SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - IBRAHIM MAXAMED DEEQ

Qore: Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya

URL: www.SomaliTalk.com/fahad


SOMALITALK.COM OO HESHAY HAL XIL-DHIBAAN.

IBRAAHIM MAXAMED-DEEQ: SAXAFIGA SIYAASIGA NOQDAY. 


Xildhibaan: Ibraahim Maxamed-deeq

SomaliTalk Editor Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

Shirka mudada dheer Soomaalida uga socday dalka Kenya waxaa ka dhashay in la isku afgartay dhisidda Barlamaan Soomaaliyeed oo ka kooban 275 xubnood. Marka aad sidaas isha u wadamariso waxaa kaaga dhexmuuqanaya kuwii magacooda la kahan jiray ee dalkeennii siduu hadda uyaal ka dhigay, waxaase dhici karta in dadka qaarkiis aysan ishoodu qaban in ay Barlamaanka ku jiraan rag ku hawlanaa badbaadinta dalka oo marka magacooda la soo qaado lagu xusuusanayo waxqabad iyo aqoon. Kuwaas waxaa kamid ah Ibraahim Maxamed-deeq, oo ah saaxiibka aan caawa warqadayda iyo qalinkeyga xafladda sagoontinta ah ugu dhigayo, Ibraahim wuxuu xubin ka noqday Barlamaanka Soomaaliyeed.

Wuxuu ahaa ninka kaliya ee aan aadka ugu farxay markaan arkay isagoo maraya dhaartii rasmiga ahayd, uma aanan hanbalyeyn ee aniga ayaa isu hanbalyeeyey, waxaan hubsaday in nin difaaci doona danaha saxaafadda Soomaalida uu iiga dhex muuqday dad aan isleeyahay qaarkood makala yaqaanaan farqiga u dhaxeeya qalinka iyo qoriga.

Ibraahim Maxamed-deeq waa nin dhalinyaro ah oo sibuuxda uga dhexmuuqday saxaafada Soomaalida, aqoonta uu u leeyahay suugaanta Soomaalida ayaa sabab u noqotay in dad badan oon anigu ku jiro ay wehel ka dhigtaan qoraaladiis, magaciisu wuxuu cirka isku shareeray xiliyadii uu sidii layaabka lahayd uga soo warami jiray shirkii Eldoret, waxaanan ilaawi doonin marka ay akhristayaasha “Somalitalk.com” si kulul noo canaanan jireen goorta aysan ku quraacan warbixinta Ibraahim Maxamed-deeq, taasoo maamulka “Somalitalk.com” ku khasbi jirtay iney Ibraahim weydiistaan gargaar degdeg si ay nooga qancaan saaxiibada xiiseeya “Somalitalk.com”. Faan nagama’ahan haddii aan ku andacoonno in “Somalitalk.com” ay xilligaas ahayd bogga ugu afdheer ee lagala socday wararkii shirkii Eldoret, taasna waxaa sababteeda lahaa hawl-karnimadii Ibraahim.

Sidoo kale Ibraahim wuxuu qori jiray maqaallo iyo faalooyin uu marba xaalad diiradda ku saarayey. Aasaasaha iyo Madaxa Tifaftirka “Somalitalk.com” Ing Maxamed Cali oo Ibraahim qoraaladiisa ka faaloonaya wuxuu yiri (Ibraahim Maxamed deeq waa nin aan hadalka la gaban, xaqiiqadana sheega, waxaa in badan oo baratay ay ka filayaan in uu xaqiiqada mar kasta karun sheego oo uusan runta ka gaban.) wuxuu kaloo Ibraahim xusuusinayaa (In sunadii laga dhaxlay rasuulkeena scw iyo saxaabadiisii suubanayd iyo taabiciyiintii ay  ahayd in qofka marka uu mansab gaaro ama maqaam ka gaaro mujtamaca in uu xoogiisa oo dhan u hibeeyo sidii uu ugu caddaalad fali lahaa mujtamacaas, haddaba Ibraahim Maxameddeeq iyo ragga dhallinta yar ee loo dhaariyey xildhibaanimada waa in ay si weyn ugu baraarugaan mas'uuliyada ay xambaareen, waana inay xusuusnaadaan in xeerka ama sharciga ay wax ka ansixiyaan haddii uu yahay sharci ku gafaya ama ka hor imanaya nidaamka Allah dunida u soo dijiyey, in maalin aysan awoodda qalinka iyo awoodda codaynta toona lahayn uu Allah miisaankiisa kula xisaabtami doono).

Waxaa dhici kartay in anigu aanan ku waafaqi jirin Ibraahim aragtiyadiisa qaarkeed, hadana si xiise leh ayaan uwada akhrin jiray faaladiisa. Ibraahim waa nin bashaash ah oo aadan agtiisa ku qalooneyn, wuxuuna jecelyahay inuu uruuriya Taariikhda Suugaanta Soomaalida.

Xafladdii dhaarinta goortii banaanka looga soo baxay ayey “Somalitalk.com” noqotay ciddii ugu horeysay ee waraysi kaqaada Xildhibaan Ibraahim Maxamed-deeq waxaana weydiiyey ugu horeyn. 

Somalitalk.com: Maadama aad kamid noqotay Barlamaanka Soomalaiya maxaad dareemaysaa?

Ibraahim: Farxadda ay Soomaalidu dareemayso ayaan dareemayaa, maanta waxaa la’aqoosaday Barlamaanka Soomaliya, waana dhici kartaa inaan farxad gaar ah aan dareemayo maadama aan kamidnoqday Barmalaanka.

Somalitalk.com: Waxad ahayd saxafi, dad badanna wey kugu xisaab-tamayaan, ma’umalayneysaa inaad barlamaanka gudihiisa aad ka difaaci doonto danaha saxaafada iyo suxufiintaba?

Ibraahim: Saaxiib dalkeennii wax walba waa ka maqanyihiin, saxaafadana meelaha burubursan ayey kamid tahay, waana difaaci doona, waana u doodi doonaa danaha saxaafada, waayo wali xubin saxafiyiinta kamid ah ayaan ahay.

Somalitalk.com: Maxay tahay fariinta aad u dhiibeyso akhristayaashaadii marka aad wariyaha ahayd?

Ibraahim: Dhamaantood waan salaamayaa, waxaana ugu bishaareynayaa in maanta barlamaan Somaaliyeed uu dhismay, horayna loo sii socon doono, marka intaas wax kaqiima badan oon usheegi lahaa majirto.

Somalitalk.com: Akhritayaashaadii masagoo-tineysaa haddeer, mise qormooyin kale ayaad usoo diri doontaa?

Ibraahim: Qoraaladu aniga hiwaayad ayey ii tahay, waana wadayaa oo maqaallo waan soo diri doonaa, laakiin ma filayo inaan mardanbe warar soo diri doono.

Waraysigaas kooban ayaan si boobsiis ah uga qaaday isagoo ka soo baxaya xaruntii qaramada midoobay ee Nairobi. Sida kamuuqatay jawaabihiisa goor danbe masoo qori doono wax war ah, waliba markii uu hadalkaas ilahaa wuu qoslayey, maxaa yeelay xubin barlaaman isagoo ah suuragal ma’ahan inuu warar soo diro, laakiin sida uu balanqaadayba maqaallo iyo buugaagba wuu qori doonaa. 

Saxafiyiinta Soomaalida wey ku farxeen iney arkeen saaxiibkood oo siyaasada galay, qaarkoodna waxay walwal ka muujiyeen in maanta aysan ahayn maalintii uu saxafigu siyaasada dhexgali lahaa, iyagoo leh dadka maanta hormuudka u aha Siyaasada Soomaalida ma’ahan kuwa wax lalaqaybsan karo. Dadkaas waxaa kamid ah Saxafiyadda Canab Mumtaaz oo tiri (waxay igu noqotay yaab markaan arkay isagoo laga hor yeerinayo magaciisa madasha dhaarta, waa muwaadin Soomaaliyeed xaqna u leh inuu galo siyaasada, balse waxaan ka jeclaan lahaa inuu ummadiisa ugu adeego qalinka. inta uu ku dhex jiri lahaa siyaasadda maanta ee Soomaaliya, ee aan aqoon yahan, culumo iyo siyaasi midna lahayn, ee danta hal meel uun ka tustay oo ah in ummaddan la marin habaabiyo,) waxayna kula dardaarantahay (inuu la safto shacabka sidii uu qalinka ugula safnaa markuu saxafiga ahaa).

Faysal Saleebaan oo kamid ah Suxufiyiinta Soomaalida,muddo dheerna saaxiib gaar ah la’ahaa Ibraahim Maxamed-deeq ayaa muujiyey sida uu ugu riyaaqsan-yahay in Wariye Ibraahim uu xubin ka noqdo Barlamaanka Soomaaliyeed, wuxuuna yiri, anoo kaashanaya aqoonta dheer ee aan u leeyahay Ibraahim waxaan filayaa inuu noqon doono buundada isku xirta Saxaafada iyo Siyaasiyiinta. Mana filayo ayuu yiri in Ibraahim uu dib-danbe ugu soo laaban doono Saxaafada sida ay yeeleen Wariya-yaasha Maraykanka qaarkood, maxaa yeelay wuxuu ahaa nin leh han Siyaasadeed.

Maxamed Xaaji Ingiriis oo arintaas ra’yigiisa ka dhibanayana wuxuu yiri. (Soo gelitaanka Baarlamaanka ee Ibraahim Maxamed-Deeq waa fursad naadir ah). Ridwaan Xaaji C/Wali oon wax ka weydiiyey sida uu u arko saxafiga Siyaasada galay ayaa yiri hadalkan. (Waxaa farxad ii ah in aan la qaybsado walaalaha saxaafadda Soomaaliyeed soo dhowaynta ay soo dhoweeyeen walaalkeen Ibraahim Maxamed Deeq oo kamid ah Suxufiyiinta wax qorta kana mid ah Xildhibaanada Kumeel gaarka ee Soomaaliya.  Ibraahim Runtii waa saaxiib wanaagsan oo in badan aan kuwada noolayn magaaladda Nairobi iyo madasha shirka Soomaalida ee Mbagathi mudadii 18ka Bilood ee aan halkaasi ku sugnaa , waxaanan kula dar daarmi lahaa Ibraahim in halkaas uu ka sii wado dadaalkiisa dhinac walbaba. gaar ahaan nabadda soomaaliya.)  

Waxaan urajayneynaa saaxiibkeen Ibraahim Maxamed-deeq inuusan Siyaasada ku ilaawin saxaafadda ee uu ku daydo qoraaga weyn ee Reer Masar Maxamed Xasaneyn Haykal, oo isaga Siyaasada margalay kadibna dib ugu soo laabtay saxaafadda isagoo xog badan wata.

Waxaana ku gunaanadayaa maqaalkan dardaaran uu Ing Maxamed Cali siinayo saaxiibkiis Ibraahim wuxuuna yiri. (Qodobka aad loogu tilmaamo mas'uuliyiinta Soomaaliyeed waa in aysan waxba qorin, arintaas oo dib u dhac weyn ku noqon karta horumaraka shacabka,  waxaad moodaa mas'uuliyiinta Soomaalidu in ay isticmaalaan maahmaahda ah "Mas'uul la noqdaa qalin la dhigaa', hadaba Ibraahim Maxamed deeq iyo ragga lamidka ah ee qorashaasha ah waxaa la gudboon in ay fikradaas bedelaan - Waa in Soomaalidu ku baraarugaan in ay soo bexeen 'mas'uuliyiin cusub oo qalin wata', qofkana lagula xisaabtamayo wax qabadkiisa 

Waxaa isku soo dubaridey:
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | September 13, 2004


Bahda saxaafada Sweden u hambalyeyneysa Ibraahim Maxamed-deeq
 
Kolka laga faalloonayo ruux siyaasi ah, amaba ku soo biiray siyaasadda waxaa lagamaar maan ah in ruuxaasi sifahiisa gaarka ah, wax qabadkiisa iyo kartidiisa laxuso, taasoo keeneysa in bulshada uu siyaasigaasi kasoo jeedo ku kalsoonadaan una ogolaadaan haddiiba waqtigu u saamaxo inuu noqodo hogaamiye dal. Waxaana ay markaasi siyaasiga siineysaa fursad wax ku ool ah uu dadkiisa wax ugu qaban karo. Hadaba inkastoo aniga Ikraam ahaan suxifigan aqoon badan u laheyn, waxaanse hubaa oo keliya inuu ahaa saaxiib aynu isku col ahayn. Bulshadana ay taqiinay. Marag madoontana waxaa u ah ummadda uu qalinkiisa wax ugu sheegayey isagoo xaqiiqda ka soo warami jiray.

Ibraahim Maxamed-deeq waxa uu ahaa  weriyaha keliya ee naga haqaba tiri jiray baahidii loo qabay helista wararka ku saabsan Soomaalida shirka Kenya uga socday.

Malaha haddii Ibraahim Maxamed-dee heli lahaa telefeyshin soomaaliyeed oo caalami ah waxa uu joogi lahaa booskii Raage Omar iyo Christian Ambaber oo labaduba ahaa suxufiyiin ay dad badan indhahooda soo jiiteen.'

Farxad waxaa u ah bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan bahda warfaafinta inuu noqday weriyihii keliya ee xaqiijiyey hadafkiisii uu ku doonayey inuu noqdo siyaasi. Waxaan hadaba taasi kaleeyahay "Maxamed- deeqow" waxaad wadada u furtay dhalin badan oo saxaafada ehel la'ahaa, una hamuun qabay iney siyaasi noqodaan, waxaan filayaa inaad u ahaan doonto nin ay kaga daydaan wanaaga iyo soomaali jaceylnimada. Hadey taasi timaado waxaa la helayaa jiil caafimaad qaba oo wax ka badbaadin karra Qaranka Soomaaliyeed ee loolanka loogu jiro siddii loo cirib tirri lahaa!"Intii aan oran lahaa waxaa igaga hormaray ragga aan isku meheradda nahay oo uu kamid yahay "Fahad Yaasin Xaaji Daahir" waxaanse Ikraam ahaan anigoo ku hadlaya magaceyga iyo bahda saxaafada ka howlgasha dalkan Sweden u hambalyeynaa walaalkeen Ibraahim Maxamed-deeq oo gaaray hadafkiisii uu ku hamiyi jiray. Ogow inaad noo tahay xubin muhiim ah oo aan ku leenahay Baarlamaanka Soomaaliyeed iyo guud ahaan dowlada la filayo iney halkaasi ka dhalato. Waxaan kugula dar daarmayaa inaadan u ogolaan wixii ku tumanaya saxaafada soomaaliyeed ee aad u ahaato ninka u maqan dhowrista magaca ay xambaarsan tahay, marba hadaaney jiray meesha dowlad iyo nidaam ka hortaga dhibaatada loo geysto bahda ehelka u ah saxaafadda!

Ikraam Cali-kaar
ikraam_k@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 14, 2004

URL: www.SomaliTalk.com/fahad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

KHATARTA INTERNETKA:
© www.SomaliTalk.com
Allah Is Great
 
 



HTML CD