtaa u bannaane
Raggay tixdu boobtay
Bisaylka siyaaso
Aqoonta ballaaran
Ninkay bil u dhalatay
Caddaalad ku baana
Taariikh buug qorayo
Boggeeda wanaagsan
Ninkuu u billaado
Ninkii qaran bilicdi
Bareer ugu dooda
Bagaan xaal siiyey,

Soomaali belowdey
Baroor wada oydey
Bilcamo dhalandhoola
Bannaanada taagan
Baryada caadeystey
Dadabka balqinaaya
Xanjeerku bargooyey
Busaarad la liicsan,

Raggaan bahaloobey
Intay baratamidda
Anaa geya booska
Bardoodanka haynin
Kuwaan balambalaya
Kuwii bayhoofay
Mawayan u bukoonnin?
Mawaan jirku booyin?
Baroordiiq haynin?

Ninkii berrin oota
Ninkii ari beerta
Bakado ku ilaasha,
Ninkii fasha beero,
Ninkii badda quusa
Gargoorka bogeysta
Bacoolaha xaarta,
Ninkii Nugul baanta,
Ninkii Bogo raacda,
Ninkii fardo baacsha
Bilicda dhaqankooda
Ninkii bar-yaqaanna,
Ninkii bir garaaca
Ninkii harga beecsha
Bundada kala iibsha
Xirfaddu basar weeye,

Ninkii buug raacda
Ninkii cilmi baara
Tacliin ku barbaara
Daraasad bambaasha
Aqoonta ballaarsha,

Ninkii caqli buuxsho
An boob lugu sheegin
An beel ximinaynin
Ballanta jebineynin
Bahdii gobannimada
Waxaa mudan baabka
In loo buradaayo,

Wax baaddiye jooga
Wax beled ku hambaasa
Intaan duni booqday
Badweynta tallaabay
Cid saas u balowda
Bilaw lama sheegin.

Hadduu nurku baaqdo
Gugaani bashiishto
Waxaa iga baaqa:-

Markay belo joogto
Markuu buun yeero
Markay bogo olosho
Baroortu dalluunto
Birmadku kala rooro,
Bayaanka duqowda
Bulshada madaxdeeda
Boqorka la ciseeyo
Iimaannada beesha
Beeldaaje cirroobey
Caddaalad bayaansha
Bogsiiye Islaana
Ugaas barakaysan
Badbaadshe Garaada
Suldaan baqdin Eebbe
An boolida taaban
Wabarka xaqa beega
Malaaq boqol gaarey
Bartaas wajigiisa
Sujuud boogaysay
Baryada Rabbigiisa
Wuxuu berya maago
An baal loo marannin
Bulshoynu lahayne

Bandhigga taladeenna
Intaan shir ballaaran
Dadkeenna u baaqno
Binada an u dhiibno.

Waxaa barbartaalla
Haruub buux-dhaafay
Inuu balqanaayo
Su’aal uma baahna,

Bahalku halladaadda
Hashii bawad taagan
Bidhaanta arkooyey
Raqdeeda bannaysey.

Cabdulqaadir F. Bootaan
afna50@hotmail.com



Dhammaad

Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2004

 

DOODWANAAG

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
 



HTML CD