SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
FAALLADA - SOMALITALK
Daabaco Boggan | Print


MASAAJIDDA OO DADKA LAGU LAAYO; ARRIN KU SOO KORORTAY SOOMAALIYA

W/D: Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

E-mail:  jantiile12@hotmail.com 

Muqdisho, Soomaaliya

December 2004

(Dhacdooyin naxdin leh oo la ururshay) 

Tan iyo markii ay billowdeen dagaallada sokeeye inta qoryaha wadata mooyee inta kale waxay la kulmeen dhibaatooyin waaweyn oo aan kala sooc lahay, haddaba, waxaa ka mid ahaa dilalkaas kuwa loo gaysanayo ka mid ahaa dadka masaajidda ku jira, kuwa u socda, kuwa ku dhex tukanaya amaba ka yimid. 

Dilalka dadka loogu gaysanayo masaajidda ayaa waxay noqodeen kuwo xadkoodii ka baxay, waxaanan soo qaadan doonaan deegaanno ka mid ah Soomaaliya oo ay ka dhaceen dhibaatooyin dadka loogu gaystay masaajidda, innagoo raacin doonnna fikradaha kala duwan ee ay ka qabaan siyaasiyiinta iyo dadka kale ee nabaddoonka ah. 

Inksatoo guud ahaan soomaaliya ay ka dhaceen dhibaatooyin dadka loogu gaysanayo masaajidda ayaa haddana waxay si xowli ah u soo xoogaysteen waayihii dambe. Waana sidan sidii ay u dhaceen oo kooban: 

GOBOLKA MUDUG 

Gaalkacyo: Dagaal dhex maray laba kooxood oo kuwa diinta ah ayaa wuxuu sababay in Masaajid ku yaalla magaalada Buurtinle in daaqadda looga geliyo bamboo dad tukanayay waxaana halkaas ku dhintay dhowr ruux oo ka mid dadkii masaajidda ku tukanayay, waxaana dilkaan gaystay koox lagu magacaabo Timo-weynta oo ah iyagu nooc ka mid ah suufiyiinta Soomaalia. 

GOBOLKA JUBBADA HOOSE 

KISMAAYO:  Waxaa horraantii sagaashameeyadii dil loogu gaystay masaajid ku yaalla magaalada Kismaayo iyagoo tukanaya dad tiradoodu gaarayso 4-ruux, waxaana dilkaan u gaystay nin kale oo masaajidda gudihiisa kula tukanayay, wuxuuna dilkaan u dhacay sidan: “Dilkaan oo ahaa mid ku yimid qaab aano qabiil oo kale ah ayaa waxaa ninka wax dilaya oo ahaa nin dhallinyaro ah uu bambo la soo galay masaajidka, wuxuuna isku beegay laba ka mid ah 4-ta ruux ee bambada ku dhimatay, waxaana markii la rukuucayay rakcadii koowaad ee salaaddaas oo ahayd middii duhurka uu kala soo baxay jeebka bambadii uu ku watay, wuxuuna si toos ah ugu tuuray kuwii uu markii horeba doonayay inuu dilo, iyadoo bambadiina ay keentay inay disho 4-ruux, waxayna sidoo kale dhaawacyo cul-culus u geysatay tiro kale oo dad ah. ALLAHA U NAXRIISTO. 

GOBOLKA BAY 

DIINSOOR: Dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay dhowr sano ka hor, iyadoo masaajid dhexdii lagu dilay wadaadkii imaamka ka ahaa masjidkaas oo lagu magacaabi jiray Sheekh C/qaadir Sheekh Yuusuf kaddib markii la tukaday Salaadda subax. Waxaana dilka wadaadkaas gaystay nin ka mid ahaa xertiisa, wuxuuna ninkaa wax dilay uu toorrey ka suray Sheekhiisa luqunta illaa uu ka naf baxay, waxaana ninka dilaya uu ahaa nin ka tirsan xertiisa oo uu xittaa isagu soo koriyay dabadeedna uu ku daray naag, wuxuuna deggenaa Sheekha Gurigiisa. Waxayna arrintani keentay layaab iyo amakaag ku dhacay dadkii deegaankaas iyo intii kale ee maqashay, lamana garanyo halka uu ku dhibcay ninkii dilkaas foosha xun u gaystay sheekhiisa. ALLAHA U NAXRIISTO. 

GOBOLKA SHABEELLADA DHEXE 

JOWHAR: Arrin naxdin badan ayay ahayd dhacdo ka dhacday Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada dhexe, waxayna dhacdadaasi ahayd in mar qura 40-ruux lagu dilo masjid gudihiis degmadaas xilli ay tukanayeen salaadda Ciidul Adxada goor subax ah, waxayna xilligaan ahayd horraatii dagaallada sokeeye, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay tiro kale oo aad u fara badan, waxaana dilkaan foosha xun gaystay koox kale oo iyaguna ka tirsanaa dadka deegaanka oo ay beryo yar uun ka hor isku qabsadeen dhul beereed ku yaalla deegaankaas, waxaana arrintaan ka naxay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, waxaana lagu tilmaamay inay tahay dhacdadii ugu foosha xumayd ee ka dhacday gudaha Soomaaliya. Dadkaas dhammaantood ALLAHA U NAXRIISTO.  

GOBOLKA BANAADIR 


Muqdosho

MUQDISHO: Magaalada Muqdisho ayaa ah iyadu halka ugu badan ee ay ka dhaceen falalka lagu laynayo dadka masaajidda ku xiran, dhacdooyin la yaab leh oo gaaraya illaa 9-dhacdo ayaa ka dhacay Masaajidda Muqdisho, waana kuwan dhammaantood hoos ku qoran: 

1.   Dabayaaqadii sagaashamaadkii ayaa lagu dilay masaajid ku yaalla Magaalada Muqdisho nin lagu magacaabi jiray Oorfane isagoo tukanaya salaadda tawiixda, waxaana dilkiisa gaystay rag malleeshiyo ahaa, waxaana sababta loo dilay lagu sheegay inay ahayd aano qabiil oo u dhexeysay ninka la dilay reerkiisa iyo kuwa wax dilay reerkooda. ALLAHA U NAXRIISTO. 

2.   Waxaa horraantii 2000, lagu dilay masaajid ku yaalla degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho nin sii galaya masaajid oo lagu magacaabi jiray: Sheekh Cusmaan iyadoo la sheegay in loo dilay arrimo la xiriira aargoosi qabiil, waxaana dhacdadaan oo aan goob-joog u ahaa uu ninkii masaajid ku soo dhex dhacay iyadoo loo istaagay gudashada salaadda cisha, waxaana laabta kaga yaallay dhowr xabbadood, waxaana ninkan la dilay uu ku dhex naf baxay masaajidka, iyadoo ay taasi keentay in salaaddii cisha ay dib u dhacdo illaa qaddar dhan 2-saacadood oo isku xigta. ALLAHA U NAXRIISTO. 

3.   Waxaa iyadana la dilay wadaad ka tirsan wadaaddo kitaab ka raacan jiray masjid ku yaalla isla Magaalada Muqdisho, waxaana wadadaadkaan loo dilay muran la xiriira dhanka diinta oo ay isku qabteen koox kale oo wadaaddo ahaa, waxayna kooxdii waddaadada ahaa ee masaajidkaas u yimid inay carqaladeeyaan culummada wax ku barata ay faas madaxa kaga jareen wadaad ka tirsanaa kuwa kitaabka ka raacan jiray Masjidkaas, markii ay faaska ku dhufteen dabadeed ayay luquntii kaga jareen Billaawe (Tooreey), waxayna taasi keentay in halkaas ay ka dhacaan daggaal xoog leh oo dhex maray labadii kooxood ee culummada ahaa, waxayna arrintaasi keentay in dagaallo goos goos ah ay dhex maraan culummadii is qoomay, waxay kaloo dhacdadan keentay in sidoo kale masaajid dhexdiis lagu dilo nin kale oo wadaad ah oo ka mid ah isla kooxdii ninkaan hore laga dilay.  ALLAHA U NAXRIISTO. 

4.   Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay dhacdo kale oo yaab lahayd taasoo ku saabsanayd in laba ruux oo masaajid ka kala ahaa Imaam iyo Mu’adin ay gowraceen oo ay qudha ka jareen nin wadaad ahaa oo isna ka tirsanaa dadka masaajidka ku tukada, waxayna arrintaas u dhacday sidan: “Ninka la dilay ayaa ka mid ahaa dadka deggan xaafadda Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkaan ka dambeeyay naag uu qabay oo ay isku dhaceen, waxayna naagtii abbaartay labadan qofood ee aan kor ku soo sheegnay ahaana kuwa dilka gaystay oo ay ehelo ahaayeen iyadoo u sheegtay in ninkaan uu yahay nin aan u wanaagsanayn isla markaana dhiba, waxayna labadii nin iyo naagtiiba go’aan ku gaareen inay shirqool u dhigaan wadaadka la dilay, waxayna naagtii habeen habeennada ka mid ah u yimid labadii nin ee mu’adimka iyo imaamka ka kala ahaa masaajid ka mid ah masaajidda ku yalla degmada xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho waxayna u sheegeen in arrintii ay ku ballansanaayeen ay fulinayaan marka waaberigu soo dhawaado, waxayna addinkii koowaad ee habeenkaas u yimaadeen haweeneydii iyagoo u sheegay inay soo addimayaan dabadeedna ay ku fulin doonaan ninkeeda fal gowrac ah, waxayna labadii nin isku raaceen masaajidka iyagoo soo addimay adinkii dhexe ee salaadda subaxa, waxayna dabadeed soo abbaareen gurigii uu deggenaa wadaadkii la dilay iyagoo ku fuliyay dil gowricid ah. ALLAHA U NAXRIISTO. Muddo yar dabadeed ayaa waxay arrintiaasi keentay in loo dilo labadii dilka gaystay iyo laba ruux oo kale. 

5.   Sidoo kale waxaa qudha laga jaray wadaad u dhashay Qowmiyadda Orommada oo isagu markiisii hore ka yimid dalka Itoobiya, waxaana lagu dilay masjid hortii xilli uu ka soo baxay Masaajid ku yaalla degmada Madiina ee magaalada Muqdisho iyadoo dilkiisa la sheegay inay ka dambeeyeen dad iyaguna ka yimid Dalka Itoobya oo la sheegay inay baxsadeen dilkiisa kaddib, waxaana dilka loo gaystay wadaadkaan la sheegay inay ka dambeeysay Itoobiya, iyadoo lagu eedeeyay wadaadkaan la dilay inuu ka tirsanaa wadaadada Al-Itixaadka loo yaqaan ee ay dowladda Itoobiya ku eedayso inta badan inay ka dambeeyeen qul-qulatooyinka ka jira dalkeeda. ALLAHA U NAXRIISTO. 

6.   Wiil dhallinyaro ah ayaa sidoo kale lagu dhex dilay masaajid gudihiis degmada Madiina, magaciisana ma suurogelin inaan helno, waxaana wiilkaas yar loo dilay arrimo aano qabiil ah, waxaana lagu dhex dilay masaajid ku yaalla deegaanka xoosh ee Madiina, iyadoo ay dilkiisa ka dambeeyeen dabley la sheegay inuu dhibaato u gaystay ruux ay qaraabo yihiin. ALLAHA U NAXRIISTO. 

7.   Ruux ayaa la dilay isagoo u sii socda masaajid salaaddii subax, waxaana dilkiisa ka dambeeyay kooxo burcad ah oo la sheegay inay doonayeen inay ka furtaan macawis uu watay, wadaadka oo marayay jid cidlo oo ku beegnaa masaajidkii uu u socday ayay joojiyeen laba dhalinyaro ah oo midi uu watay tooreey, waxayna ku amreen inuu macawista siibo, wuu u furay macawistii isagoo xaggooda u tuuray, waxaana u soo haray dhar ay ka mid yihiin shaarkii uu watay iyo surweel lugo gaab oo uga hooseeyay macawista uu sitay, wuxuuna u sheegay inuusan wadan wax lacag ah oo uu u socday masaajidka. Intaa kaddib waxay ku amreen in dharka kale ee u haray uu siibo, taasoo uu diiday inuu sameeyo, waxayna caloosha kaga dhufteen tooreydii ay wateen wuxuuna wadaadkaasi u geeryooday dhaawicii soo gaaray.  ALLAHA U NAXRIISTO. 

8.   Horraantii bishii Oktoobar ee kal hore ayaa guddoomiyihii Bankiga Al-Barakaat Cabbaas Cabdi Cali lagu dilay deegaanka suuqa xoolaha kaddib markii uu ka soo baxay masaajid uu ku soo tukaday Salaaddii Cishaha, waxaana dilkiisa ka dambeeyay rag ay isku hayb yihiin oo la sheegay inay ka tabanayeen inuu shaqooyin ka casilay, waxaana dilka Cabbaas uu si weyn u saameeyay guud ahaan dadka Soomaaliyeed, waayo wuxuu ahaa guddoomiyihiin bankigii Al-barakaat, wuxuuna ahaa nin inta badan dadku ay yaqaannaan. ALLAHA U NAXARIISTO.  Muddo yar dabadeed dadaal ay sameeyeen maxkamadaha islaaamiga ah ee Muqdisho ay gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiiglihii dilka Cabbaas Cabdi Cali gaystay, isagiina waxaa la marsiiyay sharciga islaamka oo waa la daldalay. 

9.   05/11/2004 ayay ahayd markii ugu dambeysay ee ay koox dabley ahi dhaawac uu markii dambe u geeriyooday u geysteen Jeneraal Maxamed Cabdi Maxamed oo ka yimid masaajid ku yaalla degmada uu deggen yahay ee Shibbis, waxaana Jeneraalka la dhaawacay isagoo albaabka gurigiisa taagan. Dilka loo gaystay Jeneraal Maxamed Cabdi ayaa ahaa dhacdo ka nixiyay inta badan dadka Soomaaliyeed ee ku kala dhaqan gudaha iyo dibadda Soomaaliya. Illaa iyo haatan si toos ah looma garanayo cidda ka dambeysa dilkiisa walow ay dadku sheegayaan inay ka dambeeyeen dad diidan in dalka la keeno ciidammo shisheeye ah oo uu Jeneraalku aad u soo dhaweeyey in ciidamo shisheeye dalka la keeno, waxa uuna Jeneraalka oo ka hadlay keenista ciidammada shisheeyaha ah yiri sidan: “Ciidammo Shisheeye haddii dalka la keeno, ma ahan kuwo fasahaadinaya dadka sida ay qabaan kuwo aan wax badan ka aqoon dhaqanka ciidammada, hana ogaadaan ciidammo haddii dalka la keeno waxay uun degeyaan xeryo loogu talo galay, iyadoo xilliga loo baahan yahay ay qabanayaan shaqooyinka loo diro oo qura”. ALLAHA U NAXRIISTO. 

Isku soo wada duuboo dadka ku xiran Masaajidda ee ay dhibaatooyinku ku dhaceen ayaa tiradoodu gaaraysaa illaa 100-ruux, waxaase aniga oo waqtigu igu yaraa ii suurogashay inaan ka war helo caddad dad ah oo ay dhibaato ku dhacday Kontomeeyo ruux, waxaanan rajeynayaa inaan xilliyada soo socda idiin soo gubinno tirada hartay. Dadkaan ayaa waxay u dhiteen siyaabo kala duwan sida aad horayba ugu soo aragteen qaybaha kore ee qoraalka, waxayna u kala dhinteen: aano qabiil ahaaneed oo loo soo raadsaday, kuwo u dhintay is qabqabsi u dhexeeyay dadka ay ka soo jeedaan iyo kuwo kale oo ay is qoomeen, kuwo u dhintay is jiir dhex maray kooxaha diimaha ee ka jira gudaha Soomaaliya. waxaan ILAAHAY ka baryaynaa inuu isku soo duwo quluubta dadka walaalaha ee muslimiinta ah ummaddana uu xaqa fahamsiiyo. Aamiin……Aamiin……Amiin….Aamiin.

Siyaasiyiinta iyo fikraddooda ku aaddan falalkaan  

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaan iyagu si toos ah uga hadlin dhacdooyinkaan iyo wax ay ka qabaan, waxaase qaar ka mid ah ay sheegeen in dhacdooyinkaan ay ka mid yihiin kuwa sida dabiiciga ah u dhaca oo aan loo baahnayn in la buunbuuniyo, arrintaan ayaa la yaab iyo amakaag ku noqotay inta sama jecel, waxaase dad aan wareystay oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ay ii sheegeen in hadalka ka soo yeeray siyaasiyiintu uu yahay mid ay ku ilowsiinayaan inta niyadda wanaagsan leh dhibaatooyinka ay ka dhex wadaan bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna ii sheegay wiil aqoonyahan ah oo dhawaan jaamacad dhaqaalaha ah kaga soo baxay dalka India oo magaciisa iigu soo koobay C/risaaq: “Runtii dhibaatada ku dhacaysa dadka waxaaba ka weyn midda ku dhacaysa dadka ku xiran masaajidda oo ah cuqubo kale keenina karta inuu RABBI nagu sii fogeeyo dhibka iyo halaaga aan ku jirno, dhan kale Siyaasiyiintu wax dad ah oo ay dan ka leeyihiin ma jirto, waayo waxay moodayaan ruuxii dhaqaaqaba inuu iyaga cadow ku yahay, waxaanan oran karaa waxa dilalka dadka masaajidda ku xiran ka dambeeya waa siyaasiyiinta iyo inta xumaha jecel oo dhan”. 

Culummada iyo fikraddooda ku aaddan falalkaan  

Dhan kale culimada ayaa iyaguna aad uga wel-welsan dhibaatooyinka lala beegsanayo dadka ku xiran masaajidda oo ay ku tilmaameen inay tahay arrin ay ka dambeeyaan dalalka dariska ah qaarkood, waxayna sheegeen culummadu inay tahay arrintaan mid aysan dadka Soomaaliyeed dhaqan u lahayn: “Ummadda Soomaaliyeed waa ummad 100% muslim ah, mana la oran karo ruux Soomaaliyeed oo saafi ah ayaa dadka ku ugaarsanaya masaajidda ee waxaan oran lahaa arrintan waa mid ay ka dambeeyaan kooxo masiixiyiin ah oo dalka dibaddiisa ka soo bixinaya amarrada lagu laynayo Culummada Soomaaliyeed iyo inta kale ee diinta jecel masaajidda ku xiran”. 

Waxaan sidoo kale la kulmay mid ka mid ah culummada Soomaaliyeed oo isna magaciisa iigu soo koobay Sheekh C/llaahi, wuxuuna yiri isagoo ay wejigiisa ka muuqato caro xoog leh: “Laynta dadka masaajidda ku xiran waxay soo billaabtay muddo dheer ka hor, waxaana la laayay culummo fara badan oo Soomaaliyeed, iyadoo la diidan yahay fikradaha ay qabaan ee saliimka ah iyo sida ay ALLE S.W. ugu xiran yihiin, waxaana oran lahaa looguma simin culummada dil keliya, balse waxaa dhacday marmar badan in Culummo inta la qafaashay gacanta loo geliyay Dowlado Kirishtaan ah, waxaana lagu eedeeyay culummadaas inay yihiin Argagaxiso, maya runtii ma ahan argagaxiso ee waa arrin la doonayo in lagu cirib tiro culummada Soomaaliyeed isla markaana la doonayo in laga baabi’iyo diinta islaamka gudaha Soomaaliya”. 

Gabar Wadaad ah oo diiday inay sheegto magaceeda ayaa iyaduna qabta fikrad la mid ah midda uu qabo Sheekh C/llaahi, waxayna tiri: “Runtii ugaarsiga culummadu waa mid lagu carqaladeynayo diinta islaamka iyo dadkeeda, waxaanan ognahay in diintu ay u baahan tahay dad difaaca, marka waxay noqotay in ruuxii xittaa masaajidka ku xiran la dilo, haddaba sidee bay noqon haddii dadku ay isku raacaan jihaad iyo wixii la mid ah ee diinta lagu difaacayo?, waxaan fikrad ahaan qabaa anigu in la leyn lahaa oo nin walaa naag midna laga tageen, waxaanan Soomaalida ku oran lahaa inta ay goori goor tahay tashada oo iska qabta kuwa diintiina iyo culummadiina dhibaatooyinka u geysanaya” waxayna hadalkeeda raacisay “Waxaan Soomaalida oran lahaa waxaad ku sifowdeen reer banii’israa’iil oo kale oo iyagu caadaystay inay culummadooda iyo nebiyadooda dilaan, waadna ogtihiin oo waxayna arrintaas ku mutaysteen TIIH  iyo halaagyo la mid ah, waadna aragtaan meesha aad taagan tihiin haddii aad arrintaan sii waddaanna waxaad dhaxlaysaa kuwaas iyo kuwo la mid ah oo ka sii xanuun baxan”. 

Dhegeyso: Shiikh C/qaadir Nuur Faarax

KULAABO BOGGA HORE EE FAALLADA DECEMBER::::
 

Wabillaahi Towfiiq 

W/D: MAXAMED XUSEEN JICMAALE (JANTIILE)
E-mail: jantiile12@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | December 8, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq




HTML CD