Ing. Maxamed Cali Cibaar
Delft, The Netherlands
Mohamed_ebar@hotmail.com
(Q.1aad): Wax kastaa waa macaan !!!
Inj. Maxamed Cali Cibaar |
Hordhac
Dhab-ka-hadal, waa googoos lagu lafagurayo dhacdooyin xiiso leh, iyadoo la
iftiiminayo xaqiiqooyin biyo-kama-dhibcaan ah. Waa taxane Hal-abuur ah oo ka
warramaya duruufaha ay ku sugantahay Ummadda Soomaaliyeed , iyadoo la abbaarayo
marba arrimaha mudnaanta leh.
Qaybta 1aad
ee googooska oo la magac-baxday; Wax kastaa waa macaan!! Waxay ku
saabsantahay kulan qado sharaf ah, oo uu Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf u sameeyay
Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Federaalka Ku-meel Gaarka ah ee Soomaaliya,
taariikhdu markay ahayd 22 Diseembar 2004-ta. Kulankaas oo sida la sheegay
qeyb ka ahaa ololihii kalsooni u raadinta Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi.
Googooskan
Hal-abuurka ah, waxaa jilaya labo xildhibaan oo magacyadooda la kala yiraahdo,
Xildhibaan Qasaaye iyo Xildhibaan Cunaaye, oo iyagu ka mid ah xildhibaannada ka
qaybqaadanaya qado-sharafeedka ujeeddo badanta ah. Doodda sheekada ayaa waxaa
furay xildhibaan Qasaaye oo aan ku faraxsanayn qorshaha meesha ka socday.
Isagoo su'aal weydiinaya Xildhibaan Cunaaye oo markaa qadadii bisinka u qabtay,
ayuuna hadalkiisii ku billaabay:
Qasaaye:
Maanta akhyaartii meesha way ku dhantahay. Iska warran?
Cunaaye oo
afkii buux-dhaafiyay, aysanna u suurtagali karin inuu hadlo!, ayaa isagoon
bariidintii si fiican u maqlin indhaha ka salaamay Qasaaye. Waxaa hadana
hadalkii qaatay Qasaaye oo salka ku hubsaday kursi ka soo horjeeday, halkii uu
xildhibaan Cunaaye fadhiyay.
Qasaaye:
Maanta hadal ma jiro miyaa,
maad bariidinta iga qaadid?
Cunaaye:
Maxaad i waydiisay?
Qasaaye:
Xaaladda ka warran?
Cunaaye:
mmmmmm, waa macaan!
Qasaaye:
Maxaa macaan?
Cunaaye:
Wax kastaa waa macaan !
Qasaaye:
Wax waliba waa macaan aa?
Cunaaye:
Ma maqalkaa kugu liitaa?
Qasaaye:
Mayee kuma fahmin.
Cunaaye:
Wax kastaa waa macaan,
fahamkeeda miyaa kugu adkaaday?
Qasaaye:
Oo wax qaraariba ma jiraan miyaa?
Cunaaye:
Inta aan ka warhayo, wax
qaraar su'aalahaada ayaan ka ogahay.
Qasaaye:
Maxaa su'aalahayga
qaraareeyay?
Cunaaye:
Quudkii ayaa laga cuni
la'yahay.
Qasaaye:
Ragna ma sidan baa u
dambaysay!. Wax kastaa waa macaan, cajiib!!.
Cunaaye:
Adigu sideed u aragtaa
cuntadan aad laba-canlaynayso. Sow ma macaana?
Qasaaye:
Aad iyo aad. Laakiin waxaan
la yaabbanahay wax kastaa waa macaan !
Cunaaye:
Intii soo macaanaysay,
iyaguna sow ma macaana?
Qasaaye:
Ma odayaasha ayaad ula jeeddaa ?
Cunaaye:
Kulli, intii ka soo
shaqaysay. Madaxweyne, Ra'iisul-Wasaare, Igad iyo Adduunkaba.
Qasaaye:
Haddaan ku gartay. Waxaan is
lahaa Xildhibaanka sidey wax ka yihiin.
Cunaaye:
Oo fudayd miyaad igu ogayd?
Qasaaye:
Mayee jawaabtii ayaad meel
aanan filayn ka soo qabatay.
Cunaaye:
Miyaan dambaabay haddaan si
fudud kuugu jawaabay?
Qasaaye:
Waxaan rabay inaan ka doodno
saamaynta ay qadadani nagu yeelan karto.
Cunaaye:
Saxiib aan wax kaa cuno.
Mise miiska ayaan kaaga kacaa?
Qasaaye:
Wax yar iga raalli ahow, hal
su'aal ayaan ku waydiinayaaye.
Cunaaye:
Dhaqso soo daa, soona koob.
Qasaaye:
Maxay ahayd ujeeddada
qadadani?
Cunaaye:
War qadada cun, qaaddada ku
margee! Wuxu hadal badanaa?
Qasaaye:
Saaxiib, ha igu xanaaqin.
Su'aal ayaan ku waydiiyaye.
Cunaaye:
Waxaasi ma su'aal baa?
Haddaadan ujeeddada qadada aqoonin, maxaad soo doontay?
Qasaaye:
Iga raalli ahow haddaad
xanaaqday.
Cunaaye:
Ma xanaaqine waan kugu
xiiqay. Wax cunid miyaan meesha u nimid, mise waraysi ?
Qasaaye:
Ok. Gaajaa kugu dhaggan oo
waan ku arkaa. Bal horta miyirso, iskana ilaali lafaha mallayga!!
Cunaaye:
Waayahaye bal xoogaa ii
kaadi, nin maqaayad soo maray ayaad u egtahaye.
Waxaa si
fiican loo sii guda galay cunidda qadadii saddexda qaybood ahayd (1aad, 2aad iyo
3aad). Xildhibaan walba waxaa hoos yaallay cuntooyin kala nooc ah, oo haddii
kharash ahaan la qiimeeyo( qadada hal Xildhibaan) quutul-daruuri ugu filnaan
lahaa boqollaal danyar ah, amaba seexin kartay kummannaan caruur ah oo
hooyooyinkood saq dhexe caano la'aan kula dul cabaadaya.
Si aad ah
ayaa loogu mashquulay qadadii. Sawaxankii iyo buuqii hore uga baxayay goobtii
la fadhiyayna waxay mar kaliya isku rogeen shanqar ka soo yeeraysay qalabkii
wax lagu cunayay sida, qaaddooyinka, saxamada, mindiyaha, koobabka iwm. Walow ay
xubnaha jirka ee howsha hayay ugu firfircoonaayeen afka iyo gacmuhu, haddana
indhaha ruuxoodu ma howl la'ayn oo dhanka xiriirka iyo salaanta ayay
qaabilsanaayeen!. Waxaa laga soo jeestay qadadii, iyadoo Xildhibaannada qaarkood
ay xitaa qaybtii hawada ee caloosha raashin ku cabbeeyeen. Sheekadii Cunaaye iyo
Qasaayana halkii ayay ka sii socotay mar kale. waxaana hadalkii qaatay
xildhibaan Qasaaye:
Qasaaye:
Hadda ma wada-hadli karnaa?
Cunaaye:
Maxaan ka wada hadallaa, ma
annagaa col ah?
Qasaaye:
Col ma ahin, heshiisna ma
ahine, su'aashii iiga jawaab.
Cunaaye:
Su' aashee? Ma tii aad
lahayd, waligaa cunto sidaan u macaan ma cuntay?
Qasaaye:
War cuntaa lagaa raacaye,
maxay tahay ujeeddada qadadani?
Cunaaye:
Su'aal ay calooshaadu kaaga
jawaabi karto, cidna lama waydiiyo!
Qasaaye:
Wali waad xanaaqsantahaye,
miyaadan dhargin ?
Cunaaye:
Waan dhargay, waxna way ii
dhimmanyihiine, maxaa qadadeenna kugu salliday?
Qasaaye:
Sow dad siyaasiin ah ma
nihin. Waa in aan wax walba ogaannaa?
Cunaaye:
Saxan miis kor saaran iyo
siyaasad waxa iska soo galay ayaanba la yaabbanahay!
Qasaaye:
Laakiin Baarlamaan ummadi
soo dooratay sow ma nihin?
Cunaaye:
Baarlamaan iyo bariis-cunid
shaqo iskuma laha !
Qasaaye:
Waxaan maqlay in
Madaxweynaha iyo Ra'iisul-Wasaaruhu ay qadada noo qaadeen.
Cunaaye: Oo
haddeey noo qaadeenna?
Qasaaye:
Malaha waxay rabaan inaan
kalsoonida siinno Ra'iisul-Wasaaraha?
Cunaaye:
Haddaad sidaas u ogtahay,
maxaad ii daalinaysay maanta oo dhan?
Qasaaye:
Laakiin Madaxweynaha iyo
Ra'iisul-Wasaaruhu kharashka xagey ka soo dhuraan?
Cunaaye:
Ma madaxdii jeebabkooday
haddana su'aashii gashay?
Qasaaye:
Madaxda aad sheegaysaa illaa
ay afka laf noo galiyaan miyaysan nala hadli aqoon?
Cunaaye:
Dadka qaarba si baa loola
hadlaa! Amaaba sidaan laysku fahmi ogyahay?
Qasaaye:
Laakiin in mar walba
raashin la isku dul waraysto waa foolxumo.
Cunaaye:
Maxaa la sameeyaa haddii aan
dhuunta ka falannahay, ceebta Alle ha asturee.
Qasaaye:
Xoogaa in ay si kale wax u
farsameeyaan ayay ahayd. Sidani waa naga xishooda!
Cunaaye:
Afkii inuu wax cuno raba,
inuu xishoodana diiddan, isagaa cirka roob ku og!
Qasaaye:
Waayahee dowladda iyo
xildhibaannadu ma makhaayadahay wax ku go'aaminayaan?
Cunaaye:
Makhaayadaha haddii aan lagu
feertamayn, iyagaaba naloo qaatay!..
Qasaaye:
Laakiin sidan kharash badan
ayaa lagu galayaa, lagamana bixi karo.
Cunaaye:
Dhib ma leh waxaasi, beesha
caalamka ayaa bixinaysa.
Qasaaye:
Waa yahee, ma is qabqabsi
iyo isla qadayn ayaan meesha u joognaa?
Cunaaye:
Waxaad u joogto adaa og!
Meeshan ninba maalin ayuu yimid!
Qasaaye:
Wallaahi waa layaab!
Cunaaye:
Maxaa layaab ah?
Qasaaye:
Dad ummad dhan wakiil ka ah,
oo sidan u dhaqmaya!
Cunaaye:
Dhaqanka dadka u kaadiye,
yaa ku soo wakiishay?
Qasaaye:
War waa nala soo wakiishaye,
aan sidaan isku dhaanno!
Cunaaye:
Si baad u kacsantahaye ma
teebkaa kaa booday? Liiska ma aragtay?
Qasaaye:
Wallaahi ma yeelayno in
xaqii ummadda lagu tunto.
Cunaaye:
Ummaddu ha noo dambaysee,
su' aasha iiga jawaab.
Qasaaye:
Liiska la sheegsheegayo ma
aha mid sharci ah, mana waafaqsana Dastuurka.
Cunaaye:
Oo xaggee Dastuurka ku
qilaafsanyahay?
Qasaaye:
Kuma salaysna nidaamka 4.5,
beeshaydana waa la qadiyay.
Cunaaye:
War Allahaaga ka baq.
Beeshaada waliba jufadaada dheeri ayaaba la siiyaye.
Qasaaye:
Maya, maya, maya. Haddii
beeshayda dheeri la siiyay anaa lay magacaabi lahaa.
Cunaaye:
Adigu ma Dastuur iyo Afar-dhibic-shan ayaad u doodaysaa, mise Aniga-dhibic-shan?
Qasaaye:
Afar-dhibic-shan,
aniga-dhibic-shan iyo eber-dhibic-shan, midna meesha laguma hayo!
Cunaaye:
Oo waayahaye, maxaa lagu
hayaa?
Qasaaye:
Af-miishaarnimo iyo Amxaaro
u adeeg!
Cunaaye:
Haddey sidaas tahay maad
iskaga tagtid, maxaad meelaha la habhab leedahay?
Qasaaye:
Calaa kulli xaal, caddaalad darro iyo waxa la wado shacabku yeeli maayaan.
Cunaaye:
Haddaadan adigu yeelayn,
annagaa yeelaynee indhaha faraha ha iga gelin.
Qasaaye:
Adigu ma liiskaad ku jirtaa,
mise qareen baad u tahay xarfaanta?
Cunaaye:
Waliba waan ugu horeeyaa. Ma
nin laga maarmi karo ayaan ahay?
Qasaaye:
Haa, illayn ninkan aan ku
daalayo, waa nin bariis iyo ballanqaad la isugu daray.
Cunaaye:
Annagu waxaan rabnaa Qaran
Soomaaliyeed oo madixiisa ku taagan!
Qasaaye:
Qaran madaxiisa ku taagan, mise Qaran lugihiisa ku taagan !
Cunaaye:
Madax iyo mijo, meeshuu doono ha ku istaago. Muhiim waa inuu istaago!.
Qasaaye:
Waxaan ka baqayaa adoo sidan
u jaqjaq leh, in saacadaha u dambeeya liiska lagaa tiro.
Cunaaye:
Khadka magacayga lagu qoray
mid tirtirmaya uma ekayn.
Qasaaye:
Loo wada joogee. Wallee rag
badan gadaal waa laga masixi !
Cunaaye:
Een … laakiin haddii liiska la bedelo, kollay ummaddu kuma qanci doonto.
Qasaaye:
Sow adigii hadda lahaa
umadda warkeedu ha noo dambeeyo. Taada ka hadal.
Cunaaye:
Madax ballamo ka bax badan
shacbigu kalsooni ma siin doonaan.Wayna eedayaan!
Qasaaye:
Ku fahmaye ka gudub. Raggu
isku doon ayuu saaranyahaye!
Qadadii ka
dib, markii xildhibaannadii ay si gooni-goonni ah cabbaar uu sheekaysteen,
ayaa lagu wargeliyay in la gaaray qaybtii ugu muhiimsanayd kulanka, waxaana laga
codsaday in ay buuqa yareeyaan si habsami lehna ay wax u dhagaystaan. Xildhibaan
Cunaaye oo aan markan saxan ku foorarin, afkiisuna cabbaysnayn, ayaa isku dayay
inuu aamusiyo xildhibaan Qasaaye oo garabkiisa fadhiyay,gunuunuc aan kala go'
lahaynna waday, wuxuna yiri:
Cunaaye:
Aamus, aamus Qasaaye,
khudbaddii Madaxda ayaa billaabanaysee!
Qasaaye:
Madaxdaa dhacday! Ma
adeegayaasha Itoobiyaanka?
Cunaaye:
War afkaada qabso, Itoobiya
waa loo wada adeegaaye!.
Qasaaye:
Laakiin kuwani guuxooday ka
dheereeyaan!
Cunaaye:
Waxay yihiinba, waa nin aad
dooratay iyo nin uu soo doortay!
Qasaaye:
Anigu ma dooran, adiga iyo
wax kula mid ah ayaa doortay.
Cunaaye:
Af ku taagga Itoobiya waad eedi doontaaye, maad iska daysid.
Qasaaye:
Amxaaro addoon u noqon
maayo, waxay wadatana ma aaminsani.
Cunaaye:
Haddaadan Itoobiya
aaminsanayn yaa Baarlamaanka kugu soo daray?
Qasaaye:
Aniga Itoobiya ima soo
qorin!
Cunaaye:
Laakiin nin ay soo qortay, ayaa ku sii qoray sow maaha?
Qasaaye:
Liiskii Ma-naxe ayaan ka mid
ahaa!
Cunaaye:
Miskiin garab lagu soo qoray miyaad ahayd, mise kursiga waad u soo halgantay?
Qasaaye:
Halgan sidee ah? Hub ma leedahay miyaad ula jeeddaa?
Cunaaye:
War hub kaliya wax laguma
noqdee, wax ma hurguftay ( dad ma leysay)?
Qasaaye:
Idaacadaha miyaadan
dhageysan?! In aan garab wax ku raadiyo, Allaa iga koriyay!.
Cunaaye:
Madaxda aan wax yar
dhagaysannee bal sug.
Qasaaye:
Haye, xariifiintii miyaa daldalmaya!,
Cunaaye:
Fadlan, wax yar samir
Qasaaye:
Maxay ku qudbadaynayaan,
Af-tigree, ma Amxaari, mise Sawaaxili?
Cunaaye:
Af-Yuhuudna ha ku qudbeeyeen! Maxaa kaa galay, maba dhagaysanayside.
Qasaaye:
Kolley hadday Shiineys
aqriyaanna, sacab iyo Soomaaliyeey toosoo waa u diyaar!
Cunaaye:
Maxaad ku diiddantahay,
hadday wanaag la yimaadaan?
Qasaaye:
Wanaag!.hi .. Sammeyn iska daaye, horta waligood wax wanaagsan ma niyaysteen?
Cunaaye:
Waran waran ku taag waa laga
fiicanyahay.
Qasaaye:
Laakiin niman la haysteyaal
ah, maxay ummad u qaban karaan?
Cunaaye:
Nimanka culays badan ayaa saaran!, waanan wada ognahay, ee cagta dhulka dhig.
Qasaaye:
Culasyka ma annagaa saarnay? Sow iyagu gacmahooda kuma soo duudsan?!
Cunaaye:
Oo waayahaye, adigu ma dhaantaa?
Qasaaye:
Kolley Annigu qayrkeey uma
dhaamiyeen.
Cunaaye:
Kuwan aad dhaaminta ku xukuntay, kuwo u dhaamiya, aamaadba u sii dhaamisaa?
Qasaaye:
Wallaahi kuwaan, waa wixii
lagu foorin jiray! Yaa mataatacooda naga aamusiiya!
Cunaaye:
Foori !, ii bannee, laguma
ag fadhin karee, ii bannee….. iga wareeg..!
Qasaaye:
Raalli ahow, nin jadbaysan
ayaad iila muuqataaye.Waanan kaa aamusayaa,waa ballan.
Cunaaye:
War raalligaadana ma
naqaaannee rabshada naga yaree!
Waxaa hadlay
Raggiii la sugayay. Khudbaduhu sidii loogu talogalay ayay u dhaceen.
Dhagaysteyaashuna ujeeddadii qadada laga lahaa, si wanaagsan ayay u fahmeen.
Walow ay wajiyada Xildhibaannada badankooda farxadi ka muuqatay, haddana
Xildhibaan Qasaaye xaalkiisu ma dagganayn. Waqtiga intiisa badan socsocod iyo
musqul aad ayuu ku dhamaystay, wuxuuna kurisgiisii mar kale salka soo saaray
goor dabme oo ay howshu gabogabo ahayd. Halkii ayuuna sheekadiisii ka sii watay:
Qasaaye:
Qoladaas safka hore isku ciriirinaysaa, sacabka kama daalaan miyaa?
Cunaaye:
Ma kuwaas dhuunta iska soo
marjiyay? Oo sidey maanta cuntadii uga degtay?
Qasaaye:
Malaha jaakadaha qaaliga ah
iyo in ay labbisan yaqaaniin ayay muujinayaan.
Cunaaye:
Laakiin waaban ka shakiyaye,
xaggeey u boorsooyin waaweynyihiin?
Qasaaye:
Ha iska boorsooyin waaweynaadeene daa, berri iyagoo budad wata anigaa ku
tusayee.
Cunaaye:
Wallaaahi waa la yaab,
raggii shalay garruumada watay ayaa maanta guulwadaynaya!
Qasaaye:
War kuwan warkooda iigu
kaadiye, maxay kuwii waaweynaa yiraahdeen?
Cunaaye:
Dharagtii miyaad la dhego
beeshay, sow nimanku Af-Soomaali kuma hadlayn?
Qasaaye:
Mayee xogaa waan isi soo
fududaynayay.
Cunaaye:
Waxaan ka maqlayay, kalsoonidiinna na siiya.
Qasaaye:
Oo haddey baryootamayaan,
maxey markii hore isku waalayeen?
Cunaaye:
Uma malaynayo in kuwa la
baryayo aad adigu ku jirto.
Qasaaye:
Maxaa kale oo mataatacoodii
ka mid ahaa?
Cunaaye:
khaladaadkoodii ayay ka
cudurdaarteen, si fiicanna way u hadleen.
Qasaaye:
Waxaan ku waydiiyay, haddii
ay towbad keeneen Itoobiya ma ka hareen?
Cunaaye:
Ma inaad u dabamarto ayaad
rabtay? Ha degdegin wali way isku fiicanyihiine!
Qasaaye:
Laakiin xaq ma aha in dowlad
cadow noo ahi ay golihii wasiirrada noo soo xusho!
Cunaaye:
Oo haddaa, ma in ay
Baarlamaanka soo xusho, Dastuurna noo qorto ayaa xaq ah?
Qasaaye:
Waxoo dhan inay iyadu gacanteeda ku samaysato, waa xishood darro!.
Cunaaye:
Waxaagu waa la jiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan.
Qasaaye:
Wallaahi waa yaabka
yaabkiis!
Cunaaye:
Iska yaab-yaab, aduuba yaab
kugu haraye!
Qasaaye:
Hadda maxaa talo ah ?
Cunaaye:
Ma talaa naga dhaxaysa?
Qasaaye:
Oo hadda ma sidaas ayaadba
wasiir ku tahay? War hooy wax hubso.
Cunaaye:
Dowlad aan weli la
magacaabin ninka mucaaradaya ayaa wax hubsi u baahan.
Qasaaye:
Soomaali Ilaah ayaa u maqan.
Cunaaye:
Waa runtaa, laakiin ummad
Ilaah naxariistiisu u soo socoto uma ekin!.
Qasaaye:
Haddana ma naxariistii
Ilaah ayaad isbaaro u dhiganaysaa?
Cunaaye:
Anigu runtaan sheegay. Illaa ay ummadi isbedel la timaado, Alle ma bedelo.
Qasaaye:
Hadda shacabku annaguu na
sugayaaye, maxaa noo talo ah?
Cunaaye:
Warmooge! Yaa ku yiri shacab
ayaa wax kaa sugaya?
Qasaaye:
Maxay noo sugi waayeen, sow
madaxdii taladooda haysay ma nihin?
Cunaaye:
Nin tiisii talo u la' cidina
talo ka sugimaysee, horta aan teenna meel saarno!
Qasaaye:
Oo haddaa yay wax ka
sugayaan?
Cunaaye:
Waxbaba ma sugayaan. Maxaa
ka maqan?
Qasaaye:
Oo shirkii labada sano
socday miyaan waxba laga rajaynayn?
Cunaaye:
Haa, waxay dadku rajo ka
qabaan in wixii Kiinya ka soo baxaa ay annaga nagu filnaadaan, bulshadana aan
baroominta iyo barakicinta ka dayno.
Qasaaye:
Oo iyagana ( shacabka)?
Cunaaye:
Deeq iyo darajaba annagey
nooga hareen, walina waxba way na deeqi la'yihiin!.
Qasaaye:
Iima muuqdaan dad ay wax
deeqaan. Meel ayaan ka habaarannahay. Allaa kariim!
Cunaaye:
Maxaa Allaa kariim ah, adoo
kalaa nagu jiree?
Qasaaye:
Oo anigu maxaan bi'iyay?
Cunaaye:
Labo sano iyo ka badan ayaa dhul shisheeye lagugu biilayay. Dhaqaale masaakiin
kaa mudani u dhibbanyihiin ayaad marba hoteel ku tamashlaynaysay. Waxaa lagaa
dhigay xildhibaan aadan xaq u lahayn, iyadoo dad kaa mudan oo cilmi iyo caqliba
kaa horreeyaa ay buuxaan. Waxaad u ololaysay oo kuu meelmartay, in cid aan
annaga (Baarlamaanka) ahayni aysan xil muhiim ah qaban karin. Waxaad haysataa
ballanqaadyo badan oo bariiskaadu meel ayuu saaranyahay, adigoo ogsoon in
Barafasoorro badani ay beerka bacaadka ku hayaan. Haddana weli ma qanacsanid
oo iimaanku kuma gelin. Haddii aan Wasiir muhiim ah lagaa dhiginna xaalku waa
bannad (gow iyo gish ma leh). Sidee wax ku waddaa? Waa maxay dawadaadu?. Rag aad
ka mid tahay markaan arko waxaan soo xusuustaa, durdurkii harraaday ee la sheegi
jiray. War maxaa idin deeqa?. Waa su'aal da'wayne , sidee laydiin dabiibaa ?!
Qasaaye:
Cajiib!, Cunaaye miyaa
maantana aniga i wacdinaya?! Waxaan ka marag kacayaa in cuntada macaani ay
caqliga soo celiso. Aniga daawadaydu ha kuu dambaysee, horta taadi ma la helay?
Miyaadan ahayn ninkii laga subxaanalaysan jiray ee iimaanka iyo akhlaaqdaba ka
arradnaa? Dadkan aad leedahay aqoon iyo caqli bay leeyihiin, sow kuwaad ugaarsan
jirtay ma aha? Oo aad lahayd ama iyaga ayaa tolka u haraya ama aniga ? goormaad
isku rogtay Ugaas, Amnesty iyo hay'ad xuquuqul insaanka u doodda?
Cunaaye:
Oo haddaan ku iri waa ceeb iyo ayaan darro in wixii Soomaali manfac iyo
mansab loogu talo galay ay afartankeennaas deeqi wayaan, miyaan dambaabay? Waa
maxay aflagaaddadu? Mise anaa jagooyinka qaybiya maxaad iigu xanaaqaysaa? Waxaa
xaqiiqo ah haddii aan sidan ku soconno wax Soomaalidu leedahay iska daaye in
aan berri dadkan aan martida u nahay woxooda kula dhegdhegi doonno. Markaas
ayaana naloo yaabaa, illayn cagtii joosan weydaa mar bay ceeb la kulantaaye!.
Qasaaye:
Ma aha wixii xadgudub aan samaynay inaad aniga dusha iga saarto, aadna ii
canaanato sidii carruur aad dhashay, adna aad ceebkasaliim iska dhigto. Waad
ogtahay waliba in aan siyaasadda kaaga soo horeeyay, oo aan ahay nin culus.
Teeda kale, annaga kaliya nalama biilee Soomaali oo dhan ayaa la biilaa!.Rag
ayaa sodddon sano la biilayay annagu shalay ayaanba billownaye, sow ma maqal
lacagta Cayrta!. Waxa kale oon ku waydiiyay, xaggeey joogaan dadka maanta na
dhaama ee ummadan u maqan? Mise kuwa aqoonyahannada isku sheegsheega ee
ajnabiga daba carcarara ayaad aamminsantahay?. Maxaad iskaga dhigaysaa nin
jaahil ah!. Meeqa jaamici oo boorso iyo buugaag waaywayn ayaa turjubaan kuu ah,
oo wax ay yihiin aan la arag!. Saaxiib karti iyo indha-adayg ayaa loo
baahanyahay!.
Cunaaye:
Calaa kulli xaal raalli ahow
haddaad kululaatay. In aan is eedayno waa laga fiican yahay. Rag si fiican isku
yaqaanna ayaanan nahay oo Xildhibaanno ah. Waana runtaa oo waxaan nahay
siyaasiyiin waaweyn oo goobaha fadhi ku dirirka caan ka ah. Siyaasadduna
sideedaba waa in mar la is-baroomiyo, mar la is-caayo, mar la is-canaanto, marna
la heshiiyo!.Waxaa igu maqaalo ah in waddamada Yurub ay hadda ka hor
dagaallameen oo ay hadana heshiiyeen!!. Ayaan dhowayd xitaa waxaan maqlay
Falastiin iyo Yuhuuddii way is cafiyeen! Ameerika iyo Ruushkuna way isku
darsamayaan. Waxaa kale oo aan maqlay in Ururkii Jaamacaddii Carabta la
baabi'inayo oo loo badelayo yurubiyan waxaas!(Europian Union).
Qasaaye:
War waxaas ka gudub, haddaan
xanaaqay saacaddaan isbitaal ayaad ku jiri lahayde! . Xildhibaan xanaaqay in
uusan kaftamayn adba waad ogtahay!. Waxaanse xoogaa dhibsaday in aad naga dhigto
dad aan cidna mas'uul ka ahayn oo meesha dano gaar ah u jooga, adigoo og in
dowladaha deriska ah iyo bulshada caalamkuba cid aan annaga ahayn aysan waxba
waydiin, xitaa kalima!, waddanka Soomaaliyana ay teennu ka socto! Adigaas
Ameerika, Yurub, Carab, Ruush iyo wax kastoo adduunka ka dhacaya sidaa ula
socda, waa kuma ninka kaa siyaasisan ee Soomaaliga ahi?. Waxba ha ka welwelin in
aadan waligaa iskuul dhiganin, waxaad leedahay waayo-aragnimo iyo geesinnimo
aad Jaamacado Macallin uga noqon karto!!.
Cunaaye:
Waxaan ogaaday in aysan siyaasiinta Soomaalidu siyaasad aqoonnin!
Qasaaye:
Siyaasiyiin aan siyaasad aqoonnin?!
Cunaaye:
Waxan ka wadaa wax-qaybsi ma yaqaanaan, mid walbana isagaa wax isla raba!
Qasaaye:
War wax-rabiddu maba xumee, waxaan rabno xitaa ma naqaanno.
Cunaaye:
Haddii aniga layla tashanayo, is qaqabsiba ma dhaceen!.
Qasaaye:
Miyaad na sixri lahayd?!
Cunaaye:
Mayee, Xildhibaannada
Baarlamaanka oo dhanba Wasiirro iyo Safiirro ayaan ka dhigi lahaa. Kuwii
maalin dhowayd sakiimaha soo qaadtayna waaban u hormarin lahaa! Yaa markaa juuq
dhihi kara? Ninka waalan oo bariiskiisa iska ciidaynayaa waa kee?
Qasaaye:
Laakiin maxaad ka
samaynaysaa, waxa jira dad aan rabin in cid aan iyaga ahayni ay wax noqoto?
Tan kale, Wasaaradaha dhacdhaca laga helo iyo kuwa Tol-hubayntu ma badna ee
yaad u dhiibaysaa, illeyn nin waliba kuwaas ayuu dhufays ugu jiraaye?
Cunaaye:
Waa runtaa, waa arrin u baahan farsamo iyo siyaasad aad u culus.
Qasaaye:
Haye, bal soo
daa
waxa aad hayso, farsamo iyo
faralaab !
Cunaaye:
Horta, Wasaaradaha sidoodaba
maxaa loo sameeyay?
Qasaaye:
Dib-u-heshiisiin iyo in
beelaha lagu qanciyo!újc
Cunaaye:
War beel cidina ma
qanciisee, hoggaamiyeyaasha soo halgamay dheh!
Qasaaye:
Waa runtaa, waa
hoggaamiyeyaasha kuwa xilalka muhiimka ah u doobbinaya
Cunaaye:
Shaqada wasiirraduna sow ma
aha in ay qabiilkooda Madaxwenaha ku soo xiraan?
Qasaaye:
Haa, Wasiirrada oo dhami waa isku shaqo, Wasaaradaha ayaase kala duwan!
Cunaaye:
Taasi waa caddaalad darro! Wasaaraduhuna waa in ay muhiim wada noqdaan.
Qasaaye:
Sidee muhiim looga wada dhigayaa Wasaaradaha?
Cunaaye:
Dhib ma laha, Wasaaradaha oo
dhan magacyo muhiim ah ayaan siinayaa, waxaana loo kala saarayaa; Kow
Wasaaradaha Dhacdhaca oo kala ah: Lacagta, Dhaqaalaha, Maaliyadda,
Bangiyada, Mucaawinada, Xisaabaadka, Hantida, Qorshaynta, Canshuuraha,
Iskaashiga, Dibadda, Tahriibinta iyo Diyaaradaha, Jaad-soo-dejinta iyo Dabagalka
Daroogada iyo wixii soo raaca. Labo, Wasaaradaha Tol-hubaynta iyagana
waxaa ka mid ah: Gaashaandhigga, Ciidamada, Ammaanka, Argagixiso la dagaallanka,
Hub-ka-uruursiga, Qalabaynta milititeriga, Hub soo dejinta ,Tababarka
maleeshiyooyinka , Dabargoynta …, iyo wixii soo raaca. Halkaas sow boqol iyo
xogaa Xildhibaan Wasaarado muhiim ah kuma helin?
Qasaaye:
Nacam, anigaa kaaga marqaati ah. laakiin Wasaarado kale ayaad illowday!
Cunaaye:
Ma illoobine i sug. Wasaaradaha aan muhiinka ahayn ee xitaa beelihii aan
hubaysnayn ay diideen, kulligood waa in la baabi'iyo sida: Waxbarashada, Hiddaha
iyo tacliinta sare, Horumarinta reer miyiga, Daryeelka haweenka iyo caruurta,
Caafimaadka, Badbaadada deegaanka, Biyaha, tamarta, isgaarsiinta,Garsoorka,
Diinta, Caddaaladda, Awqaafta, Gurmadka musiibooyinka, Quudka Beeraha, Xoolaha,
Jaalliyadaha dibadda, Horumarinta xirfadleyaasha, Dastuurka iyo federaalka,
Dhallinyarada iyo ciyaaraha iyo wixii soo raaca. Waxaas jajabka iyo
jaabojaabada ah oo dhan waa in aan magacooda mar dambaba la maqal. Waayo beel ku
qancaysaa ma jirto.
Qasaaye:
Laakiin ku dhowaad boqol
Xildhibaan ayaadan weli meelayn!
Cunaaye:
Isug, isug . Xisaab ayaan ku
socdaaye. Sow ma ogid in baarlamaanka ay ka buuxaan Xildhibaanno badan oo
qaxooti dibadda ku ahaa?
Qasaaye:
Waa runtaa tiro ku dhowdhow inta kuu dhimman, ayaa qurbaha qaxooti ku ahaa!.
Cunaaye:
Haaa.., afkaada caano lagu
qabay!. Haddaan nin walba waddankii uu qaxootiga ku ahaa isagoo safiir ah u
dirno, oon baabuur uu calankii shanta xidigood lahaa ka babanayana farta ka
saarno, caruurtii iyo islaantiina uu u laabto, maxaa kale oo uu rabaa.
Qasaaye:
Laakiin giddigood Ameerika iyo waddamo muhiim ah ayay rabaan.
Cunaaye:
Haddii ay ku heshiin waayaan, baqtiyaanasiib ayaa loo samaynayaa! Haddaan
Wasaaradihii kuwo muhiim ah iyo kuwo aan muhiim ahayn u qaybinnay, oon qaar
baabi'innay, haddana ma dowladihii ayaan muhiim iyo midaan muhiim ahayn u kala
saari karnaa?!
Qasaaye:
Haddaad sidan siyaasi u
tahay, in aan adiga ku dooranno ayayba ahayd.
Cunaaye:
Afrika dadka wax fahmayaa in
ay xukumaan looma ogola!
Qasaaye:
Waa runtaa, Geeska Afrikana
haba sheegin.
Cunaaye:
Ka warran berri iyo kalsooni
siinta Ra'iisul-wasaaraha?
Qasaaye:
Sow taan ku ballannay
su'aalaha ay calooluhu ka jawaabi karaan in aan la is weydiin!
Cunaaye :
Haddii aan berri
Ra'iisul-Wasaaraha ansixinno, dowladdiisa ma taageeraysaa?
Qasaaye:
Arrinkaas qadada dambe ee
Wasiirro-ansixinta ayaan kaaga jawaabi doonaa.
Cunaaye:
Waad maqashay sow maaha in
hadhow xoogaa mushaar ah la isi siinayo?
Qasaaye:
Ma taas oo kale ayaa la
maqli waayaa!. Maanta maalin ay dhaantaba nama soo marine.
Cunaaye:
Laakiin haddii mushaar nala
siinayo, maxaa hore naloogu siin waayay?
Qasaaye:.
Hadal yar iyo hawl badan saaxiib!. Ka soco.
Cunaaye:
War meesha lagu kala
dareerye waa inoo berri. Allana khayrka hana waafajiyo.
Qasaaye:
Qadada wasiirro-ansixinta
miiskaan ayaa noo ballan ah.
Cunaaye:
Waa haddii la ogolaado in ay
wasiirrada iyo xildhibaannadu isla fadhiisan karaan !.
La soco
qaybta xigta iyo Googooska Dhab-ka-hadal
Aragtidaada
ku saabsan Goosgooskan, waxaad ku hagaajin kartaa cinwaanka hoose.
Dhabkahadal@yahoo.co.uk
W/D Inj.
Maxamed Cali Cibaar
Mohamed_ebar@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec30, 2004
AKHRI MAANSADII DOOD WANAAG:::
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|