SHIRKADDA XAWAALADDA AMAL EXPRESS:  ADEEG DEGDEG AH = 15 DAQIIQO GUDOHOOD

www.Somalitalk.com/amal
 Shirkadda Xawaaladda Degdegga ah ee Amal Express Ent. 

 Assalamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakatuhu:

Shirkadda Xawaaladda Amal Express Ent, waxay dadwaynaha Somaliyeed ugu bishaaraynaysaa in howl qabadkeedii ay kusoo kordhisay nidaam cusub oo salka ku haya deg-deg siinyo iyo adeeg hufan oo kuraali galiya, waxay shirkadda Amal kuu balan qaadaysaa in shaqada ay kuu qabanayso kuugu qabanayso qadar daqiiqado ah , isla markana waxay Amal Express Ent kaa balanqaadaysaa Adeeg hufan oo kuraali gasha.

Amal Express Ent waxay lacagtaada marka aad si caadi ah u dirsato oo aadan bixin khidmad dheerad ah (Extra Commission) oo ah Express, Amal waxay lacataada kuugu gaarsii naysaa halkii aad u rabtay muddo la’eg Laba (2) Saac, Amal Express Ent waxay lacagta EXPRESS ka ahi kuugu gaarsiinaysaa halkii aad u rabtay muddo kusiman Shan iyo Toban (15) daqiiqo, taasi waxay ku tusinaysaa in Amal ay kuu diyaarisay adeeg kuraali galiya oo aad ka maqsuuddo.

Shirkadda Xawaaladda ee Amal Express Ent , waxay taariikhdu markii ay ahayd 01.01.2003 ee Sanadka Cusub wax ka badashay qaab maamulkeedii hore , iyadoo ay shirkadda daraasad cilmiyaysan ay ka dhaxashay howlaha xawaaladda iyo ganacsiga casriga ah, shirkadda oo u danaynaysa mujtamaca ay u adeegayso ayaa waxay Amal Express Ent u diyaarisay dadwaynaha Somaliyeed Maamul aqoon sare u leh Howlaha Xawaaladda iyo Nidaamka Ganacsiga casriga ah.

  • Hadalkaaga Wacan iyo Fikirkaaga Wanagsan
  • Maku Soo simi kartaa Amal Express Ent
  • Amal Ugu Kaalay Adeeg Hufan oo kuraali gasha
  • Amal Waa Shirkaddii aad ku xafidatay
  • Amal Waa shirkadii aad u dirsatay
  • Amal Waa shirkaddii aad ku aamintay Hantidaada
  • Adeeg wacan oo maqsuud kaa yeela ugu imoow Amal Express Ent
  • Dunida meelkasta oo aad kajoogto Amal Ugu kaalay waxa aad jamato.
  • Ku xafido kana qaado Adeeggaaga Amal Express Ent.

Shirkadda Xawaaladda Amal Express Ent ka hirgalisay Sanadkii lasoo dhaafay Magalada Nairobi ee dalka kenya Mashruuc Ganacsiyeed loogu magacdaray Amal Plaza , Mashruucan oo ay Amal ugu talagashay dadwaynaha somaliyeed inay ka faa’iidaystaan ayaa dhismihiisii waxa uu hadda ka bilaabmay Xaafadda East Leight (Islii) ee Magalada Nairobi , Dalka kenya, hadda waxa gacanta lagu hayaa dhagax dhiggii mashruuca, iyadoo dhismihiina uu si habsami ahi u bilaabmay waqtigan , oo uu waliba si habsami ahi shaqadiisii ay u socoto, wixii faahfahin ahi kaqaado WEB PAGE-ka Amal oo ah www.amalbank.com

Amal Express Ent qorshayaasheeda ganacsi laguma soo koobi karo qoraal iyo hadal ogaysiin ah, hasayeshee waxad wixii faahfaahin ah kala soo xariiri kartaa Maamulka Amal Express Ent, iyo qaybta Public Relation Department, adiga oo kala soo xariiraya E-Mailada hoose.

Amal Express Ent waxay ciddii danaynaysa ku wargalinaysaa in Saamiyadii Xawaaladda ay kaharsan tahay wax yar, sidaas darted ciddii doonaysa in ay saami ku darsato Amal Express Ent waxay lasoo xariiri kartaa maamulka shirkadda , waxad kale oo laxariiri kartaa laamaha shirkadda Amal Express Ent meelkasta oo xafiis amal uu kuyaal.

Waxaa kale oo ay shirkadda ogaysiinaysaa in mashruuca Amal Plaza ee Nairobi Kenya isaguna saamigiisu inta ka banaan uu aad u yar yahay, haddaba cid alle iyo ciiddi danaynaysa fadlan lasoo xariir Amal Express Ent xafiisyadeeda ku teedsan dunida dacaladeeda , xafiiska kuugu dhaw.

Waxay shirkadda Amal Express Ent ku wargalinaysaa mujtamaca Somaliyeed inay u diyaarisay Qaab- Xafidaad lacagtaada , tasoo ah Qaabka ay ku dhaqmaan banuukta caalamiga ah oo noqonaya (SAVING ACCOUNT) oo aad helayso Aqoonsi (ID CARD) , oo lagu buuxinayo dhamman macluumadka bangiyada caalamiga ah, sidaas darted ciddii doonaysa in looxafido lacagteda fadlan laxariir meelkasta oo aad ka helayso xafiisyada Amal guud ahaan , DALKA IYO DIBADDABA, qaabka lacagta aad usoo gudbisanayso waxa ay tahay sidan hoose.

A) waxad lacagtada u dhiibi kartaa xafiiska kuugu dhaw ee ay shirkadda Amal leedahay, adiga oo buuxinaya macluumadka lagaaga baahan yahay.

B) Waxad lacagtada si toos ahi ugu soo diri kartaa xarunta Amal Express Ent adiga oo soo gudbinaya Rasiidka bank’ga (Receipt Bank), oo ay ku muujisan tahay cadadka lacagta , iyo waliba xilliga ay lacagta soogalayso A/C’ga Amal;

Dabadeed xarunta ayaa wixii macluumad ahi kaa buuxinaysa, waxana lagu siin doonaa caddayn(ID CARD) uu kamuuqdo (Magacaada, A/C Lambarkada, IWM.

  • Kaqaado, Kuna xafido Amal Express Ent
  • Amal waa Amaano, degsiinyo iyo adeeg hufan
  • Kuugu qabanaysa xawaaladdada
  • Dadkii baahnaa Amal ayaa u kacday
  • Daafaha dunida wixii aad ka diraysaan
  • Aabbo iyo Hooyo iyo Qaraabo kalkaalka
  • Amal ayaa diyaar ah inay kuu sahasho
  • Adeeggaga iyo Amaanadaa halkii aad
  • Doonto dunida amal ayaa kuu gaarsin
  • Dhigo lacagtaada Meel ay lacagi taal.

Wixii faahfaahin ahi Amal Express Ent waxad kala soo xariiri kartaa E-Mailadan Hoose.

Maamulka : mamul@emirates.net.ae
Amal Chiarman : amalchair@hotmail.com
Publicrelation Dept : amalpublicrelation@hotmail.com

Mahadsanidin.

 
Hamoogaan Xafiisyada Amal Express ee Daahada Dunida

IIDHEH: SomaliTalk.com | March 15, 2003

SHIRKADDA XAWAALADDA AMAL EXPRESS:  ADEEG DEGDEG AH = 15 DAQIIQO GUDOHOOD
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
 
Allah Is Great

Lacagta Express-ka ah: Amal Express Ent waxay kuu ballan qadaysaa in aad lacagtada ku hesho in kusiman san iyo toban (15) Daqiiqo Gudahood.
Foomka Saamiga Mashruuca Amal Plaza SooRogo
www.amalbank.com 

Copyright © somalitalk.com. Xuquuqda Boggaan waa xafidantahay.