SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA
 
Daabaco Boggan | Print

SALAADII IIDA OO SIWEYN LOOGU SOO BAXAY:::
  • BOOSASO: CIIDA OO SI WEYN LOOGU SOO BAXAY:::
  • Qardho, Garoowe, Gaalkacyo, Laascaano, Sanaag iyo Salaadii iida
  • Hargaysa oo ee Si Weyn looga Ciidey::
  • Muqdisho: Si weyn ayaa la isugu soo baxay Salaadii iida
  • MINNEAPOLIS: Si weyn oo looga xusay maalintii iida
  • Nairobo oo kumanaan Qof isugu soo baxeen Salaadii iida

BOOSASO: CIIDA OO SI WEYN LOOGU SOO BAXAY:::

Cabdifataax Jaamac Mire
Boosaaso | somalitalkpl@yahoo.com

Salaadii oo loo istaagayMaanta (Sabti 13/11/2004) ayaa waxaa looga ciiday Magaalada Boosaaso si Wada jira looguna Dareeray Salaadii Ciida Goobta Masalaha ee Garoonka Cayaaraha Gobolka Bari, Salaadaa Ciida oo ay ka soo qayb galeen Dad aad u farabadan ayaa hadana waxaa weheliyay Madaxda Maamulka Gobolka iyo kuwa Maamulka sare ee Golaha Wasiirada DGPL, waxaa Takbiirtii Salaada Ciida la qaadi jiray laga Bilaabay habeenimadii Xalay Markii Laga soo tabiyay in Bishii Soon Fur sida ay u taqaan Soomaalida la Arkay Magaalooyin ka mida Puntland.

Salaadii Ciida ee Maanta Magaalada Boosaaso ayaa waxaa Salaadii kadib Qudbado ka soo Jeediyay Masalahaa Culimo Owdiinka oo sida looga bartay Qudbadahooda kaga hadlay sidii Fusuqa loo joojin lahaa iyo in laga Shaqeeyo Nabadgalyada oo Baryahaan danbe ay soo Cusboonaadeen Dhibaatooyin Dil iyo Khilaafsiyaasadeed, Waxaa iyagana halkaa ka hadlay Maamulka oo uu ugu Horeeyo Qudbadaa Dhanka Maamulka Gudoomiyaha Degmada Yuusuf Waceeys Dhado oo Tilmaamay dhibka ay ku hayaan Qaxootiga Ethoopiyaanka ku soo ururaya Boosaaso oo markii hore dadka la Afuri Jiray lakiin hada Si kale la doonayo in loo Qorsheeyo iyo Sidii loogu Celin lahaa Wadamadii ay ka yimaadeen ayadoo ay cabsi wayn ay la soo kulantay Dadka ku nool Boosaaso maadama ay Dadkaan Qaxootigaa ay Degaankii wax u dhimeen, Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa Dadka halkaa isugu yimi ka Dalbay in ay Madaxda Maamulka cafiyaan hadii ay wax ka tabanayaan una duceeyaan waa madaxdoodii ayuu yiri oo ay doorteen iyagu, Waxaa isagana halkaa ka hadlay Wasiirka Dowlaha Hoose iyo Horu marinta Reer Miyiga oo aad ugu Dheraaday Abaaraha saameeyey Guud ahaan Puntland iyo Colaadaha ka soo Cusboonaaday Gobolda Sool iyo Sanaag ee Xuduudaha Puntland, Waa sida uu hadalka u yiriyee, oo uu in badan ku tilmaamay in ay is Difaacayaan oo ay iyagu marna Weerar ku ahayn Gobolo ay Somaliland ay leedahay, waxaa uu Wasiirka ugu Dambeeyntii u sheegay in ay Dadka ku dhaqan Bari ay isku soo diyaariyaan sidii ay difaacaa uga qayb qaadan lahaayeen sida ay Reer Sool isugu diyaariyeen. 

Waxaan ugu Danbeyntii Halakaa ka duceeyey Shiikh Daad oo ka mida Culimada Boosaaso, Waxaan iyaga lagu Xussin Hogaamiye Dhaqameedyadii oo maanta aan halkaa Ka muuqan looga bartay in ay Maantoo kale ka hadlaan Goobtaa Masalaha Iida oo in badan Dadkii ka soo qayb galay ay is waydiinayeen. [Halkan ka daawo Sawirada boosaso sida looga ciidey].

Qardho, Garoowe, Gaalkacyo, Laascaano, Sanaag iyo Salaadii iida

Waxaa wararka kale ee naga soo Gaarya Gobolda kale oo ay ka mid yihiin Qardho, Garoowe, Gaalkacyo, Laascaano, Sanaag iyagana looga Ciiday si Khilaafa oo ay Qaar Dadka soonaayeen oo ay Bari (14/11/2004) Ciidi doonaan. 

Magaalada Garoowe oo ay ahayd in uu ka hadlo Madaxweynaha DGPL Maxamed Cabdi Xaashi aysan suuro galin oo halakaa ay is le,ekaayeen Dadka Ciidaya iyo Dadka Sooman taasna uu Madaxweynuhu aysan u suuro Galin, Madaxweyne Kuxigeenka DGPL oo isagu ku sugan Magaalada Laascaano ayaa halkaa Qudbadii Salaada Ciida ee dhanka Maamulka ka jeediyay oo uu ku soo qaaday Difaaca Dalka iyo Xuduudada Puntland iyo in ay Dadka Gobolada Reer Sool iyo Cayn ay u diyaar garoobaan sidii ay uga qayb gali lahaayeen Difaacaa oo hada kaalinta ay kaga jiraan ay sii kordhiyaan, Magaalada Qardho ayaa Ciidii Salaada waxaa ka hadlay Culimada Reer Qardho iyo Maamulka Degmada oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Degmada Cusmaan Buux oo ka hadlay Munaasabada Ciida iyo Fadligeeda, Magaalada Gaalkacyo ayaa iyagana Goobtii Masalaha ee Dadkii ciidayey ay isugu yimaadeen ayaa waxaa halkaa ka hadlay Culimada oo ka hadlay Nabadgalyada oo Baryahaan Dambe laga dareemayay Nabadgalyada oo soo xumaanaysa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo lagu naaneeso Jabhad isagoo ka hadlay Nabadgalyada. Waxaa markii laga soo Dareeray Salaadii Ciida kadib ee magaalada Gaalkacyo halkaa ka dhacay Dil uu Nin ku Gowracay Nin ay is Khilaafeen Ninkii wax gowracay ayaa isla Goobtii ay ku Tookteen Booliska magaalada Gaalkacyo. [ Warka Gowracay Nin oo Faahfaahsan halkan ka akhri... Guji]

Cabdifataax Jaamac Mire
Boosaaso | somalitalkpl@yahoo.com

HARGAYSA: Hargaysa oo ee Si Weyn looga Ciidey::

Shacabka muslimiinta ah ee ku dhaqan magaalada Hargaysa ayaa isugu soo baxay masjidka baaxada weyn ee Jaamaca ee hargaysa si ay halkaas ugu tukadaan salaadii ciida, waxaaan dadka wajiyadooda ka muuqday farxad ayagoo isugu hambalyaynaya ciidul-fidriga. Masjidka Jaamaca waxaa shacabka hargaysa kula tukadey Daahir Riyaale iyo madax kale oo ka tirsan maamulka Somaliland. [Halkan ka daawo hargaysa iyo Sidii looga iiday...]

Muqdisho: Si weyn ayaa la isugu soo baxay Salaadii iida

Waxaa dadweyne aad u farabadan saakay isugu soo baxeen garoonka istaadiyo Muqdisho si ay halkaas ugu tukadaan salaadii ciida, dadkaas oo isugu hambalyaynayey iida barakaysan iyo soonkii oo ay si wanaagsan u guteen.


MINNEAPOLIS: Si weyn oo looga xusay maalintii iida

SomaliTalk | Minneapolis

Kumanaal qof ayaa saakay isugu soo baxay garoon weyn oo ku yaal xaafada Cedar ee magaalada Minneapolis si ay ugu tukadaan salaadii ciida. Waxay ahayd goob aad u bilicsan oo dadka muslimiinta ah ay ku muujinayeen shacaa'irka Islaamka. Waxaana dadka wajiyadooda ka muuqdey farxad.

Magaalooyinka kale ee ku yaal Woqooyiga Ameerika ee sida weyn looga xusay iida waxaa kamid ah magaalada Toronto, halkaas oo munasabadii salaadii iida uu soo qaban qaabiyey masjidka weyn ee Khallid Bin Waliid ee magaalada Toronto.

NAIROBI:: Kumanaan Muslimiin ah ayaa saaka ku ciiday Magaalada Nairobi iyagoo ku tukada Salaadii Ciida xarunta Cali Muslim Club 

axmeddheere65@hotmail.com
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
Kenya,Nairobi,Somalitalk

Kumanaan kun oo qofood oo muslimiin ah kuna nool magaalada Nairobi ee Dalka Keenya iyo guud ahaan Wadanka Keenya ayaa manta u dareeray Goobaha Masaajida Goroomada Ciyaaraha iyo barxadaha waa ween ee ku yaala goobaha ay ku noolyihiin, 

Magaalada Nairobi oo ka mida magaalooyinka Wadanka Keenya oo ay soomaalida sida aada udagantahay ayaa looga ciiday si sareeysa  oo ay dadka oo dhani ay ka muuqatay farxad iyo reenreen, 

Subixii hore ee Saaka ayaa muslimiintu u dareereen in ay wadooyinka magaalada kugaala baxaan iyaga oo ku sii jeedaa Sir Cali Muslim Club oo ah goob wayn oo si aada u qurux badan Dumar Caruur iyo cireelo ayaa guud ahaan goobta camiray waxaana la Bilaabay wayneenta iyo cadamada Alla Casawjalaa iyado dadku ay si qushuuc leh uqaadayeen Takbiirta Ciida, 

Culumaaudiin fara badan oo kakala socday goobo badan oo ka tirsan magaalada Nairobi aya goobta iskugu yimid  iyagoo dadka halkaa ku wacdinayay, 

Sh Maxamed Cabdi Umal oo kamida Culumada ugu caansan Wadanka Keenya lagana yaqaano goobo badan oo aduunka ah sida Yurub iyo Ameerika iyo qaarada Asiya ayaa dadka Salaada ciidul Fidriga ka bixinayay, 

Salaada ciida ka dib waxa uu shiiqu aqriyay  qudbad dadka oo dhanu uqushuuceen runtiina ka hadleeysay arimo badan oo ubadan il alle laga cabsado cibaadana aan lagu koobin uun bishii ramadaan dadka waa in ay yimaadaan goobaha masaajida ayuu yiri Sh Maxamed Cabdi Umul oo sheegay in loo baahanyahay in alle bil walba iyo sanad walba la caabudo , 

Dhinaca kale Sh Maxamed Cabdi Umul waxa u ka hadlay midnimada iyo iskaashiga Islaamka isagoo sheegay in diinta islaamku aysan ogoleen  ku xadgudubka muslimiinta iyo tafaraaruqa, 

Dadka islaamka ah ayaa manta si aada isku marxabeeynayay iyadoo guud ahaan farxadu ay aheed mid aan halkan lagu soo koobi Karin ,

Ilmaha ayaa waxaa si aada uga muuqday labis iyo dhar cusub dhalinyarada ayaa iyaguna si aada isku soo camiray iyadoo runtii Dumarka Soomaaliyeedna manta laga dareemi karay Faraxad iyo isku diyaarin sareeysa run ahaantii dumarka ayaa qayb lixaadleh ka qaatay fantasyaha cida iyagoo ilmahooda si aada uga farxiyay runtiina si aada uga dhaxmuuqday haweenka qoowmiyadaha kale duwan sida Hindida Carabta Oroomada iyo Qoowmiyadaha kale ee ku sugan Nairobi, 

Haweenkeena Soomaaliyeed aya sidoodaba ah kuwo ka qiimo iyo tayo roon haweenka kale ee aduunka iydoo la aantood ay tahay Dhib iyo anfariir.

GuŽ hagaagay oo daŽay
Dhulka geedo jiifaan
Gurya-samo barwaaqa ah
Haddii geeddi lagu furo
Dhallinyaro is gurataa
Gurdan raaca fiidkii
Gole weyn ku kulantoo
Cagta garan-garkeediyo
Isu geysa jiibkoo
Googooska luuqdiyo
Gedda sacabka loo jaro
Hablahaa u gaaroo
Garashada codkoodaa
Qof gaboobay kicisoo
Gelbiskiyo mashxaraddaa
GamaŽkaa ilaashee
Haddaan gabadhi boodeyn
Illaa gegi cayaareed
Wax ma dhaanto geriyaad

Haddaan guudka laga jarin
Gudihiisa xaabkiyo
Cayayaanka laga gurin
Marwo dumar garka u xidhan
Illayn guri dugsoon maleh

Hadaba waxaan umada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaanba aan leenayay ciid wanaagsan macal ciideen


Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com

SomaliTalk Nairobi | Nov 13, 2004

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
IID MUBAARAK
CIIDII IYO MAGAALADA BOOSASO
 

 



HTML CD