SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

JAWAAB: KHUDBADDA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA...



abdullahi Yusuf
C/LAAHI YUUSUF AXMED , MDFKMG

DAREENKA KHUDBADDA MADAXWEYNAHA 

Saacaddu waxay ahayd 7:14 ee subaxnimo, waxaanan si caadi ah u bilaabay shaqo maalmeedkaygii joogtada ahaa, waxaan soo dul fadhiistay Computerka xafiiskayga yaalay markaas ayaan sidii caadada aan u lahaa waxaan bilaabay inaan daalacdo bogagga internetka si aan u ogaado wixii aduunyada ku soo kordhay xalay intii aan gogosha la hardamayay.

Sida aan caadada u leeyahay waxaan furay Al-Jazeera.net oo ah bogga aan subax walba ka helo wararka diiran ee dunida , aniga oo boggaas garabkiisa ka furay sidii caadiga ii ahayd Somalitalk.com si aan u doonto Waayaha Waddanka Somaliyeed ka socda, waxaa ilbidhiqsiyo hor furmay Aljazeera.net, waxaan indhaha ku kala furay qaraxyo xiriir ah oo ka dhacay Sharm-Al-Sheikh, aniga oo aad ugu xiiso qaba inaan warkaas khariyo ayaa waxaa si kedis ah markiiba iigu furmay Somalitalk.com, waxaan u holaday inaan iska laabo si aan uga dhargo warka Dalka masar xalay ka soo kordhay, hase yeeshee waxaan isha si lama filaan ah ugu dhuftay Maqaalka Joogtada ah ee uu Qoro Suxufiga Da’da Yar ee FAHAD YASIN, aniga oo milicsaday Cinwaanka maqaalka oo ahaa KHUDBADDA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA, gacanta oo aanan anigu laxdadaas xukunkeeda haynin ayaan markiiba arkay iyada oo GUJI la boobaysa Walida (Mouse), si ay u furato khudbadda madaxweyaha, Wararkii xiisaha iyo raadreebka lahaa ee Masar waxay markiiba ka huleeleen dareenka naftayda, waxaan isla markiiba bilaabay inaan isha la raaco khudabaddan aan caadiga ahayn ee uu madaxweynuhu maanta u jeediyey shacabka, markii aan waxoogaa wado akhrinta khudbadan ayaan si lama filaan ah u xasuustay Khudbadii uu Dr C/Qaasim Salaad ka jeediyay Carta 28/08/2000, khudbaddaas oo qof kasta oo Soomaaliyeed galisay ididiilo iyo kalsooni Dawladnimo, khudbaddaas oo taabanaysay dareenka iyo caadifadda qofka Somaliyeed.

Khudbaddan oo iyaduna isla goobtaas taabanaysay qofka Soomaaliga ah, khudbaddii ayaan sii dhadhansaday oo ka dhargi waayay, Waagan Cusub ee u baryay Madaxweyne C/lahi Yusuf Axmed ayaa noqday mid igu wayn oo aan qaadan kari waayay, waxaana I gashay ididiilo hor leh, iyo Rajo aanan muddo badan ku hamiyin. 

{6- Waxaan Itoobiya ugu baaqayaa wixii hadda kadanbeeya iney ku ekaato xirirka wanaagsan ee dari-wanaaga iyo saaxiib-tinimada ku dhisan. Mana aqbali doono iney mardabne arrimaha Soomaalida soo fara-galiso si toos ah iyo si dadbanba. Haddeer oo aan khudbaddan wado, waxaan ka dalbanayaa maamulka Adis-Ababa inay dalkeenna kala baxaan wixii askar ah oo si sharci-darrada ah ugu jira dalkeenna hooyo. }  Waxaa gebi ahaanba qariyey oogada Jidhkayga Jidhiidhico, madaxa qaybtiisa sare ayaan culays xad-dhaaf ah ka dareemay aniga oo mooday inaan madaxa ku sito KOOFIYAD-da birta ah ee Millitary-gu qaataan jidhiidhico awgeed.

Waxaan markiiba niyadda geliyey inay Soomaali Gacmaha is qabsatay isla markaana dhinac looga soo wada jeestay dawlad la’aanta ina ragaadisay iyo cadawga aan nolosha inaan dhadhamino ogolayn marnaba.

Waxaan markiiba dareemay inaan ka guulaysan karno dib u dhaca iyo cadawga labadaba, markaasaan maskaxda ka raadiyay toloow yaa u hadhay ee cadawgu maanta idiin soo adeegsan doonaa, markaasaan ogaaday inay Somali dhinac wada martay, axmaarona cid u hadhay oo ay nagu shaabuugaysaa aanu hadhin mar hadii Madaxweyne C/laahi Yusuf Axmed Calanka iyo Ciidda uu soo noqday, dareemayna muwaadinimo iyo sharaf Soomaali oo dhami ay huwinayso.

Waxaan markiiba sawirtay Dawlad, Ciidan, Police, Wasaarado, Tacliin, Wadooyin, Safaarado, Shaqooyin, iyo wax walba oo maanta sida gabalka nooga dhacay.

 waxaan ku sigtay inaan ilmeeyo markaasaan joojiyay akhrintii ayada oo ay maskaxdaydu u shaqaynayso si aan caadi ahayn, waxaan bilaabay inaan bogga ii furan hadba dhinac u jiido oo waxoogay nafta ku yara dejiyo, hase yeeshee waxay ishaydu qabatay { Khudbaddan macaanka badan ma’ahan mid uu wali akhriyey Madaxweynaha Soomaaliya. Ee waa mid aan usii diyaarinay Hogaamiyaha Soomaaliya. Waxaan rajaynayaa in uu umadda u akhrin doono. Aan wada sugno dhawaan in uu Madaxweynuhu akhriyo khudbadaas qiimaha badan.}

waxay xaraaradda jidhkaygu ilbidhiqsiyo gudaheed ka soo noqotay min 100 ilaa 0 digrii, waan kacay markaasaan fadhiistay, markaasaan ogaaday inaan aniguba ilayn RIYO ku jiray oo aanay wali rumoobin, waan qoslay markaasay ilmo iga soo dareertay, laakiin maaha mid dareenkii hore xambaarsan, waan qosol gariiray, markaasaan idhi “Ducaysane FAHAD YAROOW, Dareenka Naftayda iyo, Dulmane Shacabkaygan baad, diiftii uu dhaaxa qabay, markuu yara daa yidhaa, Damqaayoow uga dartaa” 

Maxamed Maax Maxamuud
mmaax31@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 24, 2005

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
 



HTML CD