- Marabtaa labo Sano ee Dembi dhaaf ah
- Labo Million oo Xujey ah oo Gudanaya Xajka
Sanandkan
- Caado Soomaaliya kajirta oo Dumisey Ciid-Al-Axdaa
Tarjumadii Bahda SomaliTalk.com | Jan 19, 2005
Fadliga Maalinta Carafa
iyadoo aan kujiro Maalmihii khayrka lahaa ee tobanka ahaa oo goonida loo tlimaamay
ayaa waxaan soo gaaray maalin si khaasa looga tilmaamay taasoo ah maalinta tobnaad
"yomu carafah", waxaa lagu sheegay maalintaas fadli farabadan dadka gudanaya xajka,
sida laguba tilmaamay inuu xajku maalinkaas yahay. Halka dadka aan maalinkaas Carafa
taagnayna loo suneeyey soon uga dhigma laba sano oo danbi dhaaf ah, hadaba aan wada
jaleecno xadiiskan saxiixa ah.
Waxaa laga Wariyey Abii Qataada ilaahay ha ka raali noqdee inuu yiri "waxaa
lawaydiiyey Nabiga (scw) Soomida Maalinta Carafa?" wuxuu yiri Nabigu (scw) "Waxaa
lagu dhaafaa (dembiga) Sanadkii tagay iyo ka soosocda" waxaa wariyey Muslim.
Waxaa inoo eg inaanaan dayicin Fursadaan.
[Akhri halkan...]
Labo Million oo Xujey ah oo Gudanaya Xajka
Sanandkan

Xujeyda waxay habeen ku negaanayaan
Mina |
In kabadan labo million oo Xujey ah ayaa Talaadadii (Jan 18)
bilaabay in ay u dhaqaqaan dhanka Mina, oo ah dooxo u dhow guriga barakaysan ee Makka, si
ay u gutan xajka sannadkan 1425.
Waxaan xujeydu subaxnimadii hore ku dhawaaqayeen "Labbeyk
Aallahumma Labbeyk" [Waa ikanaa Allahow, anigoo ka jawaabaya u yeeritaankaagii],
waxayna xujeydu ka soo dhaqaaqeen Makka ilaa Mina, sida ay weriyeen warbaahinta
Suciidigu. Socdaalkaas oo ahaa mid xasilan oo aan wax shil ah oo weyni ka dhicin,
hawaduna ay aad u wanaagsan tahay.
Xujaydu waxay kusoo qulqulayaan Mina, ayagoo is daba haya ilaa
laba mayl oo ka baxsan Makka, si ay halkaas ugu negaadaan saacadaha habeenka,
kahor inta aanan waaberiga Arbacada (jan 19) u dhaqaaaqin buurta carafat.
Waxaa lagu soo waramay tiro kabadan 14,200 busas ah in la
dhaqaajiyey si ay halkaas Xujeyda u geeyaan.
Marka xajka la gudanayo waxa ay ragu xiranayaan laba qayb oo
cad-cad si loo muujiyo barax la'aanta aan lahayn kala duwanaanshaha jinsiyadaha.
Dumarkuna waxay daboolayaan jirkooda oo dhan markal aga reebo wajiga iyo
calaalacalaha.
Xujeydu
marka ay gaaraan Mina,
teendhooyin ayey ku negaanayaan habeenida ayagoo cibaadaysanaya [eeg
Mina iyo Sida loogu Tukado], kahor inta
aysan Arbacada, Jan 19, u dhaqaqin dhanka buurta Carafat, oo ah meeshii uu Nebi
Muxamed (scw) uu khudbadiisii ugu dambaysey ka jeediyeyey 14 qarni ka hor.

Buurta Carafa, 15 km ayey u
jirtaa Makkah
|
In la istaago buurta carafat qorrax dhaca ka hor waa meesha ugu
saraysa gudashada xajka, Xujeyda waqtigaas gaari waaya buurta carafat waa in ay
xajka soo cilyaan sannad kale oo mustaqbalka ah. [Akhri
Maalinta Carafaat]
Maalinta Khamiista ah (Jan 20) xujeydu waxay dhagax ku tuurayaan saddexda tiir
ee ah meeshii uu Sheydaanku uga muuqday nebi Ibraahim (c.s).
Ciid-Al-Adxaana waxay bilaabanaysaa maalintaas Khamiista (Jan
20), ayadoo lagu xusayo Udxiyo la gowracayo ido, riyo, lo iyo geel si loo xuso
adeecidii uu Nebi Ibraahim Adeecay Allah, ee oo uu rabey in uu Nebigu wiilkiisa ulxiyeeyo
Allah dartiid.
Qofka Muslimka ah ee awoodi kara waxaa laga rabaa ugu yaraan hal-mar
oo noloshiisa ah uu soo xajiyo. xajkuna waa tiir ka mid ah shanta arkaanul-Islaamka, waana qayb muhiim ah oo kamid ah
tiirarka waaweyn diinta Islaamka, haddii la waayona Islaamku burayo.

Xadiiskan
ayaana taas ka qaadaneynaa:
"Waxuu yiri Rasuulkii ilaahay shanbaa lagu dhisay Islaamaka Qirid illaah gar
lagu caabudo inuusan jirin ilaahay mooyee, Nabi Muxamedna Adoonkii ilaahay iyo
Rasuulkiisii inuu yahay, Salaada oo la oogo, Sakada oo la bixiyo, Xajjka oo la
guto iyo Bisha Ramadaan oo la soomo". [Sharaxa xadiiska ka eeg
www.risaala.com]
Caado Soomaliya Kajirta oo Dumisey Ciid-Al-Axdaa
- Tarjumadii: Bahda Somalitalk.com
Isha: IslamOnline | Jan 19, 2005

Caado ahaan Soomaalidu waxay idaha
siiyaan ruuxda dadkii dhintay, ayey tiri IslamOnline. |
Dhaqanka (ama Caadada) ay bini-aadamku
sameeyeen ee kajira Soomaaliya ayaa waxa dumisey (mugdi weyna geliyey)
Cibaadada Muslimka ee ah in Allah dartiid idaha loo gowraco maalinta
Ciid-Al-Adxaa", sidaas waxaa qoraal ku bilowday shabakada dunida Muslimka
aad looga akhristo ee IslamOnline oo ka warbixineysey dhaqanka Soomaalida
iyo Ciid-ul-Axda.
Shabakada oo hadalkeedii sii wadata waxay
tiri:
Maalmaha ciidadaha, halka afarta cirif ee
aaddunka idaha loo qowraco (ama loo Udxiyaysto) Allah dartiid, Soomaalidu
waxa ay xoolaha u qalaan arin taas aad uga yar ama uga hooseysa oo ah in ay xoolaha u
gowracaan ehelkoodii ay jeclaayeen iyo qaraabadoodii geeriyootey.
"Nasiib darro, in badan oo Soomaali ah
Udxiyadu waxay soo gashaa derejada labaad, waxaana taas aad uga horeeya
dhaqanka (caadada) da'da weyn ee ciiradu kujirto" Sidaas waxaa yiri Sheikh
Nuur Baaruud Gurxan, oo aad looga yaqaan Soomaaliya, waxana uu Talaada Jan 18, 2005 sidaas u sheegay IslamOnline..
Waxa uu Sh. Nuur Baaruud yiri: "In badan oo
Soomaali ah ma awoodaan in ay iibiyaan labo ido ah, sidaas darteedna waxay
ka tagaan arinta muqadaska ah ayagoo uga tegeya caadada loo yaqaan
“Awliyada”.
Shabakada oo hadalkeedii sii wadata waxa ay
tiri: Ciid-Al-Adxaa oo ah ciida ugu weyn Muslimiinta, waxaa sannad walba loo
dabaaldegaa si loo xusuusto Nebi Ibraahim oo rabey in uu udxiyeeyo
wiilkiisii, amarka Allah oo uu qaadanayey awgeed.
Sida aan Quraanka kariimka kabaranay, Allah
waxa uu Nebi Ibraahim ku amraya in uu Gowraco wiilkiisii Ismaaciil; si kasta
oo ay u adagtahay in taas la sameeyo, hadaana Nebigu waxa uu adeecay amarka
Allah. Markii uu qarka u saarnaa in uu amarkaas fuliyo oo uu wiilkiisii
Gowraci rabey, Allah wuxuu booskii wiilka ku bedel neef ido ah.
Qofka Muslimka ah oo awoodi kara waxa uu
ulxiyaysanayaa hal neef oo ido ama riyo ah, ama wuxuu lix qof oo kale la
qaybsanayaa 1-geel ah ama 1-lo' ah si uu u fuliyo cibaadadaas maalmaha
feestada ciida.
Waxaa wanaagsan (mustaxab ah) in hilibka
xoolaha la ulxiyeeyey loo qaybiyo qoyska, qaraabada iyo dadka saboolka ah si
loo adkeeyo isku xirnaanta bulshada.
Waa
maxay Caadada Soomaalida ee "Awliyada"
Shabaka oo hadalkeedii sii wadaata waxa ay
tiri:
Caadada loo yaqaan "Awliyaat" oo ay
Soomaalidu leeyihiin waa: Maalinta Ciid-Al-Adxaa oo ay Soomaalidu xusaan
sannad guuradii qaraabadoodii ama awoowayaashoodii dhintay, ayagoo aaminsan
in la barakaynay doono.
Caadadani waxay leedahay laba derejo. Tan
koowaad waxay ku xadidan tahay qoyska, taas oo loogu tala galay aabayaashii
dhintay. Eheladii uu marxuumku ka tegey
ayaa waxay soo kiraynayaan Shiikhyo si ay u akhriyaan jusas kamid ah
Quraanka Kariimka.
Habka labaadna waxaa caado ahaan ah in Allah
loo baryo ruuxdii awoowaha qabiilka, ama jilibka, iyo wiilashiisii dhintay.
Waxaa Allah loo baryaa in uu barakeeyo, oo uu baryadooda ka yeelo mid ka
dhigta in ay noqdaan maca Nebi Muxamed (scw) iyo saxaabadiisii.
Waxa kale oo ay Allah u baryaan Iimaam Al-Shaafaci -- oo ah shiikha Fiqigiisa wadanka Soomaaliya badiisa
la raacsan yahay -- Sheikh-yada kala ah: Axmad Al-Fasi iyo CabdelQaadir Al-Jilani.
Caadadan waxaa lagu qabtaa meel u dhow
qubooraha dadka dhintay, waxaana feestadaas lagu casumaa deriska iyo
asxaabta.
Kaddib kuwa quraanka ku xafiday Qalbiga
ayaa xogooda isu geeya, waxayan bilaabaan in ay akhiryaan 114 Quraanka. Ayey
shabakada IslamOnline kusoo xirtey.
Tarjumadii: Bahda Somalitalk.com
Isha: IslamOnline | Jan 19, 2005
Faafin: Somalitalk.com | Jan 19, 2005
MINNESOTA:
GOOBAHA SALAADA CIIDA
Ciidul Axdaa
oo Ku Beegan Khamiista Jan 20
»
Maalinta Carafo oo ku beegan
Janaayo 19keeda
»
2-million oo xujey ah oo
Sannadkan xajka yimid
»
Ogyesiis reer Minnesota:
shir ay yeesheen masaajidu
Dhammaan ka
akhir halkan...
Boqorka Belgium
ayaa Taageeray Agaasime Difaacay Gabar Xijaaban
Guji...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|