Bididx: Cusmaan Cali, Abshir Ciise, Maxamed Maxamuud
Sawirkan waa saddex kamid ah macallimiina wax kadhiga Edison High
School, Minneapols (Sawir: SOMALITALK.COM)
|
Xaflad aad u heer sareysa oo ay isku soo
dubarideen ardayda Soomaaliyeed ee waxkabarta dugsiga sare ee Edison High School
ayaa galabta
lagu qabtay isla dugsiga Edison. Xafladaas waxa ay ardayda Soomaaliyeed ugu
talagaleen mid dabaaldeg u ah Ciidii xajka ee lasoo dhaafay.
Waxay xafladaas ardaydu ku casumeen
macalimiinta iyo shaqaalaha Iskuulka Edison, waalidiinta ardayda Soomaaliyeed ee
dugsigaas dhigta iyo ardayda Iskuulka.
Waxa ay ardaydu marti sharaftii ku sooreen
cunto Soomaali aad u heer sareysey. Taas oo dadkii halkaas isugu yimid ee
camiray qolka aadka u baaxada weyn ee xaflada lagu qabaney ay muujiyeen sida ay
u jeclaysteen cunta Soomaaliga. Mid kamid ah marti sharafta oo aan su'aal
kaweydiiyey cunta-Soomaaliga sida uu arko, waxa uu ii shegay in uu aad u jeclaystay cuntada ay ardayda Soomaaliyeed goobta keeneen.
Mar aan la kulmay guddoomiyaha guddiga ardayda
dugsiga Edison, Maxamuud Yuusuf, waxa uu ii sheegay in xafladan maanta ay
qabteen ay tahay tii saddexaad oo ay soo qaban qaabiyaan, labadii sano ee tan ka
horeysayna ay soo bandhigeen xaflado caynkan oo kale ah. Maxamuud Yuusuf oo
xusayey qaab dhismeedka gudiga ardayda dugsiga sare ee Edison waxa uu yiri
sannadkiiba hal mar ayaa la doortaa gudiga ururka, waxaa la doortaa madaxweynaha,
kuxigeenkiisa, xoghayaha dhaqaalaha iyo xoghayn.
Xafladdan qabashadeeda waxaa gacan weyn ka
qaatay macallimiinta Soomaaliyeed ee dugsigaas wax ka dhiga kuwaas oo kala ah:
Cusmaan Cali, Abshir Ciise, Maxamed Maxamuud iyo Xassan. Maamulka sare ee
iskuulka waxa ay ardayda u fududeeyeen sidii ay xafladaasi u qabsoomi lahayd
ayadoo weliba ardaydii maanta xaflada qaban qaabineysey lasiiyey fasax maanta ah
si ay hawsha isugu soo dubaridaan, maamulka iskuulka ee ay ardaydu ammaan
ballaaran usoo jeediyeen waxaa ugu horeeya diritoorka dugsiga oo lagu magcaabo
Lawrence Lucio, iyo kuxigeenadiisa oo kala ah Mark, Donna, Michele,
iyo Terry iyo dhammaan shaqaalaha dugsiga.
Maxamuud Yuusuf,Madaxweynaah Ururka
ardayda Soomaaliyeed ee Edison [Edison Somali Students Association],
waxaana lagala xiriiri karaa Email: yusuf0107@yahoo.com |
Marka aad la sheekaysid ardayda dugsiga sare ee
Edison waxaad ka dareemeysaa sida ay diyaarka ugu yihiin in ay waxbartaan,
tacliin toodana heer sare uga gaaraan. Waxaa iigu xiisa badnaa markii aan wiil
dad'iidu aysan ka weyney 16-jir aan weydiiyey waxa uu rabo in uu noqdo marka uu
dhameysto dugsiga sare [insha Allah], waxa uu yiri "waxaan rabaa in aan noqdo Injineer",
waxaadna wiilkaas yar ka dareemeysaa sida uu ugu dhiiran yahay in uu noqdo Injineer. Yididiilo weyn
ayey taasi ku gelineysaa in mustaqbalka ubadkeena qurbaha uu caymo leeyahay.
Dugsiga sare ee Edison waxa uu ardayda
Soomaaliyeed (iyo muslimiinta kale) ee dugsigaas dhigta u fududeeyaa sidii ay
salaada u tukan lahaayeen xilliga ay iskuulka joogaan, taas oo loo qoondeeyey
meel ay ku tukan karaan maalin kasta, maalinta Jimcadana waxaa ardayda loo ogol
yahay in ay aadaan goob ay jamaaco ku tukadaan oo iskuulka u dhow waxaana
fasalada saacadaas salaada Jimcada ardayda tukanaya laga siiyaa fasax si ay usoo
tukadaan oo fasaladooda ugu soo laabtaan marka ay tukadaan. Ardayda Soomaaliyeed waxa ay ii
sheegeen in ay abaal aad u weyn arintaas ugu hayaan maamulka sare ee dusiga
Edison.
Dugsiga sare ee Edison High School waxaa la
asaasay sannadkii 1922kii, waxaana hadda dhigta 300 arday Soomaaliyeed ah,
tiradaas waxaa ii sheegay madaxweynaha ururka ardayda ee dugsiga sare ee Edison.
Tiraas kordheysa ee ardayda Soomaaliyeed waxa ay kor u qaadi doontaa tirada
ardayda ee gelaya jaamacadaha, taas oo hadda Jaamacadda Minnesota ay dhigtaan 150
Soomaali ah.
Toddobaadkii hore ayey ahayd markii ay ardayda
Edison dugsiga kusoo bandhigeen barnaamij dhaqameed ku saabsanaa hidaha iyo
dhaqanka Soomaaliyeed. Barnaamijkaas oo ay ardaydu ku fureen heesii waagii
beri-samaadkii ay Soomaaliya nabada ahayd la qaadi jirey ee hal ku dhegeedu ahaa
"Soomaaliyey toosoo toosoo isku tiirsada'ee", waxa kale oo ay soo
bandhigeen dharkii hidaha iyo dhaqanka ay Soomaalidu u lahaan jireen ilaa
boqolkii sano ee lasoo dhaafay.
Haddaan usoo laabano xafladii galabtay ee
ardayda dugsiga Edison waxay ahayd mid ku dayasho u noqondoonta ardayda kale ee
Soomaaliyeed ee dugsiyada kale ee magaalada Minneapolis maadaama ay ahayd mid
ardaydu ku muujinayeen cunta-dhaqameeda Soomaaliya, iyo sida ay Soomaalidu u
sooraan martidooda.
Soomaali aad u badan ayaa xafladii galabta
kasoo qayb gashay, dadkii indhahaygu qabteena waxaa ka mid ahaa Maxamuud
Wardheere oo ah xubin firfircoon oo kamida jaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan
Minnesota oo lagu tilmaamo jaalida ugu ballaaran Soomaalida ku nool Maraykanka.
Wq. Maxamed Cali
SomaliTalk.com Ediror-in-cheif
webmaster@somalitalk.com ama somalitalk@hotmail.com
March 5, 2003
<><><>LINKS<><><>
Weydii Dr. Math [Ask Dr. Math]
http://mathforum.org/dr.math
Weydii Su'aalaha Sayniska [Ask Science
Questions]
http://www.sciencepage.org/question.htm
Khariidadaha iyo Joqraafiga [Maps and
Geography]
http://www.nationalgeographic.com/resources/ngo/maps/
ARDAYDA SOOMAALIYEEED
EE DHIGTA JAAMACADDA MINNESOTA
150 arday Soomaaliyeed ayaa dhigta Jaamacada Minnesota
HABEENKII SHOWRKA
SOOMAALIDA MINNESOTA
Caruurta
Somaliyeedow Ilaah baad leedihiin
»Maxamuud Wardheere oo waraystay
carruur Soomaaliyeed oo dhigata dugsiyada Minnesota, kuwaas oo sheegay in...
»Jabuuti oo ahayd usbuucii tegay shaacirada ugu waynayd cawaysinka Jay Leno
USA...
»Xukuumadda Bush oo
bedeshay istiraajiyada... GUJI...