Dhiiranaanta Fahad, iyo Saxaafada
Curdinka ah ee Soomaalida
Asad Caddaani Ibraahim
Laascaanood . Puntland
Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya
assadlaska@yahoo.com
Waxaynu la soconaa intii
warbaahintu ka hanaqaaday dalka soomaliya guud ahaan gaar ahaana
soomaalida dibada ku dhaqan oo ay aad uga faa’iideysteen qalabka
casriga ah ee bulshooyinkii aduunka ka dhigtay in ay ku sugan
yihiin tuulo yar oo la yidhaahdo Internet, taas oo uu qofku iska
dhexmushaaxo, hadba wuxuu raba uu ka raadsado, wax faa’iido leh
iyo wax uu ku indha daalo, maqal iyo muuqaalba.
Waxaana aad uga faa’iideysteen
Qalabka casriga ah ee Internetka Soomaalida dalka dibadiisa ku
nool iyo kuwa gudaha oo si fudud isugu dhaafsada xogaha, waayo
maanta hadii aad maqaal ku qortid web ka mid ah webebka
Soomaalida waxaa laga yaabaa qofka Laascaanood Jooga iyo kan
London Joogaa in ay isku hal mar wada Akhristaan.
Waxaan hadaba qormadaydan
doonayaa in aan maanta kaga hadlo Dhiiranaanta Suxufiga da’da
yare ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo isagu ah maanta
suxufiyiinta ugu Caansan sufuyiinta Soomaalida, Fahad Yaasiin
Xaaji Daahir waxa uu had iyo jeer qoraalo ka qoraa arrimo u
baahan in ay dadka wax ka ogaadeen hasa yeeshee dadka qaarkood u
haystaan lama taabtaan , oo ay u arkaan in uu daahsaaran yahay
loona baahnayn in laga qaado.
Waxaynuna manta ku jirnaa casri
xogtu ay aad u sahlan tahay in uu qofku helo, xidhiidhka degdega
awgii.
Waxa uu fahad dhawr jeer
qoraalo ka qoray sidaan hore u soo sheegnay arrimo ay
bulshadeena Soomaaliyeed ay aad ugu ooman tahay in ay wax ka
ogaadaan, aniga oo waliba qaba in aanu Fahad soo wada bandhigin
xogaha uu hayo ee ku kaydsan maskaxdiida iyo buugaagtiisa ee uu
waxoogaa ka taa taabto, waxaa ka mid ahaa arrimaha uu Fahad
aadka uga hadlay Ururka Al-Itixaad Al-Islaami
oo ah urur raad
weyn ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed, taas oo dadyowga wax
qoraa ee aan sida soomaalida ahayn hadii uu dalalkooda ka
hanaqaadi lahaa urur Itixaadka oo kale ahi raadna bulshadooda ku
yeesha in ay ka qori lahaayeen buugaag iyo waliba xusuus qor.
Soomaalidu waxay u oomantahay
in fikirkasta oo ku soo kordha la faaleeyo , la falanqeeyo, si
ay wixii u noqdaan wax layska dhaxlo oo hadhow goddaloolooyinka
ay ku dhaceen kuwii hore looga Feejignaado, waxay Soomaalidu u
ooman tahay saxaafada iyo suxufiyiin ku dhaca leh, oo daaha ka
qaada wixii mugsi ku jiro, isla markaana soo bandhiga xaqiiqada
jirta.
Fahad Yaasiin oo aan ogahay in
uu aad u guud maro meelaha qaarkood isaga oo aan saafsaafayn
ayaan waxa aan aad ugu boogaadinayaa geesinnimadiisa uu u soo
bandhigo arrimaha ay dadka qaarkood jecel yihiin in aan laba soo
hadal qaadin.
Waxaadna moodaa aqoonta
macrifadeed (THaqaafadu) in ay ku yartay kooxaha qaarkood oo aad
moodid in ay u arkaan arrin muqadas ah oo aan la taaban Karin,
marka laga hadlo wax iyaga si toos ah u taabanaya oo aan curshi
lahayn, hasa yeshee markay arkaan ama akhriyaan ay aad u
cadhoodaan, Fahad wuxuu ka hadlay Itixaadka, waxaa aad uga
xumaaday xubno ay aqoontoodu thaqaafadeed ay aad u hoosayso oo
aad moodidba in ay koronto ku dhagayso haddii magaca Itixaadka
la soo qaado, taas waxaan qabaa in ururada badankoodu ka si man
yihiin in laba soo qaado in kasta oo ay ka xag jiraan xubnihii
hore uga mid ka ahaan jiray ururka Itixaadka ama ilaa hada
taageerada iyaga oo aan ku dhici Karin in ay muujistaan
taageerada ay u hayaan ururka al-itixaad al-islaami.
Weedha
wahaabiya markii uu
Fahad adeegsaday run ahaantii aad ayaan u soo dhaweeyey waayo
Wahaabiyadu maaha wax ciladi ku jirto, oo Ururka al-itixaad iyo
salafiyiintuba waxay ka soo waarideen mad-habkan dhinaca
caqiidada ah Cariga Sucuudiga iyaga oo waliba isku dayey in ay
Mad-habta Fiqiga ah ee Al-Xanbaliya ay Dadka reer Soomaaliya ku
hirgaliyaan, hasa yeeshee ay la kulmeen gidaar adag oo ay
shaaficiyadu kala hortimi, waxayna kooxda Al-Wahaabiya ku
guulaysatay in ay bulshada Soomaalida ay aad uga badbaadiyaan
khuraafaadka iyo tasawufka, arrintaasna ay aad ugu ammaanan
yihiin, laakiinse waxay balo kaga dhacday halkii ay ku faani
lahaayeen in ay Wahaabiya yihiin ayaa markii la soo qaadaba ay
wajiga dadbayaan, qofkii ka hadlana ama magacaas soo qaadana ay
isku dayeyaan in ay ka jeediyaan, si aanu u sii wad wadin.
Shiikh Maxamed C/wahaab ilaahay
naxariistii jano haka waraabiyee oo ahaa Shiikhii kaalinta
libaax ka qaaday sidii uu Jasiirada Carabta shirkiga iyo
khuraafaadka uga sifeyn lahaa, maaha manta marka magaciisa la
soo qaado in ay kooxaha hirgaliyey halkankiisii in ay xanaaqaan
ama ay isku dayaan in ay dadka ka indha saabaan xaqiiqada.
Waxaana jirta in ay dadku ku
kala geesisan yihiin odhaahda ku dhawaaqideed ama fikirka soo
bandhigiisa, Fahad maqaalkii uu ka qoray Abshir Bacadle ee uu ku
tilmaamay Gabyaaga Wahaabiyada wuxuu ahaa maqaal uu dhigay Fahad
meeshii ku haboonayd aadna wuu ugu mahadsan yahay Fahad Yassiin
Xaaji Daahir.
Asad Caddaani Ibraahim
Laascaanood . Puntland
Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya
assadlaska@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa
lhe qoraaga ku saxiixan