SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
FAALLADA - SOMALITALK
Daabaco Boggan | Print


Kismaayo:: Dhibaatooyinka Loo Geysto Dadka ku Taxan Masaajidda
Faysal xaaji siyaad muumin
kismaayo soomaaliya
faysalsiyaad@hotmail.com

December 2004

Waxaa yaaraaday dadka ku taxan habeenkii masaajida ku yaala magaalada kismaayo kadib markii ay bateen falalka dilka ah ee lagula kaco dadka xiliyada habeenkii ah u guureeya cibaadad allah

 
Waxaa sii kordhaya cabshada dadka ku taxan masajida ku ku yaala gudaha magaalada kismayo kuwaasoo ka cabanaya tuugada inta badan habeenkii guuraysa tuugadaas oo  dadka ku wax yeelaysa hubka fudud sida bastooladaha tooreeyaha i.w.m ah,
 
Waxay aheyd afar iyo labaatankii bishii November 2004 markii wiil iyo aabihii oo wada socda kuna sii jeeda masjidul qadiim oo ku yaala xaafada calanleey ee magaalada kismaayo ay gacanta ku dhigeen niman dableey ah oo hubaysan isla markaana ay ula dhaqmeen si bini aadanimada ka baxsan
 
Hadaba waxa ay sheegeen wiilkaa iyo aabihii nimanka dablayda ahaa ee gacanta ku dhigay habeenkaas inay ahaayeen niman soo cabay waxyaabaha maandooriyaha ah sida xashiishada ayadoo ay kubadanayeen bilooyinkanba magaalada kismaayo dadyowga isticmaala maandooriyaha looyaqaano xashiishada taasina ay keentay in ay ay sii korodho falalka waxyeelayenta ah ee loo geesto dadka shacabka ah ,
 
sidoo kale waxaa fal midkaan lamid ah oo lagu dhaawacay oday waayeel ah oo u socday masjidul qubaa oo kuyaala xaafada luga baxsi ay niman tuugo ah  u geesteen dhaawacyo aad u daran waqti labo saac oo habeenimo ah 
 
Falkaan foosha xun ayaa waxaa geestyay niman tuugo ah oo damacsanaa in ay jeeb baartaan odayga kadib markii ay wax ka waayeena ay tooreey si naxariis daro ah ay ola dhaceen ,
 
Dhanka kale falalka aargudashada ah ayaa waxa ay noqdeen kuwo qofka lagu amaan galin waayo hadii uu ku dhex jiro baytulaahi intii lagu guda jiray bishii barakeesnyed ee ramadaanka ayaa hal qof lagu dilay masaajidka suuq wayne ee ku yaala goobta loo yaqaano somali star qofkaas ladilay ayaa waxaa loo dilay hab aar goosi ah taasoo ay ka anfariireen dhamaan dadwaynaha ku dhaqan magaalada kismaayo iyo nawaaxigeeda,
 
isku soo wada duuboo amaan darida  baahsan ee ka jirta gobolka jubbada hoose ayaa waxay saameyen ku yeelatay goobaha barakaysan ee lagu cibaadaeyesto taasoo keentay in dadka ay baqdin ay ka qabaan tuugada ay ka  hor istaagto imaanshaha bayedka alle taasina ay meel ka dhac waeyen ku tahay shareecada islaamka
 
 Faysal xaaji siyaad muumin
 kismaayo soomaaliya
faysalsiyaad@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | December 8, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq




HTML CD