Mayahay mid Lagu Dhiiran Karo Ammaanka
Gobolada Jubbooyinka, Gaar ahaan Midka Kismaayo
Cabdiqadar Nuur Maxamed (filipiin)
Kismaayo, Soomaaliya
Cabdiqadar kala xiriir halkan...
March 1, 2005
Ilaahbaa mahad iska leh naxariis
iyo nabad galyana rasuulka muxamed ahaa bay u sugnaatay ( swc).
Waxaa ay had iyo goor sheegaan
dadka ku dhaqan gobolada soomaaliyeed qaarkood in marka laga hadlayo
ammaanka gobolada jubooyinka gaar ahaan gobolka jubbada hoose uusan
ahayn mid lagu dhiiran karo islamarkaana had iyo goor ay ka
taagantahay xaamasad u dhaxaqysa hogaamiye kooxeedyo ku sugan ama u
dhashay dadka degaanka dagan tasoo runtii ka dhigtay sida dad badani
ka aamin sanyahiin halka salka u ah ama aan wali ka ilbixin
dagaaladii ahliga ahaa oo ay ku la'deen soomaali fara badan.
Waxaa dhab ah in gacan ku hayenta
gobolka jubbada hoose aysoo martay xiliyo kala duwan islamakaana ay
ka soo taliyeen hogaamiye kooxeedyo fara badan ayadoo marba marka ka
danbaysa ku sii tilaabsanaysay falalka laga argagaxo oo lidiga ku ah
xaquuqda aadanaha iyo bulshada ku dhaqan deegaankan tasoo indhaha
dadyowga kale u bidhaaminaysa in amaanka gobolka jubbada hoose uu
san marna taganayn halkii lagu istareexi lahaa.
Kaddib markii ay burburtay dowladii
Soomaaliya ayaa gobolka jubbada hoose waxa uu gacanta u galay
hogaamiye kooxeedyo iyo ururo siyaasadeed oo ku salaysan hab qabiil
hadaba ururadaasi waxaa ka mid ah urukii U.NC oo ayagu gacanta ku
hayay gobolkan gaar ahaan magaalada kismaayo dabayaaqadii1991 ilaa
1992 ayagoo ay gayesteen gumaad baaxad weyn oo aan loo aabe dayin
saqiir iyo kabiil waxaa sidoo kale kasoo taliyay gobolkan ururukii
S.L.A oo uu madax u ahaa Maxamed Cumar Jees iyo waliba urukii kale
ee SPM oo ay madaxda u ahayeen Aadan Gabyoow iyo general Maxamed
Siciid Xirsi Morgan ayagoo markii danbe taladii ay ku ekaatay hal
shaqsi oo uu si toos ah ola wareegay general Moragan ayadoo la ogaa
falalkii ka dhacay gobolkan xiligii uu hayestay general Morgan.
Waxaa sidoo kale la wareegay gacan
ku aheyenta gobolkan sanadihii 2000 ururka isbahaysiga dooxada jubba
oo uu madax u yahay Col. Barre Aadan Shire "Barre Hiirale" ilaa iyo
hadana ayaga ayaa gacanta ku haya islamarkaana in badan isku dayay
in ay wax ka badalaan qaska iyo fowdada ka jirta gobolkan balse ay
marar badan ku fashilmeen.
Waqti xaadirkan waxaa uu gobolka
jubbada hoose ku jiraa marxalada adag ayadoo ay wali ka jiraan
hardanka ururada iska soo horjeeda ee ku salaysan hab siyaasdeed
tasoo wali ka dhigaysa gobolkan mid la ciirciiraya qaska iyo
nimaadam la'aanta sii shan iyo tobon jirsatay ayadoo maalin walba ay
ka dhacdo falal dil dhac iyo waxyaabo kale oo liidaya xaquuqda dadka
tabarta daran ee ku dhaqan gobolkan waxaana falalkaas ka mid ah
dilka joogtada ah ee loo gaysanayo dadka aan waxba galabsan oo ay
maleeshiyada hubaysan oo qoryaha heeryaysan ay sida gumaadka ah ugu
fuliyaan ayadoo in badan ay wax garadka iyo odayaasha dhaqanka isku
dayeen in ay arintan wax ka qabtaan balse ay suuro gali wayday.
Kaalinta looga baahanyahay
maamulka gacanta ku haye gobolkan
Waxaa had iyo goor ku soo dhaca
dhagaha dadka ku dhaqan gobolkan in ay maamulka isbahasiga uu
bilaabay howlo lagu sugayo amaanka sidoo kale ay fuliyeen howlo lagu
soo qabqabanayo burcada dadka waxyeelaysa taasina ay tahay mid
ladoonayo in ay ka dhabeeyaan maamulka isbahaysiga dooxada jubba
ayadoo looga fadhiyo sidii ay u xadidi lahaayeen falalka ay
sameeyaan burcada kuwa loo sameeyo sida aargudshada ah oo noqday
baryahan kuwo had iyo goor soo noqnoqda islamarkaana lagu waxyeeleyo
bulshada aan waxaba galabsan ee ku dhaqan gobolkan gaar ahaan
magaalada kismaayo.
Sikastooy ahaataba waxaa iyana
xusid mudan in la tilmaamo howlaha lama ilaawaanka ah oo ay
sameeyeen maamulka isbahasiga dooxada jubba oo in dhaawaana ah ba
waday sidii ay maamul goboleed ugu sameyn lahayeen gobolkan jubbbada
hoose arintaas oo ah mid halku dhag u ah isbahasiga, howlaha lama
ilaawaanka ah ee ay sameyeen isbahaysiga ayaa waxaa ka mid ah in
haatan ay wax weyn ka qabteen wadada dheer ee isku xirta gobolaada
jubooyinka iyo muqdisho tasoo ahaan jirtay markii hore cari lama
galaan ah oo ay isku bahaysteen maleeshiyo aan cidina ka amar qaadan
islamarkaana u bareeray in ay waxyeeleyaan dadka ku safra wadadaas
arintaas wax ka qabasheeduna ay noqotay mid isbahaysigu kalsooni
wayen kaga kasbadaan dadka ku dhaqan gobolada jubboyinka, waxaa
sidoo kale haatan ammaan u ah isbahaysiga doxada juba gogoshii
dhexdhexaadinta ahayed oo ay ku heshisiyeen beelihii dhawaantan ku
dagalamay degaan ka mid ah gobolka jubbada hoose.
Isku soo wada duuboo waxa mar
waliba looga baahanyahay maamulka gacanta ku haya gobolada
jubooyinka in ay nabad ka islaaxiyaan dadka walaalaha ah ee ku
dhaqan deegaanada hoosyimaada maamulkooda iyo waliba in ay sameeyaan
sharci iyo kala danbayn kala hagta dadka deegaanka islamarkaana ay
geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaan sidii ay isaga reebi lahaayeen
magaca uu ku caanbaxay gobolkan ee ah qaska iyo fowdada ayagoo
ilaalinaya sharaftooda islamarkaana wax walba ku dhamaynaya wada
hadal iyo wada xaajood taasoo ah xalka kaliya ee maanta looga bixi
karo dhibaatada curyaamisay gobolkan j/ hoose iyo deegaanad ku
teedsan.
Doorka duubabka dhaqanka iyo
culumaa'udiinka ay ku leeyahiin islaaxinta gobolka
Hadaba sidii lagu yaqiinay dhaqanka
soomaaliyeed waxa uu ahaa in ay duubabka dhaqanka iyo culumaa u
diinka ay kaalin lixaad leh ka qaataan aslaaxinta iyo nabadaynta
haddii dad wada dagani ay musiibo ka dhex aloosanto waxaan taas ola
jeeda odayaasha iyo culumaaudiinka inay ka qayb qaataan sidii loo
damin lahaa gulufka colaadeed ee aan dhamaadka lahayn ee ku soo
laablaabta dalka soomaaliya gaar ahaan dadka ku dhaqan gobolada
jubboyinka taasina ay tahay mid saaran odayaasha iyo culumaa
udiinka waa sidii looga bartay ama aan ka firsanayno odayaashii ina
dhalay
Gunaanad
Sida ay diinteenu qabto waxaa
haboon in haddii ay dad muslimiin ah ay meel ku kulmaan ama ay dani
wadaagaan in ay isku dhaqaan shareecada islaamka sidaa daradeed
waxaa haboon in ummadda soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ay ku
dhaqmaan shareecada islaamka isla markaan ay joojiyaan dhiiga sharci
darada ah ee la daadinayo ayadoo aan lagaranayn sababta ay isu
dilayaan mar haday yahiin isku diin isku dhaqan iyo isku deegaan.
Cabdiqadar Nuur Maxamed (filipiin)
SomaliTalk.com | kismaayo, Soomaaliya