MADAXWEYNE C/LAAHI: LAGU
DOORAYEE HA DILIN.
Madaxweynaha DFKMG |
“ Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan
ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay” “
Jinni ninkii keenaa bixiya, dhibta Somali haysata anaa wax
ka bilaabay” “ lix iyo labaatan sano ayaan jabhad ahaa,
dagaal dhibtiisana waan aqaan” “ Waxaan ahaa ninkii u
horeeyey oo Soomaali xabad u bilaaba, xalkeedana anaa keeni
doona” “ Waxaan ahay nin Muslim ah, oo salaada tukada, oo
wax balwad ah aan lahayn” “ Waxaan rabaa diintii nabigu ka
dhintay”
Oraah-yadaas kala duwan
wuxuu Madanweynuhu ka yiri goobo kala duwan. Intii aysan
doorashadu dhicin ayaan dadweynaha Soomaaliyeed ku iri “
War hadaad C/Laahi doorataan wuu
idin-laynayaa” Malaha C/Laahi warkii suuqa ayaa
gaaray markaasuu khudbaddiisii koowaad ku soo dhexdaray “
War idin dili-maayee waan idin nabadeeynayaa” hadalada kor
ku qoran qaarkood waa kuwa ku haboon in lamaqashiiyo dhagaha
muwaadiniita Soomaaliyeed. Madhabbaa? Madhayalbaa?
Mustaqbalkaa ka jawaabi doona. Waxaanse isha ku hayn doonnaa
sida uu Madaxweynuhu u fulin-doono balaqaad-yadiisa.
Madaxweynuhu xantii dadka ma inkirin ee wuu qiray, taasoo
dharbaaxo ku ah dad badan oo lahaa “ Maxaa odaga loo nabayaa”
.
C/Laahi Yuusuf 30.Sano
kahor ayuu u kaba gashtay inuu Madaxweyne raadiyo. Wuxuu
isagu ogayahay, iyo intay Soomaali oo dhami aragtay ayuu
usoo maray. Eebbe weyne
Tobankii Oktobar ee Sanadkan ayuu C/Laahi
u ogolaaday inuu hankiisii gaaro. Soomaali haddiido ama
hayeeshee waa u Madaxweynahoodii sharciga ahaa.
Qof ahaan, hadaan ahaan
lahaa Xildhibaan, Sadaxdii wareegba midna uma aanan
codeeyeen in C/Laahi Madaxweyne Soomaali u noqdo, laakiin
rabbi wuxuu qoray yaa hor-istaagi kara.
Go’aankeygii hore wuxuu
ahaa inaan shib dhaho inta Soomaali iyo C/Laahi dhinac u
kala dhacayaan. Oo hadduu nodqo ninkii xalka ilaahay usoo
dhiibay aan faafiyo qoraal raaligalin ah, haddiise dhibtu
intaan ka badato inaan iraahod “ Alleylahay ma idiin sii
digay” Waxaanse iskula-dooday “ Oo yaad hagraneysaa?” Maad
usheegtid Dowladda sida xalka Soomaalidu ku iman karo?
Hadaba Madaxweyne waxaad
rabtay heshayee, waxa lagaa rabo makuu sheegaa?
-
Waxaad iiga marag-tahay xabad inaan xukun lagu gaarin,
illeen 78.kii qorigaad qaaday kaama dhigin Madaxweyne
2004.kii, ee waxaad wax ku gaartay, xod-xodashadii,
baryadii, dhaqaale siintii, iyo balanqaadyadii aad
siisay Xildhibaannada Soomaaliyeed. Taasi sow kuu
iftiimin-meyso inaad ka qanacdo xoog wax ku xalin.
-
Markay kugu soo dhacday inaad xukunka kaqaadato Maxamed
Siyaad, waxaad is-moodsiisay in cudud shisheeye ay
Soomaali ku hoos keeni karto. Taasi tolow makuu
dhaboowday? Adaa naga og! Haddeerna ogow oo ciidamo
shisheeye dalka kuuma dajin karaan ee wey kaa sii
hurinayaan.
-
1969.kii wuxuu Maxamed Siyaad dalka hantay isagoo la
jecelyahay, intii la caashaqsanaa isna carshiguu ku
fadhiyey, markiise ay kohashadu ku bilaabatay isna
kursigii buu ka sii siqayey, goortiise lawada nacay ayuu
kursigii cidloobay. Hadaba Madaxweyne C/Laahi, dareenka
dadku wakhtigan kulama wada socdo, oo qaarkood ayaa
shaki kaaqaba, hawshaada ugu horeysa waxaad kadhigataa
hanashada maskaxda bulshada, si ay ugu kalsoonaadaan
tallaabooyinka aad qaadi doonto. Hadalkoo kooban waa
inaad Soomaali iska-gado.
-
Waligeedba
nin Culima la diriray kuma
tanaadin, Maxamed Siyaad isagoo Buurdhuubo
jooga ayuu yiri “
khaladkaan Culimada ka galnay ayaa
halkan na dhigay” bal fakaroo makula
qumantahay, wixii uu Maxamed Siyaad Barre Buurdhuubo ku
gartay, adigu hadda inaad ku bilaawdo dalka. Colaadda
labada dhinac ka muuqata ee adiga iyo Culimada qaarkood
idin dhextaal waxaa haboon in ladamiyo, taladeedana aday
ku agtaal.
-
Waxaad isku daydaa inaad Bulshada Xamar ka tirtirto
walwalka ay kaa qabaan. Waxaad dhagahooda gaarsiisaa wax
ay ku qancaan. Waxaadna tustaa wax ay kugu soo raacaan.
- Waa
inaad maanka ku haysaa in hirgalinta Dowladdaada aysan
ka bilaabaneyn Raas-Casayr, laakiin ay kabilaabato
Raas-Kanbooni, sidaas awgeed intaad koonfur ka
hagaajineyso is hilmaansii Waqooyi-galbeed iyo
xalinteeda, maxaa-yeelay waataan horay u niri “
Somaliland waa Beer. Beerna
Hilibkaa lagu sugaa” haddii ay koonfur dagto
iyagaa u baahan iney sooraacaan. Sida ay hadda wax u
maamusheenna waa rag karooni. Waxaad kasoo qaadaa sidii
iyagoo hawl qaranka usii qabtay.
Mahubo in qoraalkani
asalkiisa kusoo gaari-doono, waxaanse filayaa in fariinta uu
xanbaarsan-yahay agtaada lagu sheeg-sheegi doono. Talooyinka
aan kuu soo qoray iyo kuwa waxgaradka Soomaaliyeed kugula
taliyaan hadaad meel-mariso, waxaan isleeyahay waqti dhaw
ayuu dalkii hagaagi doonaa, adna Madaxwene wadankiisa nabad
ku maamulaya ayaad noqon-doontaa.
Haddiise aad taladaas ka
weecato, waa dhib intii hore ka xun oo ay Soomaali ku dhacdo.
Wuxuuna mustaqbalka Soomaalidu markaas iigu muuqdaa Shan
Sano kadib iyo shir.
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.