Sidee Fikradayda ugu Daabacaa Bogga DoodFuran?
Qoraallada
iyo fikradaha dadweynahu waxaa si tooska ah ugu daabaci karaan golaha
DoodFuran, si toos ah ayaad u akhrisan kartaa. Waxaa shardi ah in
qoraalladu yihiin kuwo ku socda qaab asluub, xushmad iyo fikrad saliim
dhiibasho ah.
Wax lagaaga baahan yahay ma jiraan haddii aad
akhrisaneysid fikradaha ku qoran DoodFuran. Laakiin haddii aad rabtid in aad
fikradaada si toos ah u cabbirtid, waa in aad "naanays" (magac gaar kuu
ah) iyo "Fure"ka samaysatid golaha.
Waxaadna ka samaysan
kartaa bogga DoodFuran:
Haddii aad caawinaad u baahatid sidii aad golaha
"Naanays" ama magac kuu gaar ah iyo "Fure" uga samaysan lahayd raac
habkan hoos ku qoran:
1. Booqo bogga:
http://www.somalitalk.com/dood/. Markaas guji linkiga "Register"
ee boggaas dhankiisa sare ee xiga midigta - Eeg sawirka hoose.
2. Markaas baalka soo bixi doona waxa uu ku weydiinayaa in aad
aqbalaysid nidaamka asluubta ee u deggan golaha DoodFuran iyo in
da'daadu ka weyn tahay 13-sano-jir, markaas haddii aad aqbashid guji
linkiga ku haboon - Eeg sawirka hoose meesha ka calaamadsan.
3. Haddii aad aqbashid, markaas baalka soo bixi doona buuxi meelaha ku
habboon si aad u samaysatid naanays ama magac kuu gaar ah iyo fure.
XUSUUSIN: Ha illaawin in aad xarfaha ka muuqan doona bartamaha bogga ee loogu talo
galay hubinta in aad sida ay yihiin u qortid meesha bannaan ee ka hoysa
barta ay ku qoran yihiin. Ogowna meelaha leh callaamadda xiddigta (*)
macneheedu waa shardi in aad buuxisid. Xusuusnow in ay shardi tahay in
aad qortid email sax ah waayo emailkaas ayaa waxaa durbadiiba
computerku kuugu soo diri doonaa link kuu suurta gelinaya in aad golaha
si toos ah wax ugu qori kartid.
4. Markaas guji batoonka
'submit' ee dhanka hoose ee shaashadda. Waxaa soo bixi doona
shaashad ku xusuusineysa in loo bahan yahay in aad furtid emailkaaga.
6. Markaas fur emailkaaga. (Waa emailkaaga caadiga ah ee aad ku buuxisey
meelaha bannaan ee foomka sare) Waxaad durbadiiba heli doontaa email kaaga
timid golaha DoodFuran oo kusoo dhoweneysa. Waxaa emailkaas ku qoran
link ku saabsan sidii aad naanaysta aad samaysatay uga dhigi lahayd mid
shaqaysa. Guji linkigaas.
XUSUUSIN: Haddii aadan gujin linkiga la socda emailka kaaga timid
qaybta DoodFuran (ee kuugu soo dhacday Emailkaaga), markaas bogga
doodfuran qoraalada toos uguma qori kartid.. Marka aad gujisid linkiga
la socda emailka waxaad markaas suurtagal kuu noqon doona in aad
qoraalada toos ugu qori kartid DoodFuran.
7. Waxaa markaas kuu furmi doona golihaha DoodFuran.
8. Markaas guji linkiga dhanka sare ee ay ku qoran tahay "Log in".
Barta Username: ku qor naanaystaadii, sidookale barta Password:
ku qor furahii aad samaysatay. Markaa guji batoonka "Log In" ee
dhanka hoose.
9. Wixii markaas ka dambeya qoraallada si toos ah ayaad ugu qori kartaa
golaha DoodFuran. Haddaba, guji qaybta ama mowduuca aad rabtid in aad u
jawaabtid. Waxaad markaas arki doontaa laba batoon oo ay ku qoran yihiin
"NewTopic" iyo 'Postreply".. Marka haddii aad rabtid in
aad jawaabtid guji batoonka "Postreply", haddiise aad rabtid in aad
adigu mowduuc cusub bilowdid guji "Newtopic".
10. Marka aad dhamaysid akhrinta iyo qorista qoraallada golaha
DoodFuran, markaas haddii computerka aad adeesganeysid uu yaal meel dad
u dhexeeye ah, sida goobaha "Internet Cafee" iwm, inta aadan ka bixin
bogga golaha DoodFuran, guji linkiga dhanka sare ee ay ku qoran tahay "Log
Out [iyo naanaystaada]" si aan qof kale magacaga ama naanaystaada u
adeegsan.
11. Markaas waxaad xubin ka tahay golaha DoodFuran markii aad doontidna
aad qoraaladda kusoo qori kartid, qoraallada waxaa shardi ah in ay
waafaqan asluubta aad aqbashay iyo xeerka u deggan golaha DoodFuran ee
anshax wannaaga iyo doodda hufan.
Xusuusnow wixii markaas
ka dambeeya, marka aad soo booqatid bogga
www.Somalitalk.com/dood/
waxa keliya oo aad u baahnaan doontaa waa 'naanaysta' iyo 'furaha'
aad samaysatay. Haddii aad ilowdid guji linkiga "I forgot my password"
ee ku qoran dhanka hoose ee meesha loogu talo galay furaha iyo
naynaasta. (Eeg sawirka hoose).
Xusuusnow: Waxaa muhiim ah in aad waqtigaaga ku bixisid qoraal ama
fikrad dadka akhritaa ay wax ka faa'iidayaan.
Bahda
SomaliTalk.com waxay kugu soo dhoweynayaan golaha DoodFuran.
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 15, 2008