Mid ka mid ah madaxweynayaashii ugu mudada dheeraa qaarada africa oo ah
madaxweynahii Zambia Keneth kaunda ayaa shalay galab soo gaadhay caasimada
somaliland ee hargeisa.
Dr. kaunda waxaa uu booqashadiisa ku tilmaamay mid xaqiiqo raadis ah taas
oo uu ku ogaanayo xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta somaliland.
inkasta oo aanay ahayn markii u horeysay ee uu hargeisa yimado waxaa uu
hore u yimid 1968 waqtigaas oo ahaa madaxweynaha Zambia waxaa uu la socday
madaxweynahii dalkii la isku oranjiray somaliya Cabdirashiid Cali
Sharmarke.
waxaa uu madaxweynaha Zambia ka ahaa inka badan 30 sano waxaana uu ka mid
yahay siyaasiyiinta rug cadaaga ah ee qaarada africa.
Dr. keneth kaunda waxaa uu sheegay in uu la kulmidoono madaxweyne riyale
dabadeedna uu samaysandoono barnaamuj u gaar ah.
waxaa xalay casho sharaf u sameeyey madaxweyne ku xigeenka somaliland
waxaana la filayaa in uu somaliland 3-4 cisho isagoo marka uu noqdona la
sheegay in uu warbixin uga gudbindoono somaliland madaxda africa .
booqashadan madaxweynahii hore ee Zambia ayaa waxay ka mid tahay
dhaqdhaqaaqa diblomasiyadeed ee ay wado xukumada somaliland kuna doonayso
aqoonsi .
iyadoo markii u horeysay aqonsiga somaliland la dhexdhiga ururka A.U da
taas oo la sheegay in ay wadaan wadamada ugu awooda weyn qaarada africa.
iyo kuwo reer galbeed ah sida dowlada ingriiska iskasta oo aan la
magacaabin hadana la sheegay in dowlada ingriisku wado sidii aqoonsiga
somaliland uga soo dhexbilahaa ururka midnimada africa (A.U).
Si kastaba ha ahaatee booqashada madaxweynahii hore ee Zambia waxaay ay
noqonaysaa mid ku dhiiri galisa madaxda africa ama kuwii ka talinjiray
sida
Dr. kaunda in ay ku dhiiradaan in yimaadaan somaliland taas oo dardar
galinkarta aqoonsiga somaliland doonayso.
Alla mahadleh
W/Q: - Aadan Yuusf Qodax
Email: qodax28@hotmail.com
LINK:
www.Somalitalk.com/hargeysa

Faafin: SomaliTalk.com | May 20, 2005
"Waxaa Lanoodiiday Khayriyada Boorama , xataa waxaa ladiiday in aanu gaadhi
saarno mikirifoon".
faysal cali waraabe, gudoomiyaha xisbiga UCID.
"Madaxweyne rayaale intii
uu xilka hayay waxaa cadaatay in uu maamulkii uu dhaxlay diciifay". xisbiga
UCID.
Madaxweyne Rayaale oo
saxeexay xeerka doorashada wakiilada , iyo dedaalka dhexdhexaadinta
xukuumada iyo xisbiga kulmiye.
Xisbiga Kulmiye oo
Kubaaqay in Xilka Laga Qaado Madaxweyne Riyaale
Shir jaraa'id oo uu xafiiskiisa
kuqabtay afhayeenka xisbiga kulmiye maxamed kaahin axmed ayuu...
Guji... Apr 7
Maxaa
Sababay in ay Burburto Kalsoonidii Shacbigu u Hayeen Xukuumada Madaxweyne
Rayaale?.. Guji..
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com