SomaliTalk.com
Safety First
. Your Children
. Your PC
Free Internet
>> 3Web.com
>> Funcow
>> NetZero.com
Free Phone
. Net Phone Numbers
. Free PC-To-Phone
. Free Long-Distance
. Free PC-To-PC Calls
Free Fax
. FaxWave Free
. eFax Free
Answering Mechine
. Free Answ. Mechine
Wake Up
. MrWakeUp.com
Free AntiVirus
. Free AntiVirus
Free Web Check
. Website Inspector

.Home |Somali|Forum|Search |Feedback |News
.
Khatarta InterNet
Kambiyuutarkagu maku xiran yahay internetka. Ma isticmaashaa Windows 95 iyo Window 98. Khatar waxaad ugusugan tahay in lahelo sirtaata (password).

Waxase xal ah in aad soorogatid (download) qayb microsoft kagahortegayo arrintas.

Guji halkaan soona rogo qaybta kuhaboon Kambiyuutarkaaga.

Carruurtaatada iyo Khatarta Internet-ka
Ma'Usheegtay Carruurtaada Waxa lagudboon Marka ay Dhex-Mushaaxayaan Internetka. Ma uga digtey khatara ka dhalan kara Internetka.

Guji halkan si aad akhridid qoraarka aad kaaga fajicindoona.

InterNet Lacag La'aan ah
Meeqa lacag bixisaa InterNet-ka. Waxaan jira Internet aan wax lacag ah kaaga baxayn oo intii aad rabtid aad dhex-mushaaxeysid Internetka.

Qiyaas adiga oo mashruuc cilmibaaris kusamaynaya, laakiin Internetkaagu uu xadidan yahay. Waa laga baxay arrintaas, waxaana soobaxay nooc cusub oo Internet ah oo aan wax lacag ah kaaga baxayn.

Waxaa hadaba isweydiin leh, xagee lacagta ka helayaan meelahaas InterNet-ka bilashaka ah bixinaya. Waxaa cad in ay ka helayaan xayaysiiska ay ka iibinayaan dadka wax ku xayaysiisanaya qayb kamida shaashada kambuyuutarkaaga. Waxaadna ogaataa in xayaysiiskaasu uu yahay kan ay lacagta kasamanayaan.

Inta aadan bilaabin isticmaalka Internetka lacagla'aanta ah, waa in aad ogaataa in wadanka iyo magaalada aad kunooshahay ay kamid tahay meelaha Internet-ka lacag la'aanta ah. Waxaad hubisaa in lumbarka looyaqaan (LOCAL) ee meesha aadjoogtid uu kujiro liiska telefoonada ee goobaha bixiya Internetka bilaashaka ah. Haddii kale ogow waxaa laga yaabaa in aad bixisid lacagta telefoonka ka baxsan magaaladaada, (long distance calls).

Sidee u heli kartaa internetkaas, aad ayey u fudu dahay arrintaas. Waana adiga oo booqda midkamida cinwaanadan soo socda.

>> 3Web.com
>> NetZero.com
>> Funcow

Kadooro mid kamida goobaha kor kuxusan, kaddibna raac sida kuqoran bogagooda.

Dirso Telefoon Lacag La'aan ah
Waa hab cusub oo aad kula hadli kartid ehelkaaga iyo asxaabtaada adigoo isticmaalya telefoonka kadiraaya Kambiyuutarkaaga lacagla'aan.

Marka hore hubi in habkasi uu shaqaynayo wadanka aad joogtid, kaddibna raac hab tusaaleedka ay bixinayaan goobahaasi.

Waana kuwan qaybo kamid meelaha aad kadirsan kartid telefoon lacag la'aan ah;

. Internet Phone Numbers
. Free PC-To-Phone Calls
. Unlimited Free Long-Distance Phone Calls USA
. Free PC-To-PC Calls, Anywhere

Fax Lacag La'aan ah
Ehelkaaga oo jooga meel fog makaheshaa Fax. Uma baahnid in aad gadatid "makiinada Fax. Waxa keliya oo aad u baahan tahay in aad samaysatid lambar lacag la'aan ah.

Markaas Fax-yadaada oo dhan waxay kuugu imanayaan emailkaaga. Dooro mid kamida kuwaan hoose oo tijaabi.

. FaxWave Free Fax Numbers
. eFax Free Fax and Voicemail

Cod-Qabte Lacag La'aan ah
Lacag badani makaaga baxdaa "codqabtaha". Marka aad Internetka kujirtid malagayaabaa in uu kudhaafo arrin muhiim ah oo uu kuusheegi lahaa qof kusoo wacay marka uu telefoonkaagu kuxirnaa Internetka.

Xalkii waa lahelay, waana in aad soogashatid kan lacagla'aanta ah. Raac tusaalaynta bogga hoose.
. Free Internet Answering Mechine

Hurda Katoosiye Lacag La'aan ah
Hurdada makudaahdaa. Salaada subax makaa tagtaa adiga oo hirda. Balamaha ma'illowdaa.

Waxaa lahelay hab casri ah oo telefoon kuusoodiraya waqtiga aad ku buuxsatid. Xataa uma baahnid in aad Internet ama Kambiyuutar toona leedahay. Waxaa kuubuuxinaya qof kambuyuutar leh.

Si aad u aragtid arrintaan, booqo bogga hoose.

. MrWakeUp.com

AntiVirus Lacag La'aan ah
Kambiyuutarkaaga ka xafid in uu kudhaco Virus. Kaas oo khariba diiwaanka kujira kambiyuutarka.

Kasoo rogo boggan hoose.

. Free AntiVirus Software

Hab Wanaaga Boggaaga
Tijaabi habka uu u samaysan yahay boggaagu. Adiga oo booqanaya boggan hoose.

. Website Inspector

Allah Is Great
.
Tell a friend about Somalitalk.com
Click here for Free Stuff (English).


Top|Home|Somali|Forum |Search |Contact Us |Feedback

somalitalk.com
Chat |Forum |Opinion |Feedback |Community |Resources |Weekly Wisdom
If You Fail To Plan, You Plan To Fail.
Copyright © 2000 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy.