SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka C/laahi Yuusuf oo wafti Balaadhan Oo Uu Horkacayo Madaxweyne Bush Ku Soo Dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Qore Assad Caddaani Ibraahim.

Laascaanood Puntland Soomaliya

assadlaska@yahoo.com

abdullahi Yusuf
C/LAAHI YUUSUF AXMED , MDFKMG

Waxaan Todobaadyadii ugu danbeeyey daalacday maqaalo is daba joog ah oo uu sxb-kay Fahad Yaasiisn Xaaji Daahir  , maqaaladaas oo u badnaa kuwo uu Fahad isku dayeyo in uu tilmaamo in uu muujiyo dhacdooyinku sida ay ula muuqdaan , isaga oo marna madaxweynihii Hore ee Soomaaliya alla hawnaxariistee  Siyaad Barre ku halqabsanaya, Khudbad aad u macaana u diyaariyey Madaxweyne C/laahi Yuusuf. 

Ayaa waxa aan hadaba dareen ahaan qabaa in arrimihii uu Fahad Ka Soo hadlay aad moodi in ay la mid tahay.   

Halkani waa Radiomuqdisho. 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo Raysalwasaare Cali Maxmed Geedi, iyo golihiiso oo dhan ayaa maanta ku soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho Wafti balaadhan oo oo ka socda dalka Maraykanka. 

Wufuudan oo uu ugu soo horeeyey madaxweynaha dalka Maraykanka Bush ayaa waxa ay isaga iyo madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed Salaan sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida, waxaana loo riday 21 madfac waxaana wajiyadooda ku muuqday farxad iyo rayn rayn. 

Madaxweynaha dalka Maraykan oo ay wehelyaan wafti balaadhan oo ka kooban wasiiraka arrimaha dibada, wasiirka gaashaan dhiga , iyo la taliyaha madaxweynaha maraykan dhina nabad galyada qaranka , ayaa waxa ay gacan qaadeen madaxda sare ee dawlda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Raysal wasaare Cali maxamed Geedi, iyo golihiisa wasaaradadaha. 

Salaanta ka dib ayaa waxa madaxweynaha maraykanka hore u sii galbiyey madaxweynaha jamahuuriyada Fedreaalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed., iyada oo lagu galbiyey gawaadhi aad u qurux badan. 

Dadweyne aad u tirobadan ayaa waxa ay tubnaayeen wada dooyinka u dhaxeeya Garoonka iyo Xarunta madaxtooyada Villa Somalia,  iyaga oo caleemo qoyan iyo labada Calan ee Soomalaiya Iyo Dalka Maraykan ka Ruxaya,halkaas oo lagu dajiyey waftida uu hogaaminayo madaxweynaha maraykanka oo booqasho rasmiya oo qaadan doonta Toban maalmood ku joogi doona dalka Soomaaliya. 

Madaxweynaha Maraykan ayaa intii uu jidka ku soo jiray waxa uu aad ula dhacay bilic iyo quruxda ka muuqata magaalada Muqdisho, isaga oo aad u waraystay dhirta faraha badan ee ay magaaladu lee dahay iyo daaraha u eg dhismayaasha magaalooyinka Yurub ee quruxda badan. 

Waxa kale oo uu madaxweyne Bush aad ula yaabay sida wanaagsan ee ay gaadiidku u dhexmushaaxayaan wadooyinka  magaalada Muqdisho, iyada oo aanay waxaa dhibaato ahi jirin, wadooyinka balaadhnaantooda ayuu madaxweyne C/laahi kula kaftamay , wadooyinka sidan oo kala ah annagu ma lihine idinku waad naga nasiib badan tihiin, madaxweyne C/laahi ayaa ugu jawaabay dadal dheer iyo karti iyo dulqaad ayaanu waxaad arkaysid madaxweyne Bush ku samaynayn. 

Qado sharaf loogu sameeyey madaxweynaha  maraykan qasriga madaxtooyada ayaa waxa halkaasi weedho isku dhaafsaday labada madaxweyne, madaxweyne Bush ayaa sheegay in xidhiidhka wanaagsan ee labada dal u dhexeeya uu jecel yahay in la sii xoojiyo, iyada oo dhinaca dhaqaalaha laga marauyo, wuxuuna madaxweynaha Maraykanku sheegay in ay Soomalaiya ka qaadan doonaan xoolaha Nool, iyo badeecadaha kale, si ayuu yidhi ganacsatada laba dhinaca uga faa’iideysto. 

Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa isaguna kulankan waxa uu ku dheeraada xidhiidh u dhaxeeya labada dal si sidii loo sii xoojin lahaa , wuxuna balan qaaday in dhinacooda ay xoojin doonaan , mar uu madaxweyne C/laahi Yuusuf ka hadlayey Ladagaalanka Argagixisa waxa uu sheegay in ay Soomaaliya Talaabo wax ku ool ah qaaday , manta ay san jirin goobo looga shakiyaa dhaqdhaqaaq argagixiso oo gudaha Soomalaiya ah. 

Intaasi ka dib ayey labada Madaxweyne u dhaqaaqeen dhinaca masrax qaranka halkaas oo ay ku daawadeen bandhig faneed ay isku soo duba rideen hobolada waabari , waxaana halkaas ay ku soo bandhigeen wacdaro, iyada oo ay aad u cajabiyeen heesihii halkaas lagu soo bandhigay madaxweyne Bush oo aad ka dareemaysay in uuba la qabsanyo mucikada dananaysa. 

Madaxweynaha Maraykanka iyo waftiga uu hogaaminayo waxaa lagu wadaa in ay booqdaan goobo badan oo uu maraykanku mashaariic ka fulinayo Gobolada Soomaaliya, waxaana lagu wada in uu ugu horeeyo magaalada Hargeysa oo dawlada Maraykanku ka hirgalisay warshad weyn oo ku shaqayn doonta yuraanimaymka la khafiifiyey , warshadan oo Soomalaiya oo dhan awooda korantada siin doonta, wada geeska afrikana mustaqbalka dhow laysku xidhi doono dhinaca awooda korontada. 

Waxa kale oo uu Booqan doonaa Bush wadad isku xidha Kismaayo iyo Muqdisho oo uu dib u dhis ku samaynayo maraykanku. 

Dhagaystayaal intaas waxaan ku soo gabagabynaynaa Barnaamijkii Gaarka ahaa ee aynu ku qaadaa dhigaynayn Booqashii uu Madaxweynaha Maraykanku ku yimi Dalka Soomaaliya, Tan iyo kulanti Danboo xiisa leh waxaanu idinkaga tageynaa sidaas iyo Nabad galyo . 

Halkani Waa Radiomuqdisho 

Intaasiba dhab uma dhicine waa qayb ka mid ah Riyo layaableh.  

Qore Assad Caddaani Ibraahim.
Laascaanood Puntland Soomaliya
assadlaska@yahoo.com


Halkan ka akrhi Maqaalkii Khudbadii Madaxweynaha


SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | July 29, 2005



URL: www.SomaliTalk.com/fahad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
 



HTML CD