Sheekadii kiishka
Qaybta 1aad | Qaybtii 2aad
| Qaybta 3aad
Sheekadan Kiishka Waxay ku soo baxday Wargayska caanka ah ee (Somalistar) waa bile madax banaan oo ka soo baxa magaalooyinka mataanaha ah ee St.paul/Minneapolis iyo qaar ka mida magooyinka kale ee Maraykanka .
Somalitalk waxay had iyo goor idiinka soo xushaa wargayska Somalistar hadba wixii ay is leedahay bishan bahweynta soo booqata somalitalk way
xiisaynayaan, hadaba bishan waxaan idiin soo xulay sheekadan ee gudoon wacan.
Sheekadan waxaa soo diyaariyey oo isku soo duba riday Sheekh C/risaaq Abshir.
Sheekadii kiishka
Sheekada kiishka waxaa ka sheekeeyey mid kamida
culumada islamka ee waawayn oo loo yaqaan imamu dabari.
Waxaana looga jeedaa qisadii ku dhacday nin faqiir ah
oo kamida umadii noolayd quruuntii nabiga ku dhawayd
oo ah nin alle ka cabsi badan una sabar badan hadaba
aan wada akhrino qisada kiishka imamu dabari wuxuu yiri.
Subaxay bisha ramadaan kow ahayd ee sanadka 240 ee
hijriga ayaan kusoo tukaday masjidka xaramka anigoo
safar waxbarasho ku imid umadii muslimiinta ee xaramka
barakaysan hareerihiisa daganayd qofwaliba wuxuu soo
tukaday subaxa isagoo suxuur fiican kusoo suxuurtey
isuna diyaarinaya soon uu ku soomo meesha dhulka alle
ugu sharafta badan ee allah uu ku uumay nabigiisa
muxamed kunasoo dajiyey kitaabkiisa qur’aanka ah.
Hawadoo dhan waxaad moodaa inay soo dhawaynayso bisha
ramadaan ee barakaysan.
Waxaa isaguna dhankiisa soo tukaday oday lix iyo
sideetan jir ah oo xiran go’ uu xarig ku adkeeyey
muuqaalkiisa ay dhibaato badani ka muuqato mana uu
awoodo inuu istaago gaajo darteed subaxan wuxuu soomey
isagoo aan suxuuran xalayna wuxuu seexday casho la’aan
shalaydii kahoreyseyna wuxuu kusoo dhamaystay qado
la’aan.
Salaadii ayuu tukaday isagoo aad u murugaysan aad u
qalbi jaban laakiinse kama uusan fakareyn naftiisa
sababtoo ah cimri dheer ayuu faqriga kusoo jirey ilaa
uu kala qabsadey oo aduunyaba uu ka niyad goostey uuna
hilmaamey gabi ahaanteedaba wuxuuse kafakareyey
siddeed nafood oo hareerihiisa ku gaajaysan kuna
aradan oo uu isagu yahay cidda biilkooda laga sugayo
alle kabacdi. Haddii uu jiri lahaa nin kujira dhibka uu
ninkani kujiro oo kale oo uu arko dadka maalqabeenka
ah sida ay xoolaha ugu bixinayaan cayaar cayaarta
isaguna uu u dhimanayo quutuldaruurigii dhuuntiisa
mari lahaa nolosha oo dhan ayuu u caroon lahaa, casriga
oo dhana waa ceebayn lahaa, dadkana waa xasdi lahaa,
laakiin odaygani waa nin mu’min ah oo garanaya waxa
dadka gacantooda ku jira oo dhan inaysan ayagu lahayn
oo allah leeyahay wixii isaga irsaaq loo qorayna
inaysoo gaaridoonto irsaaq cidkale leedahayna inuusan
isagu quudan Karin.
Salaadii markii la tukaday odaygii wuxuu yiri “haah
haamaansi alxamdu lillah calaa kulixaal” markasta
allow adaa mahad leh waana istaagay xaga guriga
go’iisii uu xirnaa ayuu siibay oo u yeeray
haweenaydiisa lubaabo markaasaa waxaa soo baxday duq
waayeel ah oo calal ku duuduuban go’ii ayuu u dhiibay
si ay ugu tukato oo calalkii isku duuduubay.
Haweeneydii markey tukatey ayey tiri qayaath (odayga
magaciisa) maanta waxay noo tahay maalinkii sadexaad
oo aanaan waxba liqin waana maalin soon iyo kulayl
hadaan aniga iyo adigu adkeysano gabdhaha yaryarka ah
iyo ayeydood ma adkeysan karaan, gaajo adag ayaana
curqaha goysey ninyohow allah kaalmeysoo banaanka u
bax oo waxnoo raadi waxaa laga yaabaa in allah jajab
timira oo aanu ku afuro kugu irsaaqee!!
Odaygii wuxuu yiri insha allah waan yeelin markaasuu
sugey ilaa qoraxdu kasoo baxdey oo ay barqadii noqotey
markaasuu baxay oo wareegey wadooyinka mako dadku waa
wax shaqaysanaya iyo wax wali iska hurda oo aan soo
bixin qof uu lahadlo ama lakulmo waa waayey qoraxdii
waa soo kululaatey, adimadiisii waa dhaqaaqi waayeen,
indhihiina waa madoobaadeen, calooshiisa waxaad moodaa
olol inuu ka baxayo gaajo darteed isagoo suuxi raba
ayuu darbi hooskii ku dhacay, markaan waxa uu ku
fakarayo oo uu ugu jecel yahay waa in ajashii soo
haleesho oo uu dhinto isla markaana uu ka boxo
cadaabka aduunyada uu allana hortago isagoo rumaysan
imaanka helana raaxadii janada.
Daqiiqado yar markuu jeejeego u yaaley ayuu gacantiisa
ciida , kumiisey ku xanxantoobiyey markaasuu wuxuu
taabtey wax jicilsan oo dhareran wuxuu mooday abeeso
meesha huruda gacantii ayuu la boodey oo allah ka
magan galey, hadana wuxuu jeclaystey inay qaniinto oo u
dhinto gacanta ayuu meeshii u celiyey isagoo leh may
ku qaniinto, islamarkiiba wuxuu xasuustey inaysan qofka
muslinka ah u haboonayn inuu geerida jeclaysto ee laga
rabo inuu dhoho allow I noolee intii noloshu ii khayr
badan tahay ina dil markii geeridu ii khayr badan
tahay markaasuu gacantiisa soo ceshaday oo allah ka
danbidhaaf dalbey.
Meeshii ayuu fiiriyey mise wuxu maba dhaqdhaqaaqayaan
wuu la yaabey oo lugta ku taabtey mise dhaqdhaqaaq ma
leh, wuu soo jiiday mise wuxu abeeso ma ahan ee waa
kiish buuxa oo culus, waa lasoo boodey mise waxa ku
jira kun diinaar oo dahaba, halka diinaarna lix bilood
waa deeqaa isaga iyo reerkiisaba halmara ayaa waxaa
lamoodaa in gaajadii iyo haraadkii laga dulqaadey,
waxaad moodaa awoodda halmara in lagu shubey, waxaad
moodaa dhalinyaro nimadii halmara in lagu soo celiyey,
wuxuu sawirtey isagoo caruurtiisa dharag iyo raaxo iyo
arad bax isagoo gacmaha ugu sida halmara usoo galiyey
oo gacmaha uga buuxiyey dahabka oo inay maqlaan mooyee
aysan waligood taaban, wuxuu bilaabey inuu kafakarayo
wuxuu u gadi lahaa oo aduunyoo dhan isasoo hordhigey
ilaa uu ku sigtey inuu halmara waali ku dhufto.
Qaybta Labaad ka akhri halkan .... GUJI
wixii faahfiina kala xiriir email : somalistar1@yahoo.com
Waxaa diyaariyey :C/risaaq Abshir
2002-12-16
FAAFIN: SOMALITALK.COM Su'aalo
Cilmiyeed: Guji www.somalitalk.com/quiz
|