SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG


Suldaan Nayruus X. Aadan
Karachi, Pakistan
Nayruus@gmail.com  



Suldaan Nayruus X. Aadan

 Daallin Iyo Dulmane

Tixdan maanso ee Daallin Iyo Dulmane waxaa curiyey Suldaan Nayruus Xaaji Aadan oo  ku sugan yahay magaalada Karachi ee waddanka Pakistan halkaas oo uu wax ka barto Jaamacadda Preston University. Maansadani waa maansadii  49aad ee silsiladda Doodwanaag waxayna taxanaha ku soo biirtay 1dii May 2006da.

Maansadu waxay muriyaysan uga warramaysaa Dood kulul oo dhaxmartay Dulmane oo afhayeen u ah inta tirsanaysa in la dulmay iyo Daallin oo isagu qareen u ah inta dulmi-ku-naaxa ah. 

Maansadu waxay ku billaabmanaysaa 

Daallin Iyo Dulmane

Suugaanta darartaay
Daacuun wax laayoo
Lagu dabargo’ aayiyo
Dawo lagu bogsoodoo
Maatida dabiibtaay
Inkastoo dadkeygii
Gabigood la kala diray
Inkastoo dalkaygii
Dayrar lagu qoqobayoo
Midnimadi la diidaba
Inkastoo nin doorkii
Toosh lagu daydayayoo
Duul habaaran raadshaan
Oo layska dilayaba
Inkastoo dabbaal iyo
Damanaan waxba ogayn
Noo dubanyiinoo 
Reerka daadaheeyaan
Kuwa diinta fidiyiyo
Culumadi digriga ee
Durriyadda waxbari jiray
Inkastoo dullaaliyo
Qaar dibad u dhoofshiyo
Gaadiid daabulaayiyo
Diyaarado kiraa iyo
Doonyo loo sameystaba
Inkastoo dadnimadii
Daqar culusi gaaroo
Dareenkeennu liitoon
Gobonnimo dalaaqnaba
Rag waa kii dadaaloo
Ka dabaasha halistee
Dayrihii la soo maray
Daabacaaddii socotee
Dadweynuhu u bogay iyo
Deelleydii aan helay
Digniintiyo tusaalihi
Ducaduna ku dheehnayd
Alleylehe ku diirsaday
Indhihii ku doogsaday
Darajeeyay taladii
Anna waxaan ku darayaa
Darbi aan dhan taagnaa
Dood la isku riiqdoo
Dulmi ruux tirsanayiyo
Daallin ay wadaageen
Dabuub aan la yaaboo
Mudan daabacaad iyo
Dadku inay ogaadaan.

Dulmanaa wuxuu yidhi:

Daallinow habaarqabe
Xaqa Eebbe diidow
Baadilkana daneeyow
Midkuu damacu waalow
Danbaaburiyo holac iyo
Dab aan gubin afuufow
Dumarkiyo carruurtiyo
Danyartiyo duqowshiyo
Inta tabarta daran iyo
Inta ehelu diinkaa
Uma diirnixiiyow
Ummaddaad daddaabtee
Mugdi daakhil galisee
Ku dadabatay edeg
gee
Kuu dacaysanaan jiray
Dabuubtii abwaannadu
Doodwanaag u bixiyeen
Dayax baa u soo baxay
Waa baa dillaacoo
Xaqii daaha uga rogay
Una daa
r
ay laydh weyn
Dariiqii cadliga iyo
Diinteenna nagu duwey

Anna duhurka maantaya
Daallinkii na dhibayow
Waxaan kuu
dardaarwarin
Inaan fahannay dulucdiyo
Ujeeddada dahsoonee
Dabar noogu goysee
Nooga reebtay dunidaan

Adna doxorrehiiyow
Dulin ahanshahaagiyo
Isku diradirayntiyo
Dibin daabyadaadiyo
Dadka kala dallaal iyo
Dowrkaagii waa lumay
Doodduna inoo furan
.

Daallin baa wuxuu yidhi:

Inkastoo dabuubaha
Doodaha abwaannada
Dadkii dhiiggi qaadeen
Maskaxdoodii doorsheen
Jirk
oodii dubaaxsheen
Danqiyeenna boogaha
Dareenkoodii kiciyeen
Waxaan daaha saariyo
Waxaan duugayoo idil
Daalacan ka yeeleen
Mar haddaan diraallada
Dacwigaan isdaba yaal
Ficilkooda lagu darin
Neef dararay oo geel
Danbarkiis horaad iyo
Damal caanaheedoo
Afka ciidda loo darey
Isku darajo weeyoo
Isma dooriyaan walax
Waxan uga danleeyahay
Dibno haddal ka soo baxay
Diiwaanno lagu qo
ray
Waqti daayac mooyee
Duul
aan wax garannoo
Diktaatoor cabburiyoo
Ceego lagu dibbiriyoo
An difaaci karahayn
Dalka iyo dadkoodiyo
Diintiyo akhlaaqdoo
Damiirkuba ka maqanyahay
Maxay Doodwanaag tarin?!

Dulmanow daciifow
Intii aad durbaankiyo
Hadal docodoceyntiyo
Dul kasoo tannaag iyo
Darooriga wadaysaan
Intaan diinta Eebbiyo
Dariiqii Rasuulkii
Docna aad u eegeyn
Mid qabiil daneeyiyo
Dulli iyo afmiishaar
Intaad dabagucleynoo
Aad doorbideysaan
Kuwa ubadka dubannoo
Ka durduuran dhiiggoo
Darxumada ku hela maal
Sidii baarqab daysoo
Dayr barwaaqo joogoo
Miciyaha is darayoo
Deridiis ku dhaashtaan
Idinkugu hor doobiyi
Adinkuna sidii dumar
Raggoodii la dilayoo
Direys wada caddaaniyo
Duub asaay ah loo xidhay
Agoontuna darxuma iyo
Macaluul la daateen
Dabka maalmo loo shidin
Darxumiyo rafaad iyo
Ilmo diliq tiraahdiyo
Dayacaan ku sii jira
Doodduna inoo furan.

Dulmanaa wuxuu yidhi:

Daallin qooq ku raagow
Waxba haygu diganine
Taariikhda dibu raac
Digtaatooradii hore
Dulmigiyo dhibaatada
Ku hayn jiray dadkoodii
Xaggee ugu danbeysoo
Kula jabay dawaarkii
Dadkii ma u duceeyeen
Diiwaan ma lagu qoray
Rabbi darajo sare iyo
Ma dejiyey Fardowsaad?
Mise nabsi ku daahaa
Dig dharaar u soo yiri
Dacayna ku hoggaanday
Oo ka tuuray meel daran?
Adna duubka maantaya
Dulmigaad u xidhatiyo
Xaqa aad daboolkiyo
Ku dadeyso maro culus
Mar uun baa dahaarkiyo
Laga feydin dabaqoo
Ka dillaacin feedhaha!
Waligaaba diidiid
Ama doono qoom kale
Shallaay waad la deris noqon
Doodduna inoo furan.

Daallin baa wuxuu yidhi:

Dadku waa aniyo adi
Dalku waa midkeennaas
Dukundaakun laga dhigay
Dan miyaan ka leeyahay
Waxa adiga kuu daran
Mar haddaan ku dili karo
Dabadeed xarrago aan
Dariiqyada ku mari karo
Deriskiyo dunida kale
Dabkaan adiga kugu shido
Ayey iigu deeqaan
Diyaarado i qaadiyo
Dabbaabaad wax guba bay
Deg deg iigu keenaan
Doollar iyo dhaqaalana
Wux uun waan dillaalaa
Daroogada an iibshiyo
Leejada u
dirayaa
Deydayga iyo Mooryaan
Jirri way debberayaan
D
ib waxay ka noqotiyo
Halkaan labada daarood
Ku danbeyn lahaa iyo
Derajiyo samaan iyo
Darxumiyo addoonnimo
Dan miyaan ka leeyahay?


Waxaan taasna daba dhigay
Inaan ahay nin deeqsiya
Inaan ahay nin doorkii
Geesi duula inaan ahay
Danab laga cabsoodiyo
Daki aan la gaarayn
Adigayska daaliye
Daliil waxaan u haystaa
Dadku sow dhammaantii
Duhurkiyo habeenkii
Durbaan iima tumayaan
Imisaa diktoor iyo
Cilmi wiilal daadshoo
Digrii sare ka gaaroo
Ay la yaabtay dunidani
Dugsi aan u ahayoo
Difaac iga sugaayoo
Diiwaanno ii qora
Oon deeq u fidiyaa?

Imisaan dable askari
Direys janan u galiyoo
Daafaca qabiilkoo
Dagaallada sokeeyaha
Haba kala dareertee
Deriskiinna guba idhi
Dabbaraadna iga raba?

Imisaa dukaanleey
Dibadda iyo gudahaba
Dinnaarka hagar li’
Iigu soo dirayoo
Doollarka iyo Bownkiyo
Dirham lacaga igu quba?

Dood looma baahnee
Sun haddaan ku duugiyo
Dalkoo idil haddaan gado
Amaan gaas ku daaraba
Wali duul ka qaylshiyo
Akhiyaar ka dirirtoo
Daa i leh ma aragtaa?

Waryaa hooy damiinyahow
Inkastoo dulmane tahay
Dawakh lama carcararee
Horta hoos u soo dage
Yaa dambiga kaa galay?

Diinta dhigaysoo
Duco waxay ajiib tahay
Daa’ in uu aqbalayaa
Daahir ruux markuu yahay
Adse waxan danninayaa
Doqonkii inaad tahay
Dabinkuu ku go’i laa
Mujirim dagaya oo baas
U dirsaday isaga oo
Dabbaalnimadu waa shile
Durba keenoo hoo yiri !

Waxa aan danninayaa
Dantiis moog inaad tahay
Ay qabyaalad dilatoo
Khayrkii ay  u diiddoo
Danaanada gardarradiyo
Tolkaygaa dallacay iyo
Reero kale durkoodiyo
Ku habsaamay duurkoo
Duumo cudur ah saaqoo
Duufaan u qaadaba?

Waa dood la yaab badan
Difaac iyo hujuumba leh
Runtu diirka ka caddahay
Idinkoon degdeginoon
Durba ruuxna eedeyn
Dadweynow su’ aal diran
Ma Dulmanaa garta iska leh
Mise Daallin taladiin?

Waxaan dooddi uga baxay
Darajaale Eebbow
Deelleyda maansada
Abwaanadii diyaarshee
Ka ilaashey deelqaaf
Doodwanaag inoo furey
Waxay doonayeen sii
Doog iyo barwaaqiyo
Meel lagu dalxiisoo
Nimco lagu durduurtana
Daa’ inkood ku noolee.

Darajaale Eebboow
Dadkaygaan habaaboo
Dariiqii ka leexdoo
Ku abaaday duurkana
Halkay dawadu taalliyo
Daacadnimo waxay tahay
Danahooda garansii
Anna kuu dansheegtoo
Ducuf aadmi baan ee
Wixii aan dayaco iyo
Dambigayga ii dhaaf

Dhammaad

Suldaan Nayruus X. Aadan
Karachi, Pakistan
Nayruus@gmail.com  
 

Faafin: SomaliTalk.com |  May 21, 2006

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD