SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAHAD


WARAYSI MADAXWEYNAHA JABUUTI: DOWLADAHA SHISHEEYE FARAHA HAKALA BAXAAN ARIMAHA SOOMAALIDA.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com

:::WARAYSIGII FAHAD:::

 Agoosto 11, 2005


Waraysigan oo dhinacyo badan taabanayan waxaa la qaaday kadib markii la iclaamiyey natiijadii doorashada ee dalka Jabuuti.


Ismaaciil Cumar Geelle & Fahad Yaasiin | Jabuuti

Somalitalk: Axsaabtii Mucaaradka waxay sheegeen iney shuruudo ku xireen doorashada si’ay uga qayb-galaan tartanka, adinkuse aad diideen shuruudahaas. Hadaba sidee ayaad hada kadib ula macaamali doontaa?

Geelle: Runtii, markii horeba wax la fahmi karo ma’aysan keenin, waana ka xumahay iney hadana shuruudahaas wali  sheegayaan. Wixii hada ka danbeeyana waxaan ula macaamalayaa sida aan dalka oo dhan ula dhaqmo, waxaan jecelahay in wixii horumarka dalka ah aan iska kaashanno, aanna ilowno wixii horay u dhacay oo dhan.

Somalitalk: Jabuuti waxaa ku sugan ciidamo caalami ah oo sheegaya iney ilaalinayaan isu socodka waxa loogu yeero argagixisada, hadaba ma jiraan dhaq-dhaqaaq la taaban-karo oo ay arkeen?

Geelle: Arintaas waa mid u gaar ah hay’adaha ay khusayso, munaasbna ma’ahan inaan warbaahinta galino.

Somalitalk: Kaalma intee le’eg ayaad ka sugaysaa dalalka Carabta, maadaam aad galayso xili cusub oo lixsano ah?

Geelle: Carabtu waa dad aanu waalalo nahay, mana kala maaranno, waxaana rajaynayaa iney wax weyn u tari karaan umadda Jabuuti.

Somalitalk: Intee le’egyahay xiriirka aad la leedahay dowladda Itoobiya?

Geelle: Aad buu u fiicanyahay, waan wada shaqaynaa, jaar-baan nahay, waa isku xiranahay, oo miinaagoodii baan nahay, dadkeenuna wuu is dhex-socdaa habeen iyo maalin. Marwalba dhanka nabada iyo wax wada qabsiga ayaanu ka shaqaynaa.

Somalitalk: Arimaha Soomaalida aragti midaysan miyaad ka leedihiin mise khilaaf ayaa jira?

Geelle: Intii Nairobi la joogay waxayba wax ku suuragaleen markii aan meel iska dhignay wixii anaga noo dhaxeeyey, ee aan arinta Soomaaliya ku midownay ayey wax waliba suuragaleen.

Somalitalk: Lixsano oo danbe ayaad dalka Jabuuti Madaxweyne usii’ahaan-doontaa, maxaa ugu muhumsan ee aad shacabka Soomaaliyeed u qaban-doontaa?

Geelle: Wallaahi umada Soomaaliyeed iney dowladeedii soo ceshato ayaan qalbiga ka doonaynaa, dadka R/Jabuutina sidaas ayey heegan u yihiin, ilaa iyo carta lama kala furin geedigii.

Waxaan jecelnahay dadka Soomaaliyeed, gaar-ahaan inta madaxda u ah ee la doortay iney iska dhigaan arimaha shakhsiga ah, iska dhigaan qabyaalada, ayna arkaan waxa uu u baahan-yahay wadanku, wuxuu maanta wadanku u baahan-yahay nin naftiisa u hibeeya oo u hura, wuxuu u baahanyahay nin walaalkiis iyo islaan-tiisa ka taga, dalku wuxuu u baahanyahay nin usoo baxa. Madax cayn-kaas ah haddii la helayo anagu diyaar baanu u nahay inaan isgarab-taagno oon lashaqayno, sidii aan isugu soo dhawayn karnana inaan isugu soo dhawayno.

Dadka Dowladaha shisheeye ee arinka Soomaalida soo galayana inaan ku niraahno udaayo Soomaalida arimahooda, iyaga ayaa danahooda yaqaanee.

Marbaan is niraahdaa armaa danbi nalaga jafayaa, laakiin waxaan leenahay Ilaahayoow intaas nagu filanee naga khafiifi, oo dadkan isu soo dhaweey.

Somalitalk: Qaar badan oo aqoon-yahan ah ayaa waxay rumaysan-yihiin kolkii aad iskudaygii Carta samayseen ee uu misana fashilmay in Madaxweynaha Jabuuti iyo shacabka Jabuutiba ay ku keentay iney ka niyad-jabaan xaalka Soomaalida. Taas maxaa ka jira?

Geelle: Hadduu niyad jab nagu dhacay laba sanadood ma’anan fadhineen Nairobi, oo Safaarad aan bari hore xirnay dib uguma aynan furneyn arinta Soomaalida aawadeed. Waxaan Nairobi dhignay wakiilkii Soomaaliya, ilaa iyo hadda waa uu joogaa. Haddii aan niyad jabnay mar hore ayaan iska soo laabmi lahayn, oo faraha ayaan ka qaadi-lahayn, niyad jab naga dheer, inta aan noolnahay waxaan jecelnahay inaan sara-joogno, wax kale oo aan ku filanahay garan-meyno haddii aynan walaalahayo is-garab-taagin.

Somalitalk: Saad ogtahay Barlamaanku wuxuu dhawaan soo saaray go’aan lagu diidayo wadamada safka hore, hadaba dowladda Jabuuti go’aankaas siday u aragtaa?

Geelle: Dowladda Soomaaliya ee la doortay Madaxweynaheeda ayaa dalbaday. Barlamankiina gadaal ayuu kadiiday hadana ka ogolaaday, oo waxay yiraahdeen waan doonaynaa ciidan, laakiin qaar kamid ah ayaan diidaynaa.

Talada waxaa iskaleh umadda Soomaaliyeed, waxaase lagama-maar-maan ah, haddii tan la diido in fikrad badiil ah lakeeno, dalku miyuu u baahanyahay nabad? Dalku miyuu u baahanyahay inuu dhismo? Dalku miyuu u baahanyahay in hubka oodhan la’iska dhigo?

Markaad eegto Muzanbiig, eed eegto Laybeeriya, eed eegto Angola. Saaxad dhan inta lasoo tubay wixii hub ahaa ayaa lagubay, Malaga helayaa hadaba Soomaali sidaas?

Dawladii lasameeyey say dooni hanoqoto, cidday dooni ha’ubadnaato, dadka ninkii nabad galin-karo unbaa dowlad dhisi kara, marka nabad mala keenayaa? Waxaa la yiri dadka hubka halaga guro, masoconeyso ayey dhaheen. Waxaan niri ciidankii hore ee Soomaaliya hala’abaabulo oo isagii hala soo bixiyo, maya ayaa la yiri, wax kalana lama keenayo.

Dowladdii Maraykankana waxay tiri: Cid ciidan geyneyso majirto. Maxay iyadu u diidaysaa? Waxay taagantahay wixii Soomaaliya 92 kii ka dhacay, kolka askari shisheeya ah oo yimaada oo qori sitaa waa mamnuuc bay yiraahdeen. Maxaa lagu badalayaa marka? Cid badiil keeneysa ma’aragtay? Waanu ka xunahay arintaas.

Somalitalk: Maxaa fariin ah oo aad faraysaa Shacabka Soomaaliyeed?

Geelle: Shacaka Soomaaliyeed dhibaato badan inuu ku jiro waan ognahay, sumuud ayuuna ku jiraa. Waxaan jecelnahay inaan tusno sida aan u garab-taaganahay. Dadka Soomaaliyeed ee dibadda u baxayna waxaan leeyahay, dalkoodii yaanay iloobin, dhaqaalahana intaa ay soo diraan ayaa lagu nool-yahayee hasii adkeeyaan ayaan leenahay.   

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
 



HTML CD