EID MUBAARAK 1423
|
|
Bismillah:
CIID MUBAARAK
Kulu-Caam Wa Antum Bi Kheyr
Waxaa mahad leh Allah inoo sahlay in aan markale hambalyada ciida barakaysan
ee Ciid-Al-Adxa u soo tebino dhammaan akhristayaasha SomaliTalk.
Waxaan halkan hambalyo uga tebineynaa dhammaan umadda Islaamka ah oo maanta
ku ciidaya daafaha dunida.
Waxaan Xujeyda
sannadkan 1423 u rajaynaynaa baraara iyo barwaaqo iyo in Allah ka aqbalo
cibaadadooda. Dhammaan muslimiinta meel kasta ay joogaana waxaan leenahay CIID
MUBAARAK.
Soomaaliya waxaan Allah uga baryaynaa in uu kadhigo dhul nabad ah, Soomaalida
Allah niyadooda ha isuwanaajiyo.
Dunida oo dhanna waxaan u rajaynayneynaa nabad waarta.
Waxaa bahda SomaliTalk si gaara ugu mahadnaqayaan dhammaan akhristayaasha
noosoodiray hambalyada ciida barakaysan ee Ciid-Al-Adxa, waxaana dhammaan idiin
soo tebineynaa hambalyo taas lamida.
Allah sannadkan fooda inagu soo haya ee 1424 hakadhigo sannad nabad iyo
barwaaqo ay camirto dhulka Soomaaliya iyo dunida oo dhanba. insha Allah.
Marlabaad Hambalyada Ciid-Al-Adxa naga guddooma.
Kulu Caam wa-antum Bikheyr.
CIID MUBAARAK
2 million
oo Qof oo Sannadkaan Soo xajidey
الله أكبر ،
الله أكبر ،
الله أكبر ، لا
إله إلا الله ،
الله أكبر ،
الله أكبر
ولله الحمد
Wabillaahi Towfiiq
Bahda SomaliTalk.com
Hajj 1423 | Feb 11, 2003
Ehalkaaga iyo Asxaabtaada ma u direysaa Hambalyada Ciida Ramadaan, Soobooqo boggaga hoos kuqoran:
FADLIGA SALAADDA: http://somalitalk.com/salaat/
|