-
JAALIYADA
SOOMAALIYEED EE
WADANKA
AUSTRALIA KUNOOL
IYO QAABKII AY U
CIIDEEN.
-
SIDEE LOOGA
CIIDAY WADDANKA
PAKISTAN
-
Xaflada lagu
qabtay magaalada
muqdisho
JAALIYADA
SOOMAALIYEED EE
WADANKA AUSTRALIA
KUNOOL IYO QAABKII
AY U CIIDEEN.
Mohamed wali (xiish)
Waxay ummada muslimiintu
sagootiyeen bishii
barakaysnayd ee
Ramadaanka. waxa ay
bilaabeen Muslimiinta
kunool wadanka Australia
soonka maalintii sabtida
oo kubeegneeyd
16/10/04. Inkasta oo ay
jireen tiro aan badnayn
oo ayagu bilaabay
maalintii kahoreeysay
sabtida oo Jimcihii
ahayd. Intii lagu
gudo jiray bishii
barakaysnayd waxaa
kadhax muuqatay
Jaaliyada Muslimiinta
ah ee kunool magaalada
Melbourne dareen aad u
sareeya gaar ahaan
biloowgii tobankii danbe
ee bishii barakaysnayd.
Dareen kaasoo kadhashay
weeraradii iyo
duulaankii gardarada
ahaa ee lala beegsaday
Mulimiinta kunool
Magaalada Faluujah ee
wadanka Ciraaq, taa soo laga
dareemayay maalmihii
danbe in Masaajida looga
duceeynayay in ilaahay
gargaar siiyo dadkaas
Muslimiinta ah ee
gardarada lagu leeynayo.
Dhanka kale Jaaliyada
soomaaliyeed markii loo
eego bishii barakaysnayd
wuxuu ahaa soonkii ugu
qaboobaa ee soomara
ayada oo xili kulul uu
kusoobeegmay laakiin
kulaylkii uu dib u
dhacay.
In badan oo Soomaali ah
ayaa ay kamuuqatay
farxad in tii lagu guda
jiray bishii
barakaysnayd ayaga oo
odhanayay " Ilaahay
waxaan kabaryeeynaa in
uu soon walba sidaan oo
kale nooga dhigo".
Magaaalda
melbourne oo ay kunool
yihiin tiro badan oo
Soomaali ah ayaa waxaa
laga ciiday maalintii
Axada ahayd, ayada oo
uu marwalba jiro khilaaf
laxiriira biloowga bisha
iyo dhamaystirkeeda ayaa
waxaa muuqatay in
biloowgii lakala soomay
laba maalmood laakiin
ciidii lawada ciiday
halmaalin. Wadanka
Australia gaar ahaan
jaaliyada muslimiinta ah
ayaa waxa ay leeyihiin
Dalad wayn oo uxilsaaran
arimaha muslimiinta,
daladaas oo lagu maga
caabo ( ISLAMIC COUNCIL
OF AUSTRALIA). ayaa waxa
ayagu marwalba kageeysta
gacan in ayna imaanin
khilaaf wayn oo soo kala
dhex gala Muslinnta gaar
ahaan marka ay imaato in
loo dabaal dago maal
maha ciidada ee ay
Muslimiintu leeyihiin.
Maalintii axada ahayd
ayaa ay ciideen
Muslimiinta ayada oo ay
kusoo beegantay maalin
fasax ah oo axad ah,
marka loo eego maalmaha
shaqada oo kaduwan
dalalka muslimiinta ah
oo ayagu fasax galo
maalinta Jimcaha.
Badanaa ciidaha lagu ciido
wadamada Muslimiinta way
kaduwan yihiin ciidaha
lagu ciido wadamada
gaalada.
Waxaa kamuuqatay farxad
wajiyo badan oo aan kula
kulmay barxada wayn ee
Misaajidka Heidelberg
west ee magaalada
Melbourne. Misaajidkaas
oo ay kusoo tukadeen
tiro aad u badan oo
Soomaali ah, ayaga oo
isu hambalyaynayay,
isuguna tahniyadeeynayay.
" Ciid mubaarak. Ilaahay
hanaga aqbalo" " Ciid
mubarak wakul caam wa
antum bikhayr".
Waxaa ii suurta gashay
in aan su'aalo waydiiyo
dhoowr qof oo aan kula
kulmay barxada wayn ee
Misaajidka Heiderlberg
west. Waxaa kamid ahaa
hooyo soomaaliyeed oo
magaceeda codsatay in
aan labaahin waa sidan
sida ay u cabirtay
dareenkeeda " Waxaa in
ilaahay kabaryayaa in uu
nagu gaar siiyo
caafimaad sanadkan
sanadkiisa, Meel lagu
ciido ma ha halkan waxaa
wanaagsan in aad ku
ciidid wadankaadii hooyo,
oo aad farxada laqayb
satid ahelkadii iyo
qaraabadaadii, laakiin
intii aan tukano un baan
guryahaanagii
kulaabanaynaa, ciiduna
saas maha, ee waa inaad
aadaa qaraaba salaan,
iyo aad raadsataa dad
aad farxada laqabsatid laakiin
meeshaan joogno kama
muuqato arintaas" waa
sida ay u tiri hadalka
hooyadaa Soomaaliyeed ee
kamid ahayd dadkii aan
kula kulmay Misaajidka
wayn ee Heidelberg West.
Waxaan ilaahay
kabaryeenaa in uu nagu
gaar siiyo soonkan
soonkiisa, ciidan
ciideeda caafimaad iyo
barwaaqo . AAMIIN,
AAMIIN,.
Mohamed wali (xiish)
SIDEE LOOGA CIIDAY WADDANKA PAKISTAN
Warbixintii Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
diridhaba2001@hotmail.com
Karachi, Pakistan
Iyadoo Aalaba Waddanka Pakistan uu
ka danbeeyo Maalin dunida Islaamka
maalmaha barakaysan ee diinta
Islaamka, Sida Ciidaha iyo
Ramadaanta ayaa Maalintii Axaddii ee
bisha November ku beegnayd 14, waxaa
Musliiminta ku dhaqan waddanka
Pakistan oo tiradooda lagu qiyaaso
150,000,000 (boqol iyo konton milyan
oo qof) ahna 99% Muslimiin, u
dareereen Salaadda Ciidda ciidul
Fidri iyagoo ku kala tukanaayey
goobo kala duwan sida masaajidda,
garoomada, iyo meelaha ka baxsan
magaalooyinka.
Magaalada Islamabad ee xarunta
Pakistan ayaa misaajidka weyn Faisal
Masjid waxaa halkaasi iskugu soo
baxay 8:00 arroornimo iyada oo qabaw
farabadan ka dhacayo Caasimadda
Islamabad kumanaan reer Islamabad ah
si ay salaadda ciidda halkaasi ugu
tukadaan, iyada oo uu kala qayb
gallay Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Islaamiga ah ee Pakistan Mudane
Janeral Pervaz Musharaf, Ra'isal
Wasaaraha dalka Pakistan Mudane
Shaukat Casiis, Wasiirka Arrimaha
dibadda pakistan Mudane Mahamoud
Kasuri iyo wasiirka Warfaafinta ee
dalka Pakistan Mudane Sheikh Rashiid,
Madaxweyne Musharaf oo khudbad
gaaban u jeediyey shacabka Pakistan
iyo Muslimiintii iskugu soo baxday
masaajidka Faisal Masjid ayaa wuxuu
ugu hambalyeeyey ciidani dhamaan
muslimiinta dunida oo dhan gaar
ahaanna shacabkiisa Pakistaniyiinta
isaga oo u rajeeyey barwaaqo, bash
bash iyo in dunida islaamka uu
ilaahay iskaga soo dhaweeyo sida ay
maanta yahiin.

Dhinaca kale Magaalada Karachi oo ay
ku dhaqan yahiin shacabka ugu badan
dalkan pakistan oo lagu qiyaaso
23000,000 (seddex iyo labaatan
milyan oo qof) ayaa iskugu soo baxay
maalintii Axadda ee bisha November
ku beegnayd 14 maaliyiin goobood oo
kala duwan.
Ajanibiga iyo Soomaalida ku dhaqan
Magaalada Karachi sida u caadada ah,
waxaa Subaxa ciida ay iskugu tagaan
Barxadda quruxda badan ee Safari
Park ee xaafadda Gulshan Iqbal ee
Magaalada Karachi si ay salaadda
ciidda halkaasi ugu tukadaan,
boqolaal Ajanabi ah oo ay Soomaalidu
ugu badanyahiin ayaa Barxadaasi
iskugu tagay si ay salaadda ciidda
halkaasi ugu tukadaan, Afar
sannadood oo aan ku sugna waddankani
Pakistan ayey ahayd markii iigu
horaysay ee aan arko Soomaali
farabadan oo iskugu yimid barxadaasi
iyadoo runtii layaab weyn igu
abuurtay, dhalinyaro iyo waayeel iyo
haween tiro badan ayaa iskugu soo
baxay halkaasi iyagoo wejigooga ay
farxad iyo tamashaad farabadan ka
muuqato cibaadadii bisha
barakaysnayd ee Ramadaanna soo gutay,
takbriirta ayaa waxay ka bilaabantay
barxaddaasi oo si quruxbadan loo
shaqlay cod baahiyayaalna koonayaal
walba lagaga xidhay 7:00 Subaxnimo,
Waxaana salaaddu ay bilaabtay 8:00
Subaxnimo iyadoo goobtaasi usha kor
loo tuura aanay dhulka ku dhacaynin,
Salaadda ciidda ayaa sannadkani
Soomaalida waxay u ahayd ciid gaar
ah iyada oo uu salaadda Tukiyey
Sheikha Soomaalida ee dalka Pakistan
Sheekh Bashiir, markii Salaadda la
dhamaystay ayaa waxaa dhegaha si
weyn loogu raariciyey qudbadda
Sallaadda Ciidda dabadeed oo Sheikh
Bashiir uu halkaasi ka akhriyey,
Sheikha ayaa wuxuu Muslimiintii
halkaasi iskugu soo baxday ku
baraarujiyey in cibaadada ilaahay
xoogga la saaro, Ilaahay
caabididisuna iyo oogidda faradaada
ilaahay aanay ku koobnayn bishii
Barakaysnayd ee Ramadaan ee ay
shabaabka iyo Muslimiintu ka
faa'idaystaan wakhtigooga, wuxuu
sheikhu bilaabay duco aad iyo aad u
qiimo badnayd oo u duceeyey
Musliiminta daafaha dunida in
ilaahay bogooga burcad iskugu beero
kana yeelo kuwii diinta Islaamka u
gar gaara, Mujaahidiinta ilaahay
dartii ugu jirta Jihaadkana uu
ilaahay ku xafido oo ku gar gaaro
meel wal oo ay joogaan.
ka
dib markii ay ducadaasi qiimaha
badanleh dhamaatay ayaa waxaa loo
soo dareeray barxadda Safari Park oo
ah goobtii Salaadda lagu tukanaayey
dhalinyaro, waayeel, caruur ayaa
halkaasi waxay iskugu qaabilayeen
salaan diirran iyago is
weydaarsanaayey kelmadaha "CIID
MUBARAK" "TAQABALA LAHU MINI WA
MINKUM" "ILAAHAY SANNADKAN
SANNADKIISA HA INNAGU GAADHSIIYO
BASH BASH IYO BARWAAQO" iyo
runtii kelmado ay ku ladhanyahiin
muxubo iyo kalgacal badan oo aanan
halkani ku soo koobi karin, waxaa
loo kala dareeray afarta jaho oo
badana ay soomaalida ku dhaqan
Magaaladal Karachi ku kala
firidhsantahay inkasta oo xaafadda
Gulshan Iqbal aan idhaahdo eh ay u
badanyahiin.
Mid ka mid ah goobaha Bedda agtooda
ah oo u dabaal dagaya ciidda
Magaalada Karachi
Badana magaaladani oo aad u kala fog
una weyn macquulna aanay noqon karin
in Soomalidu isku timaaddo si ay
xaflado ay ugu dabaal dagayaan
ciidda u samaystaan ayaa waxaa
maqaalo igu ahayd in ay xaflado kala
duwan loogu dabaal degay Maalintani
qiimaha mudanleh oo ka kala dhacday
xaafadaha kala duwan ee ay
Soomaalidu degto iyo hudheelada
Casriga ah, Aniga iyo Saaxiibo badan
oo aan ku jiro ayaa waxaanu
go'aansanay inaanu u dal xiis tagno
Masaafad aad u dheer oo ah goobo
quruxsan oo ku yaalla xeeliga bedda
karachi "karachi sea view"
halkaasi oo maalintaasi laga helo
cuntooyin carbeed oo aad u macaan!!!!!!
Waddada wadnaha magaalada Karachi
Shariah Faisal oo madhan ka dib
salaadda ciidda
Dhammaan Muslimiinta dunida oo dhan
ayaan leeyahay ciid Mubarak Gaar
ahaan Soomaalidu meel wal oo ay
dunida ka joogaan ilaahay sannadkani
sannadkiisa ha innagu gaadhsiiyo
Bash bash iyo barwaaqo.
Warbixintii Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
diridhaba2001@hotmail.com
Karachi, Pakistan