SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAHAD


Muxuu Abwaan Abshir Bacadle ka yiri Maqaalkii Khudbaddii Madaxweynaha

abdullahi Yusuf
C/LAAHI YUUSUF AXMED , MDFKMG

Abshir Bacadle oo ka mid ah waxgaradka iyo Abwaanada Soomaaliyeed ayaa markii uu aqriyay qormadii halku dhiggeedu ahaa Khudbaddii Madaxweynaha ayuu nala soo xiriiray si uu uga dhiibto aragtidiisa, wuxuuna yiri.

“dhab ahaantii saaxiibkayga Fahad waa qoraa aan runtii oran karo ma aha nin caadi ah oo qof kasta oo Soomaali ah wixii niyadda ku haysa ay jecleyd inuu ku hadlo C/llaahi Yuusuf ayuu soo qoray, waana nin wixii uu odoroso inta badan ay soo baxaan”.

Hadaan ka hadlo khudbaddii madaxweynaha markii aan aqriska ku bilaabay oo weliba aan meel dhexe marayo ayaan markiiba go’aansaday in aan ka mid noqdo dadka madaxweynaha la shaqaynayo oo qolo kasta oo ka soo horjeeda aan aniguna ka soo horjeesto, waxaa ii soo baxday inay habboontahay in Soomaalidu ay cafis ka dalbaan Madaxweynaha oo ay yiraahdaan mar haddii aad soo tanaasushay annagana waan tanaasulnay, waxaa ii soo baxday in dadkii dowlad diidka ahaa aysan heli doonin geed dambe oo ay ku gambadaan, waxaa igu soo dhacday in Soomaali Qabyaalad ka faani doonto mar haddii C/llaahi Yuusuf Qabyaalad diiday.

Waxaa igu soo dhacday in Isbaarada si sahal ah loo qaadi doono maxaa yeelay shakigii jiray oo ahaa in C/llaahi Yuusuf uu soo duulayo ayaa meesha ka baxday, markaa waxaa ii soo baxday ragii ku fekerayay ha iska kala dirin mooryaanta waad u baahan tahaye ay u muuqatay in cabsi dagaal uu dhamaaday sidaasna ay isbaaradii ku qaadeen ,

Intii aan akhrinayay khudbadii Madaxweynaha waxaan galay jawi farxadeed waxaana ii sawirmay in caqabao badan oo nagu hor gudban ay meesha markiiba ka baxeen (waa intii aan akhrinayay khudbaddii Madaxweynaha oo aan weli gaarin gunaanadkii)

balse markii aan gaaray gabagabadii maqaalka ayaa waxaa ii soo baxday in xaalku sidaan mooday aysan ahayn, mana rajo dhiginee waxaa ii sawirmay mar kale in la heli doono dad badan oo C/llaahi Yuusuf ku dhiirigelin doono in uu   taladaan qaato, iyagoo u sawi doona sida dadkii akhristay dhamaantood  ay ugu farxeen, taasoo shalay keentay in wargayska ayaamaha la waayo laguna kala iibsado ilaa 5 kun oo shillin, haddii uu talaabadaa qaatana wuxuu nooqn doono sidii  Anwar Saadaadkii mar qura Tal’abiib ka dagay iyadoo Carab iyo Israa’ill ay is neceb yihiin)

Muqdisho, Soomaaliya

Halkan ka akrhi Maqaalkii Khudbadii Madaxweynaha

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
 



HTML CD