SomaliTalk | October 27, 2001 | Updated:
Maarso 8, 2008
FAA'IIDOOYINKA IYO XIGMADA WAQTIGA
Waxaa meelo badan oo woqoojiyga adduunka kamida la adeegsada
nidaamka loo yaqaan "Daylight Saving Time" iyadoo xilliga
Gu'ga (ama kulaylaha) soo dhow yahay saacad la hor marinayo waqtiga, iyo in
xilliga jiilaalka (ama qabowga) soo dhow yahay hal-saac waqiga dib loosoo
celinayo.
Habkaan oo si loo xusuusto waxaa la adeegsado oraahda "Spring
forward...Fall back...".
Waa nidaam macne weyn kujiro, kaas oo ujeedada ugu weyn ee
loo asaasay ay ahayd in la
Tashiilo Tamarta ay adeegsadaan guryaha. Waxaana nidaamkaan
adeegsada qiyaastii 70 waddan oo dunida ah.
Waxaa la ogyahay in korontada guryaha ay adeegsadaan
qiyaastii 25% ay kubaxdo Nalalka iyo qalabka yaryar ee kale oo
la adeegsado sida TV-yada, VCR-ka iyo raadiyayaasha,
kabuyuutarada, iwm. Tan oo
badanaa la adeegsado marka fiidkii qoysaska oo dhammi ay
guryaha joogaan, haddii markaas saacadda hal-saac la hormariyo
waxaa la yaraynayaa xadigii korontada ee qoys walba adeegsanayey,
taas oo markaas wadanka oo dhan faa'iido u ah.
Marka lagaaro bilaha kulaylaha (March/April) ayaa waqtiga la
hormariyaa hal saac, taas oo halsaac did u dhigaaya dhicitaanka
qorraxda. Arintani waxay yaraynaysaa waqtiga u dhexeeya qorrax
dhaca iyo waqtiga laseexanayo, taas oo markaas sida aan kor ku
xusnay yaraynaysa xadigii koronta ee qoyska. Intaas keliya
maahee waxaa yaraanaya xilliga qoysku uu guriga joogo maadaama
ay qorraxdu waqtibadan maalintii soo jeedo oo markaas guriga
dibada looga maqanyahay.
Marka lagaaro xilliga qaboobahana waxaa waqtigii dib loo
celinayaa hal saac, taas oo faa'iido u ah in subaxnimada hore la helo
iftiin.
Qaabkaas saacada marna la hormarinayo, marna la dib
dhigayo, wuxuu sannadka oo dhan faa'iido u yahay yaraynta xadiga
tamarta ee guryaha ku baxaya, marka laga reebo afarta bilood ee
ugu mugdisan woqooyiga dunida, afartaas bilood oo ah Nofeembar,
Diseembar, Janaayo iyo Febraayo, waqtigaas oo inta badan ku
beegma baraf iyo hoosiis dhulka hareeya oo lagaba yaabo in
qoraxda arageedu ciriiri galo.
GOORMA AYAA KALA BEDELKA SAACADUHU KUBEEGANYIHIIN
Wadamada Woqooyiga Ameerika waqiga saacadaha lakala bedelo:
- wuxuu bilaabmaa 2 a.m. Axada Labaad ee bisha Maarso
[waqtigan oo saacada la hormariyo]
- wuxuu dhammaada 2 a.m. Axada ugu horreysa bisha
November. [waqtigan oo saacada dib loodhigo]
Wadamada Yurub
- Wuxuu bilaabmaa 1 a.m. GMT Axada ugu dambaysa bisha
Maarso.
- wuxuuna dhammaadaa 1 a.m. GMT Axada ugu dambaysa
bisha Octoobar.
Wadamo badan oo dunida ah wuxuu bilaabmaa 30ka Maarso,
wuxuuna dhammaada 26ka Octoober.
Dhammaan wadamadaas kore waqtiga hal-saac ayaa lahormariyaa
xilliga kulaylaha, hal-saacna dib ayaa loo dhigaa waqtiga
qaboobaha, waxaa taas kaduwan dalka Ruusha taas oo waqtiga
laba-saacadood la hor mariyo xilliga kulaylaha, hal-saacna
dib loo dhigo xilliga qaboobaha.
Xigmad ahaan marka aad u fiirsatid, waxaad arkeysaa wadamada
kuyaal woqooyiga dunida in maalintu ay aad uga dheertahay
habeenka, taas oo aad siwacan u fahmeysid xigmada quraanka ee ah
in Allah habeenka iyo maalinta uu midba midka kale dhexgeliyo.
Waxaad kale oo xusuusnaataa "hadii aad dhaqaalaysid in yar oo
tamar (energy), waxaad u faa'iidayneysaa naftaada dhaqaale ahaan oo aad
lacag yar bixineysid iyo wadanka oo dhan oo kharashkii uu ku
bixin lahaa soo iibsiga waxyaabaha lagu socodsiiyo quwadaas ay
yaraaneyso, taas oo weliba u wanaagsan degaanka guud ahaan.
Tixraac:
daylightsaving |
webexhibits |
worldtimezone |
worldtimeserver |
worldtime
|
geography |
energy
Jadwalka Taariikhda IslaamkaXisaab ahaan bilaha Islaamka waxaa lagu qiyaasaa in ay
kudhamaadaan 30 ama 29 maalmood.
Ma rabtaa in aad tirada carabiga u bedeshid Roomaan, ama
tirada Roomaanka u bedeshid Carabi,
Guji halkan